Ku-simaha Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Ahna Guddoomiye ku-xigeenka 2aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa si rasmi ah u soo xiray Aqoon-kororsi ku saabsan Mabaa’dida Xuquuqda Aadanaha ee heer Qaran iyo Heer Caalami oo ay ka mid yihiin heshiisyadda iyo axdiyadda, kaas oo ay soo qaban-qaabiyey Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland.
Ku-simaha Guddoomiyaha Ahna Guddoomiye Ku-xigeenka 2aad ee Golaha Wakiillada ayaa sheegay in Aqoon-kororsiga uu muhiimad weyn u yahay xoojinta Xuquuqda Aadanaha.
Dhinaca kalena, Mudayaasha Golaha Wakiillada ayaa su’aalo ka weydiiyey difaaca xuquuqda Aadanaha dhammaan dhacdooyinkii ka dhacay, iyadda oo arrimaha intooda badan la isla qaatay.
Aqoon-kororsiga ayaa waxaa qeyb ka ahaa Xoghayaha Guud ee Golaha Mudane Cabdirisaaq Xiddig Warsame, Agaasimeyaal iyo Hawl-wadeeno ka tirsan Golaha Wakiillada.
Guddoomiyaha Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland Mudane, Saciid Cabdi Muumin ayaa uga mahadceliyey Ku-simaha Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Ahna Guddoomiye ku-xigeenka 2aad, Xildhibaanada iyo dhammaan Hawl-wadeena Golaha sida wanaagsan oo ay uga qeyb-galayeen aqoon-kororsiga.
Inta uu socday Aqoon-kororsiga ayaa loogu soo bandhigay isbar-bardhiga Dastuurka JFS iyo Dastuurka Dawladda Puntland ee Xuquuqda Aadanaha, xeerarka dalka, xeerarka caalamiga ah dhammaan shuruucdaha la xiriira Xuquuqda Aadanaha.
Halkaan ka daawo Muuqaal & Sawiro




DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland