XILDHIBAANNADA GOLAHA WAKIILLADA DPL Ee KORMEERKA KU TAGEY DEGMADA EYL AYAA KULAN LA YEESHAY BULSHADA RAYIDKA AH.
EYL – 24May, 2025:— Xildhibaanno Katirsan Guddiyada Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ee kormeerka ku tagay Gobolka Nugaal ayaa kulan muhiim ah la yeeshay bulshada rayidka ah ee Degmada EYL.
Kulankan waxaa Xildhibaannada kala qaybgalay Kuismaha Gudmoomiyaha ahana Gudoomiye ku xigeenka Degmada Eyl, Iyo Xoghayaha Degmada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
Intii uu socday kulanka, bulshada rayidka ah waxay fursad u heleen in ay su’aalo toos ah weydiiyaan xildhibaannada, kuwaas oo si hufan uga jawaabay su’aalihii iyo cabashooyinki shirka laga soojeediyey.
Kulankan wuxuu qeyb ka yahay dadaallada Golaha Wakiillada Puntland ee lagu xoojinayo isla-xisaabtanka, is-dhexgalka shacabka iyo wakiilladooda, iyo weliba in la helo aragtiyo iyo talooyin toos ah oo ka imaanaya shacabka – kuwaas oo wax ka tari kara hawlaha sharci-dejinta iyo waajibaadka kale ee Golaha.
DHAMMAAD


