Garoowe: October 14, 2023: Guddiga Arrimaha Bulshada, Dhaqanka, Warfaafinta & Isgaarsiinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Wasaaradda Waxbarashada & Tacliinta Sare ee Dawladda Puntland.
Guddiga ayaa warbixin dhinacyo badan taabanaysa ka dhagaystay mas’uuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada, iyagoo sidoo kale Guddiyada la wadaagay waxqabadkoodi, Caqabadaha jira iyo Qorshayaasha hortebinta leh.
Waxa ay sidoo kale Guddiyadu su’aalo kala duwan weydiiyeen mas’uuliyiinta Wasaaradda.
Ugu dambeyntii Guddiga ayaa ballanqaaday in warbixinta ay la wadaagi doonaan cid kasta oo ay khuseyso oo ay ugu horreeyaan Golaha Wakiilladu, kuna dadaali doonaan sidii wax looga qaban lahaa baahiyaha kala duwan.
DHAMMAAD