Golaha Wakiillada

Booqasho D. Doorasho

Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ayaa booqday xarunta cusub ee Bangiga Dawladda Puntland ee ku yaalla Boosaaso

Boosaaso, Oktoobar 14, 2024 – Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Mudane Hon Mohamed Baarri Shire, ayaa maanta booqday xarunta cusub ee Bangiga Dawladda Puntland ee ku yaalla Boosaaso. Intii uu kormeerku socday, wafdiga ayaa kulan la yeeshay masuuliyiinta Bangiga, kuwaas oo faahfaahin ka bixiyay shaqooyinka qabsoomay iyo kuwa qorsheysan ee xarunta. Masuuliyiinta Bangiga ayaa soo bandhigay horumarka ay ku tallaabsadeen iyo qorshayaasha mustaqbalka ee lagu ballaarinayo adeegyada Bangiga. Guddoomiye ku-xigeenka ayaa ku booriyay madaxda Bangiga in ay sii dardargeliyaan adeegyada ay bulshada u hayaan, si loo hubiyo in Bangigu uu si habsami leh u shaqeeyo, loona horumariyo adeegyada maaliyadeed ee lagu taageerayo koboca dhaqaalaha Puntland. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta, Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ayaa booqday xarunta cusub ee Bangiga Dawladda Puntland ee ku yaalla Boosaaso Read More »

Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada.

oosaaso, Oktoobar 11, 2024 – Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Mudane Hon Mohamed Baarri Shire, oo ay weheliyaan xildhibaanno iyo wasiirro ka tirsan Dawladda Puntland, ayaa maanta ka qeyb-galay kulan muhiim ah oo looga hadlayay horumarinta iyo amniga degmooyinka Gobolka Bari. Shirkan oo ka dhacay magaalada Boosaaso, ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa amniga iyo horumarinta deegaanada ay deggen yihiin beelaha Cali Saleebaan, gaar ahaan magaalooyinka Boosaaso, Carmo, Qandala, Balidhidin, iyo Isku-shuban. Madasha waxaa ka soo qeyb-galay Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil, Suldaan Mursal Muuse Koonte, iyo madax kale oo ka tirsan goleyaasha Dawladda Puntland, kuwaas oo shirkan uga qayb galay sidii talooyin wax-ku-ool ah loogu biirin lahaa qorshayaasha horumarinta gobolka. Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada, Mudane Hon. Mohamed Baarri Shire, oo hadal ka jeediyay fadhiga, ayaa ku dhiirrigeliyay beelaha Cali Saleebaan inay door muhiim ah ka qaataan horumarinta deegaanadooda, isagoo si gaar ah u xusay muhiimada ay leedahay wada shaqeynta shacabka iyo hay’adaha dawladda si loo xaqiijiyo amni waara iyo horumar joogto ah. Sidoo kale, xubnihii kale ee ka hadlay madasha ayaa tilmaamay sida beelaha Cali Saleebaan ay diyaarka ugu yihiin inay la shaqeeyaan Dawladda si looga mira dhaliyo mashaariicda horumarineed iyo xoojinta nabadda, iyagoo ka qaybqaadan doona dadaallada ku wajahan horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada. Fadhigan ayaa qeyb ka ah dadaallo ballaaran oo ay Dawladda Puntland ka waddo gobolka Bari, kaas oo ujeedadiisu tahay xoojinta amniga iyo horumarinta degmooyinka, iyadoo sidoo kale qorshuhu yahay in la dar-dargeliyo mashaariicda horumarineed iyo taageerada bulshada ku nool deegaanadaasi. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada. Read More »

Kormeer shaqo dekedda magaalada boosaaso.

Boosaaso, October 06, 2024 – Wafdiga uu hoggaaminayo Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Mudane Hon Mohamed Baarri Shire, ayaa maanta kormeer shaqo ku tegay Dekedda Boosaaso, oo ah mid ka mid ah ilaha ugu muhiimsan ee dhaqaale ee dalka. Intii uu kormeerku socday, wafdiga ayaa booqday qaybaha kala duwan ee dekedda oo ay ka socdaan hawlo dhismo iyo horumarineed. Guddoomiye ku-xigeenka iyo wafdigiisa waxay warbixin ka dhageysteen masuuliyiinta Wasaaradda Dekedaha Puntland, kuwaas oo xaqiijiyay in shaqada dekedda ay si habsami leh u socoto, iyadoo ay ku xiran yihiin maraakiib badan oo adeegyo ganacsi kala duwan wadda. Masuuliyiinta Dekedda ayaa tilmaamay in dekedda la ballaariyay, isla markaana ay sii socoto shaqooyinka horumarineed, taas oo ka dhigaysa dekedda mid awood u leh in ay wax weyn ka qabato baahiyaha ganacsi ee Puntland. Dekedda Boosaaso ayaa door muhiim ah ka qaadata kobaca ganacsiga gobolka, gaar ahaan soo dejinta iyo dhoofinta badeecooyinka muhiimka ah. Kormeerka wafdiga ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xaqiijinayo in dekedda ay sii ahaato mid casri ah oo u adeegi karta baahiyaha ganacsi ee Puntland iyo guud ahaan gobolka. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta, Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Kormeer shaqo dekedda magaalada boosaaso. Read More »

Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Puntland,ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Nabadoonada Gobolka Bari

Boosaaso, September 26, 2024 – Wefdiga uu hoggaaminayo Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Puntland, Mudane Hon Mohamed Baarri Shire, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Nabadoonada Gobolka Bari. Kulankan oo qayb ka ah socdaalka ballaaran ee wefdigu ku marayaan gobollada Karkaar, Bari iyo.Raascasayr ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray horumarinta adeegyada bulshada iyo suggidda amniga ee Gobolka Bari. Intii lagu guda jiray shirka, waxaa si qoto dheer looga hadlay xaaladda amniga ee gobolka, iyadoo la isku raacay muhiimadda ay leedahay in si dhow loo shaqeeyo si loo xoojiyo nabadda iyo la dagaalanka falalka amni-darrada ah. Sidoo kale, Nabadoonada iyo wefdiga ayaa isla gartay in kor loo qaado iskaashiga bulshada iyo hay’adaha dawladda si loo gaarsiiyo adeegyada aasaasiga ah ee bulshada sida caafimaadka, Korontada. waxbarashada, iyo biyaha nadiifta ah. Wefdiga uu hoggaaminayo Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ayaa intaa ku daray inay diyaar u yihiin inay taageeraan qorshayaasha lagu horumarinayo adeegyada bulshada iyo kuwa amniga, iyagoo balanqaaday inay si dhow ula shaqeyn doonaan bulshada deegaanka iyo odayaasha dhaqanka si loo xaqiijiyo guulaha la higsanayo. Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada socdaalka wefdigu ku marayaan gobollada Bari iyo Karkaar, iyagoo ku hawlan qiimeynta adeegyada bulshada, xoojinta nabadgelyada, iyo isku-xirka bulshada iyo dowladda si loo abuuro jawi horumarineed oo waara. – DHAMMAAD – Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Puntland,ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Nabadoonada Gobolka Bari Read More »

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa dhagax dhigay waddo.

Buraan, Sep 19, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane Hon Abdirisak Ahmed Said iyo wefti uu hoggaaminayo ee Ku sugan Degmada Buraan ayaa Saaka dhagax dhigay Waddo 63 KM ah oo isku xiridoonta Buraan iyo Carmo, tasoo wax taridoonta isu socodka gaadiidka iyo kaabayaasha dhaaalaha. Sidoo kale waxay kormeer ku tageen Dugsigii hore ee Degmada Buraan. =DHAMMAAD= Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa dhagax dhigay waddo. Read More »

Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Golaha Wakiillada iyo wefti uu hoggaaminayo oo lakulmay bulshada degmada buursaalax.

Bursaalax, Agoosto 29, 2024: Weftiga Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Maxamuud Ciise ayaa maanta gaaray Degmada Bursaalax, iyagoona kulan la qaatay qaybaha kala duwan ee Bulshada sida Odoyaasha, Nabadoonnada, Dhalinyarada, Haweenka iyo Xildhibaanada la doortay ee Golaha Deegaanka Degmadaasi. Kulanka dhexmaray weftiga ka socda Dawladda Puntland & Bulshada Bursaalax ayaa looga hadlay dhismaha Golaha Deegaanka Magaaladaasi, iyadoo lasoo bandhigay caqabadaha jira islamarkaana ay tahay in laga gudbo. Socdaalka Guddoomiye Awoowe ee Degmada Bursaalax ayaa waxaa ku wehliyey Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada, Wasiiro kamid ah Xukuummada waxaa soo dhaweeyey qaybaha kala duwan ee Bulshada Bursaalax iyo Xildhibaanada la doortay ee Golaha Deegaanka. DHAMMAAD.

Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Golaha Wakiillada iyo wefti uu hoggaaminayo oo lakulmay bulshada degmada buursaalax. Read More »

Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Golaha Wakiillada DPL

Qardho, Luuliyo 15, 2024: Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Golaha Wakiillada DPL Mudane Maxamed Baari Shire oo ay wehliyaan Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada ayaa maanta Kormeer iyo xog waran guud ku soo maray Magaalada Qardho. Weftiga Guddoomiye ku-xigeenka Baarlamaanka waxaa ku soo dhaweeyey Qardho Guddoomiyaha Gobolka Karkaar, Duqa Degmada, Taliyaha qaybta Booliiska iyo xubno kale. Waxaana weftigu ay Kormeer ku tageen Xarumaha Dawladda sida Guriga Gobolka Karkaar iyo Hoolka beeyada ee Dawladda hoose, iyagoo warbixin ka dhageystay mas’uuliyiinta Gobolka iyo Degmada, taas oo la xiriirta shaqooyinka ay dadweynaha u hayaan iyo caqabadaha jira. Ugu dambeyn Guddoomiye ku-xigeenka Baarlamaanka ayaa booqday bartamaha Qardho halkaas oo laga qabtay shaqo ku aadan maareynta iyo furista biyihii Magaalada ku fatihi jiray. -DHAMMAAD-

Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Golaha Wakiillada DPL Read More »

Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Carmo Luulyo 14, 2024: Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane Maxamed Baari Shire oo ay wehliyaan Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada ayaa maanta kormeer ku tegay Kuliyadda tababarada ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ee Carmo. Guddoomiye ku-xigeenka waxaa halkaas ku soo dhaweeyey Taliyaha Kuliyadda iyo Saraakiisha kale waxaana ay warbixin ka bixiyeen shaqooyinka ay hayaan iyo caqabadaha jira. Weftiga Guddoomiye ku-xigeenka ayaa booqday qaybaha kala duwan ee xarunta, ceelka riiga ah ee Kuliyadda iyo dhismeyaasha kala duwan ee xarunta kuyaala. -DHAMMAAD-

Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Read More »

Guddoomiyaha 1aad ee Golaha iyo weftiga uu hogaaminayo ayaa booqday Deegaanka Ceeldaahir ee Gobolka Bari.

Ceeldaahir Luulyo 14, 2024: Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane Hon Mohamed Baarri Shire iyo weftiga uu hogaaminayo ayaa booqday Deegaanka Ceeldaahir ee Gobolka Bari. Halkaas oo ay kulan kula qaateen qaybaha Bulshada iyo waxgaradka Deegaanka, iyagoo ka xog wareystay baahiyaha jira iyo waxyaabaha qabsoomay, iyadoo sidoo kalena weftigu ay dhagax dhigeen Guriga haweenka Deegaanka. Sidoo kale Guddoomiye ku-xigeenka ayaa kormeer ku tegay mashruuca wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo oo ah mashruuca weyn ee sida iskutashiga ah ay ku wadaan Shacabka iyo Dawladda Puntland, Guddoomiyaha ayaa warbixin ka dhageystay mas’uuliyiinta gacanta ku haysa mashruucaasi. Dhanka kale weftiga Guddoomiye Baari ayaa booqday halka uu ka socdo suuqa Magaalada Ceeldaahir iyo Dugsiga sare ee Deegaanka. Booqashada Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Wakiillada ee Deegaanka Ceeldaahir waxaa ku wehliyey Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. -DHAMMAAD-

Guddoomiyaha 1aad ee Golaha iyo weftiga uu hogaaminayo ayaa booqday Deegaanka Ceeldaahir ee Gobolka Bari. Read More »

Scroll to Top