Golaha Wakiillada

Wararka

Guddiga joogtada Golaha Wakiillada oo dood ka yeeshay Xaaladda Laascaanood

GUDDIGA JOOGTADA AH OO MAANTA DOOD KA YEESHAY XAALADA LAASCAANOOD. Garoowe: March 13, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, oo uu wehliyo ku-xigeenka 2-aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa shir Guddoomiyey fadhiga 8-aad ee Guddiga joogtada ah ee Golaha Wakiillada DPL. Fadhiga maanta waxay mudanayaashu ku falanqeeyeen xaaladda Bani’aadanimo ee Gobolka Sool iyo doorka Golaha Wakiillada ee ka qeyb galka arrimaha Bani’adanimino ee dadka ku waxyeeloobey weererada arxandarada ah ee maamulka labaxay Somaliland uu geystay magaalada Laascaanood. Dood iyo falanqayn kadib Guddiga Joogtada ah ayaa waxay go’aamiyeen in Golaha Wakiilladu qaaran lacageed kaga qeyb gaato Gurmadka Bani’aadanimo ee Laascaanood. DHAMMAADXafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Guddiga joogtada Golaha Wakiillada oo dood ka yeeshay Xaaladda Laascaanood Read More »

Fadhiga 7aad ee Guddiga Joogtadda Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ( Sawiro)

Garoowe: March 11, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, oo uu wehliyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa shir Guddoomiyey Fadhiga 7-aad ee Guddiga joogtada ah ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Fadhiga manta, waxay Mudanayaashu ku falan-qeeyeen talo-soojeedin ku saabsan arrimaha diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha Goleyaasha Deegaannada Puntland, taas oo qoraal ahaan loogu gudbinayo Guddiga ku-meel gaarka ah ee Doorashooyinka Puntland ee (TPEC). DHAMMAADXafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Fadhiga 7aad ee Guddiga Joogtadda Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ( Sawiro) Read More »

Guddiga joogta oo dhageystay warbixin ku saabsan amniga dalka gaar ahaan Caasimadda Garoowe

GUDDIGA JOOGTADA AH OO MAANTA DHAGEYSTAY WARBIXIN KU SAABSAN AMNIGA CAASIMADDA GAROOWE. Garoowe: March 08, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa shir Guddoomiyey Fadhiga 6-aad ee Guddiga joogtada ah ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Fadhiga maanta waxaa Guddiga Joogtada ah horyimi Wasiirka Wasaaradda Amniga & DDRta Puntland, Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland, Taliyaha la-dagaalanka argagixisadda, Taliyaha qeybta Gobolka Nugaal, Guddoomiyaha Gobolka Nugaal iyo Duqa Degmada Garoowe, iyagoo Guddiga Joogtada ah warbixin ka siiyey amniga caasimadda Puntland ee Garoowe. Dhinaca kale, Guddiga joogtada ah ayaa su’aalo ka waydiiyey mas’uuliyiinta sare ku xasan warbixinta ay la wadaageen, caqabadaha jira iyo qorshaha horumarinta amniga caasimadda Puntland ee Garoowe. Ugu dambeyn, Guddiga joogtada ah ee Golaha Wakiilladu waxay mas’uuliyiinta sare ku xusan ku booriyeen in ay dar-dargelinyaan wax ka qabashada amniga caasimadda iyo la dagaallanka maandooriyaha oo dhibaato weyn ku haya amaanka magaalada Garoowe. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Guddiga joogta oo dhageystay warbixin ku saabsan amniga dalka gaar ahaan Caasimadda Garoowe Read More »

Guddiga Joogtada Golaha Wakiillada ayaa kulan la qaatay Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland – TPEC ( Sawiro)

Garoowe: March,06, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa maanta shir-Guddoomiyey fadhiga 5-aad ee Guddiga joogtada ah ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo ka qabsoomay hoolka shirarka Guddiga Joogtada ah ee xarunta Golaha Wakiillada. Fadhiga maanta waxaa Guddiga Joogtada ah horyimi Guddiga KMG ah ee Doorashada Puntland, iyagoo warbixin ka siiyey shaqooyinka socda ee la xiriira diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha Goleyaasha Deegaanka Puntland, qorshahahooda shaqo iyo caqabadaha jira. Sidoo kale, Guddiga Joogtada ah ayaa su’aalo ka waydiiyey Guddiga ku-meel-gaarka ah Doorashada Puntland warbixinta ay la wadaageen iyo hawlaha socda ee diiwaangelinta la xiriira. Dood iyo falaqayn dheer kadib, Guddiga joogtada ahi waxay go’aamiyeen in tala bixintooda ku aaddan diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha Puntland ee hadda socota loogu gudbiyo qoraal Guddiga KMG ah ee doorashada Puntland, kadib marka Gudiga joogtada ahi dib uga doodo maalinta Sabtida taariikhduna tahay 11.03.2023, iyadoo loo marayo Dastuurka Dawladda Puntland qodobadiisa 112-aad, 113-aad, 114-aad, 115-aad iyo xeerka Doorashada Goleyaasha Deegaannada iyo xeerka Diiwaan gelinta Cod-bixiyeyaasha Dawladda Puntland. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Guddiga Joogtada Golaha Wakiillada ayaa kulan la qaatay Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland – TPEC ( Sawiro) Read More »

Guddiga Joogtada oo ka hadlay cashooyinka Mushaarka Shaqaalaha & Amniga ( SAWIRO)

Garoowe: March 4, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa manta shir-Guddoomiyey fadhiga 4-aad ee Guddiga joogtada ah Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo ka qabsoomay aqalka Wakiillada. Kulanka maanta waxay Mudanayaashu uga hadleen xaaladda guud ee dalka, Xeerarka Goluhu ansixiyey kalfadigii 51-aad, cabasho la xiriirta musharka shaqaalaha & ciidamada Puntland iyo Amniga Caasimadda Garoowe. Dood iyo falaqayn dheer kadib, waxay Guddiga joogtada ahi go’aamiyeen qodobada soo socda: DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Guddiga Joogtada oo ka hadlay cashooyinka Mushaarka Shaqaalaha & Amniga ( SAWIRO) Read More »

Guddiga Joogta ee Golaha Wakiillada DPL ayaa soo saaray go’aano

GUDDIGA JOOGTADA AH EE GOLAHA WAKIILLADA DPL OO MAANTA SOO SAARAY GO’AANO CUSUB. Garoowe: February 20, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa Guddoomiyey shirka 2-aad ee Guddiga joogtada ah, kaas oo maanta ka qabsoomay aqalka Golaha Wakiillada. Fadhiga maanta, ayey Mudanayaashu uga doodeen arrimo ay kamid yihiin xaaladda magaalada Laascaanood & diiwaangelinta codbixiyeyaasha Golleyaasha deegaanka Puntland ee hal qof hal cod. Dood iyo falanqayn dheer kadib, waxay Guddiga joogtada ahi go’aamiyeen:- Ugu dambeytii, guddiga joogtada ahi waxay isla qaateen in ay yeeshaan fadhiyo aan caadi ahayn inta laga dhammaystirayo qodobada kor ku xusan. DHAMMAADXafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Guddiga Joogta ee Golaha Wakiillada DPL ayaa soo saaray go’aano Read More »

Guddoomiyaha Kormeeray Goobaha Diiwaan-gelinta ( SAWIRO

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa u kuur galay xaaladda nololeed iyo habsami u socodka diiwaangelinta doorashada Golaha Deegaanka ee magaaloyinka Hadaaftimo, Carmaale, Dawaco, Damala-xagarre, Sibaaye iyo Ceelbuh ee Gobolka Sanaag. Guddoomiyaha ayaa magaalo kasta oo uu gaaro wuxuu goobaha diiwaangelintu ka socoto uu warbixin kaga dhageysnayey saraakiisha ku sugan, iyagoo dhammaantood isku raacay in shaqadu u socoto si wanaagsan oo nabadgelyo ah. Sidoo kale, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa u kuurgalay xaaladda nololeed ee deegaanadan, isagoo warbixin ka dhageysanayey maamulada & cuqaasha deegaanadan oo warbixin ka siiyey arrimaha waxbarashada, caafimaadka, biyaha iyo caqabadaha haysta. Ugu dambeyn, Guddoomiyaha ayaa ku booriyey waxgaradka iyo bulshada reer Sanaag inay u istaagaan gurmadka shacabka reer Laascaanood. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Guddoomiyaha Kormeeray Goobaha Diiwaan-gelinta ( SAWIRO Read More »

Guddoomiyaha oo kormeer ku tagay Taliska Ciidamada ee Gobolka Sanaag ( SAWIRO)

Sanaag: February,12 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa maanta kormeer ugu tagay ciidamada difaaca Dawladda Puntland ee ku sugan jiidaha Gobolka Sanaag, kuwaas oo kala ah Hadaaftimo, Kalgu-bataale, Carmaale, Dawaco, Damala-xagarre, Sibaaye iyo Ceelbuuh oo dhammaantood ka tirsan Gobolka Sanaag. Guddoomiyaha oo socdaalkiisa uu la xiriiray dhiiri gelinta ciidanka difaaca iyo sida bulshada Gobolka Sanaag ay uga qayb qaadan karaan xoreynta magaalada Laascaanood ayaa u kuur galay xaaladda ciidanka iyo baahiyahooda, waxaana uu ku bogaadiyey shaqada ay dalkooda u hayaan. Kormeerka ayaa waxaa Gudoomiyaha ku wehlinayey Taliyeyaasha Ciidanka ee Gobolka Sanaag, Guddoomiyaha Gobolka Sanaag, Duqa Degmada Badhan iyo saraakiil kale. DHAMMAADXafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelintaGolaha Wakiillada Dawladda Puntland

Guddoomiyaha oo kormeer ku tagay Taliska Ciidamada ee Gobolka Sanaag ( SAWIRO) Read More »

Scroll to Top