Furitaanka Kalfadhiga 51-aad ee Golaha Wakiillada ( SAWIRO)

Garoowe, 25,October, 2022: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa Khudbad ka jeediyay Furitaanka Kalfadhiga 51-aad ee Golaha Wakiillada DPL kaas oo uu si rasmi ah u furay Madaxweynaha DPL Siciid Cabdullahi Denni sida uu qabo qodobka 80-aad farqadiisa 12-aad ee Dastuurka DPL.

Furitaanka Kal-fadhiga 51-aad waxaa ka qeyb galay Madaxweyne Ku-xigeenka DPL Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan, Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame, Xildhibaanada Golaha Wakiillada Puntland, Wasiiro, Taliyaha Ciidanka Booliska, Guddomiyaha Gobolka Nugaal, Duqa Garoowe, Guddoomiyaha Difaacaha Xuquuqda Aadanaha, Xubno ka socday Ururada Bulshada, Ururada Siyaasada iyo marti sharaf kale.

Guddoomiyaha oo bogaadiyey Dhismaha Dekadda Garacad iyo Wadooyinka isku xira Gobolada ayaa yiri ‘’Horumarka iyo dhaqaaluhu wuxuu ku xiran yahay hirgelinta kaabayaasha dhaqaalaha, waxaan soo dhoweynayaa oo bogaadinayaa waddooyinka cusub ee la dhisay, kuwa dayactirka lagu sameeyey, kuwa socda iyo kuwa inoo qorshaysan.

Sidoo kale waxaan u-mahadcelinayaa cid kasta oo ka qayb qaadatay hirgelinta Dekedda Garacad oo 22 Ocobober xadhiga laga jaray, waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa guddigii dhismaha Dekedda Garacad oo lafdhabar u ahaa dhismeheeda iyo cidkasta oo maalgashatay.

Dhinaca kalena, Madaxweynaha Dawladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullahi Denni ayaa khudbad Dastuuri ah ka jeediyey Furitaanka Kalfadhiga 51-aad ee Golaha Wakiillada DPL isaga oo ka hadlay guud ahaan xaaladaha dalka ee Amniga, dhaqaalaha iyo arrimo kale.

DHAMMAAD


Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland