Golaha Wakiillada

Wararka

Fadhiga 9-aad ee Kal-fadhiga 54-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Garoowe, Luulyo 08, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane, Abdirisak Ahmed Said oo ay wehliyaan ku-xigeenka 1-aad Mudane Maxamed Baarri Shire iyo ku-xigeenka 2-aad Mudane Maxamed Maxamuud Ciise ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 9-aad ee Kal-fadhiga 54-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Fadhiga maanta Ajandaha ayaa ahaa dhegeysiga warbixinta Xisaab Xirka Sannada Maaliyadeedka 2023-ka oo ay akhrinta labaad ay ku soo sameeyeen Guddiga Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka Golaha Wakiillada DPL, si waafaqan Dastuurka Dawladad Puntlad Qodobkiisa 64-aad iyo Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada DPL. Intaas Kadib waxaa cod gacan-taag ah ugu codeeyay Oggol 34 Xildhibaan, Diidmo 6, halka ay ka aamuseen 2 Mudane Ansixinta Xisaab Xirka Sannad Maaliyeedka 2023-ka. Dhinaca kale, xildhibaan Liibaan Beddel Shiikh Maxamuud ayaa Golaha u soo gudbiyey iscasilaad xubinnimada Golaha Wakiillada. Xildhibaannada Golaha Wakiillada ayaa ka oggolaaday iscasilaadda xildhibaanka, si waafaqsan Dastuurka Dawladda Puntland Qodobka 62-aad iyo Qodobka 18-aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada. Ugu dambayn, waxaa xildhibaannada Golaha Wakiillada loo qeybiyey wax-ka-beddelka Xeerka Nootaayooyinka Puntland iyo Hindise-xeereedka Summadda Ganacsiga oo ay xukuumaddu soo gudbisey, si Goluhu ugu sameeyo akhrinta 1-aad si waafaqsan Qodobka 58-aad ee Xeer hoosaadka Golaha Wakiillada. -DHAMMAAD-

Fadhiga 9-aad ee Kal-fadhiga 54-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Read More Β»

Fadhiga 8-aad, Kalfadhiga 54-aad ee Golaha Wakiillada DPL.

Garoowe, Luuliyo 03, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL, Mudane Abdirisak Ahmed Said oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1aad Mudane, Maxamed Baari Shire iyo ku-xigeenka 2aad Mudane, Maxamed Maxamuud Ciise ayaa maanta shir Guddoomiyey fadhiga 8-aad, Kalfadhiga 54-aad ee Golaha Wakiillada DPL. Fadhiga maanta ayaa ajanduhu ahaa soo gudbinta Xisaab-xirka Miisaaniyadda 2023. Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda ayaa Golaha hortooda ka soo jeediyey khudbad uu uga hadlayo soo gudbinta Xisaab-xirka Miisaaniyadda sannadka 2023, sida uu qabo Qodobka 137 ee Dastuurka Dawladda Puntland iyo Qodobka 64aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada kuwaas oo si faah-faahsan uga hadlaya soo gudbinta Xisaab-xirka Miisaaniyadda. Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo kulanka soo xiray ayaa Xisaab-xirka ku wareejiyey Guddiga Dhaqaalaha Golaha Wakiillada, kuwaas oo akhriska 2aad ku soo sameyn doona kadibna Golaha kusoo celin doona isniinta soo socota taariikhduna tahay 08/07/2024. -DHAMMAAD-

Fadhiga 8-aad, Kalfadhiga 54-aad ee Golaha Wakiillada DPL. Read More Β»

Fadhigii 8-aad ee Kalfadhiga 54-aad ayaa waxaa Goluhu cod aqlabiyad leh ku meel mariyey mas’uuliyiin magacaaban

Fadhiga maanta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo ahaan fadhigii 8-aad ee Kalfadhiga 54-aad ayaa waxaa Goluhu cod aqlabiyad leh ku meel mariyey mas’uuliyiin magacaaban oo isagu jira Wasiiro ku-xigeeno kamid ah Golaha Xukuummada, Xubno ka tirsan Garsoorka iyo Hantidhowraha guud ee Dawladda Puntland, kuwaas oo ay soo gudbisay Madaxtooyadu. ) Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha Maxamed Xassan Ibraahim 2) Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Maxamed Diiriye Gamaadiid. 3) Wasiir ku-xigeenka Dhalinyaarada iyo Ciyaaraha Siciid Saalax Seed 4) Xeer ilaaliyaha Guud ee Dawladda Puntland Axmed Yuusuf Taaraan 5) Ku-xigeenka Xeer ilaaliyaha Guud ee Dawladda Puntland Cabdiqani Diiriye Cawl 6) Guddoomiyaha Xafiiska Hantidhawrka guud ee Dawladda Puntland Cismaan Maxamuud Cali (Qaroofey)

Fadhigii 8-aad ee Kalfadhiga 54-aad ayaa waxaa Goluhu cod aqlabiyad leh ku meel mariyey mas’uuliyiin magacaaban Read More Β»

Fadhiga 7-aad ee Kal-fadhiga 54-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Garoowe, Luuliyo 02, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane, Abdirisak Ahmed Said oo ay wehliyaan ku-xigeenka 1-aad Mudane Maxamed Baarri Shire iyo ku-xigeenka 2-aad Mudane Maxamed Maxamuud Ciise ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 7-aad ee Kal-fadhiga 54-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Fadhiga maanta oo soo xaadireen 51 Mudane ayaa looga dooday ku noqoshada Miisaaniyadda Dawladda Puntland ee lixda Bilood ee Luulyo- Diseembar 2024, taas oo warbixin la xiriirta Golaha la wadaageen Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha iyo xisaabaadka oo akhriskii labaad ku sameynayey. Dood iyo Falanqeyn dheer ka dib, Golaha ayaa ansixiyey Ku noqoshada Miisaaniyadda 2024 ee Bilaha Luuliyo–Diseembar 2024. Odoroska ku noqoshada Miisaaniyadda ee lixda bilood ee soo socota sannadka 2024 ee Golaha la horkeenay waxay dhan tahay 207, 009, 112 (Labo boqol iyo todoba milyan, sagaal kun, boqol labo iyo toban Dollar. Guntanka fadhiga oo ahaa (51) Mudane, waxaa Ansixinta Miisaaniyadda dawladda ugu codeeyey Oggol (47) Mudane, Diimdo (2) Mudane, halka ay ka Aamuseen (2) Mudane. -DHAMMAAD-

Fadhiga 7-aad ee Kal-fadhiga 54-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Read More Β»

Fadhiga 6-aad ee Kal-fadhiga 54-ad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Garoowe, Juun 30, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane, Abdirisak Ahmed Said oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane Mohamed Baarri Shire iyo ku-xigeenka 2-aad Mudane Maxamed Maxamuud Ciise ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 6-aad ee Kal-fadhiga 54-ad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Fadhiga maanta oo ay soo xaadireen 55 Xildhibaan, ayaa Goluhu waxay warbixin ka dhegeysteen Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha & Xisaabaadka Golaha Wakiillada oo gacanta ku hayey Miisaaniyadda 6-da bilood ee Dawladda oo Guddigu akhrinta 2aad ku sameeyey sida uu qabo Dastuurka Dawladda Puntland, Qodobada 135aad, 136aad iyo xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada Qodobada 58aad Iyo 63aad. Intaas kadib Golaha ayaa u balamay in dooda miisaaniyadda Golahu uu guda galo maalinta talaadada ee soo socota taariikhduna tahay 02/07/2024. DHAMMAAD.

Fadhiga 6-aad ee Kal-fadhiga 54-ad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Read More Β»

Fadhiga 5-aad ee Kalfadhiga 54-aad Golaha Wakiillada DPL.

  Β·  Garoowe: June 25, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane, Hon Abdirisak Ahmed Said oo ay weheliyaan ku-xigeenka 1-aad Mudane Hon Mohamed Baarri Shire iyo ku xigeenka 2-aad Mudane, Hon Mohamed Mohamoud Isse ayaa maanta shir Guddoomiyey fadhiga 5-aad ee Kalfadhiga 54-aad Golaha Wakiillada DPL. Ajanadaha kulanka oo ahaa soo gaba-gabeynta dhageysiga warbixinnada Guddiyada, ayaa waxaa warbixinnadii u dambeeyey ka jeediyey Golaha 2 Guddi oo kala ah:- 1. Guddiga Arrimaha bulshada, dhaqanka, warfaafinta & isgaarsiinta Golaha Wakiillada 2. Guddiga Xuquuqda Aadanaha, Arrimaha Qoyska & Horumarinta Haweenka Golaha Wakiillada. Warbixinnada ayaa ku saabsanaa kormeerro iyo xog-ururin ay Guddiyadu ku soo sameeyeen hay’addaha Dawliga ah ee ay korjoogtada ku leeyihiin. -DHAMMAAD-

Fadhiga 5-aad ee Kalfadhiga 54-aad Golaha Wakiillada DPL. Read More Β»

Fadhiga 5-aad ee Kal-fadhiga 54-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

  Garoowe, Juun 25, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane, Abdirisak Ahmed Said oo ay wehliyaan ku-xigeenka 1-aad Mudane Mohamed Baarri Shire iyo ku-xigeenka 2-aad Mudane Maxamed Maxamuud Ciise ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 5-aad ee Kal-fadhiga 54-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Ajandaha fadhigaa ayaa ahaa soo gudbinta Miisaaniyadda Dawladda ee Lixda bilood ee July-December sannadka 2024. Wasaaradda Maaliyadda ayaa Golaha Wakiillada u soo gudbisay Miisaaniyadda Lixda bilood ee July- December 2024, taasi oo dhan $207, 009, 112 (Labo boqol iyo todoba milyan, sagaal kun, boqol labo iyo toban Dollar). Waxayna korortay 10% marka la barbardhigo lixda bilood ee hore. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane, Maxamed Faarax Maxamuud ayaa khudbad uu ka jeediyey Aqalka Wakiillada waxa uu ku faah-faahiyey Miisaaniyadda Dawladda Sannadka ee lixxda bilood, taas oo bilaabneysa dhaqan-galkeeda 1-da July 2024, kuna eg December 31, 2024 si waafaqsan Qodobka 135-aad farqadiisa 4-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland. Xildhibaannada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa loo qeybiyey Miisaaniyadda, si ay ugu soo sameeyaan akhriska 2aad, waxaana dib Golaha loogu soo celinayaa maalinta Axada 30/06/2024. -DHAMMAAD-

Fadhiga 5-aad ee Kal-fadhiga 54-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Read More Β»

Fadhiga 4-aad ee Kalfadhiga 54-aad Golaha Wakiillada DPL.

Garoowe: Juun 24, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL, Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid oo ay weheliyaan ku-xigeenka 1-aad Mudane Maxamed Baari Shire & ku-xigeenka 2-aad Mudane Maxamed Maxamuud Ciise, ayaa maanta shir Guddoomiyey fadhiga 4-aad ee Kalfadhiga 54-aad Golaha Wakiillada DPL. Ajanadaha kulanka oo ahaa dhageysiga warbixinnada Guddiyada, ayaa waxaa warbixinno ka jeediyey Golaha Guddiyada kala ah: 1) Guddiga Arrimaha Deegaanka & Kheyraadka Dabiiciga 2) Guddiga Howlaha Guud, Gaadiidka iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha 3) Guddiga Siyaasadda, Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Xiriirka Caalamiga ah 4) Guddiga Amniga & Nabad gelyada Golaha Wakiillada Warbixinnada ayaa ku saabsanaa kormeerro iyo xog ururin ay Guddiyadu ku soo sameeyeen hay’addaha Dawliga ah ee ay korjoogtada ku leeyihiin. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Fadhiga 4-aad ee Kalfadhiga 54-aad Golaha Wakiillada DPL. Read More Β»

Fadhiga 3-aad ee Kalfadhiga 54-aad ee Golaha Wakiillada.

Garoowe, Juun, 23 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirisaaq Axmed Siciid oo ay wehliyaan ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Mudane, Maxamed Baari Shire iyo ku xigeenka 2-aad Mudane, Maxamed Maxamuud Ciise ayaa shir-guddoomiyey fadhiga 3-aad ee Kalfadhiga 54-aad ee Golaha Wakiillada, iyadoo Ajandaha fadhigu ahaa. 1) Qaybinta Ajandaha rasmiga ah ee Golahu ku shaqeyn doono kalfadhiga 54-aad. 2) Dhaarinta Xildhibaan cusub Yaasiin Axmed Maxamuud Samatar 3) Soojeedinta Warbixinta Guddiga Joogtada ah, taas oo uu Golaha u akhriyey Xoghayaha guud ee Golaha Wakiillada. 4) Dhageysiga Warbixinada Guddiyada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, iyadoo Guddiyada maanta warbixinada jeediyey ay kala yihiin:- A) Guddiga Anshaxa iyo Arrimaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. B) Guddiga Shuruucda, Caddaaladda Arrimaha Diinta iyo Dastuurka. C) Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha & Xisaabaadka Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. D) Guddiga Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dimuqraadiyadda Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Guddiyadda ayaa ka warbixiyey kormeeradii ay ku tageen Hay’adaha Dawladda iyo dhammaan Gobollada dalka. -DHAMMAAD-

Fadhiga 3-aad ee Kalfadhiga 54-aad ee Golaha Wakiillada. Read More Β»

Fadhiga 3-aad ee Kalfadhiga 54-aad Golaha Wakiillada DPL.

Garoowe Juun 23, 2024. Fadhiga 3-aad ee Kalfadhiga 54-aad Golaha Wakiillada DPL ayaa waxaa lagu dhaariyey Xildhibaan cusub Yaasiin Axmed Maxamuud Samatar oo baddeley Xildhibaan hore Alle ha u naxariistee Cali Axmed Maxamuud oo bishii hore ku geeriyooday shil gaari. Xubin katirsan Maxkammada sare ayaa Xildhibaanka cusub dhaariyey kadib soo jeedinta Guddiga Anshaxa iyo Arrimaha Golaha oo uu buuxiyey shuruudaha soo xulista Xildhibaannimo. Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa Xildhibaanka kusoo dhaweeeyey Golaha Wakiillada, isagoo u rajeeyey inuu guto waajibaadka ku qoran Dastuurka iyo Xeerhoosaadka Golaha Wakiillada. https://fb.watch/sTH1W2VSsG -DHAMMAAD-

Fadhiga 3-aad ee Kalfadhiga 54-aad Golaha Wakiillada DPL. Read More Β»

Scroll to Top