Golaha Wakiillada

Wararka

Fadhiga 10-aad ee Kalfadhiga 52-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Garoowe: July 03, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashid Yusuf Jibril Cawl oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta Shir-guddoomiyey fadhiga 10-aad ee Kalfadhiga 52-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Fadhiga maanta Ajandaha ayaa ahaa qeybinta Xisaab-xirka Miisaaniyadda Dawladda ee sannadka 2022, sida uu qabo Dastuurka Dawladda Puntland Qodobadiisa 64-aad iyo 137-aad. Golaha waxaa warbixinta Xisaab xirka sannad maaliyadeedka 2022 ka horjeediyay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad. Wasiirka Maaliyadda ayaa sheegay in ku talagalka kharashka gudaha ee Miisaaniyadda sannadka 2022 uu ahaa $106,039,035 dollar, halka kharashka dhab ahaan la galay uu noqday $92,825,283.40 dollar taas oo ah inaan la bixin kharash ku talagalkiisu ahaa $13,213,751.60 dollar oo u dhiganta % 12.5 Intaa kadib, waxaa Xisaab-xirka Miisaaniyadda sannadka 2022 lagu wareejiyey Guddiga Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, waxay dib Golaha ugu soo celin doonaa maalinta Isniinta oo taariikhdu ku beegan tahay 10 July, 2023. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Fadhiga 10-aad ee Kalfadhiga 52-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Read More »

Fadhigii 9-aad ee kalfadhiga 52-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Garoowe, July 02, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay wehliyaan ku-xigeenka 1-aad Mudane Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo ku-xigeenka 2-aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta shir Guddoomiyey fadhigii 9-aad ee kalfadhiga 52-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Guddoomiyaha ayaa xildhibaannada la wadaagay in maalinka berri ah taariikhduna tahay 3-da Luulyo ay Golaha hor imaanayso Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland si ay Golaha ugu soo gudbiso warbixinta Xisaabka Xirka Miisaaniyada sannadkii tagay ee 2022-ka. DHAMMAAD

Fadhigii 9-aad ee kalfadhiga 52-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Read More »

Fadhiga 8-aad ee Kalfadhiga 52-aad (Wax-ka-bedelka Xeerka Hawlgabka & Liiltirka shaqaalaha rayidka Dawladda Puntland.)

Garoowe: June 24, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashid Yusuf Jibril Cawl oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta Shir-guddoomiyey fadhiga 8-aad ee Kalfadhiga 52-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Fadhiga maanta ayaa qorshe hawleedku ahaa ka shaqeynta Wax-ka-bedelka Xeerka Hawlgabka & Liiltirka shaqaalaha rayidka Dawladda Puntland. Fadhiga waxaa goob-joog ka ahaa 46 Mudane, Ugu horeyn Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa hadalka siiyey Guddiga Arrimaha Bulshada, Dhaqanka, Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Golaha Wakiillada kaas oo akhriska 2aad ku sameeyay, kadib la tashiyo uu la yeeshay dhammaan dhinacyada xeerka saameynta ku leeyahay. Akhrinta 3aad ee xeerka kadib waxaa Goluhu uu guda galay qodob-qodob uga doodista & wax-ka-bedelkiisa. Wax-ka-bedelka Xeerka Hawlgabka & Liiltirka shaqaalaha rayidka Dawladda Puntland ayaa si faah-faahsan uga hadlaya nidaaminta xuquuqda hawl-gabka iyo Liiltirka shaqaalaha Dawladda, xaqsiinta shaqaalaha, ilaalinta dakhliga hawlgabyaasha, naafada iyo qoysaskooda. Xeerka ayaa sameyn ku laheyn dhammaan Xubnaha Golaha Wakiillada, xubnaha Golaha Xukumadda, Xubnaha Garsoorka, Ciidamada qalabka sida, Shaqaalaha ka hawlgala shirkadaha ganacsi ee Dawladda, Bangiyadda Dawladda, shaqaalaha aan joogtada ahayn, qandaraasleyaasha Dawladda, kuwaas oo shaqeeya wakhti xadidan oo aan lagu magacaabin sharciga magacaabidda shaqaalaha Dawladda, Shaqaalaha ganacsiyada gaarka loo leeyahay iyo shaqaalaha Dawladaha hoose. Dooda ayaa soo socotay illaa Kalfadhigii 51-aad, waxaana tallo ku biiriyey Guddiga Culimadda Puntland. Intaa kadib, Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, waxay maanta Cod aqlabiyad leh ku meelmariyeen Ansixinta Wax-ka-bedelka Xeerka Hawlgabka & Liiltirka shaqaalaha rayidka Dawladda Puntland, Waxaa Oggol ugu codeeyay 42 mudane, cid diiday ma jirtin, halka ay ka aamuseen 4 mudane. Dhinaca kalena, Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa galay fasax illa bisha Luuliyo 02, 2023. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladad Puntland. https://fb.watch/lmPgIwppuW/ (Gal linkiga muuqal)

Fadhiga 8-aad ee Kalfadhiga 52-aad (Wax-ka-bedelka Xeerka Hawlgabka & Liiltirka shaqaalaha rayidka Dawladda Puntland.) Read More »

fadhiga 7-aad ee Kalfadhiga 52-aad (dhegeysiga warbixinta ugu danbeysay ee Guddiyada Golaha Wakiilada Dowlada puntland)

Garoowe: June 22, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashid Yusuf Jibril Cawl oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta Shir-guddoomiyey fadhiga 7-aad ee Kalfadhiga 52-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dhegeysiga warbixinta ugu danbeysay ee Guddiyada Golaha Wakiilada , waxaana warbixin soo jeediyay; 1. Guddiga Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dimuqraadiyadda 2. Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha & Xisaabaadka 3. Guddiga Howlaha Guud, Gaadiidka, Ganacsiga iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha Warbixinta ayaa ku saabsanayd kormeerro iyo xog ururin ay Guddiyadu Gobollada Puntland iyo kulamo la xisaabtanka Hay’addaha Dawliga ah ee ay korjoogtada ku leeyihiin,si ay u la socdaan shaqooyinka ay fuliyaan Ugu dambeyntii, Fadhiga maanta waxaa la soo geba-gabeeyey warbixinta Guddiyada Golaha Wakiillada si waafaqsan Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada Qodobkiisa 42-aad farqadiisa 8-aad. DHAMMAAD. Xafiiska Warfaafinta Golaha Wakiillada DPL.

fadhiga 7-aad ee Kalfadhiga 52-aad (dhegeysiga warbixinta ugu danbeysay ee Guddiyada Golaha Wakiilada Dowlada puntland) Read More »

Fadhiga 6-aad ee Kalfadhiga 52-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Garoowe: June 21, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashid Yusuf Jibril Garaad Cawl oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta Shir-guddoomiyey fadhiga 6-aad ee Kalfadhiga 52-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dhageysiga warbixinta Guddiyada, waxaana warbixin soo jeediyay; 1. Guddiga Xuquuqda Insaanka, Haweenka iyo Arrimaha qoyska. 2. Guddiga Siyaasada, Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo xiriirka caalamiga ah. 3. Guddiga Arrimaha Bulshada, Dhaqanka, Warfaafinta iyo Isgaarsiinta. Warbixinta ayaa ku saabsanayd kormeerro iyo xog ururin ay Guddiyadu ku soo sameeyeen hay’addaha Dawliga ah ee ay korjoogtada ku leeyihiin, lana socdaan shaqooyinka ay dalka u hayaan. Waxaa sii socon doonaa maalmaha soo socda Warbixinada Guddiyada Golaha. – DHAMMAAD – Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Fadhiga 6-aad ee Kalfadhiga 52-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Read More »

Fadhiga 5-aad ee Kalfadhiga 52-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Garoowe: June 20, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashid Yusuf Jibril Garaad Cawl oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta Shir-guddoomiyey fadhiga 5-aad ee Kalfadhiga 52-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa Soo jeedinta wax- ka-bedelka Dastuurka Dawladda Puntland oo ay Golaha u soo gudbiyeen Guddiga gaarka ah ee Falanqeynta wax-ka-bedelka Dastuurka Dawladda Puntland. Fadhiga waxaa goobjoog ka ahaa 35 Mudane Dood iyo falanqeyn dheer ka dib oo ay ka yeesheen mudanayaasha Golaha, waxaa Oggol ugu codeeyay 34 mudane, Diidmo 1 Mudane, cid ka aamustayna majirin, waxaana sidaas ansax ku noqday soo jeedinta wax-ka-bedelka Dastuurka. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Fadhiga 5-aad ee Kalfadhiga 52-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Read More »

Fadhiga 4-aad ee Kalfadhiga 52-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Garoowe: June 19 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashid Yusuf Jibril Garaad Cawl oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta Shir-guddoomiyey fadhiga 4-aad ee Kalfadhiga 52-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dhageysiga warbixinta Guddiyada, waxaana warbixin soo jeediyay; 1. Guddiga Arrimaha Golaha iyo Anshaxa 2. Guddiga Shuruucda, Caddaalada iyo Arrimaha Diinta iyo Dastuurka 3. Guddiga Arrimaha deegaanka iyo Khayraadka dabiiciga ah 4. Guddiga Amniga & Nabadgelyada Warbixinta ayaa ku saabsanayd kormeerro iyo xog ururin ay Guddiyadu ku soo sameeyeen hay’addaha Dawliga ah ee ay korjoogtada ku leeyihiin, lana socdaan shaqooyinka ay dalka u hayaan. Waxaa sii socon doonaa maalmaha soo socda Warbixinada Guddiyada Golaha. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Fadhiga 4-aad ee Kalfadhiga 52-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Read More »

Fadhiga 3-aad ee Kalfadhiga 52-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Garoowe: June 18, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan & Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta shir guddoomiyey fadhiga 3-aad ee Kalfadhiga 52-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Fadhiga maanta waxaa Xildhibaannada loogu qaybiyey Ajandaha rasmiga ah ee Kalfadhiga 52-aad, si waafaqsan qodobka 42-aad farqadiisa 4-aad ee Xeer hoosaadka Golaha Wakiillada, iyada oo ay soo diyaariyeen Shir Guddoonka Golaha. Sidoo kale Kulanka maanta waxaa Golaha laga hor akhriyey warbixinta Guddiga joogtada ah ee Kalfadhiga 52-aad, warbixintaas oo ku saabsanayd waxqabadka Guddiga joogtada ah ee muddadii u dhaxeysay labada Kalfadhi. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta, Golaha Wakiillada Dawladda Puntland https://fb.watch/leUJ-cIt6Q/

Fadhiga 3-aad ee Kalfadhiga 52-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Read More »

Fadhiga 3-aad ee Kalfadhiga 52-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Garoowe: June 18, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan & Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta shir guddoomiyey fadhiga 3-aad ee Kalfadhiga 52-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Fadhiga maanta waxaa Xildhibaannada loogu qaybiyey Ajandaha rasmiga ah ee Kalfadhiga 52-aad, si waafaqsan qodobka 42-aad farqadiisa 4-aad ee Xeer hoosaadka Golaha Wakiillada, iyada oo ay soo diyaariyeen Shir Guddoonka Golaha. Sidoo kale Kulanka maanta waxaa Golaha laga hor akhriyey warbixinta Guddiga joogtada ah ee Kalfadhiga 52-aad, warbixintaas oo ku saabsanayd waxqabadka Guddiga joogtada ah ee muddadii u dhaxeysay labada Kalfadhi. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta, Golaha Wakiillada Dawladda Puntland https://fb.watch/leUJ-cIt6Q/

Fadhiga 3-aad ee Kalfadhiga 52-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Read More »

Fadhiga 2-aad ee kalfadhiga 52-aad ayaa (cod aqlabiyad ah ku ansaxiyay ajandaha rasmiga ah ee kalfadhiga 52-aad)

Garoowe, June 17, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane Abdirashid Yusuf Jibril oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1aad Mudane, Hon. Abdiaziz Abdullahi Osman iyo Guddoomiye ku xigeenka 2aad Mudane, Ismail Mohamed Warsame, ayaa maanta shir guddoomiyey fadhiga 2aad ee Kalfadhiga 52-aad Golaha Wakiillada, oo ay soo xaadireen 52 Mudane. Fadhiga maanta ayey xildhibaannadu mid mid ugu codeeyeen, una ansixiyeen Cod aqlabiyad ah Ajandaha rasmiga ah Kalfadhiga 52aad ee Goluhu ka shaqeyn doono mudada uu Kalfadhigu socdo, sida uu qabo Qodobka 42-aad farqadiisa 4-aad ee Xeer-hoosaadka Golaha, kaas oo Guddoonka Golaha Wakiilladu Golaha u soo gudbin doonaan si rasmi ah maalinta berri ( Axad, 18 bisha June, 2023) DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Fadhiga 2-aad ee kalfadhiga 52-aad ayaa (cod aqlabiyad ah ku ansaxiyay ajandaha rasmiga ah ee kalfadhiga 52-aad) Read More »

Scroll to Top