Golaha Wakiillada

Wararka

Fadhiga 8-aad ee Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada Puntland

Garoowe, Nofeembar 6, 2024 – Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid, oo ay weheliyaan Guddomiye Ku-xigeenka 1aad Mudane Maxamed Baarri Shire iyo Guddomiye Ku-xigeenka 2aad Mudane Maxamed Maxamuud Ciise, ayaa maanta shir guddoomiyey fadhiga 8-aad ee Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada Puntland. Ajandaha fadhiga ayaa ahaa qeybinta Wax-ka-baddelka Xeerka Qareennada Puntland oo guddiga shuruucda, Caddaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka ee Golaha Wakiilladu ay gacanta ku hayeen islamarkaana akhrinta la baad ku sameeyeen,iyagoo latashi Kala sameeyey daneeyayaasha kala duwan ee xeeerku khuseeyo. Xeerka Qareennada ayaa loogu talagalay inuu nidaamiyo shaqada qareennada Puntland, isagoo dejinaya hage iyo sharciyo cad oo u suurta galinaya qareennada inay si madaxbannaan uga shaqeeyaan difaaca xuquuqda dadweynaha. Sidoo kale, xeerkan ayaa looga gol leeyahay xoojinta ku dhaqanka sharciga, ilaalinta caddaaladda, iyo kor u qaadista kalsoonida dadweynaha ee nidaamka caddaaladeed ee Puntland. Xeerkan wuxuu awood siinayaa qareennada Puntland inay difaacaan xuquuqda dadka iyada oo aan cabsi laga qabin in shaqadooda lagu farageliyo. Golaha Wakiillada Puntland ayaa si wadajir ah u soo dhaweeyey wax-ka-baddelka xeerka, iyagoo sheegay in uu muhiim u yahay horumarinta nidaamka caddaaladda. Xubnaha golaha ayaa isku raacay in xeerkan uu horseedi doono nidaam caddaaladeed oo hufan, isla markaana ay Puntland ka hirgeliso nidaam sharci oo ku dhisan cadaalad iyo sinaan. Goluhu wuxuu qorsheynayaa in fadhiyada dambe la sii ambaqaado doodaha la xiriira xeerkan, si loo dhammeystiro isla markaana loo ansixiyo si buuxda. – DHAMMAAD –

Fadhiga 8-aad ee Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada Puntland Read More »

Fadhiga 5-aad ee Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Garoowe, Nofeembar 3, 2024 – Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid, oo uu wehliyo Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad, Mudane Maxamed Baarri Shire, iyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad, Mudane Maxamed Maxamuud Ciise, ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 5-aad ee Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Fadhiga waxaa ka soo qaybgalay 50 mudane, waxaana diiradda lagu saaray dhageysiga warbixinno ay soo jeediyeen 5 ka mid ah guddiyada Golaha Wakiillada kuwaas oo dhawaan kormeerro ku sameeyey hay’adaha Dawladda iyo gobollada dalka. Guddiyadan oo warbixinnadooda si faahfaahsan ugu soo bandhigay waxqabadkooda iyo hawlaha ay qabteen ayaa kala ah: 1. Guddiga Arrimaha Deegaanka & Kheyraadka Dabiiciga ah – Warbixinta guddigan waxay diiradda saartay kormeerka hay’adaha Dawladda ee wada shaqeynta la leh iyo safaradii ay ku tageen gobollada dalka, iyagoo ku dhaqmay qodobada 64-aad (farqadiisa 6-aad), 62.9-aad, iyo 68-aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada intii u dhexeysay kalfadhiyada 54-aad iyo 55-aad. 2. Guddiga Siyaasadda, Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha & Xiriirka Caalamiga ah – Guddigan wuxuu soo bandhigay warbixin ka hadlaysa kormeerkii hay’adaha Dawladda ee wada shaqeynta la leh iyo safaradii ay ku tageen gobollada, iyagoo raacaya qodobka 64-aad ee Dastuurka Puntland, iyo qodobada 62.2-aad iyo 68-aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada. 3. Guddiga Arrimaha Bulshada, Dhaqanka, Warfaafinta iyo Isgaarsiinta – Warbixinta guddigan waxay ku salaysnayd kormeerkii hay’adaha Dawladda ee wada shaqeynta la leh iyo safaradii gobollada, sida uu dhigayo qodobka 64-aad (farqadiisa 6-aad) ee Dastuurka Puntland iyo qodobada 42.8-aad iyo 62.8-aad ee Xeer-hoosaadka Golaha intii u dhexeysay kalfadhiyada 54-aad iyo 55-aad. 4. Guddiga Amniga iyo Nabadgelyadda – Guddigani wuxuu ku soo bandhigay warbixin amniga iyo nabadgelyada, isagoo ku salaynaya shaqadii uu qabtay iyo kormeeradii uu sameeyey si loo xoojiyo xasiloonida guud ee Puntland. 5. Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha iyo Xisaabadka – Guddiga wuxuu soo gudbiyay warbixin ku saabsan hawlgallada la xiriira kormeerka maaliyadda iyo dhaqaalaha hay’adaha Dawladda iyo gobollada, isagoo ku dhaqmaya qodobada 63-aad, 64-aad ee Dastuurka Puntland, iyo qodobada 42.8-aad iyo 62.8-aad ee Xeer-hoosaadka Golaha intii u dhexeysay labada kalfadhi. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dowladda Puntland

Fadhiga 5-aad ee Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Read More »

Fadhiga 3-aad ee Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Garoowe, Oktoobar 31, 2024 – Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid, oo ay weheliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad Mudane Maxamed Baarri Shire iyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad Mudane Maxamed Maxamuud Ciise, ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 3-aad ee Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Fadhigan waxaa kasoo qaybgalay 57 mudane. Xildhibaannada Golaha Wakiillada ayaa loo qaybiyey Ajendaha Kalfadhiga 55-aad, iyada oo sidoo kale si rasmi ah loo guda galay ka doodista qodobada saddexaad iyo afaraad ee Ajendaha, kuwaas oo ka hadlaya Warbixinta Guddiga Joogtada ah iyo Warbixinnada Guddiyada Golaha. Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland, Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid, oo ka duulaya qodobka 42-aad, farqadiisa 7-aad ee Xeer-hoosaadka Golaha, ayaa soo gudbiyey warbixintii Guddiga Joogtada ah ee muddadii u dhaxaysay labada kalfadhi (54-aad iyo 55-aad). Warbixinta waxaa akhriyey Xoghayaha Guud, Mudane Cabdirisaaq Xiddig Warsame. Sida ku cad Qodobka 13-aad ee Xeer-hoosaadka Golaha, Guddiga Joogtada ah ayaa u xil-saaran socodsiinta hawlaha Golaha muddada u dhaxaysa labada kalfadhi, la socoshada dhacdooyinka iyo ururinta xogaha inta lagu jiro fasaxa, hubinta barnaamijyada xukuumadda in loo fuliyey sidii loogu talagalay, u yeerista mas’uul kasta oo lagula xisaabtamo shaqada loo igmaday, ansixinta barnaamijyada iyo qorshayaasha shaqo ee Golaha, ka talo-bixinta arrimaha amniga, siyaasadda, dhaqaalaha, iyo arrimaha bulshada, xoojinta xiriirka saaxiibtinimo ee ka dhexeeya Golaha Wakiillada iyo Baarlamaannada kale, kormeeridda shaqada wasaaradaha, hay’addaha Dowladda iyo kuwa aan Dawliga ahayn, iyo soo saarista baaqyo Baarlamaani ah mar kasta oo ay jiraan dhibaatooyin dabiici ah iyo kuwo bani’aadamnimo. Warbixinta Guddiga Joogtada ah oo ka koobnayd todobo qodob, ayaa si faahfaahsan uga hadashay kormeerada guddigu ku sameeyey Wasaaradaha iyo hay’adaha Puntland, booqashooyin ay ku tageen gobollada dalka, kulamo ay la qaateen Madaxda Hay’adaha caalamiga iyo safaro shaqo oo dalka dibediisa ah. Dhinaca kale, Guddiga Shuruucda, Caddaaladda, Arrimaha Diinta & Dastuurka ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa soo jeediyey warbixin ku saabsan shaqooyinkii ay qabteen, iyo kormeeradii ay ku tageen Gobollada dalka, taas oo uu soo jeediyey Guddoomiyaha Guddiga, Mudane Maxamuud Dhakuul Xirsi. Warbixintan ayaa iftiimisay kormeerada guddigu ka sameeyey gobollada dalka iyo hawlaha kale ee guddiga. – DHAMMAAD – Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dowladda Puntland

Fadhiga 3-aad ee Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Read More »

Guddoomiyaha oo ka qeyb-galay Shirka daneeyayaasha doorashooyinka Puntland

Qardho, October 19, 2024 – Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Mudane Hon Abdirisak Ahmed Said, ayaa maanta ka qeyb galay shirka Banbaxa ee daneeyayaasha doorashooyinka Puntland. Shirkan waxaa kale oo ka qeyb-galay xildhibaano, wasiiro, Guddiga Doorashooyinka Puntland, iyo daneeyayaasha doorashooyinka, iyadoo sidoo kale lagu casuumay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimoqraadiyaynta Puntland. Ujeedada shirka ayaa ahayd in lagu falanqeeyo casharadii laga bartay doorashooyinkii golayaasha deegaanka, si loo horumariyo qaabeynta doorashooyinka mustaqbalka. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray caqabado iyo fursado horyaalla nidaamka doorashooyinka, iyadoo la raadinayo xalal wax ku ool ah. Guddoomiye Abdirisak Axmed Siciid ayaa shirkan ku soo bandhigay warbixin muhiim ah oo ku saabsan qaababka doorashooyinka kala duwan ee dalka soo maray, isagoo soo jeediyey talooyin ku saabsan sidii loo xoojin lahaa hufnaanta iyo kalsoonida nidaamka doorashada. Kulankan ayaa muujinaya sida Dowladda Puntland ay u go’an tahay kor u qaadista dimuqraadiyadda iyo ka qeybgalka bulshada ee go’aannada siyaasadeed, taasoo ka tarjumaysa rabitaanka shacabka ee ku aaddan mustaqbal ifaya. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Guddoomiyaha oo ka qeyb-galay Shirka daneeyayaasha doorashooyinka Puntland Read More »

Guddiga Amniga & Nabadgelyada oo ka qeyb-galay Daah-furka Xakameynta Hubka

GAROOWE, OCTOBER 19, 2024 – Guddiga Amniga & Nabadgelyada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa maanta ka qeyb-galay Shirka Daah-furka xakameynta hubta, waxaana shirkaasi lagu qabtay Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dawladda Puntland. Shirka waxaa ka qeyb galay xubno ka socda laamaha amniga, maxkamaddaha, Guddoomiyaha Gobolka Nugaal, iyo Duqa Degmadda Garoowe. Ujeedada shirka ayaa ah in la xoojiyo xakameynta hubka si loo ilaaliyo amniga bulshada. Xildhibaan Mohamed Mursal Mohamed , oo ka mid ah Guddiga Amniga & Nabadgelyada Golaha Wakiillada, ayaa sheegay in muhiimad weyn ay leedahay in la sameeyo nidaam waara oo lagu maareeyo hubka, iyadoo Golaha Wakiilladuna diyaar u yihiin inay kala shaqeeyaan Wasaaradda Amniga. Intii lagu guda jiray shirka, waxaa si qoto dheer looga hadlay qodobo muhiim ah, sida sharciyeynta hubka, kormeerka amniga, iyo ka qeybgalka bulshada. Shirka ayaa ku baaqay in la sameeyo nidaamyo waxtar leh oo lagu xakameeyo hubka, isla markaana la dhiirrigeliyo wacyigelinta bulshada.Shirku wuxuu muujiyay baahida loo qabo in Puntland ay hesho nidaam cad oo xakameynaya hubka, taas oo gacan ka geysan doonta xasiloonida gobolka iyo amniga. Guddiga Amniga & Nabadgelyada ayaa tilmaamay in dadaalladaasi ay muhiim u yihiin mustaqbal ifaya oo ammaan ah.- DHAMMAAD – Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,Golaha Wakiilladda Dawladda Puntland

Guddiga Amniga & Nabadgelyada oo ka qeyb-galay Daah-furka Xakameynta Hubka Read More »

Wafdiga uu hoggaaminayo Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada ayaa kormeer shaqo ku tegay Wasaaradda Ganacsiga iyo Wershadaha, xarunteeda Boosaaso.

Boosaaso, October 06, 2024 – Wafdiga uu hoggaaminayo Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Mudane Hon Mohamed Baarri Shire, ayaa maanta kormeer shaqo ku tegay Waaxda Dhawridda Tayada Badeecadaha Puntland ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Wershadaha, xarunteeda Boosaaso. Intii uu kormeerku socday, wafdiga ayaa si gaar ah ugu kuur galay shaqooyinka muhiimka ah ee waaxdani ka qabato ilaalinta tayada badeecadaha ganacsi ee gudaha iyo kuwa la dhoofiyo. Waaxda Dhawridda Tayada Badeecadaha Puntland (Puntland Quality Control Department) ayaa ah hay’ad muhiim u ah horumarinta ganacsiga Puntland, iyada oo mas’uul ka ah hubinta tayada badeecadaha ganacsiga ee soo gala iyo kuwa ka baxa dalka, gaar ahaan badeecooyinka la xiriira cuntada, dawooyinka, iyo agabka kale ee muhiimka ah. Guddoomiye ku-xigeenka iyo wafdigiisa waxay warbixin ka dhageysteen masuuliyiinta waaxda, kuwaas oo sharaxay habraacyada lagu xaqiijiyo tayada badeecadaha si loo ilaaliyo badqabka bulshada iyo tayada badeecooyinka ganacsi ee la dhoofiyo. Waxay sidoo kale ka warbixiyeen shaqooyinka horumarineed ee waaxda, oo ay ku jiraan helitaanka qalab casri ah oo lagu baadho tayada badeecadaha iyo tababarada loo fidiyo shaqaalaha si ay u hagaajiyaan adeegyadooda. Guddoomiye ku-xigeenka ayaa uga mahadceliyay waaxda shaqada ay u hayaan Puntland, wuxuuna ku adkeeyay in la sii xoojiyo dadaallada lagu xaqiijinayo in badeecad kasta oo Puntland soo gasha ama ka baxda ay noqoto mid leh tayo caalami ah. Waaxda Dhawridda Tayada Badeecadaha Puntland ayaa door muhiim ah ka ciyaarta hubinta in badeecooyinka ay ka soo baxaan heerarka caalamiga ah, taas oo fure u ah kobaca ganacsiga iyo kalsoonida caalamiga ah ee badeecooyinka Puntland. Waaxdani waxay sidoo kale kaalin mug leh ku leedahay ilaalinta caafimaadka bulshada iyada oo hubisa in badeecooyinka caafimaadka, cuntooyinka iyo agabka kale ee muhiimka ah ay waafaqsan yihiin heerarka caafimaadka iyo badbaadada, taas oo sare u qaadaysa sumcadda Puntland ee ganacsiga caalamiga ah. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta, Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Wafdiga uu hoggaaminayo Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada ayaa kormeer shaqo ku tegay Wasaaradda Ganacsiga iyo Wershadaha, xarunteeda Boosaaso. Read More »

Soo dhaweynta Madaxweyne Ku-xigeenka Dawladda Puntland ee Magaalada Garoowe.

Soo dhaweynta Madaxweyne Ku-xigeenka Dawladda Puntland ee Magaalada Garoowe Garoowe, October 06, 2024 – Guddoomiye Ku-xigeenka 2aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Mudane Hon Mohamed Mohamoud Isse, ayaa maanta ku soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Garoowe Madaxweyne Ku-xigeenka Dawladda Puntland, Mudane, H.E Ilyas Osman Lugatoor , oo safar shaqo dalka uga maqnaa. Soo dhaweynta Madaxweyne Ku-xigeenka waxaa sidoo kale ka qayb galay Xildhibaano, Wasiiro, Saraakiil ciidan, maamulka Gobolka Nugaal, kan degmada Garoowe, iyo dadweyne kale oo badan oo isu soo baxay. Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa safar ku tagay qaar ka mid ah dalalka Yurub, halkaas oo uu kulamo la yeeshay madax dawladaha, lagana hadlay maal-gashi iyo taageero ku aaddan horumarinta dalka Puntland. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta, Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Soo dhaweynta Madaxweyne Ku-xigeenka Dawladda Puntland ee Magaalada Garoowe. Read More »

Xarig-jarka dhismaha cusub ee Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Puntland,

Boosaaso, Oktoobar 03, 2024 – Wafdiga uu hoggaaminayo Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Mudane Hon Mohamed Baarri Shire, ayaa maanta ka qaybgalay munaasabadda xarig-jarka dhismaha cusub ee Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Puntland, oo uu si rasmi ah u furay Madaxweynaha Dawladda Puntland, Mudane H.E Said Abdullahi Deni. Dhismahan cusub ayaa lagu wadaa inuu kor u qaado adeegyada wasaaradda, isagoo bixin doona adeegyo casri ah oo wax ka taraya maareynta iyo horumarinta kalluumeysiga iyo khayraadka badda ee muhiimka u ah dhaqaalaha Puntland. Munaasabaddan ayaa qayb ka ah qorshaha ballaaran ee Dawladda Puntland ay ku xoojinayso waaxyaha muhiimka ah sida kalluumeysiga, waxaana madasha laga xusay muhiimadda iskaashiga hay’adaha Dawladda si loo hormariyo adeegyada bulshada iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta, Golaha Wakiillada Dowladda Puntland

Xarig-jarka dhismaha cusub ee Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Puntland, Read More »

Kulanka Goleyaasha Dawladda & Dadweynaha Magaalafda Boosaaso

Boosaaso, October 02, 2024 – Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Mudane Hon Mohamed Baarri Shire, kana kooban Goleyaasha Dawladda ayaa caawa Jaamacadda Culuumta Caafimaadka Boosaaso kulan kula la yeeshay qaybaha kala duwan ee bulshada magaalada Boosaaso. Kulanka ayaa qeyb ka ahaa booqashooyin wafdigu ku marayaan gobolka, iyaga oo ka shaqeynaya kor u qaadista adeegyada bulshada, amniga, iyo wada-shaqeynta hay’adaha dawliga ah iyo shacabweynaha. Kulankan, waxa uu xooga saaray sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhexeeya dawladda iyo dadweynaha. Waxaa kasoo qeybgalay Guddoomiyaha Gobolka Bari, Duqa Degmada Boosaaso, Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Bari, Duqa Degmadda Carmo, saraakiil ka tirsan ciidamada amniga, aqoonyahanno, haweenka, dhalinyarada, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo talooyin muhiim ah ka dhiibtay arrimaha horumarka, amniga, iyo maamulka suuban. Guddoomiye Hon. Mohamed Baarri Shire oo madasha hadal ka jeediyey, ayaa u sheegay dadweynaha in dawladdu ka go’an tahay inay sii xoojiso adeegyada muhiimka ah sida caafimaadka, waxbarashada, iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha. Wuxuu sidoo kale tilmaamay in amniga Boosaaso uu yahay arrin mudnaan gaar ah leh, isagoo ballan qaaday in Dawladda Puntland uu si dhow ula shaqeyn doono bulshada iyo ciidamada amniga si loo sugo deganaanshaha iyo horumarka guud ee magaalada. Guddoomiyaha Gobolka Bari iyo Duqa Degmada Boosaaso ayaa iyaguna madasha ka jeediyay khudbado dhiirigelin leh, iyaga oo ku bogaadiyay shacabka sida ay uga go’an tahay in ay garab istaagaan dawladda Puntland si loo gaadho himilooyinka waaweyn ee horumarineed. Waxay sidoo kale carrabka ku adkeeyeen baahida loo qabo wadajir iyo midnimo si looga gudbo caqabadaha ku xeeran gobolka. Gunaanad Kulanka ayaa kusoo dhammaaday jawi isfaham leh, iyada oo la isku raacay in la xoojiyo wada shaqeynta iyo midnimada bulshada iyo dawladda si loo xaqiijiyo himilooyinka shacabka Puntland. Tallaabooyinkan ayaa la filayaa in ay wax ka tari doonaan yoolka fog ee Dawladda Puntland ee ku saleysan dhismaha bulsho ku tiirsan nabadgelyo iyo horumar waara. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta, Golaha Wakiillada Dowladda Puntland

Kulanka Goleyaasha Dawladda & Dadweynaha Magaalafda Boosaaso Read More »

Scroll to Top