Golaha Wakiillada

Wararka

Fadhiga 24-aad ee Kalfadhiga 56-aad Xisaab-xirka Sannad-maaliyadeed 𝟮𝟬𝟮𝟰.

Garoowe, 29 Luulyo 2025: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Hon Abdirisak Ahmed Said oo uu wehliyo guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Hon Mohamed Mahamud Esse ayaa maanta Shir-guddoomiyey fadhiga 24-𝒂𝒂𝒅 𝒆𝒆 𝑲𝒂𝒍𝒇𝒂𝒅𝒉𝒊𝒈𝒂 56-𝒂𝒂𝒅 Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Fadhiga maanta ayaa qorshe hawleedku sii wadista ka shaqeynta Xisaab-xirka Sannad-maaliyadeedka 2024 ee Puntland. Ugu horrayn waxaa Golaha laga hor akhriyey Warbixinta Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka Golaha Wakiillada ee 𝗫𝗶𝘀𝗮𝗮𝗯-𝘅𝗶𝗿𝗸𝗮 𝗦𝗮𝗻𝗻𝗮𝗱-𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶𝘆𝗮𝗱𝗲𝗲𝗱𝗸𝗮 𝟮𝟬𝟮𝟰. Intaas ka dib, Goluhu wuxuu cod aqlabiyad leh ku Meelmariyeen ansixiyey Xisaab-xirka Sannad-maaliyadeedka 2024 si waafaqsan Qodobada 64(13) iyo 137(1) ee Dastuurka DPL iyo qodobka 64 ee Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada DPL, Waxaa Oggol ugu codeeyey 38 Mudane, Diidmo 2 Mudane, halka aysan jirin cid ka aamustay. Ugu dambayn, Mudanayaasha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa cod gacan-taag ah ku oggolaaday in maanta si rasmi ah loo soo xiro Kalfadhiga 56-aad ee Golaha. DHAMMAAD –

Fadhiga 24-aad ee Kalfadhiga 56-aad Xisaab-xirka Sannad-maaliyadeed 𝟮𝟬𝟮𝟰. Read More »

Fadhiga 23-aad ee Kalfadhiga 56-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Garoowe, 27 Luulyo 2025: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Hon Abdirisak Ahmed Said oo uu wehliyo guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Hon Mohamed Mahamud Esse ayaa maanta Shir-guddoomiyey fadhiga 23-aad ee Kalfadhiga 56-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Fadhiga maanta ayaa qorshe hawleedku sii wadista ka shaqeynta wax-ka-bedelka 𝑿𝒆𝒆𝒓𝒌𝒂 𝑳𝒂-𝒅𝒂𝒈𝒂𝒂𝒍𝒍𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑨𝒓𝒈𝒂𝒈𝒊𝒙𝒊𝒔𝒂𝒅𝒂 𝒆𝒆 𝑷𝒖𝒏𝒕𝒍𝒂𝒏𝒅. Ugu horrayn, Goluhu wuxuu guda galay qodob-qodob uga doodista, wax-ka-bedelka iyo kaabista Xeerkan. Ugu danbayn , Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, waxay maanta Cod aqlabiyad leh ku meelmariyeen Ansixinta wax-ka bedelka Xeerka la-dagaallanka Argagixisada ee Puntland, 𝑾𝒂𝒙𝒂𝒂 𝑶𝒈𝒈𝒐𝒍 𝒖𝒈𝒖 𝒄𝒐𝒅𝒆𝒆𝒚𝒂𝒚 32 𝒎𝒖𝒅𝒂𝒏𝒆, cid diiday ma jirtin, halka ay ka aamuseen 2 mudane. DHAMMAAD –

Fadhiga 23-aad ee Kalfadhiga 56-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Read More »

Wax-ka-bedelka Xeerka La-dagaallanka Argagixisada ee Puntland.

Garoowe, 21 Luulyo 2025: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Hon Abdirisak Ahmed Said oo uu wehliyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Hon Mohamed Mahamud Esse ayaa maanta Shir-guddoomiyey fadhiga 20-aad ee Kalfadhiga 56-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Fadhiga maanta ayaa qorshe hawleedku ahaa ka shaqeynta 𝐰𝐚𝐱-𝐤𝐚-𝐛𝐞𝐝𝐞𝐥𝐤𝐚 𝐗𝐞𝐞𝐫𝐤𝐚 𝐋𝐚-𝐝𝐚𝐠𝐚𝐚𝐥𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐀𝐫𝐠𝐚𝐠𝐢𝐱𝐢𝐬𝐚𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐏𝐮𝐧𝐭𝐥𝐚𝐧𝐝. Ugu horeyn Wasaaradda Amniga iyo DDRta ayaa Golaha warbixin ku saabsan Xeerkan Waxka bedelkiisa iyo Waafaqsananta Dastuurka iyo Xeerarka kale. Intaas kadib, Wax-ka-baddelka Xeerka ladagaallanka Argagixisada Puntland ayaa lagu wareejiyey Guddiga Amniga iyo Nabadgelyada Golaha Wakiillada si ay akhrinta Labaad ugu sameeyaan si waafaqsan Xeer Hoosaadka Golaha Wakillada dawladda Puntland. DHAMMAAD –

Wax-ka-bedelka Xeerka La-dagaallanka Argagixisada ee Puntland. Read More »

Ansixinta Hindise Xeereedka Maamulka Dhakhliga ee Puntland.

Garoowe, 19 Luulyo 2025: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Hon Abdirisak Ahmed Said oo uu wehliyo guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Hon Mohamed Mahamud Esse, ayaa maanta Shir-guddoomiyey fadhiga 19-aad ee Kalfadhiga 56-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Fadhiga maanta ayaa qorshe hawleedku ahaa sii wadista Hindise Xeereedka Maamulka Dakhliga ee Puntland. Intaa kadib, Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, waxay maanta Cod aqlabiyad leh ku meelmariyeen Ansixinta Hindise Xeereedka Maamulka Dakhliga ee Puntland, Waxaa Oggol ugu codeeyay 31 Mudane, cid diiday ma jirtin, halka ay ka aamuseen 3 Mudane. Ugu dambeyn, waxaa Mudanayaasha Golaha loo qaybiyey wax-ka-bedelka Xeerka La-dagaallanka Argagixisada, si ay xildhibaannadu ugu soo sameeyaan akhrinta 1-aad si waafaqsan Xeer Hoosaadka Golaha Wakillada. DHAMMAAD –

Ansixinta Hindise Xeereedka Maamulka Dhakhliga ee Puntland. Read More »

Hanad Xikmaawi

Galkayo, 17, July 2025 The Puntland Youth Conference was recently held in the city of Galkayo, in the Mudug region, bringing together young people from across Puntland to discuss key issues including youth employment, skills development, and the broader role of youth in the region’s development. The two-day forum was attended by government officials, subject matter experts, and a wide range of youth representatives from various districts. The objective of the conference was to explore meaningful ways to empower young people and enhance their contribution to Puntland’s economic, social, and political advancement. Among the notable participants was Mr. Hanad Ali Jama Hikmaawi, Head of the Production Department at the Office of Media and Communications of the Puntland Parliament. Mr. Hanad delivered an inspiring keynote speech focusing on the role of media in amplifying youth voices, promoting youth-led innovation, and supporting efforts to create opportunities for young people across the region. In his remarks, Mr. Hanad emphasized that youth are the backbone of Puntland’s future and must be given the space, support, and resources necessary to thrive. He also reaffirmed the Parliament’s commitment to partnering with youth and using media as a platform to showcase their potential and contributions. The conference concluded with a shared commitment to strengthen collaboration between government institutions, development partners, and youth organizations, with the aim of fostering an inclusive and opportunity-rich environment for Puntland’s young generation.

Hanad Xikmaawi Read More »

Fadhiga 18-aad ee Kalfadhiga 56-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Garoowe, 17 Luulyo 2025: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Hon Abdirisak Ahmed Said, oo uu wehliyo guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Hon Mohamed Mahamud Esse ayaa maanta Shir-guddoomiyey fadhiga 18-aad ee Kalfadhiga 56-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Fadhiga maanta ayaa qorshe hawleedku ahaa sii wadista ka shaqeynta Hindise Xeereedka Maamulka Dakhliga Puntland. Intaas kadib Goluhu wuxuu guda galay qodob-qodob uga doodista, wax-ka-bedelka iyo kaabista Xeerkan, waxaana la qorsheynayaa in dooddu ay sii socoto fadhiyada soo socda. DHAMMAAD – Wixii faah-faahin ah kala xiriir: Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyigelinta Golaha Wakiillada Dowladda Puntland

Fadhiga 18-aad ee Kalfadhiga 56-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Read More »

Fadhiga 15-aad ee Kalfadhiga 56-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Garoowe, 13 Luulyo 2025: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane, Hon Abdirisak Ahmed Said oo uu wehliyo guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane Hon Mohamed Mahamud Esse ayaa maanta Shir-guddoomiyey fadhiga 15-aad ee Kalfadhiga 56-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Fadhiga maanta ayaa qorshe hawleedku ahaa sii wadista wax-ka-baddelka xeerka Tacliinta Sare ee Puntland. Xeerkan ayaa si faah-faahsan uga hadlaya dejinta mabaadida lagu hagayo tacliinta sare, isagoo qeexaya jihada, maareynta iyo tayeynta waxbarashada heer jaamacadeed. Intaa kadib, Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, waxay maanta Cod aqlabiyad leh ku meelmariyeen Ansixinta wax-ka-baddelka xeerka Tacliinta Sare ee Puntland, Waxaa Oggol ugu codeeyay 30 mudane, cid diiday ma jirtin, halka ay ka aamuseen 4 mudane. Ugu danbayn waxaa mudanayaasha Loo qaybiyey Wax ka bedelka Xeerka Maamulka Dakhliga kaaso horay u maray Akhrinta 1aad DHAMMAAD –

Fadhiga 15-aad ee Kalfadhiga 56-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Read More »

Fadhiga 13-aad ee Kalfadhiga 56-aad ee Golaha Wakiillada.

Garoowe, 5 Luulyo 2025 — Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Mudane Hon Abdirisak Ahmed Said, oo uu weheliyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad, Mudane Hon Mohamed Mahamud Esse, ayaa maanta shir-guddoomiyey Fadhiga 13-aad ee Kalfadhiga 56-aad ee Golaha Wakiillada. Ajandaha fadhiga maanta wuxuu ahaa Xeerarka ay Xukuumaddu soo gudbisay/gudbiso ama Goluhu curiyo. Fadhiga waxaa Golaha hor-yimid Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Puntland, isagoo Golaha la wadaagay faah-faahin la xiriirta wax-ka- baddelka Xeerka, iyadoo xildhibaannadu su’aalo ka weydiiyeen Wax-ka-baddelka Xeerka Tacliinta Sare. Intaas kadib waxaa Xeerka lagu wareejiyey Guddiga Arrimaha Bulshada, Dhaqanka, Warfaafinta Iyo Isgaarsiinta, kuwasoo ku samaynaya akhrinta labaad, waxayna Golaha dib ugu soo celindoona 8 July, 205. DHAMMAAD –

Fadhiga 13-aad ee Kalfadhiga 56-aad ee Golaha Wakiillada. Read More »

Gudoomiye ku xigeenka Golaha wakiillada Puntland oo ka qayb galay munaasabadda dhagax-dhigga dhismaha wadada isku xirta Bacaadweyn iyo Gaalkacyo.

Waxaan ka qayb galay munaasabadda dhagax-dhigga dhismaha wadada isku xirta Bacaadweyn iyo Gaalkacyo. Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa si rasmi ah u dhagax dhigay mashruucan muhiimka ah, isagoo sheegay in dhismaha wadadani uu ku saleysan yahay isku-tashi iyo dakhliga cashuuraha shacabka, taas oo qayb ka ah dadaallada dib-u-dhiska dalka. Munaasabadda dhagax-dhigga ayaa waxaa ka qeybgalay qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiillada, Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Isimo, waxgarad, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. SAWIRRO

Gudoomiye ku xigeenka Golaha wakiillada Puntland oo ka qayb galay munaasabadda dhagax-dhigga dhismaha wadada isku xirta Bacaadweyn iyo Gaalkacyo. Read More »

Fadhiga 12-aad ee Kalfadhiga 56-aad ee Golaha Wakiillada.

Garoowe, 2 July 2025 — Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Hon Abdirisak Ahmed Said, oo uu weheliyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad, Hon Mohamed Mahamud Esse, ayaa maanta shir-guddoomiyey Fadhiga 12-aad ee Kalfadhiga 56-aad ee Golaha Wakiillada. Ajandaha fadhiga maanta wuxuu ahaa la xisaabtanka Xukuumadda, iyadoo Golaha hortageen masuuliyiinta 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐇𝐚𝐰𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝, 𝐆𝐚𝐚𝐝𝐢𝐢𝐝𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐲𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏𝐮𝐧𝐭𝐥𝐚𝐧𝐝 iyo 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚, 𝐖𝐚𝐫𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏𝐮𝐧𝐭𝐥𝐚𝐧𝐝. Wasiirrada, Agaasimayaasha Guud, Guddoomiyaha Hay’adda Waddooyinka Puntland, Agaasime-waaxeedyada iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan labada wasaaradood ayaa Golaha ka horjeediyey warbixinno ku saabsan shaqada wasaaradahooda, guulaha la gaaray, caqabadaha jira iyo qorshayaasha mustaqbalka. Xildhibaannada Golaha Wakiillada ayaa su’aalo kala duwan ka weydiiyey howlaha wasaaraddahaasi u xil saaran yihiin. DHAMMAAD –

Fadhiga 12-aad ee Kalfadhiga 56-aad ee Golaha Wakiillada. Read More »

Scroll to Top