Guddiga Arrimaha Deegaanka Golaha Wakiillada ayaa warbixin ka dhageystay Madaxda Wasaaradda Kalluumaysiga ( SAWIRO)

Garoowe: 24,October,2022: Guddiga Arrimaha Deegaanka & Khayraadka Dabiiciga ah Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, ayaa warbixin ka dhageystay Mas’uuliyiinta Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Kheyraadka Badda Dawladda Puntland.

Guddiga oo Kulan shaqo Xarunta Golaha Wakiillada kula yeeshay Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Dawladda Puntland loo ay wehliyaan Wasiir ku-xigeenka iyo Wasiiru-dowlaha Wasaaradda ayaa ka xog wareystay waxqabadkii Wasaaradda muddadii labada kalfadhi dhexdooda, qorshaha shaqo ee mustaqbalka iyo caqabadaha jira.

Ugu dambayn, Guddiga ayaa su’aalo ka weydiiyey arrimaha ay ka hadleen Mas’uuliyiinta Wasaaradda Kalluumaysigu.

DHAMMAAD


Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta

Golaha Wakiillada Dawladda Puntland