Garoowe: 22, October, 2022: Guddiga Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dimuqraadiyadda ee Golaha Wakiillada DPL ayaa maanta kormeer ku tegay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland.










Guddiga ayaa kulan la qaatay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda, Agaasimaha Guud iyo hawl-wadannada katirsan Wasaaradda, waxayna Mudaneyaashu mas’uuliyiintan ka dhegeysteen warbixin ku saabsan waxqabadka Wasaaraddu u xilsaaran tahay ee Dastuuriga ah, Qorsheyaasha iyo Caqabadaha jira.
Ugu dambeyntii, guddiga ayaa bogaadiyey shaqooyinka ay gacanta ku hayso Wasaaradu, kulana dar-daarmay in la gaarsiiyo adeegyada ay bixiso Wasaaradu dhammaaan deegannada Puntland.
DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland