Golaha Wakiillada

November 2022

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa sagootiyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka ( MUUQAAL)

Garoowe: 06, November,2022: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL, Mudane Cabdirishiid Yuusuf Jibriil ayaa maanta sagootiyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS, Mudane Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo maalmahan safar shaqo ku joogay Puntland. Munaasabadda sagootinta oo ka dhacday garoonka diyaaradaha ayaa waxaa ka qayb galay Xildhibaanno ka tirsan Puntland & DFS, Xoghayaasha guud ee Baarlamaanada Puntland & Golaha Shacabka Soomaaliya iyo Saraakiil kale. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa uga mahadceliyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland sidii wanaagsanayd ee loo soo dhaweeyey, loona maamuusay intii joogeen Garoowe. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelintaGolaha Wakiillada Dawladda Puntland

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa sagootiyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka ( MUUQAAL) Read More »

Golaha Wakiillada oo qado-sharaf u sameeyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ( Muuqaal)

Garoowe 05, November,2022: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL, Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan & Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta ka qayb galay Qado Sharafeed loogu sameeyey Beeraha Garoowe Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS, Mudane Aadan Maxamed Nuur oo ay wehliso Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar. Qado Sharafta oo Golaha Wakiilladu ku maanuusay weftiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee maalmahan safar shaqo ku joogay Garoowe ayaa waxaa ka qayb-galay Xildhibaanno ka tirsan DFS & Puntland, Senataro ka tirsan Aqalka sare, Xoghayaasha guud Baarlamanada Puntland & Golaha Shacabka, Duqa Garoowe iyo Howl-wadeenno ka tirsan Baarlamaanada Puntland & DFS. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelintaGolaha Wakiillada Dawladda Puntland

Golaha Wakiillada oo qado-sharaf u sameeyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ( Muuqaal) Read More »

Guddoonka Golaha Shacabka Federalka ayaa booqasho ku yimi Aqalka Wakiillada ( SAWIRO)

Garoowe 05,November,2022: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL, Mudane Cabdirishiid Yuusuf Jibriil ayaa maanta Aqalka Wakiillada ku soo dhaweeyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS, Mudane Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wefti uu hoggaaminayo oo maalmahan ku sugan Puntland. Munaasabada soo dhaweynta waxaa ka qayb-galay Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Golaha Wakiillada Puntland Mudane Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan, Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame, Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Golaha Shacabka BFS Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow iyo Xildhibaanno ka kala tirsan DFS & Puntland. Madaxda ayaa kormeeray Xafiisyada kala duwan ee Aqalka Wakiillada Puntland oo uu ku jiro Hoolka weyn ee Baarlamaanka. Guddoomiyaha Golaha Shacabka DFS ayaa ku bogaadiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland shaqada muuqata oo ku soo kordhiyey Aqalka Wakiillada oo ay ku jiraan xafiisyo cusub oo loogu talagalay Guddiyada & Howl-wadeenada, si loo fududeeyo, loona casriyeeyo shaqada Baarlamaanka Puntland. Ugu dambeyn, Madaxda Goleyaasha Federalka & Puntland ayaa yeeshay shir gaar ah oo ay uga arinsanayaan sii xoojinta wada shaqeynta labada dhinac. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Guddoonka Golaha Shacabka Federalka ayaa booqasho ku yimi Aqalka Wakiillada ( SAWIRO) Read More »

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada & Guddoomiyaha Shacabka oo la caweeyey Shacabka ( SAWIRO)

Garoowe 05,November,2022: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL, Mudane Cabdirishiid Yuusuf Jibriil & Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS, Mudane Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xalay bulshada kula caweeyey Martisoor Hotel. Madaxda ayaa wakhti kula qaatay halkaasi dad kala duwan, waxaana ku wehlinayey Xildhibaanno ka tirsan DFS & Puntland, Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka iyo Saraakiil kale. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada & Guddoomiyaha Shacabka oo la caweeyey Shacabka ( SAWIRO) Read More »

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada & Madaxweyne ku-xigeenka oo booqday Guddoomiyaha Golaha Shacabka ( SAWIRO)

Garoowe: 04, November, 2022: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane Cabdirishiid Yuusuf Jibriil & Madaxweyne ku-xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan ayaa maanta booqasho salaan ah ugu tagay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya, Mudane Aadan Maxamed Nuur, hoyga uu ka degan yahay qasriga Madaxtooyada Garoowe, halkaas oo kulan ku yeesheen madaxdu. Kulanka oo ahaa kala warqaadasho ayey madaxdu ku gorfeeyeen xaalada guud ee Soomaaliya iyo mida Puntland, waxaana madaxda oo ay wehliyaan masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan Goleyaasha Puntland iyo Federalka ay kala qayb galeen tobanaan dad ah tukashada Salaada jimcaha, taas oo ka qabsoontay masaajidka Shuhadada ee ku yaala Madaxtooyada Garoowe. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada & Madaxweyne ku-xigeenka oo booqday Guddoomiyaha Golaha Shacabka ( SAWIRO) Read More »

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS oo soo gaaray Garoowe ( Muuqaal)

Garoowe, November 03,2022: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL, Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa Garoowe ku soo dhaweeyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS ahna ku-simaha Madaxweynaha JFS, Mudane Sh.Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wefti uu hoggaaminayo oo kasoo kicitimay Muqdisho. Munaasabada Soo dhaweynta oo ka dhacday Garoonka Diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ayaa sidoo kale waxaa qayb galay Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Golaha Wakiillada DPL Mudane Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan, Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame, Guddoomiyaha Gobolka Nugaal, Duqa Garoowe, Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada DPL, Wasiiro ka tirsan Golaha Xukuummada Puntland, Xildhibaanno kamid ah DFS, Saraakiil & dadweyne kale. Safarka Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS uu ku yimid Puntland waxaa ku wehliya Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka BFS, iyadoo inta Garoowe joogaan ka shaqeyn doonaan nidaaminta Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka, Waxaana sanadihii hore shirarkan lagu qaban jiray dalka dibadiisa. Weftiga Guddooniyaha Golaha Shacabka ayaa markii ay soo degeen waxaa loo gudbiyey qaybta nasiinada ee Garoonka, halkaas oo ay kula hadleen Warbaahinta, iyagoo faah faahin ka bixiyey safarkooda iyo mudada uu qaadan doono. Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland oo soo dhaweeyey weftiga ayaa uga warbixiyey xaalada Puntland oo ah mid wanaagsan, isagoo sheegay inta ay joogan Garoowe weftiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka ay ku marti qaadi doonaan kalfadhiga 51-aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo socda xilligan. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS oo soo gaaray Garoowe ( Muuqaal) Read More »

Curinta Hindise Xeereedka Biyaha Puntland ( MUUQAAL)

Guddi gaar ah oo loo xilsaaray Curinta Hindise Xeereedka Biyaha Puntland ayaa Golaha usoo gudbiyey warbixin ku saabsan curinta Hindise-Xeereedkan oo muhiim u ah Dawladda Puntland,. Guddoonka Goluhu ayaa ku wareejiyey Guddiga Arrimaha Deegaanka & Kheyraadka Dabiici ah Golaha Wakiillada, kuwaas oo Golaha horkeeni doona Isniinta soo socota Nov 07, 2022. Haddii Alle idmo.

Curinta Hindise Xeereedka Biyaha Puntland ( MUUQAAL) Read More »

Fadhiga 7-aad ee Kalfadhiga 51-aad Ansixinta Xubnaha Maxkamadda Sare ( Muuqaalo)

Garoowe, November 01, 2022: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Cabdirishiid Yuusuf Jibriil oo ay weheliyaan ku-xigeenka 1-aad Mudane Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan & Ku-xigeenka 2-aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta shir guddoomiyey fadhigii 7-aad ee kalfadhiga 51-aad. Ka hor intaan codka kalsoonida loo qaadin ayaa waxaa xubnaha Garsoorka sare lagu hor dhaariyey Mudanayaasha Golaha Wakiillada, iyada oo go’aan gole uu goluhu iskula qaatay maadaama uu dhacay firaaq Dastuuri ahi, sida uu qabo qodobka 132 -aad ee Dastuurka Dawladda Puntland. Fadhiga oo ay soo xaadireen 54 Xildhibaan, ayaa waxay ku Ansixiyeen xubnaha magacaaban ee Garsoorka Maxkamadda sare ee Dawladda Puntland. Waxaa cod gacan-taag ah ugu codeeyay Oggol 53 Xildhibaan, Aamus 1, Cid diiday ma jirin. Waxayna  sidaas ku heleen kalsoonidii & ansixintii Golaha Wakiillada DPL, Waxaana lagu dhaariyey isla fadhigii maanta ee Golaha. Ansixinta Garsoorka Maxkmadda sare ee maanta la ansixiyey oo ka kooban 7-xubnood ayaa kala ah; 1. Xasan Yuusuf Nuur  Guddoomiye2. Axmed Sheekh Cumar Xasan  Ku xigeen3. Saciid Axmed Faarax Garsoore4. Maxamuud Cawad Cumar Garsoore5. Saciid Maxamuud Maxamed  Garsoore6. Maxamed Cabdirisaaq Aw Cilmi Garsoore Kayd ah7. Aadan Axmed Maxamed  Garsoore Kayd ah. Ugu dambeyn Guddi gaar ah oo loo xilsaaray Curinta Hindise Xeereedka Biyaha Puntland ayaa Golaha usoo gudbiyey warbixin ku saabsan curinta Hindise-Xeereedkan oo muhiim u ah Dawladda Puntland,  waxaana Guddoonka Goluhu uu ku wareejiyey Guddiga Arrimaha Deegaanka & Kheyraadka Dabiici ah Golaha Wakiillada, kuwaas oo Golaha horkeeni doona Isniinta soo socota Nov 07, 2022. Haddii Alle idmo.

Fadhiga 7-aad ee Kalfadhiga 51-aad Ansixinta Xubnaha Maxkamadda Sare ( Muuqaalo) Read More »

Scroll to Top