Guddoomiyaha Golaha wakiillada ayaa ka qeyb-galay Daah-furka todobaadka dhireynta Puntland.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo uu wehliyo Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland Mudane, Ilays Cusmaan Lugatoor ayaa beeray Geeddkii 1aad ee todobaadka dhireynta, Garoowe, April 28, 2024 : Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Hon Abdirisak Ahmed Said, ayaa ka qeyb-galay Daah-furka todobaadka dhireynta Puntland kaas oo ay qabtay Wasaarada Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Puntland. Wasaaradda Deegaanka & Isbedelka Cimulada ayaa sheegtay in qorshaha Todobaadkaan uu yahay in guud ahaan Puntland lagu beero in ka badan 20 kun oo geed. Kulanka waxaa ka qeyb-galay Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Deegaanka & Kheyraadka Dabiiciga ah ee Golaha Wakiillada Xil. Yaasiin Jaamac Cumar, Xildhibaano iyo qaar ka mid ah Golaha Wasiiradda. DHAMMAAD – Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelintaGolaha Wakiillada Dawladda Puntland









