πππ«π¨π¨π°π, 17 June πππ6 β Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Hon Abdirisak Ahmed Said oo ay weheliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad Hon Mohamed Baarri Shire , iyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad Hon Mohamed Mahamud Esse ayaa maanta shir-guddoomiyay π πππ‘π’π π π-πππ ππ πππ₯ππππ‘π’π π π8-πππ ee Golaha Wakiillada.
Ajandaha fadhigan ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray π€π ππ¨π¨ππ’π¬ππ π’π²π¨ π°ππ±-π€π-ππππππ₯π€π ππ£ππ§πππ‘π πππ₯ππππ‘π’π π π8-πππ, iyadoo loo marayo habraaca uu qeexayo Qodobka 42-aad ee Xeer-hoosaadka Golaha.
Intaas kaddib, Xildhibaannada Golaha Wakiillada ayaa si rasmi ah u guda galay doodda iyo ansixinta Ajandayaasha, waxaana ugu dambeyn ay cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen Ajandaha rasmiga ah ee Kalfadhiga 58-aad.
Ajandaha la ansixiyay ayaa si rasmi ah loogu qaybin doonaa Xildhibaannada Golaha maalinta berri oo ku beegan 18ka Juun πππ6, si loo guda galo ajandayaasha ku xusan.
DHAMMAAD β

