Fadhiga 10-aad ee Kalfadhiga 56-aad ee Golaha Wakiillada.
Garoowe, 28 June 2025 — Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Hon Abdirisak Ahmed Said, oo uu weheliyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad, Hon Mohamed Mahamud Esse, ayaa maanta shir-guddoomiyey Fadhiga 10-aad ee Kalfadhiga 56-aad ee Golaha Wakiillada. Ajandaha fadhiga maanta wuxuu ahaa la xisaabtanka Xukuumadda, iyadoo Golaha hortageen masuuliyiinta 𝑾𝒂𝒔𝒂𝒂𝒓𝒂𝒅𝒅𝒂 𝑿𝒂𝒏𝒏𝒂𝒂𝒏𝒂𝒅𝒂 𝑿𝒐𝒐𝒍𝒂𝒉𝒂 𝒊𝒚𝒐 𝑾𝒂𝒔𝒂𝒂𝒓𝒂𝒅𝒅𝒂 𝑯𝒐𝒓𝒖𝒎𝒂𝒓𝒊𝒏𝒕𝒂 𝑯𝒂𝒘𝒆𝒆𝒏𝒌𝒂 𝒊𝒚𝒐 𝑨𝒓𝒓𝒊𝒎𝒂𝒉𝒂 𝑸𝒐𝒚𝒔𝒌𝒂 𝑫𝒐𝒘𝒍𝒂𝒅𝒅𝒂 𝑷𝒖𝒏𝒕𝒍𝒂𝒏𝒅. Wasiirrada, Agaasimayaasha,Xiriiriyaha Maxjarrada, Agaasime-waaxeedyada iyo xubno kale oo ka tirsan labada wasaaradood ayaa Golaha hortooda ka jeediyey warbixino ku saabsan shaqada wasaaradohooda , guulaha la gaaray, caqabadaha jira, iyo qorshayaasha mustaqbalka. Xildhibaannada Golaha Wakiillada ayaa su’aalo kala duwan ka weydiiyey howlaha wasaaraddahaasi u xil saaran yihiin. DHAMMAAD –
Fadhiga 10-aad ee Kalfadhiga 56-aad ee Golaha Wakiillada. Read More »









