Golaha Wakiillada

Wararka

Gudiga uruurinta dadka baahiyaha gaarka ah qaba ayaa ugudbiyay Wasaaradda Caafimaadka Puntland xaalada ay ku suganyihiin dadka baahiyaha gaarka ah qaba.

Galkacyo, 7 Febraayo 2026 – Guddiga Gaarka ah ee uu Golaha Wakiillada Puntland u xil-saaray soo ururinta iyo diiwaangelinta xogta dadka baahiyaha gaarka ah qaba ayaa maanta booqasho iyo kulan shaqo ku yeeshay Wasaaradda Caafimaadka, si ay u soo gudbiyaan xaaladda hadda ay ku sugan yihiin iyo horumarka hawlaha diiwaangelinta. Kulankan ayaa waxaa ka soo qayb-galay Wasiir Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Puntland, Isuduwaha Caafimaadka Gobolka Mudug, Madaxa Hooyada iyo Dhallaanka, Agaasimayaasha Cisbitaalka Guud ee Galkacyo, Isuduwaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Gobolka Mudug, Isuduwaha Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska, iyo Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Mudug. Guddiga ayaa warbixin ku soo bandhigay heerka ay marayaan hawlaha diiwaangelinta dadka baahiyaha gaarka ah qaba, caqabadaha jira, iyo baahiyaha taageero ee loogu baahan yahay si hawshu u socoto si hufan. Waxaa sidoo kale kulanka lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada-shaqaynta hay’adaha dowladda, sidii loo xaqiijin lahaa in adeegyada caafimaadka iyo kuwa bulshada ay si siman ugu gaaraan dadka u nugul xaaladaha gaarka ah DHAMMAAD

Gudiga uruurinta dadka baahiyaha gaarka ah qaba ayaa ugudbiyay Wasaaradda Caafimaadka Puntland xaalada ay ku suganyihiin dadka baahiyaha gaarka ah qaba. Read More »

Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Dowladda Puntland,iyo wafti uu hogaaminayo ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey Degmada Galdogob.

Galdogob, 07 Febraayo 2026: Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Dowladda Puntland Hon Abdirisak Ahmed Said, iyo wafti uu hogaaminayo ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey Degmada Galdogob. Guddoomiyaha iyo wafdiga uu hoggaaminayo oo ka kooban xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada Puntland ayaa degmada u yimid ka qeybgalka xafladda caleemo-saarka Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed, taas oo la filayo inay maalinta berri ah si rasmi ah uga dhacdo Magaalada Galdogob. Caleemo-saarka Ugaaska ayaa ah munaasabad dhaqameed muhiim ah oo ay isugu imaanayaan Madaxda Dawladda, isimada dhaqanka, waxgaradka iyo marti sharaf ka kala imanaya deegaanno kala duwan oo ka tirsan Puntland iyo guud ahaan Degaanada Soomaalida. Inta uu Guddoomiyuhu ku sugan yahay Galdogob, waxaa uu qorsheynayaa inuu kulamo gaar gaar ah la yeesho qeybaha kala duwan ee bulshada, oo ay ka mid yihiin maamulka degmada, dhalinyarada, haweenka, ganacsatada iyo odayaasha dhaqanka. Kulamadaas ayaa diiradda lagu saari doonaa xaaladda guud ee bulshada, baahiyaha ka jira degmada, iyo heerka adeeg-bixinta hay’adaha dowladda, si Guddoomiyuhu uu si dhow ugu kuurgalo duruufaha nololeed ee bulshada iyo caqabadaha jira. Booqashada Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland ee Degmada Galdogob ayaa ah mid xoojinaysa xiriirka u dhexeeya Golaha Golaha Wakiillada iyo bulshada, isla markaana muujinaysa doorka Golaha Wakiillada ee la-socodka xaaladda guud ee dalka iyo taageeridda nabadda, dhaqanka iyo horumarka bulshada.

Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Dowladda Puntland,iyo wafti uu hogaaminayo ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey Degmada Galdogob. Read More »

Guddiga gaarka ah ee golaha wakiillada oo kormeer ku sameeyay Xarumaha,Naafada,Agoomaha iyo dhimirka ee Magaalada Gaalkacayo

Galkacyo, 7 Febraayo 2026 – Guddiga Gaarka ah ee uu Golaha Wakiilladu u xilsaaray soo ururinta iyo diiwaangelinta xogta dadka baahiyaha gaarka ah qaba ayaa safar shaqo ku tegey Magaalada Galkacyo, xarunta Gobolka Mudug. Guddiga ayaa maanta kormeer shaqo ku sameeyey Xarunta Naafada, Xarunta Agoomaha, iyo Xarunta Dhimirka Haweenka ee magaalada Galkacyo. Kormeerka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo heli lahaa xog dhammeystiran oo ka tarjumaysa xaaladda dhabta ah ee dadka baahiyaha gaarka ah qaba, caqabadaha jira, iyo adeegyada kala duwan ee xarumahan ay u fidiyaan bulshada baahiyaha gaarka ah qaba. Xubnaha Guddiga ayaa carrabka ku adkeeyey in helitaanka xog sax ah oo la isku halayn karo ay tahay tiir-dhexaadka diyaarinidda talooyin iyo go’aanno wax ku ool ah oo mustaqbalka loo gudbin doono Golaha Wakiillada, si loo horumariyo loona xoojiyo adeegyada loo fidiyo dadka baahiyaha gaarka ah qaba. DHAMMAAD

Guddiga gaarka ah ee golaha wakiillada oo kormeer ku sameeyay Xarumaha,Naafada,Agoomaha iyo dhimirka ee Magaalada Gaalkacayo Read More »

Fadhiga 4-aad ee Guddiga Joogtada ah

Garoowe, Feb 2, 2026: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Hon Abdirisak Ahmed Said oo uu weheliyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane, Hon Mohamed Mahamud Esse ayaa shir-guddoomiyey fadhiga 4-aad ee Guddiga Joogtada ah. Fadhiga maanta waxaa looga hadlay xaaladda guud ee Puntland, waxaana warbixinno laga dhegeystay Madax-Guddiyeedyada guddiyada Golaha, taasoo ku saabsanayd arrimaha Amniga, siyaasadda, xaaladda abaaraha ee ka jirta deegaannada Puntland iyo isku dayga sharcidarra ah ee wax-ka-baddelka Dastuurka Ku meel gaarka ah ee Federaalka Soomaaliya. Sidoo kale waxaa warbixin looga dhegeystey guddiyo gaar ah ee Guddiga Joogtada ah u xilsaaray shaqooyinka kala duwan. Warbixinnada guddiyadda kadib, Guddiga Joogtada ah waxay isla qaateen Qodobadan soo socda: 1. In guddiyada gaarka ah ee golahu u xilsaaray shaqooyinka kala duwan ay warbixinnadooda oo dhammaystiran ku soo gudbiyaan fadhiga dambe. 2. In warqad talo-soo-jeedin ah lala wadaago Xukuumadda Puntland, taasoo taabanaysa Amniga gudaha Puntland,Tayeynta hay’adaha dawladda, Arrimaha Garsoorka iyo Caddaaladda, Gurmadka abaaraha, Hannaanka xisbiyada badan, Iyo arrimaha Federaalka Soomaaliya 3. Guddigu wuxuu isla qaatay in Golaha Wakiilladu door muuqda ka qaato gurmadka abaaraha, iyadoo guddiga gaarka ah ee arrimaha abaaruhu si joogto ah ula soconayo xaaladda abaaraha, abaabulka gurmadka, iyo ka jawaabista saamaynta ay abaaruhu ku yeesheen bulshada. 4. Guddiga joogtada ah wuxuu cambaaraynaya isku day kasta oo wax-ka-beddelka sharci-darradda ah lagu sameeyo ee Dastuurka KMG ah, kaasoo aan marna loo marin hannaanka sharci dejineedkii uu Dastuurku sheegayo, islamarkaana aan laga qayb gelin shacabka iyo golayaasha dowladda Puntland, sida ku cad Qodobada 132 iyo 137 ee Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya. 5. Annagoo wakiil ka ah shacabka Puntland waxaan caddaynaynaa in natiijo kasta oo ka soo baxda wax-ka-beddel lagu sameeyo Dastuurka KMG ee 2012, iyadoo aan Hay’adaha Puntland si buuxda uga qayb-qaadan si waafaqan Qodobka 4-aad ee Dastuurka Puntland, ay tahay mid waxba kama jiraan ah laguna dhaqikarin Puntland, islamarkaana aan yeelanayn samayn sharciyeed. 6. Waxaan bogaadinaynaa xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka ah ee ka horyimid isku dayga wax-ka-beddelka sharci-darrada ah ee Dastuurka KMG ah, kuwaasoo la kulmay caadaadis Amni iyo ka hor-istaag shaqadoodii Dastuuriga ahayd, taasoo muujinaysa khatarta ay ku jiraan hay’adihii Dawladda Federalka Soomaliyeed 7. Ugu dambayn, waxaan ugu baaqaynaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed inay ka shaqeeyaan midnimada, wadajirka, iyo badbaadinta dalka, gaar ahaan ilaalinta Dastuurka heshiiska lagu yahay ee la ansixiyay sannadkii 2012. DHAMMAAD

Fadhiga 4-aad ee Guddiga Joogtada ah Read More »

Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada ayaa ka qaybgalay kulan ku saabsan boggaadinta doorkii bulshada ee Hawlgalka Calmiskaad.

Qardho : 01 February 2026 : Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Hon Mohamed Baarri Shire Ayaa Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni,kala qayb galay kulan ku saabsan boggaadinta doorkii bulshada ee Hawlgalka Calmiskaad oo maraya meel gebogebo ah. Kulanka waxaa ka qeybgalay Xildhibaanada Golaha ,Saraakiisha Hawlgalka Calmiskaad, Goleyaasha Dowladda , Maamulka Gobolka Karkaar iyo kan degmada Qardho iyo qeybaha kala duwan ee bulshada . Intuu Kulanku socday waxaa uu Madaxweynuhu shahaadooyin guddoonsiiyey 17 sarkaal oo ku takhasusay ka hortagga walxaha qarxa, kuwaasi oo tababar ku dhammeystay kulliyada tababarka ee degmada Carmo. DHAMMAAD

Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada ayaa ka qaybgalay kulan ku saabsan boggaadinta doorkii bulshada ee Hawlgalka Calmiskaad. Read More »

Gudiga gaarka ah ee soo ururinta iyo diiwangelinta dadka baahiyaha gaarka ah qaba.

Garowe, 1 Febraayo 2026 – Guddiga Gaarka ah ee uu Golaha Wakiilladu u xilsaaray soo ururinta iyo diiwaangelinta xogta dadka baahiyaha gaarka ah qaba ayaa maanta sii waday hawlahooda shaqo. Guddigu waxa uu kulan wadatashi ah la yeeshay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Masuuliyiinta Xarunta Dhagoolayaasha. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo heli lahaa xog dhammeystiran oo ka tarjumaysa xaaladda dhabta ah ee dadka baahiyaha gaarka ah qaba, caqabadaha jira, iyo qorshayaasha Wasaaradda Caafimaadku uga degsan yihiin wax ka qabashadooda. Xubnaha guddiga ayaa carrabka ku adkeeyay in helitaanka xog sax ah oo la isku halayn karo ay tahay tiir-dhexaadka diyaarinta talooyin iyo go’aanno wax ku ool ah oo mustaqbalka lagu horgeyn doono Golaha Wakiillada, si loo horumariyo adeegyada loo fidiyo dadka baahiyaha gaarka ah qaba. DHAMMAAD

Gudiga gaarka ah ee soo ururinta iyo diiwangelinta dadka baahiyaha gaarka ah qaba. Read More »

Guddiga Gaarka ah ee uu Goluhu u xilsaaray soo aruurinta iyo diiwaangelinta xogta dadka baahiyaha gaarka ah qaba.

Garowe, 29 Janaayo 2026 – Guddiga Gaarka ah ee uu Goluhu u xilsaaray soo aruurinta iyo diiwaangelinta xogta dadka baahiyaha gaarka ah qaba, agoomaha ayaa maanta sii wada hawlahooda shaqo, iyagoo kulan wadatashi ah la yeeshay Ururada Bulshada Rayidka Puntland iyo qaar ka mid ah xarumaha lagu xanaaneeyo carruurta agoomaha ah. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii xog dhammeystiran looga heli lahaa xaaladda dadka baahiyaha gaarka ah qaba, gaar ahaan carruurta, iyo caqabadaha haysta xarumaha daryeelkooda. Sidoo kale, waxaa laga wada hadlay doorka ay Bulshada Rayidku ku leeyihiin taageeridda iyo wacyigelinta xuquuqda dadka naafada ah. Guddiga ayaa dhageystay aragtiyo, talooyin iyo xog muhiim ah oo ay soo bandhigeen wakiillada Ururada Bulshada Rayidka iyo masuuliyiinta xarumaha, kuwaas oo la xiriira baahiyaha dhabta ah ee jira iyo fursadaha lagu horumarin karo adeegyada la siiyo dadka baahiyaha gaarka ah qaba. DHAMMAAD

Guddiga Gaarka ah ee uu Goluhu u xilsaaray soo aruurinta iyo diiwaangelinta xogta dadka baahiyaha gaarka ah qaba. Read More »

Guddiga Amniga iyo Nabadgelyada ee Golaha Wakiilada Dowladda Puntland.

Garowe, 29 Janaayo 2026- Guddiga Amniga iyo Nabadgelyada ee Golaha Wakiilada Dowladda Puntland ayaa maanta booqasho shaqo ku tegey Xarunta Taliska Booliska Puntland. Booqashadan ayaa qeyb ka ahayd kormeerka shaqo ee guddigu ku qiimeynayo xaaladda amniga iyo howlaha kala duwan ee hay’adaha amniga Puntland. Guddiga ayaa kulan la qaatay Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland, kaas oo ay uga dhageysteen warbixin faahfaahsan oo ku saabsan xaaladda guud ee amniga, caqabadaha jira, iyo qorshayaasha horumarineed ee ciidanka Booliska. Ugu dambeyn, Guddiga Amniga iyo Nabadgelyada ayaa bogaadiyey dadaalka ay ciidanka Boolisku ku bixiyaan ilaalinta amniga, iyaga oo ballanqaaday inay taageero sharci iyo mid talo-ba la garab istaagi doonaan hay’adaha amniga Puntland. DHAMMAAD

Guddiga Amniga iyo Nabadgelyada ee Golaha Wakiilada Dowladda Puntland. Read More »

Guddiga Gaarka ah ee Goluhu uxilsaaray dadka baahiya gaarka ah qaba.

Garowe, 28 Janaayo 2026- Guddiga Gaarka ah ee uu Goluhu u xilsaaray soo aruurinta xogta dadka baahiyaha gaarka ah qaba oo sii wada shaqadoodi ayaa maanta kulan la qaatay Wasaaradda Qorshayanta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Xiriirka Caalamiga ah. Guddigi wuxuu Wasaaradda wax ka waydiiyey qorshaha uga yaal horumarinta dhaqan-dhaqaale ee dadka baahiyaha gaarka ah qaba iyo arrimaha kale ee la xiriira shaqada Wasaaradda ee khuseeya dadka baahiyaha gaarka ah qaba. Guddigu ayaa u kuurgal Si ay wax uga ogaadaan Qorshayaasha uga digsan dadka baahiyaha gaarka qaba Si ay uga mid noqdaan Qorshayaasha soo socda ee Wasaaraddu dejiso. Guddigu waxa ay xuseen in xogtan ay muhiim u tahay diyaarinta talooyin iyo go’aanno wax ku ool ah oo Golaha lagu horgeyn doono. DHAMMAAD

Guddiga Gaarka ah ee Goluhu uxilsaaray dadka baahiya gaarka ah qaba. Read More »

Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha Wakiilada ayaa ka qaybgalay maalinta Furdooyinka Caalamiga ah.

Boosasso, 26 Janaayo 2026- Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiilada Dowladda Puntland, Hon Mohamed Baarri Shire, ayaa caawa ka qeybgalay xuska Maalinta Furdooyinka Caalamiga ah, munaasabad oo ay soo agaasintay Wasaarada Maaliyada Puntland oo lagu xusayay doorka ay leeyihiin furdooyinka caalamka. Munaasabadda oo ay ka soo qeyb galeen masuuliyiin ka tirsan Dowladda Puntland, ururrada bulshada rayidka ah iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, ayaa diiradda lagu saaray wacyigelinta furdooyinka, caqabadaha haysta iyo sidii loo xoojin lahaa. Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiilada, Mudane Maxamed Baarri, oo munaasabadda ka jeediyay hadal, ayaa Hambalyo u diray dhamaan howl wadeenada furdooyinka Dowladda Puntland. DHAMMAAD

Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha Wakiilada ayaa ka qaybgalay maalinta Furdooyinka Caalamiga ah. Read More »

Scroll to Top