Garoowe: November, 27,2022: Guddoomiyaha Guddiga arrimaha, bulshada, dhaqanka warfaafinta & isgaarsiinta Golaha Wakiillada DPL Xild. Cabdicasiis Axmed Dhahar ayaa shir guddoomiyey kulan la tashi ah oo Guddigu maanta Aqalka Wakiillada kula yeesheen Agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha Dawladda Puntland.















Guddiga ayaa gacanta ku haya, akhriska 2-aad-na ku samaynaya labo xeer oo kala ah wax-ka-bedelka xeerka howlgabka & liiltirka shaqaalaha rayidka iyo wax-ka-badelka xeerka Shaqaalaha rayidka ah, waxaana agaasimayaasha guud ka dhageysteen aragtidooda ku aadan wax-ka-bedelada xeerarkan.
Xeerarkan oo hada horyaala Golaha Wakiillada ayaa muhiim u ah shaqaalaha Dawladda, waxaana ku cad xuquuqaadkooda, waajibaadkooda iyo marka howl-gabaan xuquuqda ay heli doonaan.
DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland