Garoowe: April 25, 2024: Ku-simaha Guddoomiyaha Ahna Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Hon Mohamed Baarri Shire, ayaa xarunta Wasaaradda Caafimaadka kaga qeyb-galay xuska Maalinta Duumada Adduunka oo sannad walba la xuso 25-ka Abriil.
Wacyi-gelinta waxaa furay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dawladda Puntland Mudane Siciid Jaamac Qorsheel, waxaana kasoo qaybgalay Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Bulshada, dhaqanka & Warfaafinta Xil. Cabdicasiis Axmed Dhahar, xildhibaanno katirsan Golaha Wakiillada, madax ka socday Dawladda, Hay’adda Caafimaadka aduunka iyo bahda Caafimaadka Puntland.
Kulankan wacyi-gelinta ah ayaa sannad walba loo qabtaa si dadka looga wacyigeliyo cudurka Duumada si looga hortaggo loona xakameyo.
– DHAMMAAD –
Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland



