Golaha Wakiillada

October 2023

Guddiga Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyadda ee Golaha Wakiillada Dowlada Puntland

Garoowe, October 21, 2023: Guddiga Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyadda ee Golaha Wakiillada ayaa maanta xarunta Golaha ugu yeeray mas’uuliyiinta Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka. Shirka ayey Guddigu ku dhageysteen warbixin ku saabsan shaqooyinka Wasaaraddu u hayso dadweynaha reer Puntland, caqabadaha jira iyo waxyaabaha u qabsoomay, iyadoo warbixintaasi kadib Guddigu su’aalo ka weydiiyeen mas’uuliyiinta Wasaaradda arrimaha ay ka hadleen. Ugu dambeyntii, Xildhibaannada ayaa sheegay in warbixino ku saabsan korjoogtayn ay mudooyinkan Guddigu wadeen ay horgeyn doonaan Kalfadhiga guud ee Baaralamaanka. DHAMMAAD

Guddiga Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyadda ee Golaha Wakiillada Dowlada Puntland Read More »

Guddiga arrimaha Degaanka & kheyraadka dabiiciga ah ee Golaha Wakiillada DPL

Garoowe: October 21, 2023: Guddiga arrimaha Degaanka & kheyraadka dabiiciga ah ee Golaha Wakiillada DPL ayaa maanta warbixin ka dhageystay Wasiirka & Wasiir-Dawlaha Wasaararadda Kaluumaysiga iyo Kheyraadka badda. Xildhibaannada ayey uga warbixiyeen shaqooyinka socda ee ay ay wado Wasaaraddu, waxyaabaha u qaab-soomay iyo caqabadaha jira. Sidoo kale, Guddiga ayaa su’aalo ka weydiiyay arrimaha ay ka hadleen masuuliyiinta Wasaaraddu. DHAMMAAD

Guddiga arrimaha Degaanka & kheyraadka dabiiciga ah ee Golaha Wakiillada DPL Read More »

Guddiga Shuruucda & Caddaaladda golaha wakiillada dowlada puntland

Garoowe, October 19, 2023: Guddiga Shuruucda & Caddaaladda ayaa maanta warbixin ka dhageystay Guddoomiyaha Maxkamadda ciidamada qalabka sida iyo denbiyada culus ee Dawladda Puntland. Kulan ka qabsoomay Aqalka Wakiillada ayey mas’uuliyiinta maxkamaddu sharaxaad kaga bixiyeen habka shaqadu u socoto iyo caqabadaha jira. Ugu dambeyn, Xildhibaannada ayaa mas’uuliyiinta Maxkamadda weydiiyey su’aalo ku saabsan arrimaha ay ka hadleen iyo shaqada ay gacanta ku hayaan. DHAMMAAD

Guddiga Shuruucda & Caddaaladda golaha wakiillada dowlada puntland Read More »

GUDDIGA SHURUUCDA & CADDAALADA OO MAANTA BOOQDAY XARUNTA MAXKAMADDA SARE.

Garoowe, October 17, 2023: Guddiga Shuruucda & Caddaaladda Golaha Wakiillada ayaa la kulmay Guddoomiyaha Maxkamadda sare iyo xubno kale oo ka tirsan Guddiga sare ee Maamulka Garsoorka, iyagoo ka dhagaystay warbixin la xiriirta waxqabadkoodii iyo caqabadaha jira. Sidoo kale Xildhibaannada ayaa mas’uuliyiinta weydiiyey su’aalo ku saabsan arrimaha ay ka hadleen oo ku aadan horumarinta garsoorka puntland, sarreynta sharciga iyo xalinta cabashooyinka caddaalad darro ee ka imaanaya dadweynaha ku dhaqanka Puntland. Kormeerka ayaa qeyb ka ah shaqooyinka Guddiyadda Golaha Wakiillada DPL, waxaana warbixintooda ay ku soo bandhigaan fadhiga guud ee Golaha. DHAMMAAD

GUDDIGA SHURUUCDA & CADDAALADA OO MAANTA BOOQDAY XARUNTA MAXKAMADDA SARE. Read More »

GUDDIGA ARRIMAHA BULSHADA OO MAANTA BOOQDAY DUGSIGA SARE EE GAMBOOL.

Garoowe: October 16, 2023: Guddiga Arrimaha Bulshada, dhaqanka & warfaafinta waxay maanta booqasho ku tageen iskuulka wayn ee Gambool, halkaas oo shaqaaqo ka dhacday 15-october-2023. Xildhibaannadu waxay la kulmeen, islamarkaana warbixin ka dhegaysteen Guddomiyaha Waxbarashada Gobolka Nugaal iyo qaar kamid ah Guddiga xal u helida Dugsiga sare ee Gambool oo Wasaaraddu ay u magacowday. Ugu dambeyn, Xildhibaannada ayaa su’aalo ka weydiiyey mas’uuliyiinta xal u helida Dugsiga Gambool shaqaaqada dhacday iyo sababta ka dambeysay. DHAMMAAD

GUDDIGA ARRIMAHA BULSHADA OO MAANTA BOOQDAY DUGSIGA SARE EE GAMBOOL. Read More »

Guddiga Arrimaha Bulshada, Dhaqanka, Warfaafinta & Isgaarsiinta Golaha Wakiillada DPL.

Garoowe: October 14, 2023: Guddiga Arrimaha Bulshada, Dhaqanka, Warfaafinta & Isgaarsiinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Wasaaradda Waxbarashada & Tacliinta Sare ee Dawladda Puntland. Guddiga ayaa warbixin dhinacyo badan taabanaysa ka dhagaystay mas’uuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada, iyagoo sidoo kale Guddiyada la wadaagay waxqabadkoodi, Caqabadaha jira iyo Qorshayaasha hortebinta leh. Waxa ay sidoo kale Guddiyadu su’aalo kala duwan weydiiyeen mas’uuliyiinta Wasaaradda. Ugu dambeyntii Guddiga ayaa ballanqaaday in warbixinta ay la wadaagi doonaan cid kasta oo ay khuseyso oo ay ugu horreeyaan Golaha Wakiilladu, kuna dadaali doonaan sidii wax looga qaban lahaa baahiyaha kala duwan. DHAMMAAD

Guddiga Arrimaha Bulshada, Dhaqanka, Warfaafinta & Isgaarsiinta Golaha Wakiillada DPL. Read More »

Guddiga Shuruucda, Caddaaladda, Arrimaha Diinta & Dastuurka Golaha Wakiillada DPL.

Garoowe: October 14, 2023: Guddiga Shuruucda, Caddaaladda, Arrimaha Diinta & Dastuurka Golaha Wakiillada DPL ayaa maanta booqasho shaqo ku tagay Hay’adda Foreensik-Sayniska Puntland. Guddiga ayaa warbixin ka dhageystay maamulka xarunta, taas oo ku saabsan waxqabadkoodii muddadii la soo dhaafay, caqabadaha jira iyo qorsheyaasha u degsan, iyadoo Hay’addu ay ka shaqeyso baarista cilmiyeed ee dembiyada. Ugu dambeyntii, Guddiga ayaa hay’adda uga mahadceliyey shaqada baaxadda leh ee ay u hayaan shacabka reer Puntland iyo ummadda Soomaaliyeed. DHAMMAAD

Guddiga Shuruucda, Caddaaladda, Arrimaha Diinta & Dastuurka Golaha Wakiillada DPL. Read More »

Guddiga Amniga & Nabadgalyada Golaha Wakiillada DPL.

Garoowe: October 12, 2023: Guddiga Amniga & Nabadgalyada Golaha Wakiillada DPL ayaa maanta shir kula yeeshay habka fogaan araga Louise Khabure oo ah khabiir sare oo qaabilsan qiimeynta barnamijka wadashaqeynta Booliska (JPP). Guddiga iyo khabiirka ayaa iska xog wareystay arrimo ay kamid yihiin sidii loo sii xoojin lahaa mashruuca (JPP) iyo In lagu saleeyo baahiyaha ay qabaan Ciidanka Booliska Puntland. Sidoo kale Guddiga ayaa khabiirka la wadaagay talooyin ku saabsan horumarinta mashruuca iyo doorka ay ku yeelanayaan Baarlamaanku. DHAMMAAD

Guddiga Amniga & Nabadgalyada Golaha Wakiillada DPL. Read More »

Guddiga Shuruucda, Caddaaladda Arrimaha Diinta & Dastuurka Golaha Wakiillada DPL.

Garoowe: October 11, 2023: Guddiga Shuruucda, Caddaaladda Arrimaha Diinta & Dastuurka Golaha Wakiillada DPL ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta DPL. Guddiga ayaa warbixin ka dhageystay ku-simaha Taliyaha Guud ee Ciidanka Asluubta DPL iyo Saraakiisha kale ee Taliskaasi, waxayna warbixintani la xidhiidhaa waxqabadka Taliskan, xaaladda Xabsiyada Puntland, Maxaabiista ku xiran iyo Caqabadaha jira. Guddiga ayaa ballanqaaday inay baahiyaha Asluubta ay horgeyn doonaan Golaha Wakiillada marka uu furmo Kalfadhigu, sidoo kalana u gudbin doonaan cid kasta oo wax qaban karta. DHAMMAAD.

Guddiga Shuruucda, Caddaaladda Arrimaha Diinta & Dastuurka Golaha Wakiillada DPL. Read More »

Guddiga Shuruucda, Caddaaladda, Arrimaha Diinta & Dastuurka Golaha Wakiillada DPL.

Garoowe: October 10,2023: Guddiga Shuruucda, Caddaaladda, Arrimaha Diinta & Dastuurka Golaha Wakiillada DPL ayaa maanta kormeer ku tagay Wasaaradda Caddaaladda, Arrimaha Diinta, Dhaqancelinta & Dastuurka DPL. Guddiga ayaa la kulmay Wasiirka Wasaaradda, Wasiiru-dawlaha & Agaasimaha Guud, Waxayna Mudaneyaashu mas’uuliyiintan ka dhagaysteen warbixin ballaaran oo ku saabsan waxqabadka Wasaaradda, Qorsheyaasha iyo Caqabadaha jira. Sidoo kale, Guddiga ayaa mas’uuliyiinta Wasaaradda Cadaaladda weydiiyey su’aalo ku saabsan arrimaha ay ka hadleen. DHAMMAAD.

Guddiga Shuruucda, Caddaaladda, Arrimaha Diinta & Dastuurka Golaha Wakiillada DPL. Read More »

Scroll to Top