Golaha Wakiillada

Wararka

Guddiga Arrimaha Deegaanka iyo Khayraadka Dabiiciga ah ee Golaha Wakiillada.

Garoowe, 4 Oktoobar 2025 — Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Hon Abdirisak Ahmed Said, ayaa maanta shir guddoomiyey kulan muhiim ah oo lagaga hadlayay xal u helidda arrimaha deegaanka iyo maraynta dhulka. Kulankan ayaa waxaa soo qabanqaabiyey Guddiga Arrimaha Deegaanka iyo Khayraadka Dabiiciga ah ee Golaha Wakiillada. Kulanka waxaa ka soo qayb galay qaar ka mid ah guddiyada golaha sida, Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dimuqraadiyada, Amniga iyo Nabadgeliyada Golaha Wakiillada iyo Masuuliyiinta Wasaaradaha Xannaanada Xoolaha ,Beeraha iyo Waraabka, Deegaanka, Daaqa iyo Isbedelka Cimilada, Tamarta, Macdanta iyo Biyaha, Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dimuqraadiyadda, Amniga iyo DDR-ta. Guddoomiyaha Golaha oo si rasmi ah u furay kulanka ayaa sheegay in loo bahaan yahay xal deg-deg ah oo loo helo ilaalinta degaanka iyo mareynta dhulka, isagoo sheegay in goluhu horay u samayey xerar badan, balse loo baahan yahay in si rasmi ah loo fuliyo, iyadoo ay ka wada shaqaynayaan bah-wadaagta khayraadka Puntland. Guddiga Arrimaha Deegaanka iyo Khayraadka Dabiiciga ah, oo uu hoggaaminayo Xildhibaaan Yaasiin Jaamac Cumar Guddoomiyaha Guddiga, ayaa soo bandhigay warbixin ku saabsan xeerarka kala duwan ee Golaha horay u ansixiyey kuwaasoo khuseeya ilaalinta iyo horumarinta deegaanka. Xildhibaan Mursal Maxamed Cabdi, oo isna ka hadlay kulanka, ayaa muujiyey in xal u helidda arrimaha deegaanka dhulka ay tahay arrin degdeg ah oo mudan in si wadajir ah loo wajahdo. Dhinaca kale, Wasiirada iyo hay’adaha kala duwan ee kulanka ka qayb galay ayaa adkeeyey baahida loo qabo iskaashi dhow oo dhexmara hay’adaha dowladda, si xal waara loogu helo caqabadaha deegaanka iyo maraynta dhulka Puntland iyagoo soo jeediyey aragti iyo talooyin khibrado farsamo. Kulanka waxaa ka soo baxay arrimahan hoos ku qoran:- 1. In la sameeyo wacyigelin bulsho oo ballaran kuna saabsan ilaalinta deeganka iyo dhulka Puntland. 2. In wasaraadaha sare ku xusan la yimaadaan siyaasad midaysan oo lagu ilaalinaayo degaanka laguna maraynayo dhulka. 3. Fulinta iyo dhaqan-gelinta xeerarka Sahminta Saameynta Deegaanka iyo bulshada Puntland iyo xeerarka kale ee muhiimka ah. 4. Mideynta iyo dhaqan-gelinta xeerarka golaayshu meel mariyeen. 5. In la sameeyo kala saaridda dhulka iyo siyaasadda maamulka dhulka. 6. In la helo doorka degmooyinka ee ilaalinta degaanka Puntland. 7. In la sameeyo Ciidanka Boolis oo u gaar ah ilaalinta deegaanka. Ugu dambayntii guddoomiyaha Golaha ayaa mas’uuliyiinta kula dar-daramay fulinta qodobada ka soo baxay shirka, islamarkaana ballan qaaday in goluhu qaadanayo doorka kor-joogteynta hay’adaha dawladda ee ku aaddan ilaalinta deegaanka iyo maraynta dhulka. DHAMMAAD –

Guddiga Arrimaha Deegaanka iyo Khayraadka Dabiiciga ah ee Golaha Wakiillada. Read More »

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚, 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐧𝐤𝐚, 𝐖𝐚𝐫𝐟𝐚𝐚𝐟𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐈𝐬𝐠𝐚𝐚𝐫𝐬𝐢𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏𝐮𝐧𝐭𝐥𝐚𝐧𝐝.

Garoowe, 1, Oktober 2025— 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚, 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐧𝐤𝐚, 𝐖𝐚𝐫𝐟𝐚𝐚𝐟𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐈𝐬𝐠𝐚𝐚𝐫𝐬𝐢𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏𝐮𝐧𝐭𝐥𝐚𝐧𝐝 ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay maamulka 𝑱𝒂𝒂𝒎𝒂𝒄𝒂𝒅𝒅𝒂 𝑼𝑼𝑺𝑬𝑻 iyo 𝑮𝒖𝒅𝒅𝒊𝒈𝒂 𝑺𝒂𝒓𝒆 𝒆𝒆 𝑿𝒂𝒓𝒖𝒎𝒂𝒉𝒂 𝑭𝒂𝒓𝒔𝒂𝒎𝒂𝒅𝒂 𝑮𝒂𝒄𝒂𝒏𝒕𝒂 𝒆𝒆 𝑷𝒖𝒏𝒕𝒍𝒂𝒏𝒅. Kulanka oo uu shir guddoominayey Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga, Xildhibaan Axmed Bile Siciid, ayaa si qoto dheer diiradda loogu saaray caqabadaha hortaagan xarumahaas iyo sidii xal waara loogu heli lahaa. Intii uu socday kulanka, guddigu waxa uu si toos ah u dhagaystay warbixino laga soo jeediyey maamulka xarumaha, kuwaas oo iftiimiyey duruufaha, baahiyaha iyo fursadaha jira. Ugu dambayn, dhinacyadu waxay isla qaateen in la xoojiyo wada-shaqeynta, la-tashiyada joogtada ah iyo in la abuuro hannaan cusub oo lagu dardar gelin karo horumarinta adeegyada tacliinta farsamada iyo xirfadaha ee Puntland.

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚, 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐧𝐤𝐚, 𝐖𝐚𝐫𝐟𝐚𝐚𝐟𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐈𝐬𝐠𝐚𝐚𝐫𝐬𝐢𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏𝐮𝐧𝐭𝐥𝐚𝐧𝐝. Read More »

Fadhiga 19-aad ee kalfadhiga 57-aad

𝐆𝐚𝐫𝐨𝐨𝐰𝐞, 𝟑𝟎 𝐍𝐨𝐯𝐞𝐦𝐛𝐞𝐫 𝟐𝟎𝟐𝟓 – Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Hon Abdirisak Ahmed Said, oo uu weheliyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad Hon Mohamed Mahamud Esse, ayaa maanta shir-guddoomiyay 𝐅𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟏𝟗-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟕-𝐚𝐚𝐝 ee Golaha Wakiillada. Ajandaha Fadhigan ayaa ahaa Ansixinta/diidmada/wax-ka-beddelka Miisaaniyadda Dawladda ee 2026. Ugu horayn, Wasiirka Wasaarada Maaliyada Dowlada Puntland ayaa Golaha horgeeyay warbixinta Miisaaniyadda Sanadeedka 2026, isagoo si faahfaahsan uga hadlay qodobbada miisaaniyadda. Ugu danbayn, waxaa lagu wareejiyay 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐗𝐢𝐬𝐚𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 ee Golaha Wakiillada, si ay u dhammaystiraan akhrinta,dibna ugu soo celiyaan Golaha 4 December 2025. DHAMMAAD

Fadhiga 19-aad ee kalfadhiga 57-aad Read More »

Fadhiga Guddiga joogtada ah ee golaha wakiillada.

Garoowe, September 25, 2025: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane Hon Abdirisak Ahmed Said, ayaa shir-guddoomiyey 𝙛𝙖𝙙𝙝𝙞𝙜𝙖 𝙂𝙪𝙙𝙙𝙞𝙜𝙖 𝙅𝙤𝙤𝙜𝙩𝙖𝙙𝙖 𝙖𝙝 𝙚𝙚 𝙂𝙤𝙡𝙖𝙝𝙖 𝙒𝙖𝙠𝙞𝙞𝙡𝙡𝙖𝙙𝙖. Fadhiga maanta waxaa warbixin looga dhegeystey guddiga gaar ah ee guddiga joogtada ahi u xilsaaray 𝘂 𝗸𝘂𝘂𝗿𝗴𝗲𝗹𝗶𝗱𝗱𝗮 𝘅𝗮𝗮𝗹𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗔𝗺𝗻𝗶 𝗲𝗲 𝗖𝗮𝘀𝗮𝗮𝘀𝗶𝗺𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗣𝘂𝗻𝘁𝗹𝗮𝗻𝗱 𝗲𝗲 𝗚𝗮𝗿𝗼𝗼𝘄𝗲. Warbixin tasoo la xiriirta waxyaabihii uga soo baxay kulamadii ay la yeesheen 𝙜𝙪𝙙𝙙𝙞𝙜𝙖 𝘼𝙢𝙣𝙞𝙜𝙖 𝙂𝙤𝙗𝙤𝙡𝙠𝙖 𝙉𝙪𝙜𝙖𝙖𝙡, 𝘾𝙪𝙦𝙖𝙖𝙨𝙝𝙖 𝙞𝙮𝙤 𝙉𝙖𝙗𝙖𝙙𝙤𝙤𝙣𝙣𝙖𝙙𝙖 iyo sidii wax looga qaban lahaa, si loo xoojiyo sugidda Amniga caasimadda. Guddiga gaar ah ayaa sii wadidoona kulamada ay la yeelanayaan hay’adaha u xilsaaran arrimaha Amniga iyo bah-wadaagtooda. Sidoo kale, waxaa looga dhageystey warbixin madax guddiyeedyada Golaha Wakiillada, tasoo ku aaddan siyaasadda, mashaariiciida, kaabayaasha dhaqaalaha, arrimaha bulshada, deegaanka, xaquuqada Aaadanaha, adeegada korontada iyo Biyaha Puntland. Intaas kadib, waxay guddiga isla qaateen in guddi gaar ah loo xilsaaro arrimaha ku saaban u kuurgelidda mashaariicda horumarinta adeegyada korontada iyo biyaha ee Puntland, si looga jawaabo cabashada dadweynaha ee korontada iyo biyaha. Ugu dambayntii, fadhiga maanta guddigu waxay dood iyo falanqeyn ka yeesheen dar-dargelinta shaqada guddiyada, ka shaqeynta xeerarka guddiyadu ay gacanta ku hayaan, kormeerka gobollada iyo u diyaargarowga kalfadhiga 57-aad ee Golaha Wakiillada. DHAMMAAD –

Fadhiga Guddiga joogtada ah ee golaha wakiillada. Read More »

Amniga arrimaha gobolka Nugaal.

𝑮𝒂𝒓𝒐𝒐𝒘𝒆 15: 𝑺𝒆𝒑𝒕𝒆𝒎𝒃𝒆𝒓, 2025: – Guddiga gaarka ah ee uu 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐉𝐨𝐨𝐠𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏𝐮𝐧𝐭𝐥𝐚𝐧𝐝 u xil-saaray 𝒂𝒓𝒓𝒊𝒎𝒂𝒉𝒂 𝑨𝒎𝒏𝒊𝒈𝒂 𝑮𝒐𝒃𝒐𝒍𝒌𝒂 𝑵𝒖𝒈𝒂𝒂𝒍 ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay 𝐂𝐮𝐪𝐚𝐚𝐬𝐡𝐚 iyo 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐨𝐨𝐧𝐧𝐚𝐝𝐚 Gobolka Nugaal. Kulanka oo uu shir-guddoomiyey 𝑿𝒊𝒍𝒅𝒉𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝑫𝒖𝒄𝒂𝒂𝒍𝒆 𝑪𝒂𝒍𝒊, Guddoomiyaha 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐞𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏𝐮𝐧𝐭𝐥𝐚𝐧𝐝, ayaa ujeedkiisu ahaa xog-waraysi ku saabsan xaaladda Gobolka Nugaal, gaar ahaan Amniga Caasimadda Puntland ee Garoowe. Cuqaasha iyo Nabadoonnada ayaa ka warbixiyey doorkooda ka shaqeynta horumarka iyo Nabagelyada, sidoo kale waxay warbixintooda diiradda ku saareen caqabadaha jira, waxyaabaha keenay Amnidarrada, iyagoo raaciyey talo-soojeedin la xiriirta Xoojinta Amniga caasimadda iyo la dagaalanka mukhaadaraadka iyo dilalka ku soo badanaya degmada Garoowe. Dhinaca kale, Guddiga gaar ah ee xildhibaannada Golaha Wakiillada waxay nabadoonnada kula dardaarmeen ka qayb-qaadashada doorkooda abaabulka wacyigelinta bulshada iyo la shaqeynta hay’adaha Amniga, si loo adkeeyo nabadda iyo xasiloonida Caasimadda iyo guud ahaan Gobolka Nugaal. Ugu dambayn, xildhibaanada ayaa ku amaanay Cuqaasha iyo Nabadoonnada kaalinta ay ku leeyihiin nabadaynta beelaha iyo Ka shaqeynta Xasiloonida iyo horumarka Deegannada Puntland, tasoo ah tallaabo Wanaagsan oo mudan in la joogteeyo.

Amniga arrimaha gobolka Nugaal. Read More »

Fadhiga Guddiga joogtada ah ee golaha wakiillada.

Garoowe, September 08, 2025: 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏𝐮𝐧𝐭𝐥𝐚𝐧𝐝 Mudane Hon Abdirisak Ahmed Said, ayaa shir-guddoomiyey 𝑭𝒂𝒅𝒉𝒊𝒈𝒂 𝑮𝒖𝒅𝒅𝒊𝒈𝒂 𝑱𝒐𝒐𝒈𝒕𝒂𝒅𝒂 𝒂𝒉 𝒆𝒆 𝑮𝒐𝒍𝒂𝒉𝒂 𝑾𝒂𝒌𝒊𝒊𝒍𝒍𝒂𝒅𝒂. Fadhiga maanta oo ka qabsoomay hoolka shirarka Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiillada ayaa warbixin looga dhegeystey 𝒎𝒂𝒅𝒂𝒙 𝒈𝒖𝒅𝒅𝒊𝒚𝒆𝒆𝒅𝒚𝒂𝒅𝒂, tasoo la xiriirta Xaaladda Guud 𝑨𝒎𝒏𝒊𝒈𝒂 𝑷𝒖𝒏𝒕𝒍𝒂𝒏𝒅, 𝒌𝒂𝒂𝒃𝒂𝒂𝒔𝒉𝒂 𝒅𝒉𝒂𝒒𝒂𝒂𝒍𝒂𝒉𝒂, 𝑪𝒂𝒅𝒅𝒂𝒂𝒍𝒂𝒅𝒅𝒂, 𝑿𝒖𝒒𝒖𝒖𝒒𝒂𝒅𝒂 𝑨𝒂𝒅𝒂𝒏𝒂 iyo 𝑨𝒓𝒓𝒊𝒎𝒂𝒉𝒂 𝑩𝒖𝒍𝒔𝒉𝒂𝒅𝒂. Dhinaca kale, guddiyada joogtada ah ayaa isla qaatay in la dardar-geliyo qorshayaasha hortabinta u leh Guddiyada Golaha Wakiillada, kuwaasoo la xiriira ka shaqeynta xeerarka guddiyadu ay gacanta ku hayaan iyo dabagalka go’aankii Golaha Wakiillada ku gaarey kalfadhigii 56-aad. Ugu dambayntii, waxaa guddiga joogtada ahi u magacaabeen guddiyo gaar ah oo u kuurgala 𝑨𝒓𝒓𝒊𝒎𝒂𝒉𝒂 𝑨𝒎𝒏𝒊𝒈𝒂 𝒊𝒚𝒐 𝒉𝒂𝒃-𝒔𝒂𝒎𝒊 𝒖 𝒔𝒐𝒄𝒐𝒅𝒌𝒂 𝑾𝒂𝒙𝒃𝒂𝒓𝒂𝒔𝒉𝒂𝒅𝒂. Guddiyadan ayaa kulamo la qaadan doona bah-wadaagta Waxbarashada iyo Amniga u xil-saaran. DHAMMAAD –

Fadhiga Guddiga joogtada ah ee golaha wakiillada. Read More »

Hanad Xikmaawi

Nairobi, 15 September 2025Mudane Hanad Ali Jama oo ka Qaybgalay Shir Lagu Xoojinayo Iskaashiga Warbaahinta iyo Xirfadaha Warfaafinta Dawladda Madaxa Waaxda Production-ka ee Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyigelinta Bulshada ee Golaha Wakiillada Puntland, Mudane Hanad Ali Jama, ayaa ka qayb galay shir muhiim ah oo lagu qabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kaas oo looga hadlayay horumarinta iskaashiga warbaahinta iyo xoojinta xirfadaha warfaafinta dowladaha. Shirkan ayaa waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin ka socday hay’ado dowladeed, khubaro caalami ah, iyo wakiillo ka socda ururo kala duwan oo taageera horumarinta warbaahinta iyo adeegyada bulshada. Ujeedada shirka ayaa ahayd in la isdhaafsado waayo-aragnimooyin, la xoojiyo xirfadaha warbaahinta dowladaha, isla markaana la abuuro fursado iskaashi oo waxtar leh oo dhexmara hay’adaha goboleedyada iyo kuwa caalamiga ah. Intii uu socday shirka, Mudane Hanad Ali Jama ayaa ka hadlay guulaha Puntland ay ka gaartay horumarinta warfaafinta dawladda, gaar ahaan dhinacyada hufnaanta isgaarsiinta, tababarrada joogtada ah ee shaqaalaha warbaahinta, iyo adeegyada casriga ah ee bulshada loo fidiyo. Wuxuu sidoo kale carabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay iskaashiga joogtada ah ee hay’adaha warbaahinta, si loo gaaro adeeg warbaahineed oo hufan, la isku halleyn karo, laguna kalsoonaan karo. Mudane Hanad Ali Jama ayaa intaa ku daray in Puntland ay si firfircoon uga qayb qaadato barnaamijyada tababarka iyo horumarinta xirfadaha warbaahinta ee heer gobol iyo caalami, taas oo ka caawineysa in warbaahinta dawladdu ay noqoto mid casri ah, hufan, oo bulshada si daahfuran ugu adeega. Shirka ayaa lagu soo gebogabeeyey is-afgarad lagu xoojinayo iskaashiga warbaahinta goboleedyada iyo hay’adaha caalamiga ah ee taageera xirfadlayaasha warbaahinta. Waxaa la isla gartay in la sii xoojiyo barnaamijyada tababarka, la kordhiyo fursadaha wada-shaqeynta, laguna dhiirrigeliyo adeegyada warbaahineed ee tayada leh, si bulshada loogu fidiyo warbixin hufan oo sax ah. Ka qaybgalka Mudane Hanad Ali Jama ee shirka noocan oo kale ah waxa uu muujinayaa sida Puntland ay uga go’an tahay horumarinta warbaahinta dawladnimo, xoojinta hufnaanta isgaarsiinta, iyo ka shaqeynta iskaashi waxtar leh oo goboleed iyo caalami ah.

Hanad Xikmaawi Read More »

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa kormeer shaqo kutegey Wasaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka Badda Puntland iyo garoonka kubadda cagta shuhadada ee Boosaaso .

Boosaaso | 26 August 2025 – Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Hon Abdirisak Ahmed Said, oo ay weheliyaan Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiillada, ayaa maanta kormeer shaqo ku tegay 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗞𝗮𝗹𝗹𝘂𝘂𝗺𝗮𝘆𝘀𝗶𝗴𝗮 & 𝗞𝗵𝗮𝘆𝗿𝗮𝗮𝗱𝗸𝗮 𝗕𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗣𝘂𝗻𝘁𝗹𝗮𝗻𝗱 iyo 𝗚𝗮𝗿𝗼𝗼𝗻𝗸𝗮 𝗸𝘂𝗯𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗰𝗮𝗴𝘁𝗮 𝗦𝗵𝘂𝗵𝗮𝗱𝗮𝗱𝗮 ee magaalada Boosaaso. Guddoomiyaha iyo wafdigiisa waxaa xarunta Wasaaradda si diirran ugu soo dhaweeyay Wasiirka Wasaaradda, masuuliyiin iyo shaqaalaha kala duwan ee wasaaradda, Waxaa halkaas lagaga dhageystay warbixin ku saabsan howlaha iyo qorshayaasha horumarineed ee wasaaraddu wado. Sidoo kale, waxay kormeer ku tageen Garoonka Shuhadada oo maraya marxalad gebogebo ah, halkaas oo ay warbixin kaga dhegaysteen Guddoomiyaha Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Gobolka Bari, bahda ciyaaraha iyo injineerada gacanta ku haya dhismaha garoonka. DHAMMAAD –

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa kormeer shaqo kutegey Wasaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka Badda Puntland iyo garoonka kubadda cagta shuhadada ee Boosaaso . Read More »

Dufcadda 8-aad ee ciidamada Booliska Puntland oo ka dhacday Kulliyadda Tababarka Booliska ee Carmo.

Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Hon Mohamed Baarri Shire, ayaa Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, kala qeyb galay munaasabadda xiritaanka 𝗗𝘂𝗳𝗰𝗮𝗱𝗱𝗮 𝟴-𝗮𝗮𝗱 𝗲𝗲 𝗰𝗶𝗶𝗱𝗮𝗺𝗮𝗱𝗮 𝗕𝗼𝗼𝗹𝗶𝘀𝗸𝗮 𝗣𝘂𝗻𝘁𝗹𝗮𝗻𝗱 oo ka dhacday Kulliyadda Tababarka Booliska ee Carmo. Munaasabaddan waxaa sidoo kale ka qayb galay xubno ka tirsan Golaha Wakiillada, Golaha Xukuumadda, isimada dhaqanka Puntland, saraakiisha ciidamada kala duwan, iyo ciidamada tababarka loo xirayey. Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad, Mudane Maxamed Baari Shire, ayaa ciidamada ku hambalyeeyay dhamaystirka tababarka, isaga oo ku booriyay inay si daacadnimo leh ugu adeegaan shacabka, u ilaaliyaan amniga, kuna dhaqmaan anshaxa iyo shuruucda ciidanka. DHAMMAAD –

Dufcadda 8-aad ee ciidamada Booliska Puntland oo ka dhacday Kulliyadda Tababarka Booliska ee Carmo. Read More »

Shirka Horumarinta Gobolka Mudug oo ka socda magaalada Galkacyo.

Galkacayo, 01, August,2025 Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiillada Puntland oo Markii Labaad ka Qayb Galay Shirka Horumarinta Gobolka Mudug Qaar ka mid ah xildhibaanada Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa maalintii labaad si rasmi ah uga qayb galay shirka horumarinta gobolka Mudug oo ka socda magaalada Galkacyo. Xildhibaan Cabdiwali Indhoceel iyo Xildhibaan Mowliid Abkey ayaa hadallo dhiirrigelin iyo taageero leh ka jeediyey goobta shirka, iyagoo sheegay in ay, iyaga oo matalaya Golaha Wakiillada, si buuxda u garab taagan yihiin dadaallada horumarineed ee ka socda gobolka Mudug iyo degmada Galkacyo. Xildhibaanada kasoo jeeda gobolka ayaa ballan qaaday in ay mushaharkooda bil walba qeyb ka mid ah u goyn doonaan sidii gobolka Mudug uu u noqon lahaa mid horumar ballaaran ku tallaabsada. Tani waxay tusaale u tahay hoggaan dhab ah oo ka go’an in ay qayb ka noqdaan horumarka deegaanka. Shirkan ayaa qayb ka ah dadaallada ay bulshada gobolka iyo madaxda deegaanka ku doonayaan in lagu horumariyo adeegyada bulshada, dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha, iyo xoojinta midnimada shacabka Mudug. DHAMMAAD –

Shirka Horumarinta Gobolka Mudug oo ka socda magaalada Galkacyo. Read More »

Scroll to Top