Golaha Wakiillada

Wararka

GUDDIGA DHAQAALAHA GOLAHA WAKIILLADA OO KORMEER KU TAGEY WASAARADDA MAALIYADDA DAWLADDA PUNTLAND.

Garoowe, June 08, 2024: Guddiga Maaliyadda Dhaqaalaha & Xisaabaadka Golaha Wakiillada oo maanta kormeer shaqo ku tagey Wasaaradda Maaliyadda ayaa warbixin ku saabsan xaaladda dhaqaale ee dalka ka dhageystay mas’uuliyiinta Wasaaradda. Warbixiinta ayaa ku saabsan shaqooyinka Wasaaradda horyaala iyo caqabadaha jira, iyadoo sidoo kalena, Guddigu ay su’aalo ka weydiiyeen arrimaha ay ka hadleen masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyaddu. Ugu dambeyntii, Xildhibaannada ayaa sheegay in warbixino ku saabsan korjoogtayn ay mudooyinkan wadeen ay horgeyn doonaan Kalfadhiga guud ee Baaralamaanka. -DHAMMAAD-

GUDDIGA DHAQAALAHA GOLAHA WAKIILLADA OO KORMEER KU TAGEY WASAARADDA MAALIYADDA DAWLADDA PUNTLAND. Read More »

Guddiga Arrimaha Deegaanka & Kheyraadka dabiiciga ah ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Garoowe, Juun 08, 2024: Guddiga Arrimaha Deegaanka & Kheyraadka dabiiciga ah ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa xarunta Golaha Wakiillada kulan kula qaatay masuuliyiinta Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Dawladda Puntland. Kulanka Guddiga ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka cimilada ayaa ahaa mid isbarasho ah, sidoo kalena masuulyiinta Wasaaradda ayaa uga warbixiyey Guddiga xaaladda deegaanka, iyo weliba Xaalufka dhirta & Isbedelka cimilada. Warbixinta Wasiirka iyo Agaasimaha Guud ayaa ka saabsaneyd inteeda badan waxyaabaha ay qabtaan Wasaarad ahaan, waxa u qabsoomay, caqabadaha haysta iyo weliba baahiyaha jira, iyadda oo sidoo kalena, su’aalo laga weydiiyay arrimaha ay ka hadleen isla markaana ay Guddigu u hawlgalidoonaan sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha jira, doorkoodna ka qaadanayaan. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Guddiga Arrimaha Deegaanka & Kheyraadka dabiiciga ah ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Read More »

Guddiga Arrimaha gudaha, Federaalka & Dimuqraadiyadda ayaa maanta warbixin ka dhageystay Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta masiibooyinka.

Garoowe, June 02, 2024: Guddiga Arrimaha gudaha, Federaalka & Dimuqraadiyadda ayaa maanta warbixin ka dhageystay Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta masiibooyinka. Shirka ayey Guddigu ku dhageysteen warbixin ku saabsan shaqooyinka Wasaaraddu u hayso dadweynaha reer Puntland, caqabadaha jira iyo waxyaabaha u qabsoomay, iyadoo warbixintaasi kadib Guddigu su’aalo ka weydiiyeen mas’uuliyiinta Wasaaradda arrimaha ay ka hadleen. -DHAMMAAD

Guddiga Arrimaha gudaha, Federaalka & Dimuqraadiyadda ayaa maanta warbixin ka dhageystay Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta masiibooyinka. Read More »

Guddiga Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dimuqraadiyadda.

Garoowe, June 02, 2024: Guddiga Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dimuqraadiyadda ayaa maanta warbixin ka dhageystay Guddiga madaxa banaan ee Doorashooyinka Puntland (PEC). Kulanka ayey Xildhibaannadu ku dhageysteen warbixin ku saabsan halka ay marayso qabashada doorashada harsan ee Goleyaasha deegaanka, waxqabadka PEC iyo caqabadaha jira, iyadoo warbixintaasi kadib Guddigu su’aalo ka weydiiyeen arrimaha ay ka hadleen mas’uuliyiinta Guddiga Doorashooyinka. DHAMMAAD.

Guddiga Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dimuqraadiyadda. Read More »

Guddiyo kamid ah Golaha wakiiladda Dowladda Puntland oo safar aqoon kororsi jooga magaaladda Nairobi.

Nairobi: Guddiyo kamid ah Golaha wakiiladda Dowladda Puntland oo safar aqoon kororsi jooga magaaladda Nairobi ee Dalka Kenya, ayaa ka qayb galay hadhimo-shareed Soo dhawayn iyo is xogwaraysi isugu jira. Kulanka oo uu soo agaasimay Ganacsade Xaaji Ibraahim Cadde oo ka mid ah jaaliyadda reer Puntland ee Dalka Kenya, sidoo kalana ay kasoo qaybgaleen, Diplomasiyiin, Ganacsato, masuuliyiin ka mid ah Jaaliyadda reer Puntland ee Dalka Kenya iyo Xildhibaanada labada aqal ee Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Wasiiro hore ayay uga wada hadleen xaaladda dalka, fursadaha iyo sidoo kale caqabadaha ka jira. Xildhibaanada ayaa ganacsatada kala hadlay inay dalka maalgashadaan si ay qaybaha kala duwan ee bulshada fursado shaqo uga helaan isla markaan qayb uga noqdaan kobaca dhaqaalaha iyo wax soo saarka Puntland. -DHAMMAAD- Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta, Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Guddiyo kamid ah Golaha wakiiladda Dowladda Puntland oo safar aqoon kororsi jooga magaaladda Nairobi. Read More »

QAAR KA MID AH GUDDIYADA GOLAHA WAKIILLADA OO AQOON KORORSI UGA SOCDO NAIROBI.

Nairobi, May 30, 2024: Waxaa tababar aqoon kororsi ah uga furmay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya qaar ka mid ah Guddiyada Golaha Wakiiladda Dawladda Puntland. Aqoon-is-waydaarsigan waxaa ka qeyb-galay Xubnaha Guddiyada Shuruucda, Caddaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka, Arrimaha Bulshada, Dhaqanka, Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Amniga, Xuquuqda Insaanka, Haweenka iyo Arrimaha Qoyska & Anshaxa iyo Arrimaha Golaha. Sidoo kale, aqoon kororsiga waxaa ka qeyb galay Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiillada iyo Agaasimaha Xeerarka iyo Xeer-dejinta Golaha Wakiillada. Aqoon kororsigan oo ujeedkiisu ahayd doorka iyo Waajibaadka Guddiyada, hannaanka Xeer-dejinta, ka qeyb-gelka dadweynaha, xoojinta matelaadda xildhibaannada, u qareemidda Caruurta iyo dadka baahiyaha gaarka ah qaba, dejinta qorsheyaal waxtar iyo wax ku ool u leh shaqada Golaha Wakiillada iyo xog is dhaafsi la xiriirka shaqada Baarlamaannada kale, waxaana aqoon kororsi bixinayey xildhibaannado ka tirsan Baarlamaanka dalka Kenya iyo khuburo dhanka Shuruucda ah . Aqoon kororsigan oo muddo afar maalmood ah socday waxaa lagu lafa guray doodo wax ku ool ah, gaar ahaan xuquuqda caruurta iyo xeerarka la xidhidha iyo kor-joogtayntoodaba, iyadoo Xildhibaanadu la yeesheen doodo dhigooda Kenya iyo Madaxda Hay’adda Badbaadada Caruurta (Save the Children) sidii looga wada shaqayn lahaa hormarinta iyo xeerarka xuquuqda caruurta. Ugu dambayn waxaa tababarkii guddiyada kala duwan iyo saraakiisha kale ee Golaha Wakillada ugu soo dhamaaday si guul ah, iyagoo uga mahadceliyey Hay’adda Badbaadada Caruurta(Save the Children) fududaynta iyo taaba-gelinta aqoon kororsigan. -DHAMMAAD- Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta, Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

QAAR KA MID AH GUDDIYADA GOLAHA WAKIILLADA OO AQOON KORORSI UGA SOCDO NAIROBI. Read More »

Guddiyada Golaha Wakiillada oo maalmahan kormeer shaqo ku marayey Gobolka Mudug.

Gaalkacayo, May 27, 2024: Xubno ka tirsan Guddiyada Golaha Wakiillada oo maalmahan kormeer shaqo ku marayey Gobolka Mudug ayaa hoygiisa magaalada Gaalkacayo salaan sharafeed ugu tagay Islaan Bashiir Islaan Cabdille, oo ay ka wada hadleen kaalinta dhaqanka ee nabadeynta iyo isku haynta Bulshada. Islaan Bashiir Islaan Cabdille ayaa Xildhibaanada uga mahadceliyey salaan sharafeedka ay ugu yimaadeen, wuxuuna ugu duceeyey in eebbe u fududeeyo kormeerka shaqo ay ku yimaadeen Gobolka Mudug. -DHAMMAAD- Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta, Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Guddiyada Golaha Wakiillada oo maalmahan kormeer shaqo ku marayey Gobolka Mudug. Read More »

XUBNO KA TIRSAN GOLAHA WAKIILLADA OO MAANTA U KUURGALAY XAALADA GUUD EE BADHAN.

Badhan May 27, 2024: Weftiga oo uu hogaaminayey Xild. Xasan Ducaale Dhagaxtuur oo kormeer ku tagay degmada Badhan ee Gobolka Sanaag ayaa kormeeray imtixaanka shahaadiga ee Dawladda Puntland, kaas u socda Ardayda magaalada Badhan. Xildhibaannada ayaa sidoo kale booqday Xafiisyada kala duwan ee dawladda sida mamulka Gobolka, xarunta degmada, Taliska Qeybta Booliiska, Xarunta Maxkamaddaha iyo Xabsiga dhexe. Xildhibaannada ayaana warbixino ballaaran oo dhinacyo badan taabanaysa ka dhagaystay dhammaan mas’uuliyiinta kala duwan, iyagoo uga warbixiyey xaladda guud ee Gobolka, hawlaha qabsoomay iyo caqabadaha, iyagoo mudanayaasha uga mahadceliyey kormeerka ay ku yimadeen gobolka si ay ugu kuurgalaan baahiyaha jira. Dhanka kale, Mudaneyaasha ayaa booqday dhismaha wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo oo ah mashruuc weyn oo Dawladda iyo shacabka Puntland ay isku tashi ku wadaan. Ugu dambeyntii Guddiyada ayaa ballanqaaday in ay warbixinta la wadaagi doonaaan cid kasta oo ay khuseyso, si looga jawaabo baahiyaha jira. -DHAMMAAD-

XUBNO KA TIRSAN GOLAHA WAKIILLADA OO MAANTA U KUURGALAY XAALADA GUUD EE BADHAN. Read More »

Xubno ka tirsan Guddiyada Golaha Wakiillada Ayaa kormeer shaqo ku maraya Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Boosaaso, May 27, 2024: Xubno ka tirsan Guddiyada Golaha Wakiillada ayaa maalintii labaad kormeer shaqo ku maraya Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari. Xubnahan ayaa kormeerooda shaqo ee maanta ka bilaabay Xabsiga Weyn ee magaalda boosaaso, waxayna halkaas kula kulmeen taliska xabsiga iyagoo warbixino ka siiyeen Xaaladda guud xabsiga, sidoo kale waxay kormeereen xaalada maxaabista ku xiran. Sidoo kale, waxay Xildhibaannada ka socda Baarlamaanku kormeereen qayba kamida Saldhigyada Magaaladda Boosaaso si ay ugu kuurgalaan xaaladda Saldhigyada . Ugu dambayn Guddiyada ayaa kormeer ku tegey Maxkamadda derajada 1aad ee Degmadda Boosaaso iyo Maxkamadda Racfaanka Gobolka Beri, iyagoo kula kulmay guddoomiyaha Maxakmada darajada 1-aad iyo Guddoomiyaha Maxakmada Racfaanka iyagoo u kuurgalay xaalada Garsoorka Gobolka Bari. -DHAMMAAD- Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta, Golaha Wakiillada Dawladda Puntlan

Xubno ka tirsan Guddiyada Golaha Wakiillada Ayaa kormeer shaqo ku maraya Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari. Read More »

Guddiyada Golaha Wakiillada DPL.

Gaalkacyo: Xubno ka socda Guddiyada Golaha Wakiillada DPL oo uu weheliyo Guddoomiyaha Gobolka Mudug, ayaa kulan la qaatay Xubno ka tirsan Golaha Deegaanka Degmada Gaalkacayo iyo Guddiga Horumarinta magaalada. Xildhibaanada ayaa warbixin ka dhegaystay Xubnaha ka socday Golaha deegaanka iyo Guddiga Horumarinta Degmada iyaga oo ka warbixiyey waxqabadka Degmada, qorshayaasha hortebinta leh iyo Caqabadaha ka jira Degmada Gaalkacayo. Ugu dambeyn, xubnaha ka socda Galaha Wakiillada ayaa kula dardaarmay in ay dardargeliyaan waajibaadka loo igmaday, xooggana saaraan adeeg bixinta shacabka, isla markaasna doorkooda ka qaataan sugidda Amniga iyo horumarina Degmada. -Dhamaad.

Guddiyada Golaha Wakiillada DPL. Read More »

Scroll to Top