Golaha Wakiillada

Wararka

Fadhiga 20-aad, Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada.

Fadhigan ayaa si qoto dheer looga wada hadlay qodobo dhowr ah; Garowe, Nofeembar 27, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Mudane Hon Abdirisak Ahmed Said, oo uu wehliyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad, Mudane Hon Mohamed Mahamud Esse ayaa shir-guddoomiyey fadhiga 20-aad, Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada. Fadhigan ayaa si qoto dheer looga wada hadlay qodobo dhowr ah; Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa Golaha la wadaagay ajandaha fadhiga maanta, waxa uuna ugu horayn u yeeray Guddiga Anshaxa iyo Arrimaha Golaha si ay u soo jeediyaan buuxinta kursiga bannaan ee Golaha. Intaa kadib, Guddoomiyaha Guddiga Anshaxa iyo Arrimaha Golaha, Mudane Maxamed Siciid Qoslaaye, ayaa soo jeediyay in Liibaan Bedel Shiikh Maxamuud uu si rasmi ah uga mid noqday Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, kadib markii uu buuxiyay dhammaan shuruudaha. Guddiga Anshaxa iyo Arrimaha Golaha Wakiillada ayaa soo jeediyay in la buuxiyo kursi bannaan oo ka mid ah xubnaha golaha. Dhaariinta iyo aqoonsiga Liibaan Bedel Shiikh Maxamuud. Sidoo kale, fadhiga ayaa lagu ansixiyey xasaanadda Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dawladda Puntland, Mudane Faarax Aw Cismaan. Xasaanaddan ayaa si rasmi ah u aqoonsanaysa xilka Wasiiru Dowlaha, taasoo ka dhigan in Mudane Faarax uu si hufan uga hawlgali doono Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dawladda Puntland, taasoo qayb ka ah dadaallada Dawladda ee horumarinta dhaqaalaha iyo siyaasadda gobolka. Dhinaca kale, Golaha Wakiillada ayaa xubnaha golaha u qeybiyey qabyo-qoraalka Miisaaniyadda Dawladda Puntland ee sannadka 2025, taasoo maanta ay soo gudbiyeen Wasaaradda Maaliyadda, waxaana lagu wareejiyey Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha & Xisaabaadka Golaha Wakiilladda Dawladda Puntland. Intaa waxaa dheer, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane, Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa magacaabay labo guddi kuwaas oo kala ah; Guddiga soo ururinta xogta gobollada, kuwaas oo loo xil-saaray ururinta iyo falanqaynta xogta ku saabsan xaaladaha gobollada Puntland, taasoo gacan ka geysan doonta qorsheynta horumarineed ee deegaanada kala duwan. Sidoo kale, Guddiga la xisaabtanka Golaha Xukummadda iyo xogta arrimaha garsoorka ayaa loo magacaabay si loo xoojiyo isla xisaabtanka iyo hufnaanta maamulka dowladda, iyagoo ka shaqeyn doona hubinta in maamulka Puntland uu u shaqeeyo si cadaalad ah oo hufan. Golaha Wakiillada Dawladda Puntland wuxuu sii wadi doonaa dadaalladiisa ku aaddan hirgelinta mashaariicda iyo siyaasadaha muhiimka ah ee dalka, isagoo ka shaqeynaya sidii loo abuuri lahaa horumar waara oo ka tarjumaya baahiyaha shacabka Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dowladda Puntland

Fadhiga 20-aad, Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada. Read More »

FADHIGA 19-AAD, KALFADHIGA 55-AAD EE GOLAHA WAKIILLADA.

Garowe, Nofeembar 26, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Mudane Hon Abdirisak Ahmed Said, oo uu weheliyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad, Mudane Hon Mohamed Mahamud Esse, ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 19-aad ee Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada. Kulanka ayaa waxaa si gaar ah uga soo qeyb-galay Guddiga Sare ee Maamulka Garsoorka Puntland, kuwaas oo su’aalo kala duwan looga weydiiyey xaaladda guud ee garsoorka Puntland. Arrimaha si gaar ah diiradda loo saaray waxaa ka mid ah hufnaanta, madax-bannaanida garsoorka, iyo dib-u-habaynta nidaamka caddaaladda. Ugu horreyn, waxaa hadal kooban Golaha ka jeediyey Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dawladda Puntland, Mudane Xassan Yuusuf Nuur, oo ka hadlay doorka muhiimka ah ee maxkamadaha iyo garsoorka Puntland ee xaqiijinta cadaaladda. Guddiga Sare ee Maamulka Garsoorka Puntland ayaa soo bandhigay warbixin ku saabsan xaaladda iyo horumarka adeegyada garsoorka ee Puntland, iyagoo sidoo kale iftiimiyey qorshayaasha lagu xoojinayo adeegyadaas. Xogta la soo bandhigay waxay muujineysaa in sannadkan uu xafiiska xeer-ilaaliyaha guud ka shaqeeyey 5,085 dacwo. Sidoo kale, Guddiga ayaa iftiimiyey qorshayaasha lagu xoojinayo adeegyadaas iyo fulinta go’aamada ay Maxkamadu soo saartay iyo sare u qaadista adeegga garsoorka si loo gaarsiiyo deegaanada aan weli laga hirgelin maxkamado iyo hannaanka horumarinta Garsoorka Puntland iyo sidii caqabadaha looga gudbi lahaa. Xildhibaanada Golaha Wakiillada ayaa si qoto dheer uga dooday caqabadaha haysta garsoorka, iyaga oo xoogga saaray muhiimadda ay leedahay in bulshada loo fidiyo adeeg caddaaladeed oo waafaqsan dastuurka iyo shuruucda dalka. Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Mudane Cabdirisak Axmed Siciid, ayaa ku booriyey wada-shaqeynta joogtada ah ee hay’adaha sharci-dejinta iyo garsoorka, isagoo sheegay in wada-shaqeyntan ay lagama maarmaan u tahay xaqiijinta caddaalad loo siman yahay oo hufan. Golaha Wakiillada ayaa ballan qaaday inay sii wadi doonaan la xisaabtanka iyo dhiirrigelinta hay’adaha dowladda, si loo xaqiijiyo in Puntland ay hesho nidaam garsoor oo caddaalad ku dhisan. – DHAMMAAD – Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dowladda Puntland

FADHIGA 19-AAD, KALFADHIGA 55-AAD EE GOLAHA WAKIILLADA. Read More »

GOLAHA WAKIILLADA AYAA ANSIXIYEY WAX-KA-BEDDELKA XEERKA QAREENNADA PUNTLAND.

Garoowe, Nofeembar 12, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid, oo uu weheliyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad Mudane Maxamed Maxamuud Ciise, ayaa maanta shir guddoomiyey fadhiga 11-aad ee Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada Puntland. Ajendaha kulankan ayaa ahaa sii wadista doodda iyo ansixinta Wax-ka-beddelka Xeerka Qareennada Puntland, oo isbeddel iyo kaabis ay ku sameeyeen Guddiga Shuruucda, Caddaaladda, Arrimaha Diinta & Dastuurka ee Golaha Wakiillada. Guddigu waxa uu maanta Golaha la wadaagay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan wax-ka-beddelka iyo kaabista lagu sameeyey xeerka, si loo turxaan bixiyo loona waafajiyo Dastuurka iyo sharciyada Puntland. Fadhiga maanta oo ahaa maalintii saddexaad ee doodda ku saabsan xeerkan, ayaa si gaar ah loogu falanqeeyey qodobada muhiimka ah ee wax laga beddelay iyo kuwa cusub ee lagu soo kordhiyey. Guddigu, isaga oo ku salaynaya Qodobka 58.5-aad ee xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada iyo Qodobka 64.1-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland, ayaa dib u eegis iyo kaabis ku sameeyey xeerkan, kadibna wuxuu soo gudbiyey akhrinta saddexaad ee fadhigan. Intii uu Guddigu diyaarinayey soo jeedinta, waxa uu talo iyo tusaale ka helay Wasaaradda Caddaaladda, Dastuurka, Arrimaha Diinta iyo Dhaqancelinta Dawladda Puntland, Ururka Qareennada, iyo hay’ado kale oo muhiim ah oo arrimaha sharciga khuseeya. Sidoo kale, waxaa la barbar dhigay xeerarka dalalka dariska ah si loo hubiyo waafaqsanaanta iyo tayada xeerka. Xildhibaannada Golaha Wakiillada ayaa si qoto dheer uga dooday isbeddellada lagu sameeyey xeerkan, iyagoo tilmaamay muhiimadda ay leedahay horumarinta nidaamka caddaaladda Puntland, si loo helo nidaam sharci oo la isku halleyn karo. Xeerka Qareennada Puntland, oo muhiim u ah shaqada qareennada, ayaa loogu talagalay in uu xoojiyo ku dhaqanka sharciga iyo ilaalinta xuquuqda dadka, isagoo siinaya qareennada awood ay si madaxbannaan ugu shaqeeyaan. Xildhibaannada ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey Wax-ka-beddelka Xeerka Qareennada Puntland. – DHAMMAAD – Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta, Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

GOLAHA WAKIILLADA AYAA ANSIXIYEY WAX-KA-BEDDELKA XEERKA QAREENNADA PUNTLAND. Read More »

Fadhiga 9-aad ee Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada Puntland

  ·  Garoowe, Nofeembar 10, 2024 – Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid, oo ay weheliyaan Guddomiye Ku-xigeenka 1aad Mudane Maxamed Baarri Shire iyo Guddomiye Ku-xigeenka 2aad Mudane Maxamed Maxamuud Ciise, ayaa maanta shir guddoomiyey fadhiga 9-aad ee Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada Puntland. Ajendaha kulankan ayaa ahaa ka doodista iyo ansixinta Wax-ka-beddelka Xeerka Qareennada Puntland, oo ay Guddiga Shuruucda, Caddaaladda, Arrimaha Diinta & Dastuurka ee Golaha Wakiillada ku sameeyeen isbeddel & kaabis. Guddigu waxa uu maanta Golaha la wadaagay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan wax-ka-beddelka iyo kaabista lagu sameeyay xeerka, si loo turxaan bixiyo una waafajiyo Dastuurka iyo sharciyada Puntland. Fadhiga maanta oo xildhibaannadu ku lafagureen xeerka, ayaa waxa si gaar ah loogu falanqeeyey qodobada muhiimka ah ee wax laga beddelay iyo kuwa cusub ee lagu soo kordhiyey xeerka. Guddigu, isaga oo ku salaynaya Qodobka 58.5-aad ee xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada iyo Qodobka 64.1-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland, ayaa dib u eegis iyo kaabis ku sameeyey xeerkan, ka dibna wuxuu soo gudbiyey akhrinta saddexaad ee fadhigan. Guddiga ayaa intii uu diyaarinayey soo jeedinta, talo iyo tusaale ka helay Wasaaradda Cadaaladda, Dastuurka, Arrimaha Diinta iyo Dhaqancelinta Dawladda Puntland, Ururka Qareennada, iyo hay’ado kale oo muhiim ah oo ay khusayso arrimaha sharci. Sidoo kale, waxaa la barbar dhigay xeerarka dalalka dariska ah si loo hubiyo waafaqsanaanta iyo tayada xeerka. Guddoomiyaha Guddiga ayaa caddeeyey in dood iyo falanqayn dheer ka dib la sameeyey wax-ka-beddel iyo kaabis ay ku jiraan: 14 qodob oo la tiray ama laga saaray xeerka. 4 qodob oo cusub oo lagu soo kordhiyey. 28 qodob oo wax-ka-beddel iyo kaabis lagu sameeyey. Xildhibaanada Golaha Wakiillada ayaa ka dooday isbeddelada lagu sameeyey xeerka, iyagoo tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la horumariyo nidaamka caddaaladda Puntland, si loo helo nidaam sharci oo la isku halleyn karo. Xeerka Qareennada Puntland oo ah xeer muhiim u ah shaqada qareennada, ayaa loogu talagalay in uu xoojiyo ku dhaqanka sharciga iyo ilaalinta xuquuqda dadka, isagoo siinaya qareennada awood ay si madaxbannaan ugu shaqeeyaan. Dooda la xiriirta Wax-ka-bedelka Xeerka Qareennada Puntland ayaa sii socon doonta maalmaha soo socda Haddii Alle idmo. – DHAMMAAD – Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta, Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Fadhiga 9-aad ee Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada Puntland Read More »

Fadhiga 8-aad ee Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada Puntland

Garoowe, Nofeembar 6, 2024 – Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid, oo ay weheliyaan Guddomiye Ku-xigeenka 1aad Mudane Maxamed Baarri Shire iyo Guddomiye Ku-xigeenka 2aad Mudane Maxamed Maxamuud Ciise, ayaa maanta shir guddoomiyey fadhiga 8-aad ee Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada Puntland. Ajandaha fadhiga ayaa ahaa qeybinta Wax-ka-baddelka Xeerka Qareennada Puntland oo guddiga shuruucda, Caddaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka ee Golaha Wakiilladu ay gacanta ku hayeen islamarkaana akhrinta la baad ku sameeyeen,iyagoo latashi Kala sameeyey daneeyayaasha kala duwan ee xeeerku khuseeyo. Xeerka Qareennada ayaa loogu talagalay inuu nidaamiyo shaqada qareennada Puntland, isagoo dejinaya hage iyo sharciyo cad oo u suurta galinaya qareennada inay si madaxbannaan uga shaqeeyaan difaaca xuquuqda dadweynaha. Sidoo kale, xeerkan ayaa looga gol leeyahay xoojinta ku dhaqanka sharciga, ilaalinta caddaaladda, iyo kor u qaadista kalsoonida dadweynaha ee nidaamka caddaaladeed ee Puntland. Xeerkan wuxuu awood siinayaa qareennada Puntland inay difaacaan xuquuqda dadka iyada oo aan cabsi laga qabin in shaqadooda lagu farageliyo. Golaha Wakiillada Puntland ayaa si wadajir ah u soo dhaweeyey wax-ka-baddelka xeerka, iyagoo sheegay in uu muhiim u yahay horumarinta nidaamka caddaaladda. Xubnaha golaha ayaa isku raacay in xeerkan uu horseedi doono nidaam caddaaladeed oo hufan, isla markaana ay Puntland ka hirgeliso nidaam sharci oo ku dhisan cadaalad iyo sinaan. Goluhu wuxuu qorsheynayaa in fadhiyada dambe la sii ambaqaado doodaha la xiriira xeerkan, si loo dhammeystiro isla markaana loo ansixiyo si buuxda. – DHAMMAAD –

Fadhiga 8-aad ee Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada Puntland Read More »

Fadhiga 5-aad ee Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Garoowe, Nofeembar 3, 2024 – Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid, oo uu wehliyo Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad, Mudane Maxamed Baarri Shire, iyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad, Mudane Maxamed Maxamuud Ciise, ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 5-aad ee Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Fadhiga waxaa ka soo qaybgalay 50 mudane, waxaana diiradda lagu saaray dhageysiga warbixinno ay soo jeediyeen 5 ka mid ah guddiyada Golaha Wakiillada kuwaas oo dhawaan kormeerro ku sameeyey hay’adaha Dawladda iyo gobollada dalka. Guddiyadan oo warbixinnadooda si faahfaahsan ugu soo bandhigay waxqabadkooda iyo hawlaha ay qabteen ayaa kala ah: 1. Guddiga Arrimaha Deegaanka & Kheyraadka Dabiiciga ah – Warbixinta guddigan waxay diiradda saartay kormeerka hay’adaha Dawladda ee wada shaqeynta la leh iyo safaradii ay ku tageen gobollada dalka, iyagoo ku dhaqmay qodobada 64-aad (farqadiisa 6-aad), 62.9-aad, iyo 68-aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada intii u dhexeysay kalfadhiyada 54-aad iyo 55-aad. 2. Guddiga Siyaasadda, Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha & Xiriirka Caalamiga ah – Guddigan wuxuu soo bandhigay warbixin ka hadlaysa kormeerkii hay’adaha Dawladda ee wada shaqeynta la leh iyo safaradii ay ku tageen gobollada, iyagoo raacaya qodobka 64-aad ee Dastuurka Puntland, iyo qodobada 62.2-aad iyo 68-aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada. 3. Guddiga Arrimaha Bulshada, Dhaqanka, Warfaafinta iyo Isgaarsiinta – Warbixinta guddigan waxay ku salaysnayd kormeerkii hay’adaha Dawladda ee wada shaqeynta la leh iyo safaradii gobollada, sida uu dhigayo qodobka 64-aad (farqadiisa 6-aad) ee Dastuurka Puntland iyo qodobada 42.8-aad iyo 62.8-aad ee Xeer-hoosaadka Golaha intii u dhexeysay kalfadhiyada 54-aad iyo 55-aad. 4. Guddiga Amniga iyo Nabadgelyadda – Guddigani wuxuu ku soo bandhigay warbixin amniga iyo nabadgelyada, isagoo ku salaynaya shaqadii uu qabtay iyo kormeeradii uu sameeyey si loo xoojiyo xasiloonida guud ee Puntland. 5. Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha iyo Xisaabadka – Guddiga wuxuu soo gudbiyay warbixin ku saabsan hawlgallada la xiriira kormeerka maaliyadda iyo dhaqaalaha hay’adaha Dawladda iyo gobollada, isagoo ku dhaqmaya qodobada 63-aad, 64-aad ee Dastuurka Puntland, iyo qodobada 42.8-aad iyo 62.8-aad ee Xeer-hoosaadka Golaha intii u dhexeysay labada kalfadhi. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dowladda Puntland

Fadhiga 5-aad ee Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Read More »

Fadhiga 3-aad ee Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Garoowe, Oktoobar 31, 2024 – Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid, oo ay weheliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad Mudane Maxamed Baarri Shire iyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad Mudane Maxamed Maxamuud Ciise, ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 3-aad ee Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Fadhigan waxaa kasoo qaybgalay 57 mudane. Xildhibaannada Golaha Wakiillada ayaa loo qaybiyey Ajendaha Kalfadhiga 55-aad, iyada oo sidoo kale si rasmi ah loo guda galay ka doodista qodobada saddexaad iyo afaraad ee Ajendaha, kuwaas oo ka hadlaya Warbixinta Guddiga Joogtada ah iyo Warbixinnada Guddiyada Golaha. Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland, Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid, oo ka duulaya qodobka 42-aad, farqadiisa 7-aad ee Xeer-hoosaadka Golaha, ayaa soo gudbiyey warbixintii Guddiga Joogtada ah ee muddadii u dhaxaysay labada kalfadhi (54-aad iyo 55-aad). Warbixinta waxaa akhriyey Xoghayaha Guud, Mudane Cabdirisaaq Xiddig Warsame. Sida ku cad Qodobka 13-aad ee Xeer-hoosaadka Golaha, Guddiga Joogtada ah ayaa u xil-saaran socodsiinta hawlaha Golaha muddada u dhaxaysa labada kalfadhi, la socoshada dhacdooyinka iyo ururinta xogaha inta lagu jiro fasaxa, hubinta barnaamijyada xukuumadda in loo fuliyey sidii loogu talagalay, u yeerista mas’uul kasta oo lagula xisaabtamo shaqada loo igmaday, ansixinta barnaamijyada iyo qorshayaasha shaqo ee Golaha, ka talo-bixinta arrimaha amniga, siyaasadda, dhaqaalaha, iyo arrimaha bulshada, xoojinta xiriirka saaxiibtinimo ee ka dhexeeya Golaha Wakiillada iyo Baarlamaannada kale, kormeeridda shaqada wasaaradaha, hay’addaha Dowladda iyo kuwa aan Dawliga ahayn, iyo soo saarista baaqyo Baarlamaani ah mar kasta oo ay jiraan dhibaatooyin dabiici ah iyo kuwo bani’aadamnimo. Warbixinta Guddiga Joogtada ah oo ka koobnayd todobo qodob, ayaa si faahfaahsan uga hadashay kormeerada guddigu ku sameeyey Wasaaradaha iyo hay’adaha Puntland, booqashooyin ay ku tageen gobollada dalka, kulamo ay la qaateen Madaxda Hay’adaha caalamiga iyo safaro shaqo oo dalka dibediisa ah. Dhinaca kale, Guddiga Shuruucda, Caddaaladda, Arrimaha Diinta & Dastuurka ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa soo jeediyey warbixin ku saabsan shaqooyinkii ay qabteen, iyo kormeeradii ay ku tageen Gobollada dalka, taas oo uu soo jeediyey Guddoomiyaha Guddiga, Mudane Maxamuud Dhakuul Xirsi. Warbixintan ayaa iftiimisay kormeerada guddigu ka sameeyey gobollada dalka iyo hawlaha kale ee guddiga. – DHAMMAAD – Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dowladda Puntland

Fadhiga 3-aad ee Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Read More »

Guddoomiyaha oo ka qeyb-galay Shirka daneeyayaasha doorashooyinka Puntland

Qardho, October 19, 2024 – Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Mudane Hon Abdirisak Ahmed Said, ayaa maanta ka qeyb galay shirka Banbaxa ee daneeyayaasha doorashooyinka Puntland. Shirkan waxaa kale oo ka qeyb-galay xildhibaano, wasiiro, Guddiga Doorashooyinka Puntland, iyo daneeyayaasha doorashooyinka, iyadoo sidoo kale lagu casuumay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimoqraadiyaynta Puntland. Ujeedada shirka ayaa ahayd in lagu falanqeeyo casharadii laga bartay doorashooyinkii golayaasha deegaanka, si loo horumariyo qaabeynta doorashooyinka mustaqbalka. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray caqabado iyo fursado horyaalla nidaamka doorashooyinka, iyadoo la raadinayo xalal wax ku ool ah. Guddoomiye Abdirisak Axmed Siciid ayaa shirkan ku soo bandhigay warbixin muhiim ah oo ku saabsan qaababka doorashooyinka kala duwan ee dalka soo maray, isagoo soo jeediyey talooyin ku saabsan sidii loo xoojin lahaa hufnaanta iyo kalsoonida nidaamka doorashada. Kulankan ayaa muujinaya sida Dowladda Puntland ay u go’an tahay kor u qaadista dimuqraadiyadda iyo ka qeybgalka bulshada ee go’aannada siyaasadeed, taasoo ka tarjumaysa rabitaanka shacabka ee ku aaddan mustaqbal ifaya. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Guddoomiyaha oo ka qeyb-galay Shirka daneeyayaasha doorashooyinka Puntland Read More »

Guddiga Amniga & Nabadgelyada oo ka qeyb-galay Daah-furka Xakameynta Hubka

GAROOWE, OCTOBER 19, 2024 – Guddiga Amniga & Nabadgelyada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa maanta ka qeyb-galay Shirka Daah-furka xakameynta hubta, waxaana shirkaasi lagu qabtay Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dawladda Puntland. Shirka waxaa ka qeyb galay xubno ka socda laamaha amniga, maxkamaddaha, Guddoomiyaha Gobolka Nugaal, iyo Duqa Degmadda Garoowe. Ujeedada shirka ayaa ah in la xoojiyo xakameynta hubka si loo ilaaliyo amniga bulshada. Xildhibaan Mohamed Mursal Mohamed , oo ka mid ah Guddiga Amniga & Nabadgelyada Golaha Wakiillada, ayaa sheegay in muhiimad weyn ay leedahay in la sameeyo nidaam waara oo lagu maareeyo hubka, iyadoo Golaha Wakiilladuna diyaar u yihiin inay kala shaqeeyaan Wasaaradda Amniga. Intii lagu guda jiray shirka, waxaa si qoto dheer looga hadlay qodobo muhiim ah, sida sharciyeynta hubka, kormeerka amniga, iyo ka qeybgalka bulshada. Shirka ayaa ku baaqay in la sameeyo nidaamyo waxtar leh oo lagu xakameeyo hubka, isla markaana la dhiirrigeliyo wacyigelinta bulshada.Shirku wuxuu muujiyay baahida loo qabo in Puntland ay hesho nidaam cad oo xakameynaya hubka, taas oo gacan ka geysan doonta xasiloonida gobolka iyo amniga. Guddiga Amniga & Nabadgelyada ayaa tilmaamay in dadaalladaasi ay muhiim u yihiin mustaqbal ifaya oo ammaan ah.- DHAMMAAD – Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,Golaha Wakiilladda Dawladda Puntland

Guddiga Amniga & Nabadgelyada oo ka qeyb-galay Daah-furka Xakameynta Hubka Read More »

Scroll to Top