Boosaaso, 27 May 2025 —Qaybta 1-aad Sawirad: Kulanka Golaha Wakiiladda Dawladda iyo Dadweynaha Degmada Boosaaso.
Guddiga Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ee kormeerka shaqo ku jooga Gobolka Bari ayaa caawa kulan muhiim ah la yeeshay bulshada rayidka ah ee gobolka.
Kulankan oo ka dhacay magaalada Boosasso waxaa ka qaybgalay Guddoomiye Kuxigeenka Gobolka Bari, Gudoomiye ku xigeenka degmada Boosasso, xubno ka tirsan Golaha Deegaanka, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
Intii uu socday kulanka, bulshada rayidka ah waxay fursad u heleen in ay su’aalo toos ah weydiiyaan xildhibaannada, kuwaas oo si hufan uga jawaabay su’aalihii iyo tabashooyinkii lasoo jeediyay.
Dhinaca kale, waxaa laga soo jeediyey waxqabadka Golaha Wakillada ee ku aaddan Xeer-dejinta, Korjoogteynta Hay’adaha dawlaha iyo Matelaadda
Kulamada wuxuu qeyb ka yahay dadaallada Golaha Wakiillada Puntland ee lagu xoojinayo isla-xisaabtanka, is-dhexgalka shacabka iyo wakiilladooda, iyo weliba in la helo aragtiyo iyo talooyin toos ah oo ka imaanaya shacabka – kuwaas oo wax ka tari kara hawlaha sharci-dejinta iyo waajibaadka kale ee Golaha.
DHAMMAAD .



