Golaha Wakiillada

Wararka

Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Wakiillada ayaa maanta daah-furay Aqoon-s-waydaarsi ku saabsan Doorka & Waajibaadka qaar ka mid ah Guddiyada Golaha wakillada.

Garoowe, March 06, 2024: Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Maxamed Maxamuud Ciise, ayaa maanta daah-furay Aqoon-s-waydaarsi ku saabsan Doorka & Waajibaadka qaar ka mid ah Guddiyada Golaha Wakiillada ee Barlamaanka 6-aad ee Puntland. Aqoon-is-waydaarsigan oo ay maanta ka qeyb galeen xubnaha Guddiyada Shuruucda, Caddaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurk, Amniga iyo Nabadgelyada, […]

Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Wakiillada ayaa maanta daah-furay Aqoon-s-waydaarsi ku saabsan Doorka & Waajibaadka qaar ka mid ah Guddiyada Golaha wakillada. Read More »

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Ayaa Golaha Wakiillada ku qaabilay Madaxweynaha Hay’adda Interpeace Iyo wafti uu hoggaaminayo.

Garoowe, Maarso, 05, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL, Mudane Hon Abdirisak Ahmed Said ayaa Xarunta Golaha Wakiillada ku qaabilay Madaxweynaha Hay’adda Interpeace Mudane Itonde Abraham Kakoma iyo wafdi uu hoggaaminayo. Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid iyo Mudane Itonde Abraham Kakoma ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee Puntland iyo sidii wada shaqeyn dhow ay u yeelan

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Ayaa Golaha Wakiillada ku qaabilay Madaxweynaha Hay’adda Interpeace Iyo wafti uu hoggaaminayo. Read More »

GOLAHA WAKIILLADA DPL OO KULAN SHARAF KU MAAMUUSAY SHIIKH MAXAMED IDIRIS.

Garoowe March 04, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane, Cabdirisaaq Axmed Siciid oo uu wehliyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane, Maxamed Maxamuud Ciise ayaa maanta ka qayb galay Hadhimo sharafeed uu Golaha Wakiilladu ku maamuusey Shiikh Maxamed Idiris. Kulanka waxaa ka qayb galay qaar kamid ah culimaa’udiinka Puntland, waxaana Siikh Maxamed Idiris uu Mudaneyaasha u soo

GOLAHA WAKIILLADA DPL OO KULAN SHARAF KU MAAMUUSAY SHIIKH MAXAMED IDIRIS. Read More »

Guddiga Arrimaha Deegaanka & Kheyraadka Dabiiciga ah ee Golaha Wakiillada DPL.

Garoowe, March 04, 2024: Guddiga Arrimaha Deegaanka & Kheyraadka Dabiiciga ah ee Golaha Wakiillada DPL ayaa maanta yeeshay kulankoodii 1-aad. Kulanka ayaa ujeedadiisu ahayd is-barasho iyo diyaarinta qorshayaasha hortebinta leh ee Guddiga. Falanqeyn dheer ka dib, waxay guddigu isla qaateen qorshayaaha hortebinta leh ee Guddigu ku hawlgalayo muddada dhow. Guddoomiyaha Guddiga Xild. Yaasiin Jaamac Cumar

Guddiga Arrimaha Deegaanka & Kheyraadka Dabiiciga ah ee Golaha Wakiillada DPL. Read More »

Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Ayaa furay Kulan Aqoon-Is-waydaarsi ah oo loo qabtay Hawl-wadeenada Golaha Wakiillada.

Garoowe, March 04, 2024: Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Maxamed Maxamuud Ciise ayaa furay kulan Aqoon-Is-waydaarsi ah oo loo qabtay Hawl-wadeenada Golaha Wakiillada. Aqoon is-waydarsigan ayaa diirradda lagu saarayaa Taageerada Maamul Ee Ka-Qaybgalka Dadweynaha Iyo Wacyigelinta Bulshada ee Golaha Wakiillada. Waxaana fududeeyey khuburo ka socota Hay’adda Max Planck foundation. Guddoomiye Mudane,

Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Ayaa furay Kulan Aqoon-Is-waydaarsi ah oo loo qabtay Hawl-wadeenada Golaha Wakiillada. Read More »

Xildhibaan Maxamuud Dhakuul Xirsi.

Xildhibaan Maxamuud Dhakuul Xirsi oo ka tirsan Golaha Wakiillada Puntland, Wasiirka Xanaanada Xoolaha Maxamed Cabdulaahi Libaaxe, Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Puntland iyo xubno kale ayaa deegaanka Ceelaadhir ka dhagax dhigay xarunta Xanaanada Xoolaha, taas oo markii ugu horeysay halkaas laga hirgalinayo, islmarkaana qaabilsan caafimaadka & daaweynta Xoolaha. Sidoo kale mas’uuliyiintan ayaa dhagax dhigay dayactir iyo

Xildhibaan Maxamuud Dhakuul Xirsi. Read More »

Guddiga Golaha Wakiilladu u xilsaaray xal u helida shaqaaqadii deegaanka sheerbi ayaa maanta ka qayb galay xiritaaanka shirka nabadeynta beelaha walaalaha ah.

Carmo, February 25, 2024: Guddiga Golaha Wakiilladu u xilsaaray xal u helida shaqaaqadii deegaanka sheerbi ayaa maanta ka qayb galay xiritaaanka shirka nabadeynta beelaha walaalaha ah, kaas oo laga soo soosaaray go’aanno lagu soo afjarayo colaadii dhacday. Waxaa sidoo kale madasha kasoo qayb galay qaar kamid ah isimmada Puntland, mas’uuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dawladda, marti

Guddiga Golaha Wakiilladu u xilsaaray xal u helida shaqaaqadii deegaanka sheerbi ayaa maanta ka qayb galay xiritaaanka shirka nabadeynta beelaha walaalaha ah. Read More »

Guddoomiyaha Golaha Wakiilladda ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay mas’uuliyiin ka socotay Hay’adda Save the Children.

Garoowe, February 24, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiilladda DPL, Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay mas’uuliyiin ka socotay Hay’adda Save the Children oo uu hoggaaminayey madaxa Xafiiska hay’adda Save Children ee Puntland Maxamed Cabdulqaadir Siciid. Kulanka ayaa looga hadlay wada shaqeynta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland iyo Hay’adda Save the Children iyo guud ahaan

Guddoomiyaha Golaha Wakiilladda ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay mas’uuliyiin ka socotay Hay’adda Save the Children. Read More »

Mudane, Maxamed Baarri Shire, ayaa maanta kormeer ku tegay xarunta Taliska Ciidanka Booliska Puntland ee Garoowe.

Garoowe, February 22, 2024: Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Maxamed Baarri Shire, ayaa maanta kormeer ku tegay xarunta Taliska Ciidanka Booliska Puntland ee Garoowe. Guddoomiye ku-xigeenka ayaa waxaa halkaas ku soo dhaweeyey Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Gen. Muumin Cabdi Shire, Taliye ku-xigeenka iyo Hoggaanada Ciidanka Booliska. Intaas kadib Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad

Mudane, Maxamed Baarri Shire, ayaa maanta kormeer ku tegay xarunta Taliska Ciidanka Booliska Puntland ee Garoowe. Read More »

Guddiga Shuruucda, Caddaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Garoowe, Febraayo 22, 2024: Guddiga Shuruucda, Caddaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa maanta yeeshay kulankoodii 2-aad. Kulanka ayaa ujeedadiisu ahayd in ay dulmar guud ku sameeyaan Xeerarka Puntland, laga soo bilaabo 1998 ilaa 2023, iyagoo mid mid u dul-istaagay Xeerarka la sameeyey muddadaas. Guddoomiyaha Guddiga Maxamuud Dhakuul Xirsi oo soo xiray

Guddiga Shuruucda, Caddaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Read More »

Scroll to Top