Golaha Wakiillada

Wararka

Xildhibaan Axmed Bille ayaa deegaanka Misir ka dhagax-dhigay dhismaha Dugsi hoose/dhexe.

Dhaxan, February 09, 2024: Xildhibaan Axmed Bille Siciid oo ka tirsan Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa gaaray deegaanada Dhaxan iyo Misir oo ka tirsan Degmadda Qardho ee Gobolla Karkaar. Xildhibaan Axmed Bille ayaa deegaanka Misir ka dhagax-dhigay dhismaha Dugsi hoose/dhexe. Dhinaca kalena, wuxuu deegaanka dhaxan ka furay xafiis ay dadka deegaanka kala xiriiri doonaa. Socdaalka Xildhibaanka waxaa ku wehlinayey Taliye ku-xigeenka 2-aad ee Ciidanka Booliska Puntland Sarreeye Guuto Cismaan Maxamuud Maxamed ( Cigge) – DHAMMAAD

Xildhibaan Axmed Bille ayaa deegaanka Misir ka dhagax-dhigay dhismaha Dugsi hoose/dhexe. Read More »

Xildhibaannada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ee laga soo doorto Gobolka Nugaal ayaa maanta Qado sharaf u sameeyay Xubnaha Golaha Wakiillada.

Garoowe, Febraayo 08, 2024: Xildhibaannada Golaha Wakiillada Dawladda Puntlland ee laga soo doorto Gobolka Nugaal ayaa maanta Qado sharaf u sameeyay Xubnaha Golaha Wakiillada. Qado sharaftaan ayaa waxaa ka qeyb-galay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Hon Abdirisak Ahmed Said oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Hon Mohamed Baarri Shire iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane, Hon Mohamed Mohamoud Isse iyo Xildhibaannada Golaha. Ujeedada Qado sharafta ayaa aheyd soo dhaweyn iyo isbarasho xubnaha cusub ee Golaha Wakiillada. – DHAMMAAD –

Xildhibaannada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ee laga soo doorto Gobolka Nugaal ayaa maanta Qado sharaf u sameeyay Xubnaha Golaha Wakiillada. Read More »

Furitaanka shirka nabadeynta beelaha walaalaha ah, kaas oo ka furmay magaalada Carmo ee Gobolka Bari.

Carmo, February 08, 2023: Guddiga Golaha Wakiilladu u xilsaaray xal u helida shaqaaqadii deegaanka sheerbi ayaa maanta ka qayb galay furitaanka shirka nabadeynta beelaha walaalaha ah, kaas oo ka furmay magaalada Carmo ee Gobolka Bari. Shirka oo gogoshiisa uu dhigay Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil, waxaa kasoo qayb galay masuulyiin ka tirsan Dawladda, marti sharaf iyo qaybaha kale ee bulshada, iyadoo lagu adkeeyey in nabad lagusoo dabaalo xaaladihii ka dhacay Magaalada Sheerbi. Kulanka maanta furmay oo socon doona maalmaha soo socda ayaa laga soo saari doonaa go’aamo lagu soo afmeerayo dhibaatadii ka dhacday Sheerbi, waxaana halkaas hadalo ka jeediyey xildhibaanada ka socday Golaha Wakiillada, iyagoo soo dhoweeyey furitaanka shirka islamarkaana ka hadlay muhiimada nabadda iyo wada noolaanshaha bulshada, iyagoo xusay inay doorkooda ka qaadanayaan da’daalada ee lagu soo celinayo xasiloonadii deegaanka Sheerbi. – DHAMMAAD –

Furitaanka shirka nabadeynta beelaha walaalaha ah, kaas oo ka furmay magaalada Carmo ee Gobolka Bari. Read More »

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa kulankii 1aad la qaatay Madax guddiyeedyada Guddiyadda ee Golaha Wakiillada.

Garoowe, Febraayo 08, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Hon Abdirisak Ahmed Said oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Hon Mohamed Baarri Shire iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane, Hon Mohamed Mohamoud Isse ayaa kulankii 1aad la qaatay Madax guddiyeedyada Guddiyadda ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Ujeedada kulanka ayaa aheyd isbarasho xubnaha cusub ee Guddiga joogta & dardargelinta waajibaadkooda shaqo. Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane, Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa xubnaha madax-guddiyeedyada ku soo dhaweeyey hoolka shirarka Guddiyada Joogtada ah, isagoo ugu hambalyeeyey xilalka loo magacaabay. Guddoomiyaha ayaa kula dardaarmay in guddi kasta ay u gudutaan waajibaadkooda si waafaqsan Dastuurka, Xeer-hoosaadka Golaha iyo xeerarka kale ee dalka. Isbarasho ka dib, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa madax guddi kasta ku wareejiyey xafiiska shaqo ee Guddiga. – DHAMMAAD

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa kulankii 1aad la qaatay Madax guddiyeedyada Guddiyadda ee Golaha Wakiillada. Read More »

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Xoghayihii hore ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federalka ee Soomaaliya

Garoowe, February 03, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Xoghayihii hore ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federalka ee Soomaaliya Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux. Kulanka ayaa sidoo kale waxaa ka qayb galay Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Maxamed Baarri Shire iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane, Maxamed Maxamuud Ciise, Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Siciid Juxa iyo Xoghayaha Golaha Wakiillada Cabdirisaaq Xidig. DHAMMAAD.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Xoghayihii hore ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federalka ee Soomaaliya Read More »

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa soo xiray kulan aqoon-Is-waydaarsi ah oo loo qabtay xubnaha Golaha Wakiillada ee Dawladda Puntland.

Garoowe, February 01, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Hon Abdirisak Ahmed Said oo uu wehliyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane, Hon Mohamed Mohamoud Isse ayaa soo xiray kulan aqoon-Is-waydaarsi ah oo loo qabtay xubnaha Golaha Wakiillada ee Dawladda Puntland. Aqoon is-waydarsiga ayaa diirradda lagu saaray fahamka shaqo ee Golaha, Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada, doorka metelaada, nidaamka xeer-dejinta, u kuur-gelidda iyo kor-joogteynta Hay’adaha Dawladda, kaas oo ay bixinayeen khuburo dhanka sharciga iyo Horumarinta Baarlamaanadda. Aqoon is-waydaarsigaan ayaa ka mid ah qorshayaasha cusub ee lagu horumarinayo Golaha Wakiillada. Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane, Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa soo xiray kulanka, isagoo Xubnaha Golaha Wakiillada kula dardaarmay in aqoontii laga helay kulanka looga faa’iideysto gudashada waajibaadka Dastuuriga ah ee Golaha Wakiillada. – DHAMMAAD – Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa soo xiray kulan aqoon-Is-waydaarsi ah oo loo qabtay xubnaha Golaha Wakiillada ee Dawladda Puntland. Read More »

Guddoonka Golaha Wakillada ayaa furay kulan aqoon Is-waydaarsi ah oo loo qabtay Xubnaha Golaha Wakiillada ee Dawladda Puntland.

Garoowe, January 31, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirisaaq Axmed Siciid oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Maxamed Baarri Shire iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane, Maxamed Maxamuud Ciise ayaa furay kulan aqoon Is-waydaarsi ah oo loo qabtay Xubnaha Golaha Wakiillada ee Dawladda Puntland. Aqoon iswaydarsiga waxaa lagu baran doonaa Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada, doorka metelaada, nidaamka xeer-dejinta, kormeerada iyo korjoogteynta Hay’adaha Dawladda. Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane, Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa xubnaha Golaha Wakiillada kula dardaarmay inay ka faa’idaystaan mudada uu socdo, kaas oo ay qabtay Hay’adda Max Planck Foundation. – DHAMMAAD – Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Guddoonka Golaha Wakillada ayaa furay kulan aqoon Is-waydaarsi ah oo loo qabtay Xubnaha Golaha Wakiillada ee Dawladda Puntland. Read More »

Fadhiga 10-aad ee Kalfadhiga 1-aad ee Baarlamaanka 6-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Garoowe, January 29, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirisaaq Axmed Siciid oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Maxamed Baarri Shire iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane, Maxamed Maxamuud Ciise ayaa shir Guddoomiyey fadhiga 10-aad ee Kalfadhiga 1-aad ee Baarlamaanka 6-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Xildhibaannada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa ansixiyey Miisaaniyad KMG ah ee Dawladda ku shaqeyn doonto muddo 6 bilood ah taas oo Wasaaradda Maaliyadda Golaha u soo gudbisay, kadib codsi Madaxweyne oo ku saabsanaa ansixinta Miisaaniyad KMG ah ee bilaha January – June, 2024 laguna sii dhaqmo Miisaaniyad Sannadeedkii 2023. Miisaaniyada KMG ayaa ku saleysan Miisaaniyadii hore ee sannadkii 2023, taas oo aheyd $376,699,825, ( Saddex boqol todobaatan lix malyan lix boqol sagaashan iyo sagaal kun sideed boqol labaatan iyo shan dollar) Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa khudbad uu ka jeediyey Aqalka Wakiillada waxa uu ku faah-faahiye Miisaaniyadda KMG ah ee bilaha January – June, 2024, si waafaqsan Qodobka 135-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland. Wasiirka ayaa ku sheegay ku talo-galka dhakhliga gudaha ahaa $97,212,528 dollar oo bishii ku qoondaysan 8,101,044, dollar dhakhligaan oo ku xaroonaya13 madax oo ka kala imanaya dhammaan gobollada Puntland. Miisaaniyaddii 2023 waxay ka koobnayd dhakhli ku qoondeysnaa khasnada Dawladda ( On Budget) iyo dhakhli ka baxsan khasnad Dawladda ( Off Budget) Miisaaniyadii 2023dii waxaa ku jiray filasho kab miisaaniyadeed oo dhan $22,275,432 oo bishii ku qoondeysnaa $1,856,286, waxaa sidoo kale ku jiray Miisaaniyadda filasho dhakhli ee mashaariicda horumarinta Bangiga Adduunka iyo JPLG oo wadar ahaan dhan $26,239,246 sannadkii. Sida Wasiirka Maaliyadda ku sheegay Warbixintiisa dakhliga ka baxsan khasnadda Dawladda oo ka kala imaanayey Dawladaha hoose iyo mashaariicda hay’adaha Qaramada midoobey ayaa wadar ahaan dhan $230,972,619 halka ku talo-galka kharashka gudaha ee sannadka 2023 wadar ahaan dhammaa $119,487,960 dollar bishii ku qooneysnaa $9,957,330 taas oo Xildhibaanadii hore Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa ku sameeyay akhriskii 2aad. Intaa kadib, Fadhiga oo ay goob-joog ahaayeen 56 Xildhibaan, ayaa cod gacan-taag ah Oggol ugu codeeyey 54 Xildhibaan, Diidmo 1, Aamus 1 , sidaas ayeyna ansax ku noqotay Miisaaniyada KMG ah ee Bilaha January – June, 2024 – DHAMMAAD – Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Fadhiga 10-aad ee Kalfadhiga 1-aad ee Baarlamaanka 6-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Read More »

Fadhiga 9-aad ee Kalfadhiga 1-aad ee Baarlamaanka 6-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Garoowe, January 28, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Abdirisak Ahmed Said oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Mohamed Baarri Shire iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane, Mohamed Mohamoud Isse ayaa shir Guddoomiyey fadhiga 9-aad ee Kalfadhiga 1-aad ee Baarlamaanka 6-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Ajandaha fadhiga ayaa ahaa akhrinta codsi kordhin dhismaha Golaha Xukumadda & soo jeedinta warbixinta Guddiga loo xil-saaray arrimaha deegaanka Sheerbi ee Gobolka Karkaar. Intaa kadib. Xildhibaannada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa cod aqlabiyad ah Oggol ugu codeeyay codsi Madaxweyne, kaas oo ahaa in muddo 30 cishe la siiyo si uu u soo dhiso Golaha Xukummadda. ( February 28, 2024) Dhinaca kale, waxaa Golaha warbixin ka jeediyey Guddiga loo xil-saaray arrimaha deegaanka Sheerbi ee Gobolka Karkaar. – DHAMMAAD – Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Fadhiga 9-aad ee Kalfadhiga 1-aad ee Baarlamaanka 6-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Read More »

Scroll to Top