Golaha Wakiillada

Wararka

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Ayaa shir Guddoomiyey kulan gaar ah oo ka qabsoomay aqalka Wakiillada.

Garoowe: May 23, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid oo ay wehliyaan ku-xigeenka 1-aad Mudane Maxamed Baari Shire iyo ku-xigeenka 2-aad Mudane Maxamed Maxamuud Ciise ayaa shir Guddoomiyey kulan gaar ah oo ka qabsoomay aqalka Wakiillada. Shirka oo ay goob-joog ahaayeen Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada ayaa lagu sagootinayey Guddiyo ka tirsan Baarlamaanka, kuwaas oo dhawaan u ambabixi doona Gobolada Puntland, si ay warbixin ku aadan xaaladda guud ee dalka uga soo diyaariyaan deegaanada Dawladda Puntland ee dhinacyada amniga, cadaaladda, dhaqaalaha, waxbarashada, caafimaadka iyo xuquuqul insaanka. Ugu dambeyn, Guddoomiyaha oo kulanka soo xiray ayaa la dardaarmay Xildhibaannada iyo howlwadeennada safarka shaqo ugu baxaya Gobolada Dalka. -DHAMMAAD

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Ayaa shir Guddoomiyey kulan gaar ah oo ka qabsoomay aqalka Wakiillada. Read More »

Fadhiga 6-aad ee Guddiga Joogtada ah.

Garoowe, May 14, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Hon Abdirisak Ahmed Said, oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Mudane, Hon Mohamed Baarri Shire iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane, Hon Mohamed Mohamoud Isse, ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 6-aad ee Guddiga Joogtada ah. Fadhiga maanta waxaa Guddiga Joogtada ah hor yimi Guddoomiyaha Maxkamadda sare, Wasiirka Wasaaradda Caddaalada Arrimaha Diinta, Taliyaha Ciidanka Asluubta iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamadda Qalabka-sida iyo Dembiyada culus, iyagoo Guddiga Joogtada la wadaagay warbixin ku saabsan arrimaha 𝑪𝒂𝒅𝒂𝒂𝒍𝒂𝒅𝒅𝒂, 𝑮𝒂𝒓𝒔𝒐𝒐𝒓𝒌𝒂, 𝑿𝒂𝒃𝒔𝒊𝒚𝒂𝒅𝒅𝒂 𝒊𝒚𝒐 𝑴𝒂𝒙𝒂𝒂𝒃𝒊𝒊𝒔𝒕𝒂. Ugu horeyn, mas’uuliyiinta Guddiga hor-yimi ayaa Guddiga Joogtada ah la wadaagay warbixinno la xiriira Waajibaadka Dastuuriga ah ee ay u xilsaaran yihiin, waxaan xubnaha Guddiga Joogtada ahi su’aalo ka weydiiyeen arrimaha 𝑪𝒂𝒅𝒂𝒂𝒍𝒂𝒅𝒅𝒂, 𝑮𝒂𝒓𝒔𝒐𝒐𝒓𝒌𝒂, 𝑿𝒂𝒃𝒔𝒊𝒚𝒂𝒅𝒅𝒂 𝒊𝒚𝒐 𝑴𝒂𝒙𝒂𝒂𝒃𝒊𝒊𝒔𝒕𝒂 𝑷𝒖𝒏𝒕𝒍𝒂𝒏𝒅, iyagoo ka duulaya kormeer iyo kor-jogteyn ay ku tageen qaar kamid ah 𝑴𝒂𝒙𝒌𝒂𝒎𝒂𝒅𝒂𝒉𝒂, 𝑺𝒂𝒍𝒅𝒉𝒊𝒈𝒚𝒂𝒅𝒂 𝒊𝒚𝒐 𝑿𝒂𝒃𝒔𝒊𝒚𝒂𝒅𝒂. Dood iyo falanqeyn dheer kadib, waxaa la isla qaatay in la xoojiyo wada shaqeynta hay’adaha Caddaaladda, xaqiijinta helitaanka caddaalad loo dhan yahay, taas oo ku dhisan shareecadda islaamka, mabaadiida caalamiga ah, Dastuurka iyo Xeerarka kale ee dalka, tayeynta iyo kor-u-qaadista kartida iyo aqoonta mas’uuliyiinta iyo hawl-wadeenada hay’adaha Caddaaladda iyo ilaalinta xuquuqda iyo daryeelka maxaabiista ku xiran xabsiyada. Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo fadhiga soo xiray ayaa mas’uuliyiinta kula dardaarmay hirgelinta qodobada fadhiga looga hadlay, isagoo balan-qaaday in ay si joogto ah kormeero iyo korjoogteyn ugu samayn doonaan Hay’adaha Caddaaladda, kana jawaabidoonaan cabashooyinka ay la wadaageen guddiga, si loo xaqiiqjiyo helitaanka caddaalad loo dhan yahay oo ku dhisan sareynta sharciga. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta, Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Fadhiga 6-aad ee Guddiga Joogtada ah. Read More »

Fadhiga 5-aad ee Guddiga Joogtada ah.

Garowe, May 13, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Hon Abdirisak Ahmed Said oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Mudane, Hon Mohamed Baarri Shire iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane, Hon Mohamed Mohamoud Isse ayaa shir-guddoomiyey fadhiga 5-aad ee Guddiga Joogtada ah. Fadhiga maanta waxaa Guddiga Joogtada ah hor yimi Wasiirada Wasaaradaha Amniga iyo DDR-ta, Arrimaha Gudaha Federaalka & Dimuqraadiyadda, Wasiiru dawlaha Wasaaradda Amniga, Agaasimaha Guud ee Wasaarada Amniga, Taliyaha Ciidanka Booliska, Duqa Degmada Garoowe, Taliyaha Qeybta Gobolka Nugaal, Taliyaha Baarista Denbiyada Gobolka Nugaal iyo mas’uuliyiin kale, iyagoo Guddiga Joogtada la wadaagay warbixin ku saabsan xaaladda Amniga dalka, waxqabadka ciidanka, Arrimaha gudaha, caqabadaha jira iyo qorshaha horumarinta Amniga. Guddiga Joogtada ah ayaa su’aalo ka weydiiyey natiijadii ka soo baxday kormeer iyo kor-joogteyntii ay guddiyadu Goluhu ku tageen saldhigyada magaalada Garoowe, kaasoo u jeeddadiisu ahayd la socodka habsami u socdka shaqada Saldhigyada, u kuurgelidda baahiyaha jira iyo sidii looga gudbi lahaa. Dood iyo falanqeyn dheer kadib oo mas’uuliyihiintu ka yeesheen arrimahaas waxay isla qaateen in la xoojiyo wada shaqeynta hay’adaha Amniga, horumarinta Degmooyinka, teyeynta ciidanka Booliska, ilaalinta sharciga iyo u adeegidda shacabka. Ugu dambayn, guddiga joogtada ahi waxay mas’uuliyiinta kula dar-daarmeen in qorshe cad laga yeesho sidii horumar la taaban karo looga gaari lahaa Amniga Caasimadda iyo guud ahaan Puntland, waxayna ballanqaadeen in ay korjoogteyn ku samaynayaan hay’adda dawladda, si loo xaqiijiyo waxqabadkooda, iyagoo u mahadceliyey guud ahaan ciidanka Puntland iyo shaqada ay dalka u hayaan. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta. Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Fadhiga 5-aad ee Guddiga Joogtada ah. Read More »

Guddiga Anshaxa & Arrinaha Golaha ayaa maanta yeeshay kulanka dar-dargelinta shaqooyinka Guddiga horyaala.

Garoowe, May 11, 2024: Guddiga Anshaxa & Arrinaha Golaha ayaa maanta yeeshay kulanka dar-dargelinta shaqooyinka Guddiga horyaala. Kulanka oo uu shir Guddoomiye Guddoomiyaha guddiga Xild. Maxamed Siciid (Qoslaaye) ayaa madasha lagu soo bandhigay qorshe hawleedka Guddiga ee la doonayo in la qabto mudada ka harsan furitaanka Golaha weynaha Baarlamanka. DHAMMAAD.

Guddiga Anshaxa & Arrinaha Golaha ayaa maanta yeeshay kulanka dar-dargelinta shaqooyinka Guddiga horyaala. Read More »

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa shir-guddoomiyey fadhiga 4-aad ee Guddiga Joogtada ah.

Garoowe, May 06, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Hon Abdirisak Ahmed Said oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Golaha Wakiillada Mudane, Hon Mohamed Baarri Shire iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane, Hon Mohamed Mohamoud Isse ayaa shir-guddoomiyey fadhiga 4-aad ee Guddiga Joogtada ah. Fadhiga maanta waxaa looga hadlay xaaladda guud ee dalka, iyadoo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada uu Guddiga joogtada ah warbixin dhinacyo badan taabanaysa ka siiyey safar uu tagey magaalada Nairobi, halkaas oo uu kulamo kala dawan kula yeeshay, Ganacsatada, Siyaasiyiinta iyo hay’adaha taageera horumarinta iyo tayeynta shaqada Baarlamaannada, kulamaas oo ku soo dhammmaday guul iyo is-afgarad. Dhinaca kale, waxaa warbixin laga dhageystey Guddiyada Shuruucda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka, Xuquuqada Isaanka, Haweenka & Arrimaha Qoyska iyo Amniga & Nabagelyada Golaha Wakiilada, kuwaaso kormeer ku tagey Maxkamadda Sare Dawladda Puntland, Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida, Taliska Ciidanka Asluubta, Laanta Dembi-baarista iyo Saldhigyada Garoowe. Ujeeddada koormeerka oo ahayd uu kuurgelidda adeegyada caddaaladda, la socodka xaaladda maxaabiista iyo xalinta cabashooyinka dadweynaha. Intaas kadib guddigu waxay isla qaateen in wax qabashada caqabadaha jira wax laga weydiiyo Hay’adaha shaqada ku leh, si waafaqsan Dastuurka iyo Xeer-hoosaadka Golaha Wakiilada Puntland. – DHAMMAAD – Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta, Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa shir-guddoomiyey fadhiga 4-aad ee Guddiga Joogtada ah. Read More »

GUDDIYO KA TIRSAN GOLAHA WAKIILADA OO MAANTA XOG WAREYSTAY MAXAABIISTA U XIRAN DAMBIYADDA CULUS.

Garoowe, May 4, 2024: Guddiyada ka socda Golaha Wakiillada oo maanta booqasho shaqo ku tegey Xabsiga dhexe ee Garoowe ayaa la kulmay maxaabiista u xiran dambiyada culus, iyagoo ka xog wareystay xaaladooda nololeed iyo tabashooyinka ay qabaan. Kormeerka Guddiyadda ay mudooyinkii dambe ay ku sameynayeen xaalada Caddaalada iyo dhowrista xuquuqda aadanah ayaa wax badan ka qabsoomay, iyadoo warbixintooda oo dhameystiran la horgeyn doono Kalfadhiga guud Baarlamanka iyo midka Guddiga Joogtad ah. Xildhibaannada maanta kormeerka sameeyey ayaa kala ahaa Xild. Maxamuud Dhakuul Xirsi iyo Xild. Mowliid Abokor Caafi, waxaana ku wehliyey Guddoomiyaha Xafiiska Difaacaha Xuquuqda aadanaha, Guddoomiyaha & Xeer ilaaliyaha Maxkamadda Ciidamada qalabka sida. -DHAMMAAD

GUDDIYO KA TIRSAN GOLAHA WAKIILADA OO MAANTA XOG WAREYSTAY MAXAABIISTA U XIRAN DAMBIYADDA CULUS. Read More »

Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa maanta si rasmi ah u la wareegay koox horey ugu ciyaari jirtey magaca SBC.

Garoowe, May 01, 2024: Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa maanta si rasmi ah u la wareegay koox horey ugu ciyaari jirtey magaca SBC. Munaasibad Kooxda kula wareegyeen Golaha Wakiillada oo ka dhacday xarunta Golaha ayaa waxaa ka qeyb-galay, Xil. Cabdicasiis Axmed Saalax Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Bulshada, Xil. Maxamed Siciid Cali Guddoomiyaha Anshaxa iyo Arrimaha Golaha, Xildh Ibraahim Casayr Gurraase, Guddoomiye ku-xigeen Guddiga Siyasaasadda, Cabdirisaaq Xiddig Warsame Xoghayaha Guud, Hodon Siciid Xasan Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Puntland, Guddiga, Guddiga Olompikada Puntland, Xubno ka socdey Xiriirka Kubbada Cagta Guddoonka ciyaaraha ee Gobolka iyo masuulyiin kale iyo Kooxda Ciyaaradaha ku matalaysa Magaca Golaha Wakiillada. Xildhibaanada ayaa munaasabadda ka soojeediyey in ay muhiim tahay dhiirigelinta iyo horumarinta Dhalintada Puntland, waxayna uga mahadceliyey kooxdan ugu ciyaari jirtey magaca SBC iyo ciyaar wanaagooda iyo mas’uuliyihiinta gacanta ku hayey muddadii ay jireen. Tartanka Ciyaaraha ayaa xoojiya korna u qaada is-dhexgalka, walalnimada iyo midnimada dhallinyarada guud ahaan. Ugu dambayn Kooxdan ayaa ku ciyaaraysa Magaca Golaha Wakiillada waxayna ka qeyb galayaan tartanta Ciyaaraha heerka 1-aad ee dhawaan ka furmidoona. – DHAMMAAD –

Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa maanta si rasmi ah u la wareegay koox horey ugu ciyaari jirtey magaca SBC. Read More »

GUDDIYO KA TIRSAN GOLAHA WAKIILADA OO MAANTA KORMEERAY MAXKAMADDA CIIDAMADA QALABKA SIDA IYO XARUNTA DAMBI BAARISTA PUNTLAND.

Garoowe, April 30, 2024: Guddiyada ka socda Golaha Wakiillada oo ugu horeyn kormeeray xarunta maxkamadda ciidamada qalabka sida & dambiyada culus ayaa warbixin ka dhageystay Guddoomiyaha Maxkamadda, isagoo Guddiyada la wadaagay sida shaqadu u socoto, caqbadaha jira iyo waxyaabaha u qabsoomay. Sidoo kale Xildhibaannada ayaa su’aalo ka weydiiyey arrimaha uu ka hadlay Guddoomiyaha maxkamadda ciidamada iyo guud ahaan shaqada ay hayaan. Dhanka kale, Mudenayaasha katirsan Golaha Wakiillada ayaa kormeeray xarunta dhexe dambi baarista Puntland (CID), iyagoo warbixin ka dhageystay saraakiisha xarunta, shaqada ay bulshada u hayaan, caqabadaha haysta iyo waxyaabaha u qabsoomay. Ugu dambeyn Guddiyadda ayaa kormeeray xafiisyada xarunta dambi baarista halkaas oo ay ka socotay shaqada maalin laha ee dadweynaha loogu adeego. Xildhibaannada kormeerka sameeyey ayaa kala ahaa Guddoomiyaha Guddiga Shuruucda, Caddaaladda, Xild. Maxamuud Dhaluul Xirsi, Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka Xild. Mowliid Abokor Caafi iyo Guddoomiyaha Guddiga Amniga Xassan Ducaale (Dhagax-tuur). -DHAMMAAD-

GUDDIYO KA TIRSAN GOLAHA WAKIILADA OO MAANTA KORMEERAY MAXKAMADDA CIIDAMADA QALABKA SIDA IYO XARUNTA DAMBI BAARISTA PUNTLAND. Read More »

GUDDIYO KA TIRSAN GOLAHA WAKIILADA OO MAANTA KORMEERAY MAXKAMADDA SARE.

Garoowe, April 29, 2024: Guddiyada ka socda Golaha Wakiillada ayaa maanta kormeer shaqo ku tegay xarumaha Garsoorka Dawladda Puntland, iyagoo u kuurgalay habka shaqadu u socoto, caqabadaha jira iyo cabashooyinka dadweynaha ee arrimaha Cadaaladda. Guddiyadda ayaa ugu horeyn kulan la qaatay Guddoomiyaha Maxkamadda sare, ku-xigeenkiisa iyo xubno kamid ah Maamulka Garsoorka, iyagoo ka dhageystay warbixin ku saabsan waxqabadkooda, caqabadaha iyo tabashooyinka dadweynaha ee arrimaha Cadaaladda. Sidoo kale Xildhibaannada ayaa kormeeray Maxkamadda derajada 1-aad ee Gobolka Nugaal, Maxkamadda Racfaanka iyo Garsooreyaashooda, kuwaas oo ay ka xog wareysteen shaqooyinka ay u hayaan iyo caqabadaha haysta. Xildhibaannada kormeerka sameeyey ayaa kala ahaa Guddoomiyaha Guddiga Shuruucda, Caddaaladda, Xild. Maxamuud Dhaluul Xirsi, Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka Xild. Mowliid Abokor Caafi iyo Guddoomiyaha Guddiga Amniga Xassan Ducaale (Dhagax-tuur). Ugu, dambeyn Mudaneyaasha ka tirsan Golaha Wakiillada ayaa booqday saldhiga galbeed ee magaalada Garoowe, halkaas oo ay ku dhageysteen maxaabiista xiran iyo caqabadaha jira. -DHAMMAAD-

GUDDIYO KA TIRSAN GOLAHA WAKIILADA OO MAANTA KORMEERAY MAXKAMADDA SARE. Read More »

Guddoomiyaha Golaha wakiillada ayaa ka qeyb-galay Daah-furka todobaadka dhireynta Puntland.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo uu wehliyo Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland Mudane, Ilays Cusmaan Lugatoor ayaa beeray Geeddkii 1aad ee todobaadka dhireynta, Garoowe, April 28, 2024 : Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Hon Abdirisak Ahmed Said, ayaa ka qeyb-galay Daah-furka todobaadka dhireynta Puntland kaas oo ay qabtay Wasaarada Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Puntland. Wasaaradda Deegaanka & Isbedelka Cimulada ayaa sheegtay in qorshaha Todobaadkaan uu yahay in guud ahaan Puntland lagu beero in ka badan 20 kun oo geed. Kulanka waxaa ka qeyb-galay Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Deegaanka & Kheyraadka Dabiiciga ah ee Golaha Wakiillada Xil. Yaasiin Jaamac Cumar, Xildhibaano iyo qaar ka mid ah Golaha Wasiiradda. DHAMMAAD – Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelintaGolaha Wakiillada Dawladda Puntland

Guddoomiyaha Golaha wakiillada ayaa ka qeyb-galay Daah-furka todobaadka dhireynta Puntland. Read More »

Scroll to Top