Garoowe: 31,October,2022: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL, Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay wehliyaan Ku-xigeenka 1-aad Mudane Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Ku-xigeenka 2-aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta shir Guddoomiyey fadhiga 6-aad, Kalfadhiga 51-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.
Fadhiga maanta ayaa waxaa lagu soo gaba-gabeeyey warbixinada Guddiyada Golaha, Waxaana la dhageystay 3 Guddi oo kala ah.
1. Guddiga Amniga & Nabadgalyada.
2. Guddiga Arrimaha Bulshada, Dhaqanka, Warfaafinta & Isgaarsiinta
Warbixin
3. Guddiga Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dimuqraadiyadda.
Warbixin
Guddiyadda ayaa soo jeediyay warbixin la xiriirta dhammaan Kormeerada ay ku tageen Wasaaradaha, Hay’adaha Dawladda iyo socdaalkii U Kuur-gelida Gobolada dalka.
DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland