Golaha Wakiillada

Guddiyada

Guddiga Shuruucda, Caddaalada, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka ee Golaha Wakiillada Puntland.

Garoowe, October 16, 2024 – Guddiga Shuruucda, Caddaalada, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka ee Golaha Wakiillada Puntland ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Ururka Qareenadda Puntland. Ujeeddda kulan ayaa ahayd Latashi ku aaddan wax-ka-baddelka Xeerka Qareennda Puntland oo Guddiga Shuruucdu gacanta ku hayey, islmarkaana ku samaynayey akhrinta labaad iyo in qareenadu ay aragtidooda ugu darsadaan wax-ka-baddelka Xeerka. Xeerka oo muhiimad u leh horumarinta nidaamka caddaaladda iyo in bulshado loo qabto adeegyada ay u baahan yahanyihiin maxkamadda horteeda. Intii uu socday kulanka, labada dhinac ayaa diiradda saaray arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin horumarinta nidaamka caddaaladda iyo sidii loo kordhin lahaa aqoonta qareennada si ay ugu adeegaan bulshada si hufan. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Guddiga Shuruucda, Caddaalada, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka ee Golaha Wakiillada Puntland. Read More »

Guddiga Gaarka ah ee Golaha Wakiillada Puntland ayaa booqasho shaqo ku tegay Taliska Qeybta Ciidanka Booliska.

GAROOWE, Oktoobar 15, 2024 – Guddiga Gaarka ah ee Golaha Wakiillada Puntland ee loo xilsaaray kormeerka iyo u kuurgelidda xaaladda guud ee Gobolka Nugaal ayaa maanta booqasho shaqo ku tegay Taliska Qeybta Ciidanka Booliska Puntland ee Gobolka Nugaal iyo Saldhiga Bartamaha ee caasimadda Garoowe. Ujeedka booqashadan ayaa ahayd qiimeynta iyo xoojinta dadaallada amniga ee ka socda gobolka, gaar ahaan caasimadda Garoowe. Guddiga ayaa la kulmay saraakiisha sare ee booliska, iyagoo ka warbixiyay xaaladda amniga, caqabadaha haysta ciidanka booliska, iyo qorshayaasha lagu adkeynayo sugidda nabadgelyada gobolka. Mas’uuliyiinta ciidanka ayaa soo bandhigay warbixinno ku saabsan hawlgalada socda iyo baahiyaha muhiimka ah ee lagu horumarin karo tayada shaqada ciidanka booliska, gaar ahaan qalabka iyo tababarada. Guddiga ayaa ammaanay shaqada ciidamada booliska ee suurtogelisay xasiloonida iyo nabadgelyada guud ee gobolka, iyagoo ballan qaaday in Golaha Wakiilladu uu sii wadi doono taageerada uu u fidinayo ciidamada, si loo xaqiijiyo in amniga iyo kala dambeyntu si joogto ah u sii hagaagaan. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Guddiga Gaarka ah ee Golaha Wakiillada Puntland ayaa booqasho shaqo ku tegay Taliska Qeybta Ciidanka Booliska. Read More »

Guddiga gaar ah ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa kormeer shaqo ku tegay degmada Dangoroyo.

Dangoroyo, Oktoobar 12, 2024 – Guddiga gaar ah ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ee loo xilsaaray u kuur-gelidda xaaladda guud ee Gobolka Nugaal ayaa maanta kormeer shaqo ku tegay degmada Dangoroyo. Kormeerkan ayaa ujeedkiisu ahaa in la qiimeeyo horumarka iyo caqabadaha ka jira qeybaha kala duwan ee degmada, iyadoo la kulmay madaxda iyo qaybaha bulshada ee muhiimka ah. Xarunta Degmada Dangoroyo Guddigu waxay booqdeen xarunta degmada, halkaas oo ay kulan la qaateen Guddoomiyaha Degmada, Guddoomiye Ku Xigeenka, Xoghayaha Degmada, xildhibaano ka tirsan Golaha Deegaanka, iyo Isu-duwaha Wasaaradda Haweenka ee degmada. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray dib-u-eegista horumarka iyo caqabadaha maamulka degmada, iyadoo la falanqeeyay baahiyaha ka jira bulshada iyo sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta hay’adaha kala duwan ee deegaanka iyo dowladda. Saldhigga Degmada Dangoroyo Kormeerka guddigu wuxuu sidoo kale ku tegay saldhigga degmada, halkaas oo ay la kulmeen Taliyaha Saldhigga. Waxay isla falanqeeyeen xaaladda amniga, gaashaandhigga degmada, iyo adeegyada booliska ee la xiriira sugidda nabadgelyada. Taliyaha saldhigga ayaa soo bandhigay baahiyaha gaarka ah ee booliska degmada, waxaana laga wada hadlay qorsheyaasha lagu xoojin karo adeegyada amniga ee deegaanka. Maxkamadda Degmada Dangoroyo Intaa kadib, guddigu waxay booqasho ku tageen Maxkamadda Degmada, halkaas oo ay kulan la yeesheen Guddoomiyaha Maxkamadda. Waxay ka wada hadleen xaaladda cadaaladda iyo habsami u socodka dacwadaha. Guddoomiyaha Maxkamadda ayaa guddiga la wadaagay caqabadaha dhinaca sharciyada iyo adeegyada garsoorka ee hortaagan bulshada, iyagoo ku talo-bixiyay qaabab lagu horumarin karo nidaamka garsoorka degmada. Dugsiga Sare ee Dangoroyo Waxay sidoo kale booqdeen Dugsiga Sare ee Dangoroyo, halkaas oo ay kulan la yeesheen Guddoomiyaha Waxbarashada Degmada iyo Maamulaha Iskuulka. Waxay ka wada hadleen tayada waxbarashada, baahida loo qabo in la kordhiyo agabka waxbarashada iyo sidii ardayda degmada loogu abuuri lahaa fursado waxbarasho oo tayo leh. Guddiga ayaa ballan-qaaday in ay dadaal dheeraad ah ku bixin doonaan sidii waxbarashada degmada loo tayayn lahaa. Cisbitaalka Guud ee Dangoroyo Guddigu waxay sidoo kale booqdeen Cisbitaalka Guud ee Dangoroyo, halkaas oo ay kulan la yeesheen Agaasimaha Cisbitaalka. Waxaa laga wada hadlay adeegyada caafimaad ee la siiyo bulshada, tayada adeegyada caafimaad, iyo baahiyaha ka jira cisbitaalka, gaar ahaan agabka caafimaad iyo shaqaalaha. Agaasimaha ayaa soo bandhigay guulaha ay ka gaareen daryeelka caafimaadka, hase yeeshee wuxuu carabka ku adkeeyay in weli loo baahan yahay taageero dheeraad ah. Xarunta Hooyada iyo Dhallaanka (MCH) Kormeerka guddiga wuxuu ku soo dhammaaday booqashada Xarunta Hooyada iyo Dhallaanka (MCH) ee degmada, halkaas oo ay kula kulmeen shaqaalaha xarunta si ay u qiimeeyaan adeegyada caafimaadka ee hooyada iyo dhallaanka. Waxaa la wada qaatay falanqeyn ku saabsan horumarinta xarunta iyo sidii loo kordhin lahaa adeegyada caafimaad ee la siiyo haweenka iyo carruurta, iyada oo la dardargelinayo bixinta adeegyada muhiimka ah. Gunaanad Kormeerkan shaqo ee guddiga ayaa looga gol-leeyahay in la ogaado caqabadaha jira, guulaha la gaaray, kadibna warbixin laga diyaariyo oo lala wadaago Guddiga Joogtada ah, si loo sameeyo talooyin iyo go’aanno wax-ku-ool ah oo lagu horumarinayo adeegyada bulshada ee degmada Dangoroyo. DHAMMAAD

Guddiga gaar ah ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa kormeer shaqo ku tegay degmada Dangoroyo. Read More »

GUDDIGA GAARKA AH EE GOLAHA WAKIILADA PUNTLAND OO KORMEER SHAQO KU TEGAY DEGMADA EYL.

Eyl, Oktoobar 13, 2024 – Guddiga gaarka ah ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ee loo xilsaaray u kuur-gelidda xaaladda guud ee Gobolka Nugaal ayaa maanta kormeer shaqo ku tegay degmada taariikhiga ah ee Eyl. Ujeedada safarka guddiga ayaa ahayd qiimeynta horumarka iyo caqabadaha kala duwan ee ka jira qeybaha muhiimka ah ee degmada, iyagoo si dhow ula kulmay masuuliyiinta deegaanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. Guddiga ayaa booqday xarumo muhiim ah oo ka mid ah kuwa bulshada u adeega, waxaana ka mid ahaa: Xarunta Dawladda Hoose ee Degmada Eyl: Guddiga ayaa halkaas kula kulmay maamulka degmada, iyagoo xog-waran ka dhageystay masuuliyiinta ku saabsan xaaladda adeegyada bulshada, qorshayaasha horumarineed ee socda, iyo baahiyaha ka jira degmada. Maxkamadda Degmada Eyl: Booqashadan ayaa diiradda lagu saaray in la hubiyo adeegyada garsoorka ee bulshada, iyadoo la darsay sidii loo horumarin lahaa tayada adeegyada sharciga ee maxkamadda. Xabsiga Degmada Eyl: Guddiga ayaa kormeeray xaaladda xabsiga, gaar ahaan dhinacyada ammaanka, caafimaadka maxaabiista, iyo adeegyada kale ee asaasiga ah ee lagu bixiyo xabsiga. Isbitaalka Degmada & Xarunta Hooyada iyo Dhallaanka (MCH): Kormeerka isbitaalka iyo xarunta hooyada iyo dhallaanka ayaa ahaa mid muhiim ah, iyada oo guddigu qiimeyn ku sameeyay xaaladda adeegyada caafimaadka iyo baahiyaha lagama maarmaanka ah ee isbitaalka iyo MCH, si loo dardargeliyo tayada daryeelka caafimaad ee bulshada. Intii uu socday kormeerkan, guddigu waxa uu sidoo kale kulan muhiim ah la yeeshay madaxda degmada iyo qeybaha bulshada, oo ay ka mid yihiin odayaasha dhaqanka, dhallinyarada, haweenka, iyo qeybaha kale ee bulshada. Kulankan ayaa lagu falanqeeyay arrimo la xiriira horumarinta degmada, sare u qaadista adeegyada bulshada, iyo caqabadaha hor yaalla horumarka guud ee degmada. Guddiga gaarka ah ayaa ballan qaaday inay warbixin dhameystiran ka soo diyaarin doonaan xaaladda degmada Eyl, taasoo qayb ka noqon doonta qorshaha horumarineed ee loo gudbin doono Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

GUDDIGA GAARKA AH EE GOLAHA WAKIILADA PUNTLAND OO KORMEER SHAQO KU TEGAY DEGMADA EYL. Read More »

Fadhiga 2-aad ee Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiillada.

Garoowe, October 8, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Hon Abdirisak Ahmed Said oo uu weheliyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane, Hon Mohamed Mohamoud Isse, ayaa shir-guddoomiyey fadhiga 2-aad ee Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiillada. Guddoomiye Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa furay fadhiga, iyadoo ajanduhu ahaa Xog-waran Xaaladda Guud ee dalka, dhaqan-gelinta go’aamadii ka soo baxay Kalfadhiga 54-aad iyo u diyaar garowga Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada. Ugu horreyn, waxaa warbixin taabanaysa xaaladda guud ee dalka soo jeediyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada. Intaas ka dib, waxaa warbixinno laga dhagaystay xubnaha Madax-gudiyeedyada kuwaas oo la xiriira safaradii ay ku tageen Gobollada iyo Degmooyinka Puntland. Dhanka kale, intii kulanku socday waxaa la isla qaatay in guddi gaar ah loo xilsaaro kormeerka iyo u kuurgelidda Gobolka Nugaal si Goluhu xog-ogaal ugu noqdo xaaladaha bulsho ee Gobolka, sidoo kalana la dardargeliyo u diyaar garowga Kalfadhiga 55-aad, iyadoo Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu ku bogaadiyey hawlaha baaxadda leh ee guddiyada Goluhu ay ka qabteen kormeeradii iyo booqashooyinkii ay sameeyeen. https://vm.tiktok.com/ZMhSno7TT – DHAMMAAD – Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Fadhiga 2-aad ee Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiillada. Read More »

Guddiga Arrimaha Bulshada oo ka tirsan Goleyaasha Dawladda Puntland.

   Kormeer Shaqo ee Guddiga Arrimaha Bulshada oo ka tirsan Goleyaasha Dawladda Puntland. Boosaaso, Oktoobar 02, 2024 – Guddiga Arrimaha Bulshada ee ka tirsan wafdiga uu hoggaaminayo Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Puntland, oo ka kooban xubno ka tirsan Golaha Wakiillada iyo Golaha Xukuumadda, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay xarumo muhiim ah oo ku yaalla magaalada Boosaaso. Xarumaha la kormeeray waxaa ka mid ahaa Xarunta Wasaaradda Caafimaadka Gobolka Bari, Xarunta Hooyada iyo Dhallaanka (MCH), Isbitaalka Weyn ee Boosaaso, Shirkadda Biyaha ee GUMCO, Xarunta Wakaaladda Horumarinta Biyaha ee Gobolka Bari, iyo Xarunta Wasaaradda Waxbarashada ee Gobolka Bari. Ujeeddada kormeerkan ayaa ahayd qiimeynta iyo horumarinta adeegyada caafimaadka, biyaha, iyo waxbarashada ee magaalada Boosaaso. Wafdigu waxay kulammo la yeesheen mas’uuliyiinta xarumahaas, iyagoo ka dhageystay warbixinno ku saabsan xaaladda adeegyada ay bixiyaan iyo caqabadaha ka jira, si loo dardargeliyo qorshayaasha lagu hagaajinayo adeegyadaas. Xarunta Wasaaradda Caafimaadka Gobolka Bari, wafdigu waxay kula kulmeen madaxda caafimaadka gobolka si ay u qiimeeyaan adeegyada caafimaadka iyo sida loo horumarin karo adeegyada bulshada loogu talagalay, gaar ahaan kuwa ka faa’iideysta adeegyada caafimaadka ee heer gobol. Isbitaalka Weyn ee Boosaaso, guddigu waxay si gaar ah u booqdeen qaybta daryeelka degdegga ah ee ICU, oo ah halka lagu baxnaaniyo bukaanada xaaladaha halista ah, gaar ahaan kuwa u baahan mashiinnada neefta. Sidoo kale, waxay kormeereen qaybta lagu dhaqo bukaannada kelyaha xanuunsan, taas oo muhiimad weyn u leh bulshada ku nool Boosaaso iyo nawaaxigeeda. Intii uu socday kormeerka, wafdigu waxa ay aad ugu bogaadiyeen shaqaalaha caafimaadka dadaalka dheeraadka ah ee ay ku bixiyaan daryeelka bukaannada, waxayna ballanqaadeen in Dowladda Puntland ay sii wadi doonto taageerada lagu xoojinayo tayada iyo qalabka caafimaadka. Shirkadda Biyaha ee GUMCO, wafdigu waxay la kulmeen madaxda shirkadda iyagoo kala hadlay horumarinta iyo ballaarinta adeegyada biyaha si magaalada iyo nawaaxigeedu ay u helaan biyo ku filan oo nadiif ah. Waxaa la isku raacay in la xoojiyo iskaashiga u dhexeeya shirkadda iyo hay’adaha dowladda si loo gaaro isbeddel waara oo ku saabsan adeegyada biyaha. Sidoo kale, wafdigu waxay booqdeen Xarunta Wakaaladda Horumarinta Biyaha ee Gobolka Bari, halkaas oo ay kula kulmeen mas’uuliyiinta wakaaladda si ay ugala hadlaan dadaallada socda ee lagu horumarinayo bixinta adeegyada biyaha. Wafdigu waxay bogaadiyeen tallaabooyinka la qaaday ee lagu ballaarinayo adeegyada biyaha si bulshada gobolka ay ugu helaan biyo nadiif ah oo ku filan. Booqashada Xarunta Wasaaradda Waxbarashada ee Gobolka Bari waxay ku saabsaneyd kor u qaadidda adeegyada waxbarashada iyo sidii loo dardargelin lahaa qorsheyaasha tayeynta waxbarashada gobolka. Wafdigu waxay la kulmeen madaxda wasaaradda oo ay ka wada hadleen sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha waxbarashada iyo horumarinta dugsiyada. Kormeerkan ayaa qayb ka ah dadaalka wafdiga uu hoggaaminayo Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Puntland, kaas oo diiradda saaraya qiimeynta iyo horumarinta adeegyada muhiimka ah ee bulshada Puntland. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta, Golaha Wakiillada Dowladda Puntland

Guddiga Arrimaha Bulshada oo ka tirsan Goleyaasha Dawladda Puntland. Read More »

Fadhiga 1-aad ee Guddiga Joogtada ah.

Garoowe, September 10, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirisak Axmed Siciid ayaa shir-guddoomiyey fadhiga 1-aad ee Guddiga Joogtada ah. Fadhiga maanta ayaa looga hadlay xaalka guud re dalka, waxaana warbixin looga dhageystey madax guddiyeedyada Golaha Wakiillada, taasoo la xiriirta Arrimaha Amniga, Dhaqaalaha, Arimaha Bulshada iyo Horumarinta hannaanka shaqo ee Golaha Wakiillada. Fadhiga ayaa intii uu socday waxaa sidoo kalena looga hadlay cabasho ka timi dadweynaha caasimadda Garoowe taasoo la xiriirta qiimaha biyaha sifaysan, waxaana loo saaray Guddiga gaar ah oo arrimahaas ka soo tallo-bixiya, iyo daraasad ugu soo sameeyaan cabashadaas warbixinna u soo gudbiyaan Guddiga Joogtada ah. Ugu dambeyn, waxaa guddiga joogta ah isla qaateen dar-dargelinta shaqada Guddiga Joogtada ah iyo in dabagal lagu sameeyo fulinta go’aamadii ka soo baxay kalfadhigii 54-aad ee Golaha Wakiillada. – DHAMMAAD – Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Fadhiga 1-aad ee Guddiga Joogtada ah. Read More »

Akhriska 2aad ee Xeerka howlgabka & liiltirka shaqaalaha ( SAWIRO)

Garoowe: November 16,2022: Guddiga Arrimaha bulshada dhaqanka warfaafinta & isgaarsiinta Golaha Wakiillada DPL oo gacanta ku haya, akhriska 2-aad-na ku samaynaya wax-ka-badelka Xeerka howlgabka & liiltirka shaqaalaha rayidka ah ayaa maanta Aqalka Wakiillada kulan kula yeeshay Wasiirka Shaqada shaqaalaha dhalinyarada & ciyaaraha DPL. Guddiga ayaa Wasiirka weydiiyey sababta keentay in xeerkan oo 2019-kii Golaha Wakiilladu ansixiyey in wax laga badelo, iyagoo sidoo kale ka dhageystay guud ahaan waxyaabaha kale ee lagu soo kordhiyey xeerkan. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelintaGolaha Wakiillada Dawladda Puntland

Akhriska 2aad ee Xeerka howlgabka & liiltirka shaqaalaha ( SAWIRO) Read More »

Fadhiga 5-aad ee Kalfadhiga 51-aad Golaha Wakiillada ( Warbixinta Guddiyadda) ( SAWIRO/MUUQAAL)

Garoowe: 30,October,2022: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL, Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay wehliyaan Ku-xigeenka 1-aad Mudane Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Ku-xigeenka 2-aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta shir Guddoomiyey fadhiga 5-aad, Kalfadhiga 51-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Fadhiga maanta ayaa waxaa warbixino looga dhageystay 4 Guddi oo kala ah. Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha & Xisaabaadka. Warbixin Guddiga Siyaasadda, Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha & Xiriirka Caalamiga Warbixin Guddiga Howlaha guud, Gaadiidka, Ganacsiga & Kaabayaasha Dhaqaalaha. Warbixin Guddiga Xuquuqda Aadanaha, Arrimaha Qoyska & Horumarinta Haweenka. Warbixin Guddiyadda ayaa soo jeediyay warbixin la xiriirta dhammaan Kormeerada ay ku tageen Wasaaradaha, Hay’adaha Dawladda iyo socdaalkii U Kuur-gelida Gobolada dalka. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Fadhiga 5-aad ee Kalfadhiga 51-aad Golaha Wakiillada ( Warbixinta Guddiyadda) ( SAWIRO/MUUQAAL) Read More »

Fadhiga 4-aad ee Kalfadhiga 51-aad Golaha Wakiillada ( Warbixinta Guddiyadda) ( SAWIRO/MUUQAAL)

Garoowe: 29,October,2022: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL, Mudane Cabdirashid Yuusuf Jibriil oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan & Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta shir Guddoomiyey fadhiga 4-aad ee Kalfadhiga 51-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Ajanadaha kulanka oo ahaa dhageysiga warbixinnada Guddiyada, ayaa waxaa warbixinno ka jeediyey Golaha Guddiyada kala ah: 1) Guddiga Arrimaha Golaha & Anshaxa. Warbixin 2) Guddiga Shuruucda, Caddaaladda, Arrimaha Diinta & Dastuurka. Warbixin 3)Guddiga Arrimaha Deegaanka iyo Kheyraadka Dabiiciga ah. Warbixin Warbixinnada ayaa ku saabsanaa kormeerro iyo xog ururin ay Guddiyadu ku soo sameeyeen hay’addaha Dawliga ah ee ay korjoogtada ku leeyihiin. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelintaGolaha Wakiillada Dawladda Puntland

Fadhiga 4-aad ee Kalfadhiga 51-aad Golaha Wakiillada ( Warbixinta Guddiyadda) ( SAWIRO/MUUQAAL) Read More »

Scroll to Top