Golaha Wakiillada

April 2026

Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee golaha wakiillada ayaa ka qayb galay munaasabadda dhaarinta Maxkamadda Sare iyo Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka sida iyo Dambiyada culus.

Garowe, 20 April 2026- Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Hon Mohamed Baarri Shire iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Hon Mohamed Mahamud Esse ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa ka qayb galay munaasabadda dhaarinta Maxkamadda Sare iyo Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida iyo Dambiyada Culus, taas oo uu goob joog ka ahaa Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni. Munaasabadda ayaa waxaa sidoo kale ka soo qayb galay Guddoomiyaha Guddiga Shuruucda, Caddaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka, Guddoomiyaha Guddiga Amniga iyo Nabadgelyada Ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda, masuuliyiinta Maxkamadda Sare, Taliyeyaasha Ciidamada Booliiska iyo Asluubta, la-taliyeyaasha Madaxweynaha, Agaasimaha Guud iyo Agaasime Ku-xigeenka Madaxtooyada, iyo saraakiil kale oo ka tirsan Madaxtooyada. DHAMMAAD

Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee golaha wakiillada ayaa ka qayb galay munaasabadda dhaarinta Maxkamadda Sare iyo Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka sida iyo Dambiyada culus. Read More »

Fadhiga 8-aad ee Guddiga Joogtada ah.

Garoowe, April 13, 2026: Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Hon Mohamed Baarri Shire, ayaa shir-guddoomiyey fadhiga 8-aad ee Guddiga Joogtada ah. Fadhiga maanta waxaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee Puntland, iyadoo warbixinno laga dhegeystey madax-guddiyeedyada kala duwan. Warbixintaas oo la xiriirtey Amniga Guud ee Puntland, Arrimaha bulshada, siyaasadda, Kaabayaasha dhaqaalaha iyo warbixin la xiriirta roobabka gu’ga ee ka da’aday deegaannada Puntland. Intii fadhiga lagu guda jirey waxaa warbixin dhammaystirin Guddiga ka siiyey Guddoomiye Maxamed Baari Shire, guusha laga gaarey ee aaddan la dagaalanka Aragagixisada Daacish ee dhuumaalaysata Buuraha Calmiskaat iyo dedaalka iyo qorsheyaasha ay waddo dawladdu sidii loo soo afjarilahaa. Guddiga Joogtada ah ayaa kula dardaarmay bulshada Deegaanka in ay meel uga soo wada jeestaan dhammaystirka soo afjaridda Kooxda Daacish. Fadhiga maanta ayaa Guddiga Joogtada ah loo qeybiyey xeerarka uu Goluhu ku ansixiyey kalfadhigii 57-aad ee Golaha wakiillada, Madaxweynuhuna saxiixay, Faafinta rasmiga ahna lagu soo saaray, si guddiyadu ay dabagal ugu sameeyaan dhaqangalkooda. Dhinaca kale, si waafaqsan Xeerka Maamulka Maaliyadda Guud ee Puntland Guddiga Joogtada ah ayaa ansixiyey kororka misaaniyadda 2026 mashruuca ay fulinayo Hay’adda badbaadada Carruurta ee Save the Children oo kaashanaysa sanduuqa gaar-gaarka banii’aadantinimada Soomaaliyeed ee SOM-HF, kaasoo ka mid ah mashaariicda taageera horumarinta adeegga caafimaadka Puntland, koror kaasoo ay Wasaaradda Maaliyaddu u soo gudbisay Golaha Wakiillada, lana soo marinayo khasnadda mideysan ee dawladda Puntland,si loo xoojiyo nidaamka maareynta maaliyadda dadweynaha loona hagaajiyo hufnaanta, la xisaabtanka iyo nidaamka dawladnimada. Ugu dambayntii, guddiga Joogtada ah waxay isla qataay in la dar-dargeliyo qorsheyaasha iyo shaqooyinka ay guddiyadu gacanta ku hayaan. DHAMMAAD Wixii faahfaahin ah kala xiriir: Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyigelinta

Fadhiga 8-aad ee Guddiga Joogtada ah. Read More »

Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada ayaa ka qayb galay munaasabad tababar loogu furayay cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland.

Qardho, 9 April 2026- Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Hon Mohamed Baarri Shire, ayaa Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, kala qayb galay munaasabad tababar loogu furayay cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland, gaar ahaan guutada saddexaad ee ka hawlgalaysa buuraleyda Calmiskaad. Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa door muuqda ka qaatay arrimaha ciidamada, isaga oo lagu xasuusto kaalintii firfircoonayd ee uu ka qaatay howlgalkii Hilaac, kaas oo door weyn ka ciyaaray xoojinta amniga iyo la dagaallanka kooxaha argagixisada. Tababarka galabta loogu furay guutada saddexaad ee Ciidanka Daraawiishta, xarunta tababarada Ciidanka ee Xorgoble ee magaalada Qardho, ayaa qeyb ka ah qorshe ballaaran oo ay Dowladdu ku horumarinayso khibradda, aqoonta iyo tayeynta Ciidamada. Sidoo kale, guutada labaad ee Ciidanka ayaa iyaduna tababar uga bilaabanaya kulliyadda tababarada Ciidanka ee Gen. Green ee degmada Badhan. Munaasabadda waxaa ka qeyb galay xubno ka tirsan Goleyaasha Dowladda Puntland, saraakiisha kala duwan ee Ciidamada, la-taliyeyaal Madaxweyne, maamulka gobolka Karkaar, maamulka degmada Qardho iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Tababarradan ayaa muujinaya dadaalka joogtada ah ee Dowladda Puntland ku bixinayso xoojinta awoodda difaaca iyo sugidda amniga guud ee deegaannada Puntland. DHAMMAAD

Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada ayaa ka qayb galay munaasabad tababar loogu furayay cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland. Read More »

Scroll to Top