Golaha Wakiillada

Wararka

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa xalay ka qeyb-galay munaasabada 1-da Agoosto e Dawladda Puntland.

Garoowe, August 02, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa xalay ka qeyb-galay munaasabada 1-da Agoosto oo ku beegnayd sannad-guuradii 25-aad ee ka soo wareegtay xilligii la aas-aasay Dawladda Puntland. Xafladda oo ka qabsoontay Madaxtooyada Dawladda Puntland ee Garoowe waxaa sidoo kale ka qayb galay Madaxweynaha DPL Mudane Siciid Cabdulaahi Deni,Guddoomiye Ku xigeenka 1-aad ee GW, Mudane Cabdicasiis Cabdulaahi Cismaan, Guddooomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame, Madaxweyne ku-xigeenka, Guddoomiyaha maxkamadda sare, Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada, Wasiiro, qeybaha kala duwan ee bulshada Puntland iyo marti sharaf kale oo goobta lagu casuumay. DHAMMAAD.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa xalay ka qeyb-galay munaasabada 1-da Agoosto e Dawladda Puntland. Read More Β»

GUDDOOMIYAHA GOLAHA WAKIILLADA DPL OO MAANTA KA QAYB GALAY XUSKA SANNAD GUURADII 25-AAD EE AAS-AASKA DAWLADDA PUNTLAND.

Garoowe, August 01,2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa ka qaybgalay munaasibad heer qaran ah oo lagu qabtay Caasimadda Garoowe, taas oo lagu xusayey kowda Agoosto ee ku beegan 25-sano guuradii ka soo wareegatay markii ay Dawladda Puntland la aas-aasay. Munaasabadda oo ay ka soo qayb galeen boqolaal shacab ah ayaa waxaa dhoolo tus ku soo bandhigay shaqaalaha weynaha Dowladda, qaybaha ciidamada iyo awoodooda, iyo sidoo kale kheyraadka kala duwan ee caanka ku tahay mandiqadan. Ugu, dambeyn munaasabadda waxaa goob-joog ka ahaa Madaxweynaha DPL Siciid Cabdulaahi Deni, Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Wakiillada Cabdicasiis Cabdulaahi Cismaan, Madaxweyne ku-xigeenka, Saraakiil, Wasiiro, Xildhibaanno iyo martisharaf kale oo kala duwan. DHAMMAAD

GUDDOOMIYAHA GOLAHA WAKIILLADA DPL OO MAANTA KA QAYB GALAY XUSKA SANNAD GUURADII 25-AAD EE AAS-AASKA DAWLADDA PUNTLAND. Read More Β»

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL, Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa Hambalyo ku-aadan 25-sano guurada ka soo wareegatay aas’aaskii Dawladda Puntland 01, Agoosto 1998 u diray Shacabka Puntland.

“Waxaan halkaan uga hambalyeeynayaa dhammaan shacabka Puntland meelkasta oo ay joogaan xuska ku aadan 25-Sanno guurada ka soo wareegatay markii la asaasay Dawladda Puntland’’ ayuu yiri Guddoomiyuhu. Ugu dambeyntii, Guddoomiyaha ayaa shacabka kula dar-daarmay in ay Ilaashaadan amnigooda, horumarka dawladnimooda iyo wadajirkooda ay caanka ku yihiin iyaga oo la shaqeynaya Dawladooda. DHAMMAAD.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL, Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa Hambalyo ku-aadan 25-sano guurada ka soo wareegatay aas’aaskii Dawladda Puntland 01, Agoosto 1998 u diray Shacabka Puntland. Read More Β»

Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha & xisaabdka aya kulan wada tashi ah aqalka Golaha kula yeeshay madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland.

Garoowe: July 30, 2023: Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha & Xisaabaadka ee Golaha Wakiillada oo akhriska labaad ku sameynaya hindise-xeereedka maamulka maaliyadda, kana duulaya qodobka 58-aad farqadiisa 5-aad ee xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada waxay maanta kulan wada tashi ah aqalka Golaha kula yeesheen madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland. Guddiga iyo mas’uuliyiinta Wasaaradda ayaa falanqeeyey ujeeddada hindise xeereedka cusub iyo ahmiyadda uu u leeyahay Dawladda Puntland. DHAMMAAD.

Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha & xisaabdka aya kulan wada tashi ah aqalka Golaha kula yeeshay madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland. Read More Β»

Fadhiga 17-aad ee Kalfadhiga 52-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Garoowe: July 26, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashid Yusuf Jibril Cawl oo uu wehliyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta Shir-guddoomiyey fadhiga 17-aad ee Kalfadhiga 52-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Fadhiga maanta ayaa qorshe hawleedku ahaa qeybinta Hindise Xeereedka Maamulka Maaliyadda oo ay soo gudbisay Wasaaradda Maaliyadda. Ugu horeyn Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa soo jeediyay in Golaha loo qeybiyo xeerka, waxaana lagu wareejiyay Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha & Xisaabaadka ee Golaha Wakiillada kaas oo Golaha dib ugu soo celin doona maalinta Arbacada, 02 bisha Augusto, 2023 Dhinaca kalena, waxaa Golaha laga akhriyey codsi beelaha Puntland qaarkood ku dalbadeen in xubno laga siiyo Xildhibaannada Golaha Wakiillada, iyo jawaab celinta sharci ee Maxkamadda Dastuuriga ah Puntland. Halkaan ka Daawo https://fb.watch/m0OxnsuAJg/?mibextid=Nif5oz DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladad Puntland

Fadhiga 17-aad ee Kalfadhiga 52-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Read More Β»

Fadhiga 16-aad ee Kalfadhiga 52-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Garoowe: July 25, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashid Yusuf Jibril Cawl oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta Shir-guddoomiyey fadhiga 16-aad ee Kalfadhiga 52-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Fadhiga maanta ayaa qorshe hawleedku ahaa ka shaqeynta Wax-ka-bedelka Dastuurka Dawladda Puntland, waxaa goobjoog ahaa 60 Xildhibaan. Ugu horeyn Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa hadalka siiyey Guddiga Wax-ka-bedelka Dastuurka Dawladda Puntland. Muddo 30 cishe ah oo Guddigu la tashiyo la yeeshay qeybaha kala duwan ee Bulshadda, si toos ahna looga baahiyey Warbaahinta ayaa si rasmi ah loo gudo galay wax-ka-bedelkiisa. Intaa kadib, Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, ayaa Cod aqlabiyad leh ku meelmariyeen Ansixinta Wax-ka-bedelka Dastuurka Dawladda Puntland Waxaa Oggol ugu codeeyay 54 mudane, Diidmo 6, cid ka aamustayna ma jirin. Wax-ka-bedelka Dastuurka Dawladda ayaa lagu soo saari doonaa Faafinta rasmiga ah DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladad Puntland

Fadhiga 16-aad ee Kalfadhiga 52-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Read More Β»

Fadhiga 15-aad ee Kalfadhiga 52-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Garoowe: July 24, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashid Yusuf Jibril Cawl oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta Shir-guddoomiyey fadhiga 15-aad ee Kalfadhiga 52-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Fadhiga maanta ayaa qorshe hawleedku ahaa ka shaqeynta Wax-ka-bedelka Xeerka aas-aasiga ah ee Bangiga Dawladda Puntland oo ay xukuumaddu soo gudbisey. Ugu horeyn Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa hadalka siiyey Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha & Xisaabaadka ee Golaha Wakiillada kaas oo akhriska 2aad ku sameeyay, kadib la tashiyo uu la yeeshay dhammaan dhinacyada xeerka saameynta ku leeyahay. Akhrinta 3aad ee xeerka kadib waxaa Goluhu uu guda galay qodob-qodob uga doodista & wax-ka-bedelkiisa. Wax-ka-bedelka Xeerka aas-aasiga ah ee Bangiga Dawladda Puntland ayaa si faah-faahsan uga hadlaya nidaamka uu ku shaqeynayo Bangiga dhexe ee Dawladda. Intaa kadib, Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, waxay maanta Cod aqlabiyad leh ku meelmariyeen Ansixinta Wax-ka-bedelka Xeerka aas-aasiga ah ee Bangiga Dawladda Puntland. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladad Puntland

Fadhiga 15-aad ee Kalfadhiga 52-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Read More Β»

Guddiga Maaliyadda,Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka Golaha wakiillada ayaa kullan La Yeeshay Madaxda Bankiga Dowlada Puntland

Garoowe: July 22, 2023: Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha & Xisaabaadka ee Golaha Wakiillada oo akhriska labaad ku sameynaya wax-kabadelka xeerka aas-aasiga ah ee Bangiga Dawladda Puntland, kana duulaya qodobka 58-aad farqadiisa 5-aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada waxay maanta kulan wada tashi ah Xarunta Golaha kula yeesheen madaxda bankiga Dawladda Puntland. Guddiga iyo madaxda Bankiga ayaa falanqeeyey ujeeddada wax-ka badelka Xeerka iyo ahmiyadda uu u leeyahay Dawladda Puntland. DHAMMAAD

Guddiga Maaliyadda,Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka Golaha wakiillada ayaa kullan La Yeeshay Madaxda Bankiga Dowlada Puntland Read More Β»

Fadhiga 14-aad ee Kalfadhiga 52-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Garoowe: July 20, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashid Yusuf Jibril Cawl oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta Shir-guddoomiyey fadhiga 14-aad ee Kalfadhiga 52-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Fadhiga maanta ayaa qorshe hawleedku ahaa ka shaqeynta Wax-ka-bedelka Xeerka Ilaalinta iyo Maareynta Deegaanka Dawladda Puntland oo ay xukuumaddu soo gudbisey. Ugu horeyn Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa hadalka siiyey Guddiga Arrimaha Deegaanka iyo Khayraadka Dabiiciga Golaha Wakiillada kaas oo akhriska 2aad ku sameeyay, kadib la tashiyo uu la yeeshay dhammaan dhinacyada xeerka saameynta ku leeyahay. Akhrinta 3aad ee xeerka kadib waxaa Goluhu uu guda galay qodob-qodob uga doodista & wax-ka-bedelkiisa. Wax-ka-bedelka Xeerka Ilaalinta iyo Maareynta Deegaanka ayaa si faah-faahsan uga hadlaya Arrimaha Deegaanka guud ahaan, waxayna doodiisa soctay maalihii la soo dhaafay. Xeerka ayaa si faah-faahsan uga hadlaya Horumarinta nolosha iyo bad-qabka dadka, duurjoogta, duunyada, habka ka faa’idaysiga kheyraadka dabiiciga ah, habka waara oo xaqiijiya mustaqbalka jiilka maanta, kuwa berrito Dib u hagaajinta deegaanka iyo ka hortagga xaalufka iyo saamaynta xun ee isbedelka cimilada. Intaa kadib, Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, waxay maanta Cod aqlabiyad leh ku meelmariyeen Ansixinta Wax-ka-bedelka Xeerka Ilaalinta iyo Maareynta Deegaanka Dawladda Puntland, Waxaa Oggol ugu codeeyay 43 mudane, cid diiday ma jirin, cid ka aamustayna ma jirin. Dhinaca kalena, Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa Cod aqlabiyad leh ku meelmariyeen Ansixinta Gobolka cusub ee Raas Casayr ee horay loo oran jiray Gobolka Gardafuu. Waxaa Oggol ugu codeeyay 44 mudane, diidmo 2, cid ka aamustayna ma jirin. Ugu dambeyntiina, waxaa maanta Xildhibaanada loo qeybiyey Qabyo qoraalka Xeerka aas-aasiga ah ee Bangiga Dawladda Puntland. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladad Puntland

Fadhiga 14-aad ee Kalfadhiga 52-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Read More Β»

Scroll to Top