Guddiga Xuquuqda Aadanaha ayaa kulan la qaatay Wasaaradda Haweenka ( SAWIRO)

Garoowe: 24,October,2022: Guddiga Xuquuqda Aadanaha, Arrimaha Qoyska iyo horumarinta Haweenka Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, ayaa maanta warbixin ka dhageystay Wasiirka Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Dawladda Puntland iyo xubno kale Wasaaradda ka tirsan.

Wasiirka, ayaa ka warbixisay shaqooyinka Wasaaradda, qorsheyaasha waxqabad iyo weliba caqabadaha jira, iyadoo sidoo kalena, Guddigu ay su’aalo ka weydiiyeen arrimaha shaqo ee Wasaaradda Haweenka Dawladda Puntland.

Guddiga ayaa masuulyiinta Wasaaradda shirka kula qaatay Aqalka Wakiillada Dawladda Puntland ee Garoowe.

DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
Golaha Wakiilada Dawladda Puntland