Golaha Wakiillada

May 2026

XILDHIBAANNADA GOLAHA WAKIILLADA DPL Ee KORMEERKA KU TAGEY DEGMADA EYL AYAA KULAN LA YEESHAY BULSHADA RAYIDKA AH

XILDHIBAANNADA GOLAHA WAKIILLADA DPL Ee KORMEERKA KU TAGEY DEGMADA EYL AYAA KULAN LA YEESHAY BULSHADA RAYIDKA AH. ‎‎EYL – 24May, 2025:— Xildhibaanno Katirsan Guddiyada Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ee kormeerka ku tagay Gobolka Nugaal ayaa kulan muhiim ah la yeeshay bulshada rayidka ah ee Degmada EYL. ‎Kulankan waxaa Xildhibaannada kala qaybgalay Kuismaha Gudmoomiyaha ahana Gudoomiye ku xigeenka Degmada Eyl, Iyo Xoghayaha Degmada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. ‎Intii uu socday kulanka, bulshada rayidka ah waxay fursad u heleen in ay su’aalo toos ah weydiiyaan xildhibaannada, kuwaas oo si hufan uga jawaabay su’aalihii iyo cabashooyinki shirka laga soojeediyey. ‎Kulankan wuxuu qeyb ka yahay dadaallada Golaha Wakiillada Puntland ee lagu xoojinayo isla-xisaabtanka, is-dhexgalka shacabka iyo wakiilladooda, iyo weliba in la helo aragtiyo iyo talooyin toos ah oo ka imaanaya shacabka – kuwaas oo wax ka tari kara hawlaha sharci-dejinta iyo waajibaadka kale ee Golaha. ‎ DHAMMAAD

XILDHIBAANNADA GOLAHA WAKIILLADA DPL Ee KORMEERKA KU TAGEY DEGMADA EYL AYAA KULAN LA YEESHAY BULSHADA RAYIDKA AH Read More »

Guddiga joogtada ah ee golaha wakiillada ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Guddoomiyaha Xafiiska Hanti-dhawrka guud ee Puntland

Garoowe, 24 May 2026 — Guddi gaar ah oo ka tirsan Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiillada Puntland, una xilsaaran kor-joogtaynta mashaariicda, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Guddoomiyaha Xafiiska Hanti-dhawrka Guud ee Puntland. Guddoomiyaha guddiga gaarka ah, Maxamuud Shire Cismaan, ayaa Guddoomiyaha Xafiiska Hanti-dhawrka Guud ee Puntland la wadaagay ujeeddada kulanka iyo muhiimadda wada shaqaynta hay’adaha dawladda, isaga oo carrabka ku adkeeyey dedaallada lagu xoojinayo maamul wanaagga, isla xisaabtanka iyo hufnaanta hay’adaha dawladda Puntland. Ujeeddada kulanka oo ahayd waa in la hubiyo in mashaariicda iyo hantida dawladda loo maamulo si nidaamsan oo wax ku ool ah, isla markaana la xoojiyo dawladnimada iyo hirgelinta horumar waara oo la taabogal ah. Intaas kadib, Guddoomiyaha Xafiiska Hanti-dhawrka Guud ee Puntland ayaa xildhibaannada siiyey warbixin dhammaystiran oo ku saabsan waxqabadka xafiiska muddadii uu xilka hayey, guulaha la gaaray, qorshayaasha mustaqbalka, caqabadaha jira, iyo talooyin guud oo la xiriira dhaqangelinta talo-bixinnada xafiiska hanti-dhawrka. Sidoo kale, xildhibaannadu waxay su’aalo ka weydiiyeen Guddoomiyaha Hanti-dhawrka arrimo waajibaadka xafiiska ee ku aaddan habraacyada qandaraas-bixinta, warbixinta fulinta mashaariicda si waafaqsan nidaamka loo dejiyey, shaqaalaysiinta shaqaalaha, dhaqan-gelinta xeerarka, dabagalka fulinta talooyinka xafiiska, iyo xoojinta wada shaqeynta hay’adaha dawladda. DHAMMAAD

Guddiga joogtada ah ee golaha wakiillada ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Guddoomiyaha Xafiiska Hanti-dhawrka guud ee Puntland Read More »

Guddiga Xildhibaannada ayaa kormeer ku sameeyey xarunta Degmada Eyl iyo isbitaalka degmada

Eyl, 23 May 2026- Guddiga Xildhibaannada Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ee kormeerka shaqo ku jooga Gobolka Nugaal ayaa maanta kormeer ku sameeyey xarunta Degmada Eyl iyo isbitaalka degmada. Sidoo kale, guddigu waxay warbixin ka dhegaysteen maamulka Degmada Eyl si ay ugu kuurgalaan xaaladda guud ee degmada, isla markaana u ogaadaan baahiyaha iyo caqabadaha ka jira deegaanka. Kormeerkan ayaa qayb ka ah dadaallada Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ay ugu kuurgelayaan adeegyada bulshada iyo xaaladaha ka jira degmooyinka Gobolka Nugaal. DHAMMAAD

Guddiga Xildhibaannada ayaa kormeer ku sameeyey xarunta Degmada Eyl iyo isbitaalka degmada Read More »

Guddiga Xildhibaannada Golaha Wakiillada Dowladda Puntland kormeer ku sameeyey xarumaha degmada Godobjiiraan.

Godobjiiraan, 23 May 2026- Guddiga Xildhibaannada Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ee kormeerka shaqo ku jooga Gobolka Nugaal ayaa maanta kormeer ku sameeyey xarumaha degmada Godobjiiraan, isbitaalka, saldhiga Booliiska iyo beeraha Degmadaas. Sidoo kale, guddigu waxay warbixinno ka dhagaysteen maamulka Degmada, maamulka isbitaalka, taliska Booliiska iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo uga xog warramay xaaladda guud ee adeegyada bulshada, amniga, caafimaadka iyo baahiyaha ka jira Degmadaas. DHAMMAAD

Guddiga Xildhibaannada Golaha Wakiillada Dowladda Puntland kormeer ku sameeyey xarumaha degmada Godobjiiraan. Read More »

Xildhibaanada Golaha Wakiillada ayaa kulan la yeeshay bulshada rayidka ah ee degmada Bandarbayla

XILDHIBAANNADA GOLAHA WAKIILLADA DPL Ee KORMEERKA KU TAGEY DEGMADA BANDARBAYLA AYAA KULAN LA YEESHAY BULSHADA RAYIDKA AH. Bandarbayla – 22 May, 2025:— Xildhibaanno Katirsan Guddiyada Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ee kormeerka ku tagay Gobolka Karkaar ayaa kulan muhiim ah la yeeshay bulshada rayidka ah ee Degmada Bayla. Kulankan waxaa Xildhibaannada kala qaybgalay Duqa Degmada Bayla, Taliyaha Qaybta gobolka Karkaar, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. Intii uu socday kulanka, bulshada rayidka ah waxay fursad u heleen in ay su’aalo toos ah weydiiyaan xildhibaannada, kuwaas oo si hufan uga jawaabay su’aalihii iyo cabashooyinki shirka laga soojeediyey. Kulankan wuxuu qeyb ka yahay dadaallada Golaha Wakiillada Puntland ee lagu xoojinayo isla-xisaabtanka, is-dhexgalka shacabka iyo wakiilladooda, iyo weliba in la helo aragtiyo iyo talooyin toos ah oo ka imaanaya shacabka – kuwaas oo wax ka tari kara hawlaha sharci-dejinta iyo waajibaadka kale ee Golaha. DHAMMAAD –

Xildhibaanada Golaha Wakiillada ayaa kulan la yeeshay bulshada rayidka ah ee degmada Bandarbayla Read More »

Guddiga Golaha wakiillada oo kormeer shaqo ku jooga deegaanka Qoton

Qoton– 22 May, 2026:— Guddiga Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ee kormeerka shaqo ku jooga Gobolka Karkaar ayaa maanta kormeer shaqo ku tegay Deegaanka Qoton oo ka tirsan Degmada Bayla Gobolka Karkaar. Xildhibaannada ayaa si gaar ah uga xog wareystay Odoyaasha iyo Maamulka Deegaanka adeegyada Biyaha, Caafimaadka, Waxbarashada iyo Amniga. Dhanka kale, Xildhibaannada ayaa sheegay in warbixinta kormeerkooda ay horgeyn doonaan fadhiga guud ee Golaha Wakiillada, iyadoo socdaalkani uu qayb ka yahay kormeerada Guddiyada ee la socoshada shaqooyinka ka socda degmooyinka iyo baahiyaha jira. DHAMMAAD

Guddiga Golaha wakiillada oo kormeer shaqo ku jooga deegaanka Qoton Read More »

XILDHIBAANNADA GOLAHA WAKIILLADA DOWLADDA PUNTLAND OO XALAY KU QABTAY DEGMADA JARIIBAN KULANKA GOLAHA WAKIILLADA IYO BULSHADA RAYIDKA AH.

Jariiban – 21 May, 2025:— Guddiga Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ee kormeerka shaqo ku jooga Gobolka Mudug ayaa kulan muhiim ah la yeeshay bulshada rayidka ah ee Degmada Jariiban. Kulankan oo ka dhacay magaalada Jariiban waxaa ka qaybgalay Guddoomiyaha Degmada, Taliye Ku-xigeenka Qaybta gobolka Mudug, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. Intii uu socday kulanka, bulshada rayidka ah waxay fursad u heleen in ay su’aalo toos ah weydiiyaan xildhibaannada, kuwaas oo si hufan uga jawaabay su’aalihii iyo tabashooyinkii lasoo jeediyay. Kulankan wuxuu qeyb ka yahay dadaallada Golaha Wakiillada Puntland ee lagu xoojinayo isla-xisaabtanka, is-dhexgalka shacabka iyo wakiilladooda, iyo weliba in la helo aragtiyo iyo talooyin toos ah oo ka imaanaya shacabka – kuwaas oo wax ka tari kara hawlaha sharci-dejinta iyo waajibaadka kale ee Golaha. DHAMMAAD –

XILDHIBAANNADA GOLAHA WAKIILLADA DOWLADDA PUNTLAND OO XALAY KU QABTAY DEGMADA JARIIBAN KULANKA GOLAHA WAKIILLADA IYO BULSHADA RAYIDKA AH. Read More »

Xildhibaanada Golaha Wakiilada ayaa kulan laqaatay maamulka deegaanka Garacad

Garacad – 21 May, 2026:— Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ee kormeerka shaqo ku jooga Gobolka Mudug ayaa caawa kulan la qaatay maamulka iyo waxgaradka deegaanka Garacad ee Degmada Jariiban, iyagoo ka dhagaystay warbixino ku saabsan xaaladda adeegyada caafimaadka, waxbarashada, amniga iyo cadaaladda. Kulankan ayaa qeyb ka ah kormeerka iyo u kuurgalka ay Golaha Wakiilladu ku sameynayaan adeegyada bulshada iyo baahiyaha ka jira deegaannada Gobolka Mudug. DHAMMAAD

Xildhibaanada Golaha Wakiilada ayaa kulan laqaatay maamulka deegaanka Garacad Read More »

Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ayaa madaxweynaha kala qayb galay munaasabada xarig jarka garoonka Boosaaso.

Boosaso,3 May 2026- Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Hon Mohamed Baarri Shire, ayaa Madaxweynaha Dowladda Puntland kala qayb galay munaasabadda xarig-jarka Garoonka Shuhadada ee magaalada Boosaaso. Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qayb galay qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiillada, xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda, Maamulka Degmada Boosaaso, maamullada degmooyinka ka qayb galaya Koobka Calmiskaad, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Boosaaso. Munaasabaddan xarig-jarka ah ayaa muujinaysa horumarka ka socda dhinaca kaabeyaasha ciyaaraha, iyadoo Garoonka Shuhadada uu door muhiim ah ka qaadan doono kobcinta isboortiga iyo dhiirrigelinta dhalinyarada gobolka. DHAMMAAD

Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ayaa madaxweynaha kala qayb galay munaasabada xarig jarka garoonka Boosaaso. Read More »

Scroll to Top