Golaha Wakiillada

Wareejinta Qodaalka iyo qalabeynta ceelka Qalwo ee Xil. Sharmarke Cali

Xildhibaan Sharmarke Cali Cilmi oo ka tirsan Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa ka qeyb-galay munaasibadda wareejinta Qodaalka iyo qalabeynta ceelka Qalwo, Degmadda Qardho ee Gobolka Karkaar.

Waxaa Xildhibaanka kala qeyb-galay masuuliyiin ka tirsan Xukumadda, maamulka Gobolka Karkaar, kan Degmadda Qardho, maamulka degaanka Qalwo, iyo qaar ka mid ah odayaasha degaanka.

Ceel biyood laga hirgeliyay deegaanka Qalwo ee Degmada Qardho ayaa waxaa ka faa’ideysan doona In ka badan 20 kun oo qoys oo ku nool deegaankaas iyo deegaanada hoos yimaada ee miyiga ah, waxaa hirgelisay Dawladda Puntland.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Scroll to Top