Garoowe: March 15, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Abdirashid Yusuf Jibril, oo uu wehliyo ku-xigeenka 2-aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa shir Guddoomiyey fadhiga 9-aad ee Guddiga joogtada ah ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.
Fadhiga maanta ayaa Guddiga Joogtada uga hadleen Amniga Caasimadda Puntland ee Garoowe iyagoo tix-raacaya Fadhigii 6-aad ee Guddiga Joogtada ahi yeesheen ee March 08, 2023, kaas oo ay la yeesheen Wasaaradda Amniga, Taliyaha Ciidanka Booliska, Maamulka Gobolka iyo kan Degmada Garoowe.
Dood iyo falanqayn kadib Guddiga joogtada ah ayaa isla qaatay talo-soojeedin ku addaan wax ka qabashada Amniga Caasimadda Puntland ee Garoowe iyo cabashada ka jirta maxkamadaha Darajada 1-aad, Maxkamadda Rafaanka iyo Xeer-ilaaliyeyaasha Gobollada Puntland, islamarkaana talo-soojeedintaas loogu gudbiyo qoraal Guddiga Sare ee Maamulka Garsoorka iyo Madaxtooyada Puntland, si arrimahaasi wax looga qabto.
Dhinaca kale, Guddiga Joogtada ah ayaa waxay go`aamiyeen in loo yeero Wasiirka Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Puntland, si wax looga weydiiyo arrinta la xiriirta Khidmadda Shatiyada iyo Jaangoynta Canshuuraha ku meel gaarka ah ee khayraadka Macdanta.
DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland