Golaha Wakiillada

Wararka

Ku-simaha Guddoomiyaha oo ka qeyb-galay Xafladda Xil. Ilhan Omar ( SAWIRO)

Garoowe, December 23, 2022: Ku-Simaha Guddoomiyaha Ahna Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan ayaa caawa ka qeyb-galay Xafaladda soo dhaweynta Xildhibaan Ilhan Omar oo ka tirsan Congress-ka Mareykanka. Ku-simaha Guddoomiyaha ayaa waxaa kala qeyb-galay Xafladda Madaxweynaha Dawladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullahi Deni, Madaxweyne kuxigeenka Mudane, Axmed Cilmi Cusmaan Karaash, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dawladda, qaar ka mid ah Ururada Siyaasadda, Waxgarad, Haween iyo dadweynaha caasimadda. DHAMMAAD Xafiska Warfaafinta & Wacyi-gelintaGolaha Wakiillada Dawladda Puntland

Ku-simaha Guddoomiyaha oo ka qeyb-galay Xafladda Xil. Ilhan Omar ( SAWIRO) Read More »

Ku-simaha Guddoomiyaha oo soo dhaweeyay Xil. Ilhan Omar

Garoowe, December 22, 2022: Ku-Simaha Guddoomiyaha Ahna Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane Hon. Abdiaziz Abdullahi Osman  oo ay wehliyaan masuulyiinta ka tirsan Goleyaasha Dawladda, Dadweyne fara badan ayaa Airporka Gen. Mohamed Abshir ku soo dhaweeyay Xildhibaan Ilhan Omar oo ka mid ah Congress-ka Mareykanka oo booqasho rasmi ah uga bilaabtay Puntland. Waddooyinka waa weyn ee caasimadda Garoowe ayaa waxaa isugu soo baxay dadweyne fara badan. DHAMMAAD

Ku-simaha Guddoomiyaha oo soo dhaweeyay Xil. Ilhan Omar Read More »

Saggootinta Garsoore Axmed Soomaali ( SAWIRO)

Garoowe, December 12, 2022:  Hawl-wadeenada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa maanta Qado sharafeed & saggootin ugu sameeyey  Beerta Arlo, Garsoore Axmed Xuseen (Soomali) oo muddo 17-sano ah ka mid ahaa hawl-wadeenada Golaha Wakiilladda, islamarkaana dhawaan ka mid noqday Xubnaha Maxkamadda Dastuuriga ee Puntland. Qado sharafta ayaa waxaa ka qeyb-galay Xoghyaha Guud Golaha, Agaasimeyaal iyo Hawl-wadeenada Golaha Wakiilllada. Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiillada Mudane, Cabdirisaaq Xidig Warsame ayaa sheegay in Garsoore Axmed Soomali uu door muhiim ah ku lahaa shaqada Golaha Wakiillada, wuxuuna u rajeeyey in mas’uuliyadda  loo igmaday uu Alle u fududeeyo. Garsoore Axmed Soomali ayaa ka mahadceliyey kulanka maamuuska leh ee loo sameeyey, isagoo howl-wadeennada kula dardaarmay in lasii labo jibaaro shaqada baaxada leh ee dalka loo hayo. Ugu dambeyn, hawl-wadeenada Golaha oo sagootiyey Garsoore Axmed Xuseen ayaa kula dardaarmay inuu kaalin wanaagsan ka qaato hagaajinta dawladnimada ee dhanka sarreynta sharciga. DHAMMAAD

Saggootinta Garsoore Axmed Soomaali ( SAWIRO) Read More »

Ansixinta & Xasaanada-siinta Garsoorka, Maxkamadda Dastuuriga, Wasiiro & Xiritaanka Kalfadhiga 51-aad ( Warbixin)

Garoowe, December 08, 2022: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashid Yusuf Jibril oo ay wehliyaan Guddoomiye ku xigeenka 1-aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta shir Guddoomiyey fadhiga 20-aad ee Kalfadhiga 51-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Fadhiga ayaa Ajandaha ahaa Ansixinta mas’uulyiinta u baahan xasaanada-siinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland sida uu qabo Qodobka 64aad Farqadiisa 16aad ee Dastuurka Dawladda Puntland iyo Qodobka 3 Farqadiisa 10aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada DPL. Ugu horeyn, waxaa Golaha hor-yimi Guddiga Sare ee Maamulka Garsoorka Puntland, Xildhibaannada ayaa dhageystay Taariikhdooda, waxaa cod gacan-taag ah ugu codeeyay Oggol 47 Xildhibaan, Diidmo 1, aamus 1. Xubnaha Xasaanadda la siiyey ayaa kala ah: Dhinaca kale, Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, ayaa Cod aqlabiyad leh ku ansixiyey 4 xubno oo ka mid noqonaya Maxkamadda Dastuuriga ah, waxaa Oggol ugu codeeyay 43, diidmo 3 , aamus 2 mudane. Xubnahaa ayaa kala ah: 24 sanno ka dib waa markii 1aad oo ay Puntland yeelto Maxkamad Dastuuri ah. Fadhiga ayaa sidoo kale, Xasaanada lagu siiyey 6 xubnood oo ka mid ah Golaha Wasiiradda Dawladda Puntland kuwaa oo dhawaan uu magacaabay Madaxweynaha Dawladda Puntland, waxaa Oggol ugu codeeyay 45, diidmo 2 , aamus ma jirin. Xubnaha Golaha Wasiiradda ayaa kala ah; Dhammaan xubnaha maanta Xasaanadda la siiyey ayaa waxaa dhaariyey Garsoore Siciid Axmed Faarax oo ka tirsan Maxkamadda sare sida uu qabo Qodobka 132-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland, oo sheegaya in qof kasta oo xil-sare ka qabanaya Dawladda Puntland ay dhaarinayso Maxkamadda Sare ee Dawladda Puntland. Dhaarta Dastuuriga ah: ” Waxaan ku dhaaranayaa magaca Illaahay, inaan ku dhaqmo diinta Islaamka, dastuurka dalka Puntland iyo qawaaniintiisa dhawro, xilka la ii dhiibay daacadnimo u guto, dalka iyo dadkiisana Lillaahi ugu adeego.” Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa faray in mas`uuliyiinta Xasaanada la siiyey ay ilaaliyaan dhaarta dastuuriga ah, una hoggaansamaan Qodobka Dastuuriga ah ee kor ku xusan. Ugu dambeyntii, Gudddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriill ayaa soo xiray kalfadhiga 51-aad DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Ansixinta & Xasaanada-siinta Garsoorka, Maxkamadda Dastuuriga, Wasiiro & Xiritaanka Kalfadhiga 51-aad ( Warbixin) Read More »

Scroll to Top