Golaha Wakiillada

Wararka

Hanad Xikmaawi

Nairobi, 15 September 2025Mudane Hanad Ali Jama oo ka Qaybgalay Shir Lagu Xoojinayo Iskaashiga Warbaahinta iyo Xirfadaha Warfaafinta Dawladda Madaxa Waaxda Production-ka ee Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyigelinta Bulshada ee Golaha Wakiillada Puntland, Mudane Hanad Ali Jama, ayaa ka qayb galay shir muhiim ah oo lagu qabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kaas oo looga hadlayay horumarinta iskaashiga warbaahinta iyo xoojinta xirfadaha warfaafinta dowladaha. Shirkan ayaa waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin ka socday hayโ€™ado dowladeed, khubaro caalami ah, iyo wakiillo ka socda ururo kala duwan oo taageera horumarinta warbaahinta iyo adeegyada bulshada. Ujeedada shirka ayaa ahayd in la isdhaafsado waayo-aragnimooyin, la xoojiyo xirfadaha warbaahinta dowladaha, isla markaana la abuuro fursado iskaashi oo waxtar leh oo dhexmara hayโ€™adaha goboleedyada iyo kuwa caalamiga ah. Intii uu socday shirka, Mudane Hanad Ali Jama ayaa ka hadlay guulaha Puntland ay ka gaartay horumarinta warfaafinta dawladda, gaar ahaan dhinacyada hufnaanta isgaarsiinta, tababarrada joogtada ah ee shaqaalaha warbaahinta, iyo adeegyada casriga ah ee bulshada loo fidiyo. Wuxuu sidoo kale carabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay iskaashiga joogtada ah ee hayโ€™adaha warbaahinta, si loo gaaro adeeg warbaahineed oo hufan, la isku halleyn karo, laguna kalsoonaan karo. Mudane Hanad Ali Jama ayaa intaa ku daray in Puntland ay si firfircoon uga qayb qaadato barnaamijyada tababarka iyo horumarinta xirfadaha warbaahinta ee heer gobol iyo caalami, taas oo ka caawineysa in warbaahinta dawladdu ay noqoto mid casri ah, hufan, oo bulshada si daahfuran ugu adeega. Shirka ayaa lagu soo gebogabeeyey is-afgarad lagu xoojinayo iskaashiga warbaahinta goboleedyada iyo hayโ€™adaha caalamiga ah ee taageera xirfadlayaasha warbaahinta. Waxaa la isla gartay in la sii xoojiyo barnaamijyada tababarka, la kordhiyo fursadaha wada-shaqeynta, laguna dhiirrigeliyo adeegyada warbaahineed ee tayada leh, si bulshada loogu fidiyo warbixin hufan oo sax ah. Ka qaybgalka Mudane Hanad Ali Jama ee shirka noocan oo kale ah waxa uu muujinayaa sida Puntland ay uga goโ€™an tahay horumarinta warbaahinta dawladnimo, xoojinta hufnaanta isgaarsiinta, iyo ka shaqeynta iskaashi waxtar leh oo goboleed iyo caalami ah.

Hanad Xikmaawi Read More ยป

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa kormeer shaqo kutegey Wasaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka Badda Puntland iyo garoonka kubadda cagta shuhadada ee Boosaaso .

Boosaaso | 26 August 2025 โ€“ Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Hon Abdirisak Ahmed Said, oo ay weheliyaan Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiillada, ayaa maanta kormeer shaqo ku tegay ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ž๐—ฎ๐—น๐—น๐˜‚๐˜‚๐—บ๐—ฎ๐˜†๐˜€๐—ถ๐—ด๐—ฎ & ๐—ž๐—ต๐—ฎ๐˜†๐—ฟ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ธ๐—ฎ ๐—•๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ฃ๐˜‚๐—ป๐˜๐—น๐—ฎ๐—ป๐—ฑ iyo ๐—š๐—ฎ๐—ฟ๐—ผ๐—ผ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐—ธ๐˜‚๐—ฏ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ฐ๐—ฎ๐—ด๐˜๐—ฎ ๐—ฆ๐—ต๐˜‚๐—ต๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ee magaalada Boosaaso. Guddoomiyaha iyo wafdigiisa waxaa xarunta Wasaaradda si diirran ugu soo dhaweeyay Wasiirka Wasaaradda, masuuliyiin iyo shaqaalaha kala duwan ee wasaaradda, Waxaa halkaas lagaga dhageystay warbixin ku saabsan howlaha iyo qorshayaasha horumarineed ee wasaaraddu wado. Sidoo kale, waxay kormeer ku tageen Garoonka Shuhadada oo maraya marxalad gebogebo ah, halkaas oo ay warbixin kaga dhegaysteen Guddoomiyaha Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Gobolka Bari, bahda ciyaaraha iyo injineerada gacanta ku haya dhismaha garoonka. DHAMMAAD โ€“

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa kormeer shaqo kutegey Wasaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka Badda Puntland iyo garoonka kubadda cagta shuhadada ee Boosaaso . Read More ยป

Dufcadda 8-aad ee ciidamada Booliska Puntland oo ka dhacday Kulliyadda Tababarka Booliska ee Carmo.

Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Hon Mohamed Baarri Shire, ayaa Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, kala qeyb galay munaasabadda xiritaanka ๐——๐˜‚๐—ณ๐—ฐ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐Ÿด-๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ ๐—ฒ๐—ฒ ๐—ฐ๐—ถ๐—ถ๐—ฑ๐—ฎ๐—บ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—•๐—ผ๐—ผ๐—น๐—ถ๐˜€๐—ธ๐—ฎ ๐—ฃ๐˜‚๐—ป๐˜๐—น๐—ฎ๐—ป๐—ฑ oo ka dhacday Kulliyadda Tababarka Booliska ee Carmo. Munaasabaddan waxaa sidoo kale ka qayb galay xubno ka tirsan Golaha Wakiillada, Golaha Xukuumadda, isimada dhaqanka Puntland, saraakiisha ciidamada kala duwan, iyo ciidamada tababarka loo xirayey. Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad, Mudane Maxamed Baari Shire, ayaa ciidamada ku hambalyeeyay dhamaystirka tababarka, isaga oo ku booriyay inay si daacadnimo leh ugu adeegaan shacabka, u ilaaliyaan amniga, kuna dhaqmaan anshaxa iyo shuruucda ciidanka. DHAMMAAD โ€“

Dufcadda 8-aad ee ciidamada Booliska Puntland oo ka dhacday Kulliyadda Tababarka Booliska ee Carmo. Read More ยป

Shirka Horumarinta Gobolka Mudug oo ka socda magaalada Galkacyo.

Galkacayo, 01, August,2025 Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiillada Puntland oo Markii Labaad ka Qayb Galay Shirka Horumarinta Gobolka Mudug Qaar ka mid ah xildhibaanada Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa maalintii labaad si rasmi ah uga qayb galay shirka horumarinta gobolka Mudug oo ka socda magaalada Galkacyo. Xildhibaan Cabdiwali Indhoceel iyo Xildhibaan Mowliid Abkey ayaa hadallo dhiirrigelin iyo taageero leh ka jeediyey goobta shirka, iyagoo sheegay in ay, iyaga oo matalaya Golaha Wakiillada, si buuxda u garab taagan yihiin dadaallada horumarineed ee ka socda gobolka Mudug iyo degmada Galkacyo. Xildhibaanada kasoo jeeda gobolka ayaa ballan qaaday in ay mushaharkooda bil walba qeyb ka mid ah u goyn doonaan sidii gobolka Mudug uu u noqon lahaa mid horumar ballaaran ku tallaabsada. Tani waxay tusaale u tahay hoggaan dhab ah oo ka goโ€™an in ay qayb ka noqdaan horumarka deegaanka. Shirkan ayaa qayb ka ah dadaallada ay bulshada gobolka iyo madaxda deegaanka ku doonayaan in lagu horumariyo adeegyada bulshada, dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha, iyo xoojinta midnimada shacabka Mudug. DHAMMAAD โ€“

Shirka Horumarinta Gobolka Mudug oo ka socda magaalada Galkacyo. Read More ยป

Fadhiga 24-aad ee Kalfadhiga 56-aad Xisaab-xirka Sannad-maaliyadeed ๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿฎ๐Ÿฐ.

Garoowe, 29 Luulyo 2025: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Hon Abdirisak Ahmed Said oo uu wehliyo guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Hon Mohamed Mahamud Esse ayaa maanta Shir-guddoomiyey fadhiga 24-๐’‚๐’‚๐’… ๐’†๐’† ๐‘ฒ๐’‚๐’๐’‡๐’‚๐’…๐’‰๐’Š๐’ˆ๐’‚ 56-๐’‚๐’‚๐’… Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Fadhiga maanta ayaa qorshe hawleedku sii wadista ka shaqeynta Xisaab-xirka Sannad-maaliyadeedka 2024 ee Puntland. Ugu horrayn waxaa Golaha laga hor akhriyey Warbixinta Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka Golaha Wakiillada ee ๐—ซ๐—ถ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฏ-๐˜…๐—ถ๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ ๐—ฆ๐—ฎ๐—ป๐—ป๐—ฎ๐—ฑ-๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ถ๐˜†๐—ฎ๐—ฑ๐—ฒ๐—ฒ๐—ฑ๐—ธ๐—ฎ ๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿฎ๐Ÿฐ. Intaas ka dib, Goluhu wuxuu cod aqlabiyad leh ku Meelmariyeen ansixiyey Xisaab-xirka Sannad-maaliyadeedka 2024 si waafaqsan Qodobada 64(13) iyo 137(1) ee Dastuurka DPL iyo qodobka 64 ee Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada DPL, Waxaa Oggol ugu codeeyey 38 Mudane, Diidmo 2 Mudane, halka aysan jirin cid ka aamustay. Ugu dambayn, Mudanayaasha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa cod gacan-taag ah ku oggolaaday in maanta si rasmi ah loo soo xiro Kalfadhiga 56-aad ee Golaha. DHAMMAAD โ€“

Fadhiga 24-aad ee Kalfadhiga 56-aad Xisaab-xirka Sannad-maaliyadeed ๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿฎ๐Ÿฐ. Read More ยป

Fadhiga 23-aad ee Kalfadhiga 56-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Garoowe, 27 Luulyo 2025: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Hon Abdirisak Ahmed Said oo uu wehliyo guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Hon Mohamed Mahamud Esse ayaa maanta Shir-guddoomiyey fadhiga 23-aad ee Kalfadhiga 56-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Fadhiga maanta ayaa qorshe hawleedku sii wadista ka shaqeynta wax-ka-bedelka ๐‘ฟ๐’†๐’†๐’“๐’Œ๐’‚ ๐‘ณ๐’‚-๐’…๐’‚๐’ˆ๐’‚๐’‚๐’๐’๐’‚๐’๐’Œ๐’‚ ๐‘จ๐’“๐’ˆ๐’‚๐’ˆ๐’Š๐’™๐’Š๐’”๐’‚๐’…๐’‚ ๐’†๐’† ๐‘ท๐’–๐’๐’•๐’๐’‚๐’๐’…. Ugu horrayn, Goluhu wuxuu guda galay qodob-qodob uga doodista, wax-ka-bedelka iyo kaabista Xeerkan. Ugu danbayn , Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, waxay maanta Cod aqlabiyad leh ku meelmariyeen Ansixinta wax-ka bedelka Xeerka la-dagaallanka Argagixisada ee Puntland, ๐‘พ๐’‚๐’™๐’‚๐’‚ ๐‘ถ๐’ˆ๐’ˆ๐’๐’ ๐’–๐’ˆ๐’– ๐’„๐’๐’…๐’†๐’†๐’š๐’‚๐’š 32 ๐’Ž๐’–๐’…๐’‚๐’๐’†, cid diiday ma jirtin, halka ay ka aamuseen 2 mudane. DHAMMAAD โ€“

Fadhiga 23-aad ee Kalfadhiga 56-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Read More ยป

Wax-ka-bedelka Xeerka La-dagaallanka Argagixisada ee Puntland.

Garoowe, 21 Luulyo 2025: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Hon Abdirisak Ahmed Said oo uu wehliyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Hon Mohamed Mahamud Esse ayaa maanta Shir-guddoomiyey fadhiga 20-aad ee Kalfadhiga 56-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Fadhiga maanta ayaa qorshe hawleedku ahaa ka shaqeynta ๐ฐ๐š๐ฑ-๐ค๐š-๐›๐ž๐๐ž๐ฅ๐ค๐š ๐—๐ž๐ž๐ซ๐ค๐š ๐‹๐š-๐๐š๐ ๐š๐š๐ฅ๐ฅ๐š๐ง๐ค๐š ๐€๐ซ๐ ๐š๐ ๐ข๐ฑ๐ข๐ฌ๐š๐๐š ๐ž๐ž ๐๐ฎ๐ง๐ญ๐ฅ๐š๐ง๐. Ugu horeyn Wasaaradda Amniga iyo DDRta ayaa Golaha warbixin ku saabsan Xeerkan Waxka bedelkiisa iyo Waafaqsananta Dastuurka iyo Xeerarka kale. Intaas kadib, Wax-ka-baddelka Xeerka ladagaallanka Argagixisada Puntland ayaa lagu wareejiyey Guddiga Amniga iyo Nabadgelyada Golaha Wakiillada si ay akhrinta Labaad ugu sameeyaan si waafaqsan Xeer Hoosaadka Golaha Wakillada dawladda Puntland. DHAMMAAD โ€“

Wax-ka-bedelka Xeerka La-dagaallanka Argagixisada ee Puntland. Read More ยป

Ansixinta Hindise Xeereedka Maamulka Dhakhliga ee Puntland.

Garoowe, 19 Luulyo 2025: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Hon Abdirisak Ahmed Said oo uu wehliyo guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Hon Mohamed Mahamud Esse, ayaa maanta Shir-guddoomiyey fadhiga 19-aad ee Kalfadhiga 56-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Fadhiga maanta ayaa qorshe hawleedku ahaa sii wadista Hindise Xeereedka Maamulka Dakhliga ee Puntland. Intaa kadib, Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, waxay maanta Cod aqlabiyad leh ku meelmariyeen Ansixinta Hindise Xeereedka Maamulka Dakhliga ee Puntland, Waxaa Oggol ugu codeeyay 31 Mudane, cid diiday ma jirtin, halka ay ka aamuseen 3 Mudane. Ugu dambeyn, waxaa Mudanayaasha Golaha loo qaybiyey wax-ka-bedelka Xeerka La-dagaallanka Argagixisada, si ay xildhibaannadu ugu soo sameeyaan akhrinta 1-aad si waafaqsan Xeer Hoosaadka Golaha Wakillada. DHAMMAAD โ€“

Ansixinta Hindise Xeereedka Maamulka Dhakhliga ee Puntland. Read More ยป

Hanad Xikmaawi

Galkayo, 17, July 2025 The Puntland Youth Conference was recently held in the city of Galkayo, in the Mudug region, bringing together young people from across Puntland to discuss key issues including youth employment, skills development, and the broader role of youth in the regionโ€™s development. The two-day forum was attended by government officials, subject matter experts, and a wide range of youth representatives from various districts. The objective of the conference was to explore meaningful ways to empower young people and enhance their contribution to Puntlandโ€™s economic, social, and political advancement. Among the notable participants was Mr. Hanad Ali Jama Hikmaawi, Head of the Production Department at the Office of Media and Communications of the Puntland Parliament. Mr. Hanad delivered an inspiring keynote speech focusing on the role of media in amplifying youth voices, promoting youth-led innovation, and supporting efforts to create opportunities for young people across the region. In his remarks, Mr. Hanad emphasized that youth are the backbone of Puntlandโ€™s future and must be given the space, support, and resources necessary to thrive. He also reaffirmed the Parliamentโ€™s commitment to partnering with youth and using media as a platform to showcase their potential and contributions. The conference concluded with a shared commitment to strengthen collaboration between government institutions, development partners, and youth organizations, with the aim of fostering an inclusive and opportunity-rich environment for Puntlandโ€™s young generation.

Hanad Xikmaawi Read More ยป

Fadhiga 18-aad ee Kalfadhiga 56-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Garoowe, 17 Luulyo 2025: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Hon Abdirisak Ahmed Said, oo uu wehliyo guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Hon Mohamed Mahamud Esse ayaa maanta Shir-guddoomiyey fadhiga 18-aad ee Kalfadhiga 56-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Fadhiga maanta ayaa qorshe hawleedku ahaa sii wadista ka shaqeynta Hindise Xeereedka Maamulka Dakhliga Puntland. Intaas kadib Goluhu wuxuu guda galay qodob-qodob uga doodista, wax-ka-bedelka iyo kaabista Xeerkan, waxaana la qorsheynayaa in dooddu ay sii socoto fadhiyada soo socda. DHAMMAAD โ€“ Wixii faah-faahin ah kala xiriir: Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyigelinta Golaha Wakiillada Dowladda Puntland

Fadhiga 18-aad ee Kalfadhiga 56-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Read More ยป

Scroll to Top