Garoowe: October 16, 2023: Guddiga Arrimaha Bulshada, dhaqanka & warfaafinta waxay maanta booqasho ku tageen iskuulka wayn ee Gambool, halkaas oo shaqaaqo ka dhacday 15-october-2023.
Xildhibaannadu waxay la kulmeen, islamarkaana warbixin ka dhegaysteen Guddomiyaha Waxbarashada Gobolka Nugaal iyo qaar kamid ah Guddiga xal u helida Dugsiga sare ee Gambool oo Wasaaraddu ay u magacowday.
Ugu dambeyn, Xildhibaannada ayaa suβaalo ka weydiiyey masβuuliyiinta xal u helida Dugsiga Gambool shaqaaqada dhacday iyo sababta ka dambeysay.
DHAMMAAD


