Golaha Wakiillada

Guddiga Arimaha Gudaha, Guddiga xaquuqul Insaanka iyo Guddiga Amniga Golaha Wakiillada DPL.

Boosaaso, October 09,2023: Guddiga Arimaha Gudaha, Guddiga xaquuqul Insaanka iyo Guddiga Amniga Golaha Wakiillada DPL oo Maalmahanba kormeer Shaqo ku jooga Gobolka Bari, ayaa Maanta booqasho ku tagay Dowladda Hoose Degmada Bosaaso iyo Xaruunta Garsoorka Gobolka Bari.

Mudaneyaasha ayaa warbixin dhinacyo badan taabanaysa ka dhagaystay mas’uuliyiinta kala duwan ee halkaasi ku sugnaa, iyagoo sidoo kale Guddiyada la wadaagay waxqabadkoodi, Caqabadaha jira iyo Qorshayaasha hortebinta leh.

Waxa ay sidoo kale Guddiyadu su’aalo kala duwan weydiiyeen mas’uuliyiinta.

Ugu dambeyntii Guddiga ayaa ballanqaaday in warbixinta ay la wadaagi doonaan cid kasta oo ay khuseyso oo ay ugu horreeyaan Golaha Wakiilladu, kuna dadaali doonaan sidii wax looga qaban lahaa baahiyaha kala duwan.

Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta

Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

DHAMMAAD

Scroll to Top