Garoowe: October 10,2023: Guddiga Shuruucda, Caddaaladda, Arrimaha Diinta & Dastuurka Golaha Wakiillada DPL ayaa maanta kormeer ku tagay Wasaaradda Caddaaladda, Arrimaha Diinta, Dhaqancelinta & Dastuurka DPL.
Guddiga ayaa la kulmay Wasiirka Wasaaradda, Wasiiru-dawlaha & Agaasimaha Guud, Waxayna Mudaneyaashu mas’uuliyiintan ka dhagaysteen warbixin ballaaran oo ku saabsan waxqabadka Wasaaradda, Qorsheyaasha iyo Caqabadaha jira.
Sidoo kale, Guddiga ayaa masβuuliyiinta Wasaaradda Cadaaladda weydiiyey suβaalo ku saabsan arrimaha ay ka hadleen.
DHAMMAAD.


