Golaha Wakiillada

Wararka

Furitaanka Kalfadhiga 51-aad ee Golaha Wakiillada ( SAWIRO)

Garoowe, 25,October, 2022: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa Khudbad ka jeediyay Furitaanka Kalfadhiga 51-aad ee Golaha Wakiillada DPL kaas oo uu si rasmi ah u furay Madaxweynaha DPL Siciid Cabdullahi Denni sida uu qabo qodobka 80-aad farqadiisa 12-aad ee Dastuurka DPL. Furitaanka Kal-fadhiga 51-aad waxaa ka qeyb galay Madaxweyne Ku-xigeenka DPL Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan, Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame, Xildhibaanada Golaha Wakiillada Puntland, Wasiiro, Taliyaha Ciidanka Booliska, Guddomiyaha Gobolka Nugaal, Duqa Garoowe, Guddoomiyaha Difaacaha Xuquuqda Aadanaha, Xubno ka socday Ururada Bulshada, Ururada Siyaasada iyo marti sharaf kale. Guddoomiyaha oo bogaadiyey Dhismaha Dekadda Garacad iyo Wadooyinka isku xira Gobolada ayaa yiri ‘’Horumarka iyo dhaqaaluhu wuxuu ku xiran yahay hirgelinta kaabayaasha dhaqaalaha, waxaan soo dhoweynayaa oo bogaadinayaa waddooyinka cusub ee la dhisay, kuwa dayactirka lagu sameeyey, kuwa socda iyo kuwa inoo qorshaysan. Sidoo kale waxaan u-mahadcelinayaa cid kasta oo ka qayb qaadatay hirgelinta Dekedda Garacad oo 22 Ocobober xadhiga laga jaray, waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa guddigii dhismaha Dekedda Garacad oo lafdhabar u ahaa dhismeheeda iyo cidkasta oo maalgashatay. Dhinaca kalena, Madaxweynaha Dawladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullahi Denni ayaa khudbad Dastuuri ah ka jeediyey Furitaanka Kalfadhiga 51-aad ee Golaha Wakiillada DPL isaga oo ka hadlay guud ahaan xaaladaha dalka ee Amniga, dhaqaalaha iyo arrimo kale. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelintaGolaha Wakiillada Dawladda Puntland

Furitaanka Kalfadhiga 51-aad ee Golaha Wakiillada ( SAWIRO) Read More »

Guddiga Arrimaha Deegaanka Golaha Wakiillada ayaa warbixin ka dhageystay Madaxda Wasaaradda Kalluumaysiga ( SAWIRO)

Garoowe: 24,October,2022: Guddiga Arrimaha Deegaanka & Khayraadka Dabiiciga ah Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, ayaa warbixin ka dhageystay Mas’uuliyiinta Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Kheyraadka Badda Dawladda Puntland. Guddiga oo Kulan shaqo Xarunta Golaha Wakiillada kula yeeshay Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Dawladda Puntland loo ay wehliyaan Wasiir ku-xigeenka iyo Wasiiru-dowlaha Wasaaradda ayaa ka xog wareystay waxqabadkii Wasaaradda muddadii labada kalfadhi dhexdooda, qorshaha shaqo ee mustaqbalka iyo caqabadaha jira. Ugu dambayn, Guddiga ayaa su’aalo ka weydiiyey arrimaha ay ka hadleen Mas’uuliyiinta Wasaaradda Kalluumaysigu. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Guddiga Arrimaha Deegaanka Golaha Wakiillada ayaa warbixin ka dhageystay Madaxda Wasaaradda Kalluumaysiga ( SAWIRO) Read More »

Guddiga Xuquuqda Aadanaha ayaa kulan la qaatay Wasaaradda Haweenka ( SAWIRO)

Garoowe: 24,October,2022: Guddiga Xuquuqda Aadanaha, Arrimaha Qoyska iyo horumarinta Haweenka Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, ayaa maanta warbixin ka dhageystay Wasiirka Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Dawladda Puntland iyo xubno kale Wasaaradda ka tirsan. Wasiirka, ayaa ka warbixisay shaqooyinka Wasaaradda, qorsheyaasha waxqabad iyo weliba caqabadaha jira, iyadoo sidoo kalena, Guddigu ay su’aalo ka weydiiyeen arrimaha shaqo ee Wasaaradda Haweenka Dawladda Puntland. Guddiga ayaa masuulyiinta Wasaaradda shirka kula qaatay Aqalka Wakiillada Dawladda Puntland ee Garoowe. DHAMMAADXafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelintaGolaha Wakiilada Dawladda Puntland

Guddiga Xuquuqda Aadanaha ayaa kulan la qaatay Wasaaradda Haweenka ( SAWIRO) Read More »

Guddiga Arrimaha Deegaanka Golaha Wakiillada ayaa warbixin ka dhageystay Madaxda Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ( SAWIRO)

Garoowe: 24,October,2022: Guddiga Arrimaha Deegaanka & Khayraadka Dabiiciga ah Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, ayaa maanta Xarunta Golaha Wakiillada kulan shaqo kula yeeshey Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dawladda Puntland oo ay wehliyaan Wasiir ku-xigeenka & mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda. Kulanka ayey Guddigu, uga dhagaysteen Wasaaradda warbixin ku saabsan waxqabadka Wasaaradda, Caqabadaha jira iyo Qoshahooda Mustaqbal ee la xiriira wajibaadkooda Dastuuriga ah. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Guddiga Arrimaha Deegaanka Golaha Wakiillada ayaa warbixin ka dhageystay Madaxda Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ( SAWIRO) Read More »

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa ka qeyb-galay Munaaasabada Furitaanka Wejiga 1-aad Dekadda Garacad ( SAWIRO)

Garacad: 22 October, 2022: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud, Madaxweynaha Dawladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Denni, Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida Mudane Mustafe Muxumed Cumar, Madaxweynaha Koofur Galbeed Mudane Cabdicasiis Laftagareen, Wasiirka Difaaca Kenya Aadan Barre Ducaale, Wasiiro ka socday DFS, DDS, Puntland, Xildhibaanno ka tirsan DFS & Puntland, Isimo, Ganacsato iyo marti sharaf kale oo kala duwan ayaa maanta ka qayb galay Munaaasabada Furitaanka Wejiga 1-aad Dekadda Garacad.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa ka qeyb-galay Munaaasabada Furitaanka Wejiga 1-aad Dekadda Garacad ( SAWIRO) Read More »

Guddiga Arrimaha Gudaha Golaha Wakiillada ayaa kormeer ku tegay Wasaaradda Arrimaha Gudaha (SAWIRO)

Garoowe: 22, October, 2022: Guddiga Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dimuqraadiyadda ee Golaha Wakiillada DPL ayaa maanta kormeer ku tegay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland. Guddiga ayaa kulan la qaatay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda, Agaasimaha Guud iyo hawl-wadannada katirsan Wasaaradda, waxayna Mudaneyaashu mas’uuliyiintan ka dhegeysteen warbixin ku saabsan waxqabadka Wasaaraddu u xilsaaran tahay ee Dastuuriga ah, Qorsheyaasha iyo Caqabadaha jira. Ugu dambeyntii, guddiga ayaa bogaadiyey shaqooyinka ay gacanta ku hayso Wasaaradu, kulana dar-daarmay in la gaarsiiyo adeegyada ay bixiso Wasaaradu dhammaaan deegannada Puntland. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Guddiga Arrimaha Gudaha Golaha Wakiillada ayaa kormeer ku tegay Wasaaradda Arrimaha Gudaha (SAWIRO) Read More »

Guddiga Xuquuqda Aaadanaha Golaha Wakiillada ayaa warbixin ka dhegeystay Difaacaha Xuquuqda Aadana ( SAWIRO)

Garoowe, October 22, 2022: Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqda Aaadanaha, Arrimaha Qoyska iyo horumarinta Haweenka Golaha Wakiillada DPL ayaa warbixin ka dhegeystay Guddoomiyaha Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadana Puntland. Guddoomiyaha, ayaa ka warbixiyey shaqooyinka Xafiiska ee ku saabsan ilaalinta Xuquuqda muwaadiniinta sida uu qabo Dastuurku iyo caqabadaha jira ee la xiriira arrimaha xuquuqda Aadanaha. Kulankan ayaa qayb ka ah Kor-joogteynta Guddiyada Golaha Wakiillada, waxaana warbixinanada Guddiyada oo faah faahsan lagu soo bandhigi doona Kalfadhiga 51-aad ee Golaha Wakiillada ee furimidoona 25 Oktoobar 2022 haddii Alle Idmo. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Guddiga Xuquuqda Aaadanaha Golaha Wakiillada ayaa warbixin ka dhegeystay Difaacaha Xuquuqda Aadana ( SAWIRO) Read More »

Guddiga Arrimaha Gudaha Golaha Wakiillada ayaa warbixin ka dhageystay Guddiga Doorashooyinka TPEC (SAWIRO)

Garoowe: 22,October, 2022: Guddiga, Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dimuqraadiyadda Golaha Wakiillada DPL ayaa maanta xarunta Golaha Wakiillada DPL ku qaabilay Guddiga KMG ee Doorashada Puntland oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Guddiga iyo ku xigeenkiisa. Guddiga ayaa warbixin ku saabsan waxqabadkoodii muddadii la soo dhaafay, caqabadaha shaqo ee jira iyo Qorshayaasha u degsan ka dhegeystay Guddiga Doorashada. Ugu dambeyntii, Guddiga Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dimuqraadiyadda Golaha Wakiillada ayaa Guddiga KMG ee Doorashada uga mahadceliyey shaqada baaxadda leh ee ay u hayaan shacabka reer Puntland doorashada. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Guddiga Arrimaha Gudaha Golaha Wakiillada ayaa warbixin ka dhageystay Guddiga Doorashooyinka TPEC (SAWIRO) Read More »

Guddiga Siyaaasadda & Qorsheynta Golaha Wakiillada ayaa kulan la qaatay Wasaaradda Qorsheynta ( SAWIRO)

Garoowe: 19,October, 2022: Guddiga Siyaaasadda, Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha & Xiriirka Caalamiga ah ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo kulan xog wareysi ah la yeeshay Wasiirka Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha & Iskaashiga Caalamiga ah ee Puntland. Guddiga oo maanta kormeer ku tagay xarunta dhexe ee Wasaaradda Qorsheynta ayaa la kulmay Wasiirka cusub ee Wasaaradda oo uu wehliyo Agaasimaga guud iyo saraakiil kale, waxayna ka dhagaysteen warbixin ballaaran oo la xidhiidha waxqabadka Wasaaradda, Qorshayaasha hortebinta leh ee Dawladda iyo caqabadaha jira. Waxay sidoo kale Wasaaraddu Guddiga la wadaagtay xogta iyo khariiradda mashariicaha kala duwan ee ka socda gobollada kala duwan ee Puntland iyo halka ay marayaan. Ugu dambeyntii xildhibaanada ayaa su’aalo la xidhiidha arrimaha shaqo ee ay u xilsaaran yihiin weydiiyey mas’uuliyiinta kala duwan. Waxayna labada dhinac muujiyeen inay diyaar u yihiin in la xoojiyo xidhiidhka wada-shaqayneed ee u dhexeeya Guddiga iyo Wasaaradda. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Guddiga Siyaaasadda & Qorsheynta Golaha Wakiillada ayaa kulan la qaatay Wasaaradda Qorsheynta ( SAWIRO) Read More »

Scroll to Top