Ansixinta & Xasaanada-siinta Garsoorka, Maxkamadda Dastuuriga, Wasiiro & Xiritaanka Kalfadhiga 51-aad ( Warbixin)

Garoowe, December 08, 2022: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashid Yusuf Jibril oo ay wehliyaan Guddoomiye ku xigeenka 1-aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta shir Guddoomiyey fadhiga 20-aad ee Kalfadhiga 51-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Fadhiga ayaa Ajandaha ahaa Ansixinta mas’uulyiinta u baahan xasaanada-siinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland sida uu qabo Qodobka 64aad Farqadiisa 16aad ee Dastuurka Dawladda Puntland iyo Qodobka 3 Farqadiisa 10aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada DPL.

Ugu horeyn, waxaa Golaha hor-yimi Guddiga Sare ee Maamulka Garsoorka Puntland,

Xildhibaannada ayaa dhageystay Taariikhdooda, waxaa cod gacan-taag ah ugu codeeyay Oggol 47 Xildhibaan, Diidmo 1, aamus 1.

Xubnaha Xasaanadda la siiyey ayaa kala ah:

  1. Garyaqaan Suleymaan Sheikh Cabdullaahi Maxamuud, xubin Guddiga sare ee maamulka Garsoorka.
  2. Garyaqaan Cabdiqani Mire Xirsi, xubin Guddiga sare ee maamulka Garsoorka.

Dhinaca kale, Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, ayaa Cod aqlabiyad leh ku ansixiyey 4 xubno oo ka mid noqonaya Maxkamadda Dastuuriga ah, waxaa Oggol ugu codeeyay 43, diidmo 3 , aamus 2 mudane.

Xubnahaa ayaa kala ah:

  1. Garsoore Ismaaciil Cabdullahi Cilmi
  2. Garsoore Aadan Cumar Maxamed
  3. Garsoore Axmed Xuseen Maxamed ( Soomaali)
  4. Garsoore Cali Cabdiraxmaan Maxamuud ( Qaanuuni)

24 sanno ka dib waa markii 1aad oo ay Puntland yeelto Maxkamad Dastuuri ah.

Fadhiga ayaa sidoo kale, Xasaanada lagu siiyey 6 xubnood oo ka mid ah Golaha Wasiiradda Dawladda Puntland kuwaa oo dhawaan uu magacaabay Madaxweynaha Dawladda Puntland, waxaa Oggol ugu codeeyay 45, diidmo 2 , aamus ma jirin.

Xubnaha Golaha Wasiiradda ayaa kala ah;

  1. Wasiir, Cabdi Faarax Juxa, Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyadda.
  2. Wasiir, Maxamed Siciid Maxamed (Faroole), Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga
  3. Wasiir, Maxamed Cabdiwahaab Axmed, Wasiiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Diinta
  4. Wasiir, Cabdirisaaq Cumar Ismaaciil (Sheikh Aduun), Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda
  5. Wasiir, Cabdifataax Maxamed Cabdinuur, Wasiiru- Dawlaha Madaxtooyada Dawladda Puntland
  6. Wasiir, Maxamed Cabdirisaaq Dayib, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha

Dhammaan xubnaha maanta Xasaanadda la siiyey ayaa waxaa dhaariyey Garsoore Siciid Axmed Faarax oo ka tirsan Maxkamadda sare sida uu qabo Qodobka 132-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland, oo sheegaya in qof kasta oo xil-sare ka qabanaya Dawladda Puntland ay dhaarinayso Maxkamadda Sare ee Dawladda Puntland.

Dhaarta Dastuuriga ah:

” Waxaan ku dhaaranayaa magaca Illaahay, inaan ku dhaqmo diinta Islaamka, dastuurka dalka Puntland iyo qawaaniintiisa dhawro, xilka la ii dhiibay daacadnimo u guto, dalka iyo dadkiisana Lillaahi ugu adeego.”

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa faray in mas`uuliyiinta Xasaanada la siiyey ay ilaaliyaan dhaarta dastuuriga ah, una hoggaansamaan Qodobka Dastuuriga ah ee kor ku xusan.

Ugu dambeyntii, Gudddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriill ayaa soo xiray kalfadhiga 51-aad

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland