Garoowe, May 14, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Hon Abdirisak Ahmed Said, oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Mudane, Hon Mohamed Baarri Shire iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane, Hon Mohamed Mohamoud Isse, ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 6-aad ee Guddiga Joogtada ah. Fadhiga maanta waxaa Guddiga Joogtada ah hor yimi Guddoomiyaha Maxkamadda sare, Wasiirka Wasaaradda Caddaalada Arrimaha Diinta, Taliyaha Ciidanka Asluubta iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamadda Qalabka-sida iyo Dembiyada culus, iyagoo Guddiga Joogtada la wadaagay warbixin ku saabsan arrimaha 𝑪𝒂𝒅𝒂𝒂𝒍𝒂𝒅𝒅𝒂, 𝑮𝒂𝒓𝒔𝒐𝒐𝒓𝒌𝒂, 𝑿𝒂𝒃𝒔𝒊𝒚𝒂𝒅𝒅𝒂 𝒊𝒚𝒐 𝑴𝒂𝒙𝒂𝒂𝒃𝒊𝒊𝒔𝒕𝒂. Ugu horeyn, mas’uuliyiinta Guddiga hor-yimi ayaa Guddiga Joogtada ah la wadaagay warbixinno la xiriira Waajibaadka Dastuuriga ah ee ay u xilsaaran yihiin, waxaan xubnaha Guddiga Joogtada ahi su’aalo ka weydiiyeen arrimaha 𝑪𝒂𝒅𝒂𝒂𝒍𝒂𝒅𝒅𝒂, 𝑮𝒂𝒓𝒔𝒐𝒐𝒓𝒌𝒂, 𝑿𝒂𝒃𝒔𝒊𝒚𝒂𝒅𝒅𝒂 𝒊𝒚𝒐 𝑴𝒂𝒙𝒂𝒂𝒃𝒊𝒊𝒔𝒕𝒂 𝑷𝒖𝒏𝒕𝒍𝒂𝒏𝒅, iyagoo ka duulaya kormeer iyo kor-jogteyn ay ku tageen qaar kamid ah 𝑴𝒂𝒙𝒌𝒂𝒎𝒂𝒅𝒂𝒉𝒂, 𝑺𝒂𝒍𝒅𝒉𝒊𝒈𝒚𝒂𝒅𝒂 𝒊𝒚𝒐 𝑿𝒂𝒃𝒔𝒊𝒚𝒂𝒅𝒂. Dood iyo falanqeyn dheer kadib, waxaa la isla qaatay in la xoojiyo wada shaqeynta hay’adaha Caddaaladda, xaqiijinta helitaanka caddaalad loo dhan yahay, taas oo ku dhisan shareecadda islaamka, mabaadiida caalamiga ah, Dastuurka iyo Xeerarka kale ee dalka, tayeynta iyo kor-u-qaadista kartida iyo aqoonta mas’uuliyiinta iyo hawl-wadeenada hay’adaha Caddaaladda iyo ilaalinta xuquuqda iyo daryeelka maxaabiista ku xiran xabsiyada. Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo fadhiga soo xiray ayaa mas’uuliyiinta kula dardaarmay hirgelinta qodobada fadhiga looga hadlay, isagoo balan-qaaday in ay si joogto ah kormeero iyo korjoogteyn ugu samayn doonaan Hay’adaha Caddaaladda, kana jawaabidoonaan cabashooyinka ay la wadaageen guddiga, si loo xaqiiqjiyo helitaanka caddaalad loo dhan yahay oo ku dhisan sareynta sharciga. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta, Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.