Golaha Wakiillada

Wararka

Guddiga Amniga & Nabadgalyada Golaha Wakiillada ayaa maanta warbixin ka dhageystay Taliyaha ciidanka Booliska DPL oo ay wehliyaan Taliye ku-xigeenka iyo saraakiil kale.

Garoowe, June 10, 2023: Guddiga Amniga & Nabadgalyada Golaha Wakiillada ayaa maanta warbixin ka dhageystay Taliyaha ciidanka Booliska DPL oo ay wehliyaan Taliye ku-xigeenka iyo saraakiil kale. Kulanka oo ka dhacay xarunta Golaha Wakiillada DPL ayaa ahaa is xog wareysi, iyadoo Taliska Boolisku uu Guddiga la wadagaay horumarka laga gaaray sugida amaanka, caqabadaha jira iyo guud xaalada amni ee wakhtigan ka jirta dalka. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Guddiga Amniga & Nabadgalyada Golaha Wakiillada ayaa maanta warbixin ka dhageystay Taliyaha ciidanka Booliska DPL oo ay wehliyaan Taliye ku-xigeenka iyo saraakiil kale. Read More »

Guddiga Hawlaha Guud, Gaadiidka, Ganacsiga & kaabayasha dhaqaalaha ayaa maanta xatunta Golaha Wakiillada kulan xog wareysi ah kula qaatay Wasiirka Howlaha guud, Gaadiidka & Guryeynta & Guddoomiyaha Hay’adda wadooyinka Puntland.

Garoowe, June 07, 2023: Guddiga Hawlaha Guud, Gaadiidka, Ganacsiga & kaabayasha dhaqaalaha ayaa maanta xatunta Golaha Wakiillada kulan xog wareysi ah kula qaatay Wasiirka Howlaha guud, Gaadiidka & Guryeynta & Guddoomiyaha Hay’adda wadooyinka Puntland. Kulankan ayaa yimid, kadib markii Guddigu dhawaan booqdeen qaybo kamid ah Jidka laamiga ah ee xiriiriya Goboladda Puntland, kaas oo wax-yeelo kasoo gaartay Roobabkii dhawaan ka da’ay deegaanka Xaaji-kheyr. Guddiga ayaa mas’uuliyiinta weydiiyey su’aalo ku saabsan baaxada dhibka gaaray laamiga iyo talaabooyinka ilaa hada la qaaday. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Guddiga Hawlaha Guud, Gaadiidka, Ganacsiga & kaabayasha dhaqaalaha ayaa maanta xatunta Golaha Wakiillada kulan xog wareysi ah kula qaatay Wasiirka Howlaha guud, Gaadiidka & Guryeynta & Guddoomiyaha Hay’adda wadooyinka Puntland. Read More »

GUDDIYO KA TIRSAN GOLAHA WAKIILLADA OO MAANTA XOG WARAN GUUD LA QAATAY MAS’UULIYIINTA MAXKAMADDA SARE

Garoowe, June 06, 2023: Shirka oo qabsoomay xarunta Golaha Wakiillada ayey Guddiyadu ku dhageysteen warbixin ku saasabsan shaqada wakhtigan ee nidaamka caddaalada Puntland, caqabadaha jira iyo waxyaabaha u qabsoomay, iyadoo warbixintaasi ay Guddiga u faah-faahiyeen Guddoomiye ku-xigeenka Maxkamadda sare & Garsooreyaal kale oo ka tirsan Maxkmadda sare. Guddiga Arrimaha gudaha, Federaalka & Dimuqraadiyadda iyo Guddiga Xuquuqda aadanaha, Arrimaha qoyska & Horumarinta haweenka Golaha wakiillada ayaa sidoo kale mas’uuliyiinta weydiiyey su’aalo ku saabsan arrimaha ay ka hadleen. Ugu dambeyntii, Xildhibaannada oo la dardaarmay Maxkamadda sare ayaa sheegay in warbixinta kormeerkooda ay hor geyn doonaan Golaha Wakiillada, sida uu qabo dastuurka Dawladda Puntland. DHAMMAAD

GUDDIYO KA TIRSAN GOLAHA WAKIILLADA OO MAANTA XOG WARAN GUUD LA QAATAY MAS’UULIYIINTA MAXKAMADDA SARE Read More »

Guddiga Shuruucda, Caddaaladda, Arrimaha Diinta & Dastuurka, Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha & Xisaabaadka iyo Guddiga Hawlaha Guud, Gaadiidka, Ganacsiga & Kaabayaasha Dhaqaalaha Golaha Wakiillada oo kormoor ku jooga gobolka karkaar.

Qardho, June 06, 2023: Guddiga Shuruucda, Caddaaladda, Arrimaha Diinta & Dastuurka, Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha & Xisaabaadka iyo Guddiga Hawlaha Guud, Gaadiidka, Ganacsiga & Kaabayaasha Dhaqaalaha Golaha Wakiillada oo kormeer ku jooga Gobolka Karkaar, ayaa booqasho ku tagay xarumaha xarunta Gobalka ,Maxkamada Darajada 1aad ee gobolka Karkaar & Wasaaradda Maaliyadda. Mudanayaasha ayaa warbixin dhinacyo badan taabanaysa ka dhagaystay mas’uuliyiinta kala duwan ee halkaasi ku sugnaa, iyagoo sidoo kale Guddiyada la wadaagay waxqabadkoodi, Caqabadaha jira iyo Qorshayaasha hortebinta leh. Waxa ay sidoo kale Guddiyadu su’aalo kala duwan weydiiyeen mas’uuliyiintaasi. Ugu dambeyntii Guddiyada ayaa ballanqaaday in warbixinta ay la wadaagi doonaan cid kasta oo ay khuseyso oo ay ugu horreeyaan Golaha Wakiilladu, kuna dadaali doonaan sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha jira. DHAMMAAD.

Guddiga Shuruucda, Caddaaladda, Arrimaha Diinta & Dastuurka, Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha & Xisaabaadka iyo Guddiga Hawlaha Guud, Gaadiidka, Ganacsiga & Kaabayaasha Dhaqaalaha Golaha Wakiillada oo kormoor ku jooga gobolka karkaar. Read More »

Guddiga Arrimaha Bulshada, Dhaqanka & Warfaafinta iyo Guddiga Amniga & Nabadgelyada oo kormeer shaqo ku jooga Gobolka Mudug

Gaalkacyo, June 05, 2023: Guddiga Arrimaha Bulshada, Dhaqanka & Warfaafinta iyo Guddiga Amniga & Nabadgelyada oo kormeer shaqo ku jooga Gobolka Mudug ayaa booqday Cusbitaalka guud ee Gaalkacyo, Jaamacada Puntland University (Pust) iyo Xafiiska isuduwaha Caafimaadka Gobolka. Halkaas oo Guddiya Golaha Wakiilladu ay kaga dhageysteen mas’uuliyiint xarumahan warbixin ku saabsan xaalada caafimaad iyo waxbarasho ee heer Gobol, caqabadaha jira. Ugu dambeyntii, Guddiyada ayaa sheegay in warbixinta kormeerkooda ay hor geyn doonaan fadhiga guud ee Golaha Wakiillada, iyadoo socdaalkani uu qayb ka yahay kormeerada Guddiyada ee la socoshada shaqooyinka ka socda dalka. DHAMMAAD.

Guddiga Arrimaha Bulshada, Dhaqanka & Warfaafinta iyo Guddiga Amniga & Nabadgelyada oo kormeer shaqo ku jooga Gobolka Mudug Read More »

GUDDIYO KA MID AH GOLAHA WAKIILLADA OO MAANTA DHAGEYSTAY WARBIXINTA HEERKA AY GAARSIISAN TAHAY XAALADA XUQUUQDA PUNTLAND

Garoowe, June 04, 2023: Guddiga arrimaha gudaha, federaalka & dimuqraadiyadda iyo Guddiga xuquuqda aadanaha, arrimaha qoyska & horumarinta haweenka oo maanta booqday xafiiska difaacaha xuquuqda Puntland ayaa warbixin ka dhageystay Guddoomiyaha Xafiiska. Warbixinta xafiisku uu la wadaagay Guddiyada oo ku saabsanayd heerka wakhtigan ay gaarsiisan tahay xaalada xuquuqda aadanaha Puntland, ayaa sheegay inay diiwaan geliyeen dhammaan dhacdooyinkii 6-dii bilood ee lasoo dhaafay, kuwaas oo ka dhan ahaa xuquuqda aadanaha. Mudaneyaasha oo su’aalo ka weydiiyey arrimaha uu ka hadlay Guddoomiyaha xafiisku, ayaa balanqaaday in warbixinadaasi oo dhameystiran laga soo jeedin doono kalfadhiga guud ee Golaha Wakiillada. DHAMMAAD

GUDDIYO KA MID AH GOLAHA WAKIILLADA OO MAANTA DHAGEYSTAY WARBIXINTA HEERKA AY GAARSIISAN TAHAY XAALADA XUQUUQDA PUNTLAND Read More »

Guddiga Shuruucda, Caddaaladda, Arrimaha Diinta & Dastuurka, Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha & Xisaabaadka iyo Guddiga Hawlaha Guud, Gaadiidka, Ganacsiga & Kaabayaasha Dhaqaalaha Golaha Wakiillada DPL oo kormeer ku jooga Gobolka Bari

Boosaaso, 04, 2023: Guddiga Shuruucda, Caddaaladda, Arrimaha Diinta & Dastuurka, Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha & Xisaabaadka iyo Guddiga Hawlaha Guud, Gaadiidka, Ganacsiga & Kaabayaasha Dhaqaalaha Golaha Wakiillada DPL oo kormeer ku jooga Gobolka Bari, ayaa booqasho ku tagay Dekedda Magaalada Boosaaso, Bangiga dawladda, Maxkamadda Darajada 1-aad ee Gobolka Bari iyo xarunta Wasaaradda Gaadiidka Badda, Dekedaha & Ka hortagga Dembiyada Badda. Mudanayaasha ayaa warbixin dhinacyo badan taabanaysa ka dhagaystay mas’uuliyiinta kala duwan ee halkaasi ku sugnaa, iyagoo sidoo kale Guddiyada la wadaagay waxqabadkoodii, Caqabadaha jira iyo Qorshayaasha hortebinta leh. Waxa ay sidoo kale Guddiyadu su’aalo kala duwan weydiiyeen mas’uuliyiinta. Ugu dambeyntii Guddiyada ayaa ballanqaaday in warbixinta ay la wadaagi doonaan cid kasta oo ay khuseyso oo ay ugu horreeyaan Golaha Wakiilladu, kuna dadaali doonaan sidii wax looga qaban lahaa baahiyaha kala duwan ee jira. Booqashadan ayaa qayb ka ah kormeer ay Guddiyadu ku marayeen magaalada Boosaso ee xarunta Gobolka Bari, uguna kuurgalayeen Habsami u socodka Hawlaha shaqo. DHAMMAAD

Guddiga Shuruucda, Caddaaladda, Arrimaha Diinta & Dastuurka, Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha & Xisaabaadka iyo Guddiga Hawlaha Guud, Gaadiidka, Ganacsiga & Kaabayaasha Dhaqaalaha Golaha Wakiillada DPL oo kormeer ku jooga Gobolka Bari Read More »

GUDDIYO KA TIRSAN GOLAHA WAKIILLADA OO MAANTA U KUURGALAY XAALADA GUUD EE GOBOLKA NUGAAL

Garoowe, June 03, 2023: Guddiga arrimaha gudaha, federaalka & dimuqraadiyadda iyo Guddiga xuquuqda aadanaha, arrimaha qoyska & horumarinta haweenka ayaa ugu horeyn kulan la qaatay Guddiga amniga gobolka nugaal sida Guddoomiyaha gobolka Nugaal, Duqa caasimadda Garoowe iyo saraakiisha amniga. Halkaas oo Guddiya Golaha Wakiilladu ay ku dhageysteen warbixin ku saabsan xaalada guud ee gobolka gaar ahaan magaalada Garoowe sida nabadgelyada, adeegyada dawliga iyo caqabadaha jira, waxaana kadib Xildhibaannadu su’aalo ka weydiiyeen arrimaha gobolka ka jira. Guddiyada ayaa sidoo kale booqday xabsiga dhexe ee Garoowe, halkaas oo ay kulan kula qaateen Taliyaha ciidanka Asluubta Puntland iyo saraakiisha kale ee Taliska, waxaana ay ka xog wareysteen xaaladda maxaabiista iyo caqabadaha jira. Ugu dambeyntii, Guddiyada ayaa sheegay in warbixinta kormeerkooda ay hor geyn doonaan Golaha Wakiillada, iyadoo Kormeeradu ay qayb ka yihiin shaqooyinka Guddiyada Golaha Wakiillada DPL ee la socoshada Hay’adaha fulinta dalka. DHAMMAAD

GUDDIYO KA TIRSAN GOLAHA WAKIILLADA OO MAANTA U KUURGALAY XAALADA GUUD EE GOBOLKA NUGAAL Read More »

Guddiga Amniga iyo Nabadgelyada iyo Guddiga Arrimaha bulshada, Dhaqanka & Warfaafinta oo gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug

Gaalkacyo, June 03, 2023: Guddiga Amniga iyo Nabadgelyada iyo Guddiga Arrimaha bulshada, Dhaqanka & Warfaafinta oo gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa kulan la qaatay Maamulka Gobolka, hay’ddaha amniga iyo isuduwayaasha Gobolka. Guddiga ayaa mas’uuliyiinta Gobolka mudug ka dhageystay xog waran guud, taas oo ku saabsan xaalada gobolka Mudug gaar ahaan magaalada gaalkacyo, sida amaanka waxbarashada iyo caafimaadka, iyadoo ugu dambeyn Guddiga ay masuuliyiinta weydiiyeen su’aalo ku saabsan arrimaha ay ka hadleen. Kormeerka Guddiyada ayaa qeyb ka ah shaqooyinka Guddiyada Golaha Wakiillada DPL sida uu qabo dastuurka Puntland. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta, Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Guddiga Amniga iyo Nabadgelyada iyo Guddiga Arrimaha bulshada, Dhaqanka & Warfaafinta oo gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug Read More »

GUDDIYO KA SOCDA GOLAHA WAKIILLADA OO MAANTA KORMEERAY QAAR KAMID AH HAY’ADDAHA DAWLADDA EE BOOSAASO

Boosaaso: June 1, 2023: Guddiyada kala ah Guddiga Shuruucda, Caddaaladda, Arrimaha Diinta & Dastuurka, Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha & Xisaabaadka iyo Guddiga Hawlaha Guud, Gaadiidka, Ganacsiga & Kaabayaasha Dhaqaalaha Golaha Wakiillada DPL oo kormeer ku jooga Gobolka Bari, ayaa maanta kormeeray Xabsiga weyn ee Boosaaso iyo sidoo kale Garoonka Diyaaradaha. Guddiyada, ayaa warbixin dhinacyo badan taabanaysa ka dhagaystay mas’uuliyiinta kala duwan ee halkaasi ku sugnaa, iyagoo sidoo kale mudananeyaasha la wadaagay waxqabadkooda, caqabadaha jira iyo qorshayaasha hortebinta leh. iyadoo sidoo kale Guddiyadu su’aalo kala duwan weydiiyeen mas’uuliyiinta xarumaha ay booqdeen. Ugu dambeyntii, Guddiyada ayaa ballanqaaday in warbixinta kormeerkooda ay la wadaagi doonaan cid kasta oo ay khuseyso, ayna hor geyn doonaan Golaha Wakiillada, si loo horumariyo hannaanka shaqo ee hay’addahan Dawladeed. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

GUDDIYO KA SOCDA GOLAHA WAKIILLADA OO MAANTA KORMEERAY QAAR KAMID AH HAY’ADDAHA DAWLADDA EE BOOSAASO Read More »

Scroll to Top