GUDDIYO KA TIRSAN GOLAHA WAKIILADA OO MAANTA U KUURGALAY XAALADDA SALDHIGYADA GAROOWE.

Garoowe, April 25, 2024: Guddiyada ka socda Golaha Wakiillada ayaa maanta kormeer shaqo ku tegey Saldhigyada kuyaala Magaalada Garoowe, iyagoo u kuurgalay xaalada maxaabista, habka shaqadu u socoto iyo caqabadaha jira.

Guddiyadda ayaa saldhig walba oo ay tagaan waxay marka hore warbixin ka dhageysanayeen Taliyaha Saldhiga, intaa kadib-na waxay la kulmayeen maxaabiista xiran, iyagoo ka xog wareysanaya xaaladdooda nololeed, baahiya haysta iyo tabashooyinka ay qabaan.

Xildhibaannada kormeerka sameeyey ayaa kala ahaa Guddoomiyaha Guddiga Shuruucda, Caddaaladda, Xild. Maxamuud Dhaluul Xirsi, Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka Xild. Mowliid Abokor Caafi iyo Guddoomiyaha Guddiga Amniga Xassan Ducaale (Dhagax-tuur).

Ugu dambeyntii Guddiyada ayaa ballanqaaday in ay warbixinta la wadaagi doonaaan cid kasta oo ay khuseyso, si wax looga qabto caqabadaha jira.

-DHAMMAAD-

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *