Golaha Wakiillada

Wararka

Kulanka Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka Golaha Wakiillada iyo Wasaaradda Maaliyadda Puntland.

Garoowe, 18 Oktoobar 2025— Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Hon Abdirisak Ahmed Said, ayaa maanta shir guddoomiyey kulan muhiim ah oo lagaga hadlayey xaaladda Guud ee dhaqaalaha Puntland iyo dabagalka Miisaaniyadda 2025. Kulanka waxaa qeyb ka ahaa Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka Golaha Wakiillada iyo mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda Puntland. Ujeeddada kulanka ayaa ahayd in goluhu xog ka helo arrimaha dhaqaalaha dalka, daba galo nidaamka guud ee maaliyadda, kharash bixinta qoondada miisaaniyadda hay’adaha dawladda, islamarkaana lagu kor-joogteynaya dhaqan-gelinta Miisaaniyadda 2025 ee Goluhu ansixiyey. Waxaa si gaar ah loo kor istaagay xaquuqda shaqalaha, ciidamada iyo guud ahan cabashooyinka jira. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Md. Maxamed Faarax Maxamuud ayaa ka warbixiyey guulaha ay gaartey Wasaaraddu ee ku aaddan dhakhli ururinta, kharash bixinta, caqabadaha jira iyo sidii si wadajar ah xal loogu helihaa caqabadaha jira. Ugu dambayntii, dood iyo falanqayn dheer kadib Golaha ayaa kula dar-daarmay wasaaradda maaliyadda adkeynta Ilaalinta xuquuqaadka shaqaalaha, ciidamada iyo hay’adaha dawladda, iyadoo la soo jeedeyey xalal ku saabsan bixinta xuuqaha iyo culaysyada kale iswaafajintooda. Dhinaca kale, waxaa Wasaaradda maliyadda la faray, dar-dargelinta dakhli Ururinta, beekhaaminta kharashka iyo bixinta, iyadoo loo balamay kulamo kale. DHAMMAAD –

Kulanka Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka Golaha Wakiillada iyo Wasaaradda Maaliyadda Puntland. Read More »

Guddiga Golaha wakiilada ayaa kormeer ku sameeyey xarumaha dowladda iyo kuwa arrimaha bulshada degmada Baargaal.

Baargaal, 8 Oktoobar 2025 – Guddiga Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ee safarka shaqo ku jooga gobollada Bari iyo Raasasaayr ayaa maanta kormeer iyo u kuurgal ku sameeyey xarumaha dowladda iyo kuwa arrimaha bulshada ee degmada Baargaal. Guddigan oo ay weheliyaan qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada, Maamulka Gobolka iyo Maamulka Degmada Baargaal ayaa booqday xarumo ay ka mid yihiin Cisbitaalka guud ee degmada, Dugsiga Sare, Xarunta Agoonta, Saldhigga Booliska iyo Xarunta Dawladda Hoose Intii uu socday kormeerka, mas’uuliyiinta xarumahaasi waxay guddiga la wadaageen warbixino ku saabsan baahiyaha ka jira, caqabadaha ay la tacaalayaan iyo horumarka laga gaaray adeegyada bulshada. Dhanka kale, Guddiga ayaa sidoo kale ka qayb galay munaasabad lagu dhagax dhigay Jaamacadda Raasasaayr oo laga hirgelinayo degmada Baargaal, taas oo qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo waxbarashada sare ee gobolka. DHAMMAAD

Guddiga Golaha wakiilada ayaa kormeer ku sameeyey xarumaha dowladda iyo kuwa arrimaha bulshada degmada Baargaal. Read More »

Guddiga golaha Wakiillada ayaa kulan muhiim ah la yeeshay bulshada rayidka ah ee Degmada Ufayn

Ufayn, 7- Oct- 2025 — Guddiga Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ee kormeerka shaqo ku jooga Gobollada Bari iyo Raas’sayr ayaa caawa kulan muhiim ah la yeeshay bulshada rayidka ah ee Degmada Ufayn. Kulankan oo ka dhacay magaalada Ufayn waxaa ka qaybgalay Guddoomiyaha Degmada, xubno ka tirsan Golaha Deegaanka, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. Intii uu socday kulanka, bulshada rayidka ah waxay fursad u heleen in ay su’aalo toos ah weydiiyaan xildhibaannada, kuwaasoo si hufan uga jawaabay su’aalihii iyo tabashooyinkii lasoo jeediyay. Kulankan wuxuu qeyb ka yahay dedaallada Golaha Wakiillada Puntland ee lagu xoojinayo is-dhexgalka shacabka iyo wakiilladooda, iyo weliba in la helo aragtiyo iyo talooyin toos ah oo ka imaanaya shacabka – kuwaasoo wax ka tari kara hawlaha sharci-dejinta iyo waajibaadka kale ee Golaha. DHAMMAAD –

Guddiga golaha Wakiillada ayaa kulan muhiim ah la yeeshay bulshada rayidka ah ee Degmada Ufayn Read More »

Guddiga ka socda golaha wakiillada ayaa kulan la yeeshay maamulka,odayaasha iyo shacabka Degmada Goldogob

Goldogob 07 Octoobar 2025: Guddiga ka socda Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ee kormeerka ku maraya Gobolada Nugaal iyo Mudug ayaa galabta kulan la qaatay Maamulka iyo Shacabka degmada goldogob ee Gobolka Mudug. Xildhibaannada ayaa ugu horeyn warbixin ka dhageystay Maamulka Degmada, taas oo la xiriirta horumarka iyo caqabdaha jira, iyagoo sheegay in degmadu ku talaabsatay mudadii labada kalfadhi u dhaxaysay shaqooyin badan una qabsoomeen wax la taaban karo , sidoo kale waxay xuseen in lagama maarmaan tahay in hawlaha hormarintu sii socdaan lagana wada shaqeeyo shacab iyo dowladba. Sidoo kale, waxaa la isla gartay in xildhibaanada iyo maamulku si wadajir ah u kormeeraan xarumaha shacabka loogu adeego iyo guud ahaan magaalada goldogob wixii kasoo baxana ay la wadaagi doonaan hay’addaha ay khusayso si wax looga qabto. Kulankan wuxuu qeyb ka yahay dadaallada Golaha Wakiillada Puntland ee lagu xoojinayo xiriirka tooska ah ee kala dhexeeya bulshada Puntland. DHAMMAAD –

Guddiga ka socda golaha wakiillada ayaa kulan la yeeshay maamulka,odayaasha iyo shacabka Degmada Goldogob Read More »

Hanad xikmaawi

Kulanka Horumarinta Xirfadaha Digitalka oo Muqdisho Lagu Qabtay Ka Qaybgalka Madaxa Waaxda Production-ka Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyigelinta Baarlamaanka Puntland Muqdisho – 17 Oktoobar 2025 Magaalada Muqdisho ayaa maanta martigelisay kulanka Horumarinta Xirfadaha Digitalka, oo ah mid muhiim ah oo lagu xoojinayay aqoonta iyo xirfadaha dhanka teknolojiyadda casriga ah ee dhalinyarada Soomaaliyeed. Kulanka waxaa ka soo qayb galay mas’uuliyiin heer dowladeed, khubaro ku xeel dheer arrimaha digitalka, iyo dhalinyaro xiisaynaysa kobcinta xirfadooda dhanka tignoolajiyada. Waxaa si gaar ah uga qayb galay Madaxa Waaxda Production-ka ee Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyigelinta Baarlamaanka Puntland, Mudane Hanad Ali Jama, oo ka mid ah hormuudka u istaagay horumarinta xirfadaha digitalka ee Puntland. Intii uu socday kulanka, waxaa diiradda lagu saaray muhiimadda ay leedahay in la horumariyo xirfadaha digitalka si dhalinyarada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Puntland, ay uga faa’iidaystaan fursadaha shaqo ee ay bixiso tignoolajiyadda casriga ah. Mudane Hanad Ali Jama, oo kulanka khudbad ka jeediyay, ayaa tilmaamay in xirfadaha digitalka ay yihiin laf-dhabarta horumarka mustaqbalka, isla markaana ay door muhiim ah ka ciyaari karaan kobcinta dhaqaalaha Puntland. Wuxuu dhalinyarada ku boorriyay inay si buuxda uga faa’iidaystaan tababarada iyo barnaamijyada aqoonta ee la xiriira tiknoolajiyadda si ay ula jaanqaadaan isbeddelka degdegga ah ee dunida maanta. Sidoo kale, kulanka waxaa lagu falanqeeyay caqabadaha hortaagan dhalinyarada doonaysa inay horumariyaan xirfadahooda digitalka ah, iyadoo khubarada ka qayb gashay ay soo bandhigeen fikrado iyo qorshayaal lagu kobcinayo shaqo-abuurka digitalka, si dhalinyaradu ay u helaan fursado shaqo oo caalami ah. Ugu dambeyn, kulanka ayaa kusoo dhammaaday is-afgarad guud oo lagu adkeynayo iskaashiga u dhexeeya hay’adaha dowliga ah, kuwa gaarka loo leeyahay, iyo ururrada bulshada, si kor loogu qaado barnaamijyada tababarka digitalka iyo fursadaha ay dhalinyaradu ka heli karaan xirfadaha casriga ah ee dalka. Dhammaad.

Hanad xikmaawi Read More »

Kulanka Guddiga Golaha Wakiilada iyo bulshada rayidka ah ee Degamadda Buraan.

#Buraan, 6 Oktoobar 2025 — Guddiga Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ee kormeerka shaqo ku jooga Gobolka Haylaan ayaa caawa kulan muhiim ah la yeeshay bulshada rayidka ah ee Dagmadda Buraan. Kulankan oo ka dhacay Degmada Buraan waxaa ka qaybgalay Maamulka Degmada, xubno ka tirsan Golaha Deegaanka, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. Intii uu socday kulanka, bulshada rayidka ah waxay fursad u heleen in ay su’aalo toos ah weydiiyaan Xildhibaannada, kuwaas oo si hufan uga jawaabay su’aalihii iyo tabashooyinkii lasoo jeediyay. Dhinaca kale, waxaa laga soo jeediyey waxqabadka Golaha Wakillada ee ku aaddan Xeer-dejinta, Korjoogteynta Hay’adaha dawlaha iyo Matelaadda Kulankan wuxuu qeyb ka yahay dadaallada Golaha Wakiillada Puntland ee lagu xoojinayo isla-xisaabtanka, is-dhexgalka shacabka iyo wakiilladooda, iyo weliba in la helo aragtiyo iyo talooyin toos ah oo ka imaanaya shacabka – kuwaas oo wax ka tari kara hawlaha sharci-dejinta iyo waajibaadka kale ee Golaha.

Kulanka Guddiga Golaha Wakiilada iyo bulshada rayidka ah ee Degamadda Buraan. Read More »

Guddiga Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ee kormeerka shaqo ku jooga Gobolka karkaar degmada Rako Raaxo

Rako raaxo 5 Oct 2025 — Guddiga Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ee kormeerka shaqo ku jooga Gobolka karkaar degmada Rako Raaxo ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay waxgaradka deegaanka Rako ee degmada. Waxaa xildhibaanada degmada ku soo dhaweeyey mas’uuliyiinta gobolka, degmada iyo bulshada qaybeheeda kala duwan. Intaa kadib, guddiga wuxuu kormeeray xarumaha dawladda sida maxkamada degmada, saldhiga Booliska, Cisbitaalka guud ee degmada, iskuulka hoose/dhexe iyo Sare ee degmada, iyo xarunta xannaanada xoolaha waxayna dhammaan ka dhegaysteen mas’uuliyiihta warbixin ku saabsan caqabadaha iyo baahiyaha ka jira xarumahaas ay booqashada ku tageen. Sido kale waxa ay booqdeen bolaha ku fidaya dhuldaaqsideedka Deegaanka Raxo. Ugu dambayntii, xildhibaanada ayaa ballanqaaday in ay baahiyada ay ka ururiyaan degmada ay horgeynayaan Golaha is loogu gudbiyo hay’adaha ku shaqada leh. Xildhibaanada ayaa kala hadlay mas’uuliyiinta degmada ka shaqeynta horumarinta adeegga iyo abaabulka bulshada is loogu horseedo iskutashi iyo in si wadajir ah wax loo wada qabsado. DHAMMAAD –

Guddiga Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ee kormeerka shaqo ku jooga Gobolka karkaar degmada Rako Raaxo Read More »

Guddiga Golaha Wakiillada Dowladda Puntland qaar ka mid ah ayaa kormeer shaqo ku maraya Gobolka Bari.

Kobdhexaad 5 Oct 2025 — Guddiga Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ee kormeerka shaqo ku jooga Gobolka Bari ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay waxgaradka deegaanka kobdhexaad ee degmada Ufayn. Kulankan waxaa ka qaybgalay Guddoomiyaha Deegaan Kobdhexaad, odayaasha dhaqanka, iyo bulshada qeybaheeda kala duwan. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray isxogwaraysi ku saabsan baahiyaha deegaanka iyo caqabadaha ku gedaaman iyo sidii xal waara loogu heli lahaa. Bulshada deegaanka Kobdhexaad ayaa si diirran u soo dhoweeyay wafdiga, waxayna ka codsadeen in ay door firfircoon ka qaataan u qareemidooda bulshada ay wakiilka u yihiin si wax looga qabto baahiyaha kala duwan ee jira. Bulshada deegaan ayaa dhankooda xusay in ay diyaar u yihiin ka qeygalka horumarinta deegaanka. Intaas xilibaanada ayaa kormeer ku tagay iskuulka iyo Cisbtaalka deegaanka, iyagoo warbixin ka dhegeysty waxqabadka bahda caafimaadka iyo waxbarashada ,taasoo la xiriirtey horumarka la sameeyey iyo baahiyaha jira sidii wax looga qaban lahaa. DHAMMAAD –

Guddiga Golaha Wakiillada Dowladda Puntland qaar ka mid ah ayaa kormeer shaqo ku maraya Gobolka Bari. Read More »

Guddiga Golaha Wakiillada Dowladda Puntland qaar ka mid ah ayaa kormeer Shaqo ku maraya Gobollada Nugaal iyo Mudug

Bursaalax 05 Octoobar 2025: Guddiga Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ee kormeerka Shaqo ku maraya Gobollada Nugaal iyo Mudug ayaa galabta kulan la qaatay Maamulka iyo Shacabka Bursaalax ee Gobolka Mudug. Xildhibaannada ayaa ugu horeyn warbixin ka dhageystay Maamulka Degmada, taasoo la xiriirta horumarka iyo caqabdaha jira, iyagoo sheegay in caqabada ugu weyn ee wakhtigan ka jirta magaalada ay tahay aanooyinka qabiilka, islamarkaana looga baahan yahay in Dowladda, isimada iyo aqoonyahanka reer Puntland ay u istaagaan sidii xal rasmi ah looga gaari lahaa arrintan. Sidoo kale, qaar kamid ah dadkii kasoo qayb galay madasha oo isagu jiray odoyaal, haween iyo dhalinyaro ayaa iyaguna isku raacay in caqabadan taagan siwadajir ah wax looga qabto. Ugu damneyn, Xildhibaannada Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa sheegay in Shacabka Bursaalax ay u istaagaan xal u helidda Amniga iyo ilaalinta xasiloonida deegaanka, waxayna intaas raaciyeen in ay dowladda wadaagi doonaan hay’adaha ay khuseyso si wax looga qabto, islamarkaana ay soo saari doonaan baaq u gaar ah xaaladda Bursaalax ee joojinta aanooyinka. Kulankan wuxuu qeyb ka yahay dedaallada Golaha Wakiillada Puntland ee lagu xoojinayo xiriirka tooska ah ee kala dhexeeya bulshada Puntland. DHAMMAAD –

Guddiga Golaha Wakiillada Dowladda Puntland qaar ka mid ah ayaa kormeer Shaqo ku maraya Gobollada Nugaal iyo Mudug Read More »

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚, 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐧𝐤𝐚, 𝐖𝐚𝐫𝐟𝐚𝐚𝐟𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐈𝐬𝐠𝐚𝐚𝐫𝐬𝐢𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚

Garoowe, 4 Oktoobar 2025 — 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚, 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐧𝐤𝐚, 𝐖𝐚𝐫𝐟𝐚𝐚𝐟𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐈𝐬𝐠𝐚𝐚𝐫𝐬𝐢𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏𝐮𝐧𝐭𝐥𝐚𝐧𝐝 ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗪𝗮𝘅𝗯𝗮𝗿𝗮𝘀𝗵𝗮𝗱𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗧𝗮𝗰𝗹𝗶𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗦𝗮𝗿𝗲 𝗲𝗲 𝗗𝗼𝘄𝗹𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗣𝘂𝗻𝘁𝗹𝗮𝗻𝗱. Kulanka oo uu shir guddoominayey Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga, Xildhibaan Axmed Bile Siciid, ayaa si qoto dheer loogu falanqeeyey 𝗯𝗮𝗮𝗵𝗶𝘆𝗮𝗵𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗰𝗮𝗾𝗮𝗯𝗮𝗱𝗮𝗵𝗮 𝗵𝗮𝘆𝘀𝘁𝗮 𝗯𝗮𝗵𝗱𝗮 𝘁𝗮𝗰𝗹𝗶𝗶𝗻𝘁𝗮 𝘀𝗮𝗿𝗲 𝗲𝗲 𝗣𝘂𝗻𝘁𝗹𝗮𝗻𝗱. Intii uu kulanku socday, Guddigu waxa uu si toos ah warbixin uga dhagaystay 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿𝗸𝗮 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗪𝗮𝘅𝗯𝗮𝗿𝗮𝘀𝗵𝗮𝗱𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗧𝗮𝗰𝗹𝗶𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗦𝗮𝗿𝗲, iyadoo la is-dhaafsaday aragtiyo ku aaddan sidii loo horumarin lahaa tayada waxbarasho iyo adeegyada tacliimeed ee heer jaamacadeed. Ugu dambayntii, Guddiga Arrimaha Bulshada iyo mas’uuliyiinta Wasaarada waxbarashada iyo Tacliinta Sare ayaa islaqaatay in dhaw looga wada shaqeeyo Arrimaha waxbarashada Puntland. DHAMMAAD –

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚, 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐧𝐤𝐚, 𝐖𝐚𝐫𝐟𝐚𝐚𝐟𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐈𝐬𝐠𝐚𝐚𝐫𝐬𝐢𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 Read More »

Scroll to Top