GUDDIYO KA TIRSAN GOLAHA WAKIILADA OO MAANTA U KUURGALAY XAALADDA XABSIGA DHEXE EE GAROOWE.

Garoowe, April 24, 2024: Guddiyada ayaa ugu horeyn waxay warbixin balaaran oo dhinacyo kala duwan taabanaysa ka dhageysteen Taliyaha Ciidanka Asluubta iyo saraakiisha kale, iyagoo ka xog wareystay xaalada maxaabiista & caqabadaha haysta.

Guddoomiyaha Guddiga Shuruucda, Caddaaladda, Xild. Maxamuud Dhaluul Xirsi, Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka Xild. Mowliid Abokor Caafi, Guddoomiyaha Guddiga Amniga Golaha Wakiillada Xild. Xassan Ducaale (Dhagax-tuur) ayaa waxaa kormeerka ku wehliyey Guddoomiyaha Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadana Puntland Siciid Cabdi Muumin.

Intii ay ku guda-jireen booqashadooda, waxay sidoo kale Guddiyadu la kulmeen maxaabiista ku xiran xabsiga, iyagoo ka xog wareystay xaaladdooda nololeed, baahiyahooda iyo tabashooyinka ay qabaan.

Ugu dambeyntii Guddiyada ayaa ballanqaaday in ay warbixinta la wadaagi doonaaan cid kasta oo ay khuseyso, kana jeedin doonaan Kalfadhiga soo socda ee Baarlamaanka.

-DHAMMAAD-

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *