Golaha Wakiillada

October 2022

Fadhiga 6-aad, Kalfadhiga 51-aad ee Golaha Wakiillada ( Muuqaalo)

Garoowe: 31,October,2022: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL, Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay wehliyaan Ku-xigeenka 1-aad Mudane Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Ku-xigeenka 2-aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta shir Guddoomiyey fadhiga 6-aad, Kalfadhiga 51-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Fadhiga maanta ayaa waxaa lagu soo gaba-gabeeyey warbixinada Guddiyada Golaha,  Waxaana la dhageystay 3 Guddi oo kala ah. 1. Guddiga Amniga & Nabadgalyada. 2. Guddiga Arrimaha Bulshada, Dhaqanka, Warfaafinta & Isgaarsiinta Warbixin 3. Guddiga Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dimuqraadiyadda. Warbixin Guddiyadda ayaa soo jeediyay warbixin la xiriirta dhammaan Kormeerada ay ku tageen Wasaaradaha, Hay’adaha Dawladda iyo socdaalkii U Kuur-gelida Gobolada dalka. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Fadhiga 6-aad, Kalfadhiga 51-aad ee Golaha Wakiillada ( Muuqaalo) Read More »

Fadhiga 5-aad ee Kalfadhiga 51-aad Golaha Wakiillada ( Warbixinta Guddiyadda) ( SAWIRO/MUUQAAL)

Garoowe: 30,October,2022: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL, Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay wehliyaan Ku-xigeenka 1-aad Mudane Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Ku-xigeenka 2-aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta shir Guddoomiyey fadhiga 5-aad, Kalfadhiga 51-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Fadhiga maanta ayaa waxaa warbixino looga dhageystay 4 Guddi oo kala ah. Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha & Xisaabaadka. Warbixin Guddiga Siyaasadda, Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha & Xiriirka Caalamiga Warbixin Guddiga Howlaha guud, Gaadiidka, Ganacsiga & Kaabayaasha Dhaqaalaha. Warbixin Guddiga Xuquuqda Aadanaha, Arrimaha Qoyska & Horumarinta Haweenka. Warbixin Guddiyadda ayaa soo jeediyay warbixin la xiriirta dhammaan Kormeerada ay ku tageen Wasaaradaha, Hay’adaha Dawladda iyo socdaalkii U Kuur-gelida Gobolada dalka. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Fadhiga 5-aad ee Kalfadhiga 51-aad Golaha Wakiillada ( Warbixinta Guddiyadda) ( SAWIRO/MUUQAAL) Read More »

Fadhiga 4-aad ee Kalfadhiga 51-aad Golaha Wakiillada ( Warbixinta Guddiyadda) ( SAWIRO/MUUQAAL)

Garoowe: 29,October,2022: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL, Mudane Cabdirashid Yuusuf Jibriil oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan & Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta shir Guddoomiyey fadhiga 4-aad ee Kalfadhiga 51-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Ajanadaha kulanka oo ahaa dhageysiga warbixinnada Guddiyada, ayaa waxaa warbixinno ka jeediyey Golaha Guddiyada kala ah: 1) Guddiga Arrimaha Golaha & Anshaxa. Warbixin 2) Guddiga Shuruucda, Caddaaladda, Arrimaha Diinta & Dastuurka. Warbixin 3)Guddiga Arrimaha Deegaanka iyo Kheyraadka Dabiiciga ah. Warbixin Warbixinnada ayaa ku saabsanaa kormeerro iyo xog ururin ay Guddiyadu ku soo sameeyeen hay’addaha Dawliga ah ee ay korjoogtada ku leeyihiin. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelintaGolaha Wakiillada Dawladda Puntland

Fadhiga 4-aad ee Kalfadhiga 51-aad Golaha Wakiillada ( Warbixinta Guddiyadda) ( SAWIRO/MUUQAAL) Read More »

Fadhiga 3-aad ee Kalfadhiga 51-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ( SAWIRO/MUUQAAL)

Garoowe: 27,October,2022: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan & Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta shir guddoomiyey fadhiga 3-aad ee Kalfadhiga 51-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Kulanka maanta waxaa Xildhibaannada loogu qaybiyey Ajandaha rasmiga ah ee Kalfadhiga 51-aad, si waafaqsan qodobka 42-aad farqadiisa 4-aad ee Xeer hoosaadka Golaha Wakiillada, iyada oo ay soo diyaariyeen Shir Guddoonka Golaha. Sidoo kale Kulanka maanta waxaa Golaha laga hor akhriyey warbixinta Guddiga joogtada ah ee Kalfadhiga 51-aad, warbixintaas oo ku saabsanayd waxqabadka Guddiga joogtada ah ee muddadii u dhaxeysay labada Kalfadhi. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Fadhiga 3-aad ee Kalfadhiga 51-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ( SAWIRO/MUUQAAL) Read More »

Fadhiga 2-aad ee Kalfadhiga 51-aad ee Golaha Wakiillada ( SAWIRO)

Garoowe: 26,October 2022: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane, Cabdirashid Yuusuf Jibriil oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan & Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta shir-Guddoomiyey fadhiga 2-aad ee Kalfadhiga 51-aad ee Golaha Wakiillada DPL. Fadhiga maanta oo ay soo xaadireen 46 Mudane ayaa lagu ansixiyey Ajandaha Rasmiga ah ee Kal-fadhiga 51-aad mudda uu socdo, sida uu qabo Qodobka 42-aad farqadiisa 4-aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada, waxaana kala hormarinta Ajandaha Mudanyaasha u soo Gudbindoona Guddoonka Golaha Wakiillada maalinta berri oo ku beegan 27. 10.2022 haddii Alle Idmo. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelintaGolaha Wakiillada Dawladda Puntland

Fadhiga 2-aad ee Kalfadhiga 51-aad ee Golaha Wakiillada ( SAWIRO) Read More »

Guddoonka oo qaabilay Guddoomiyaha Gobolka Nugaal iyo Duqa Degmada Garoowe ( SAWIRO)

Garoowe: 25,October 2022: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Cabdirishiid Yuusuf Jibriil iyo Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane Cabcasiis Cabdulaahi Cismaan ayaa maanta aqalka Wakiillada ku qaabilay Guddoomiyaha Gobolka Nugaal iyo Duqa Degmada Garoowe. Kulanka oo ay ka qayb-galeen xubno kamid ah Mudaneyaasha Baarlamanka ee laga soo doorto Gobolka Nugaal ayaa looga hadlay Xaalada guud ee Gobol Nugaal, waxaana Mas’uuliyiinta Gobolka iyo Degmada oo ka warbixiyey Arrimaha Gobolka iyo Degmada ay sheegeen inay si wanaagsan ay u socdaan howlaha shaqo Dawladda Hoose iyo Gobolka Nugaal sida hirgelinta Wadooyinka, bilic soo celinta, Amniga iyo Adeegyada Bulshada. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelintaGolaha Wakiillada Dawladda Puntland

Guddoonka oo qaabilay Guddoomiyaha Gobolka Nugaal iyo Duqa Degmada Garoowe ( SAWIRO) Read More »

Furitaanka Kalfadhiga 51-aad ee Golaha Wakiillada ( SAWIRO)

Garoowe, 25,October, 2022: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa Khudbad ka jeediyay Furitaanka Kalfadhiga 51-aad ee Golaha Wakiillada DPL kaas oo uu si rasmi ah u furay Madaxweynaha DPL Siciid Cabdullahi Denni sida uu qabo qodobka 80-aad farqadiisa 12-aad ee Dastuurka DPL. Furitaanka Kal-fadhiga 51-aad waxaa ka qeyb galay Madaxweyne Ku-xigeenka DPL Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan, Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame, Xildhibaanada Golaha Wakiillada Puntland, Wasiiro, Taliyaha Ciidanka Booliska, Guddomiyaha Gobolka Nugaal, Duqa Garoowe, Guddoomiyaha Difaacaha Xuquuqda Aadanaha, Xubno ka socday Ururada Bulshada, Ururada Siyaasada iyo marti sharaf kale. Guddoomiyaha oo bogaadiyey Dhismaha Dekadda Garacad iyo Wadooyinka isku xira Gobolada ayaa yiri ‘’Horumarka iyo dhaqaaluhu wuxuu ku xiran yahay hirgelinta kaabayaasha dhaqaalaha, waxaan soo dhoweynayaa oo bogaadinayaa waddooyinka cusub ee la dhisay, kuwa dayactirka lagu sameeyey, kuwa socda iyo kuwa inoo qorshaysan. Sidoo kale waxaan u-mahadcelinayaa cid kasta oo ka qayb qaadatay hirgelinta Dekedda Garacad oo 22 Ocobober xadhiga laga jaray, waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa guddigii dhismaha Dekedda Garacad oo lafdhabar u ahaa dhismeheeda iyo cidkasta oo maalgashatay. Dhinaca kalena, Madaxweynaha Dawladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullahi Denni ayaa khudbad Dastuuri ah ka jeediyey Furitaanka Kalfadhiga 51-aad ee Golaha Wakiillada DPL isaga oo ka hadlay guud ahaan xaaladaha dalka ee Amniga, dhaqaalaha iyo arrimo kale. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelintaGolaha Wakiillada Dawladda Puntland

Furitaanka Kalfadhiga 51-aad ee Golaha Wakiillada ( SAWIRO) Read More »

Guddiga Arrimaha Deegaanka Golaha Wakiillada ayaa warbixin ka dhageystay Madaxda Wasaaradda Kalluumaysiga ( SAWIRO)

Garoowe: 24,October,2022: Guddiga Arrimaha Deegaanka & Khayraadka Dabiiciga ah Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, ayaa warbixin ka dhageystay Mas’uuliyiinta Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Kheyraadka Badda Dawladda Puntland. Guddiga oo Kulan shaqo Xarunta Golaha Wakiillada kula yeeshay Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Dawladda Puntland loo ay wehliyaan Wasiir ku-xigeenka iyo Wasiiru-dowlaha Wasaaradda ayaa ka xog wareystay waxqabadkii Wasaaradda muddadii labada kalfadhi dhexdooda, qorshaha shaqo ee mustaqbalka iyo caqabadaha jira. Ugu dambayn, Guddiga ayaa su’aalo ka weydiiyey arrimaha ay ka hadleen Mas’uuliyiinta Wasaaradda Kalluumaysigu. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Guddiga Arrimaha Deegaanka Golaha Wakiillada ayaa warbixin ka dhageystay Madaxda Wasaaradda Kalluumaysiga ( SAWIRO) Read More »

Guddiga Xuquuqda Aadanaha ayaa kulan la qaatay Wasaaradda Haweenka ( SAWIRO)

Garoowe: 24,October,2022: Guddiga Xuquuqda Aadanaha, Arrimaha Qoyska iyo horumarinta Haweenka Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, ayaa maanta warbixin ka dhageystay Wasiirka Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Dawladda Puntland iyo xubno kale Wasaaradda ka tirsan. Wasiirka, ayaa ka warbixisay shaqooyinka Wasaaradda, qorsheyaasha waxqabad iyo weliba caqabadaha jira, iyadoo sidoo kalena, Guddigu ay su’aalo ka weydiiyeen arrimaha shaqo ee Wasaaradda Haweenka Dawladda Puntland. Guddiga ayaa masuulyiinta Wasaaradda shirka kula qaatay Aqalka Wakiillada Dawladda Puntland ee Garoowe. DHAMMAADXafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelintaGolaha Wakiilada Dawladda Puntland

Guddiga Xuquuqda Aadanaha ayaa kulan la qaatay Wasaaradda Haweenka ( SAWIRO) Read More »

Scroll to Top