Fadhiga 7-aad ee Kalfadhiga 51-aad Ansixinta Xubnaha Maxkamadda Sare ( Muuqaalo)

Garoowe, November 01, 2022: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Cabdirishiid Yuusuf Jibriil oo ay weheliyaan ku-xigeenka 1-aad Mudane Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan & Ku-xigeenka 2-aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta shir guddoomiyey fadhigii 7-aad ee kalfadhiga 51-aad.

Ka hor intaan codka kalsoonida loo qaadin ayaa waxaa xubnaha Garsoorka sare lagu hor dhaariyey Mudanayaasha Golaha Wakiillada, iyada oo go’aan gole uu goluhu iskula qaatay maadaama uu dhacay firaaq Dastuuri ahi, sida uu qabo qodobka 132 -aad ee Dastuurka Dawladda Puntland.

Fadhiga oo ay soo xaadireen 54 Xildhibaan, ayaa waxay ku Ansixiyeen xubnaha magacaaban ee Garsoorka Maxkamadda sare ee Dawladda Puntland.

Waxaa cod gacan-taag ah ugu codeeyay Oggol 53 Xildhibaan, Aamus 1, Cid diiday ma jirin.

Waxayna  sidaas ku heleen kalsoonidii & ansixintii Golaha Wakiillada DPL, Waxaana lagu dhaariyey isla fadhigii maanta ee Golaha.

Ansixinta

Taariikhda Xubnaha Maxkamadda sare

Garsoorka Maxkmadda sare ee maanta la ansixiyey oo ka kooban 7-xubnood ayaa kala ah;

1. Xasan Yuusuf Nuur  Guddoomiye
2. Axmed Sheekh Cumar Xasan  Ku xigeen
3. Saciid Axmed Faarax Garsoore
4. Maxamuud Cawad Cumar Garsoore
5. Saciid Maxamuud Maxamed  Garsoore
6. Maxamed Cabdirisaaq Aw Cilmi Garsoore Kayd ah
7. Aadan Axmed Maxamed  Garsoore Kayd ah.

Ugu dambeyn Guddi gaar ah oo loo xilsaaray Curinta Hindise Xeereedka Biyaha Puntland ayaa Golaha usoo gudbiyey warbixin ku saabsan curinta Hindise-Xeereedkan oo muhiim u ah Dawladda Puntland,  waxaana Guddoonka Goluhu uu ku wareejiyey Guddiga Arrimaha Deegaanka & Kheyraadka Dabiici ah Golaha Wakiillada, kuwaas oo Golaha horkeeni doona Isniinta soo socota Nov 07, 2022. Haddii Alle idmo.