Golaha Wakiillada

Wararka

Fadhiga 17-aad ee Kal-fadhiga 51-aad Golaha Wakiillada ( Muuqaal)

Garoowe, December 05, 2022: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo uu wehliyo Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 17-aad ee Kal-fadhiga 51-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Fadhiga maanta ayaa qorshe hawleedku ahaa ka shaqeynta akhrintii 3aad ee wax-ka-bedelka xeerka Hawlgabka & Liiltirka shaqaalaha rayidka Dawladda Puntland. Wax-ka-bedelka xeerka oo labadii cishe la soo dhaafay doodiisa soctay, ayaa ka kooban 54 Qodob, Dooda ugu badan ayaa ka dhaltay Qodobka 21-aad kaas oo ka hadlaya Xuquuqda Qoyska Hawlgabaha dhintay, sida ku cad wax-ka-bedelka Guddiga. Qodobka 21-aad – Xuquuqda Qoyska Hawlgabaha dhintay 1. Xaqa hawlgabaha dhintay waxaa lagu xannaanaynayaa qoyskii uu ka dhintay. 2. Xaqlayaasha ku xusan farqada 1-aad, waxay xaq u yeelanayaan xaqa hawlgabaha dhintay oo ku salaysan cadadka lacagta hawlgab ee uu heli jirey sida: B. Haddii hawlgabuhu dhinto isaga aan dhammaysan muddadii uu hawlgabka ku mutaysan lahaa. T. Haddii hawlgabuhu dhinto isagoo aan gaarin da’dii uu ku hawlgabi lahaa. 3. Haddii hawlgabaha xaq u lahaa uu dhinto sabab la xiriirta shaqada, waxa qoyskiisa xaq u yeelanayaa lacagtii hawlgabaha dhintay. 4. Xuquuqda hawlgabka dadka laga dhintay waxaa xaq u leh dadka laga dhintay ee xeerkan qeexayo oo kaliya. Shaqaalaha hawlgabka xaqa u leh iyo guud ahaan kuwa hawlgabay ee aan ku sifoobin helida xuquuqdaan, looma aqoonsan doono loomana magacaabi karo inay xuquuqdaan helaan. Dooda Qodobkaa ayaa Golaha isku raacay in loo yeero Culimadda kuwaa oo qeybtood horay Guddiga Arrimaha Bulshada, Dhaqanka, Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Golaha Wakiillada la-tashi ugala yeesheen wax-ka-bedelka Xeerka, waxaana maanta Golaha Wakiilada hor-yimi Shiikh Dalmar Guurreeye Kaarshe, Shiikh Maxamuud Xaaji Yuusuf iyo Shiikh Mukhtar Maxamuud Maxamed. Culimadda oo hadal ka jeediyay fadhiga Golaha ayaa sheegay in Qodobka 21-aad ee Xuquuqda qoyska hawlgabaha dhintay ay tahay dood dunida oo dhan ka jirta, iyagga oo soo jeediyey saddex arrin mid walba oo la qaato inay tahay mid bannaan oo diinta Islaamka raali ka tahay, balse waxay codsadeen in wakhti ku filan la siiyo. Intaa kadib, Dood ay Xildhibaannada ka yeesheen Qodobka 21-aad ee wax-ka-bedelka Xeerka Hawlgabka & Liiltirka shaqaalaha rayidka ayey isku raaceen in wakhti ku filan la siiyo Culimadda si ay Qodobkaa la tashiyo ugala yeeshaan Culimadda kale. Dhinaca kalen, waxaa maalinta berri ah Golaha ka bilaaban doonta Dooda wax-ka-bedelka Xeerka shaqaalaha Rayidka ah ee Dawladda Puntland kaas oo horay Golaha u ansixiyeen sannadkii 2018. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladad Puntland

Fadhiga 17-aad ee Kal-fadhiga 51-aad Golaha Wakiillada ( Muuqaal) Read More »

Fadhiga 16-aad ee Kal-fadhiga 51-aad ( Wax-ka-bedelka Xeerka Hawlgabka & Liiltirka shaqaalaha rayidka) Maalintii 2aad

Garoowe, December 04, 2022: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo uu wehliyo Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 16-aad ee Kal-fadhiga 51-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Fadhiga maanta ayaa qorshe hawleedku ahaa ka shaqeynta Wax-ka-bedelka Xeerka Hawlgabka & Liiltirka shaqaalaha rayidka Dawladda Puntland kaas oo shalay Golaha bilaabeen ka doodistiisa. Xildhibaannada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa maalintii 2aad qodob-qodob uga doodaya Xeerkaan oo ka kooban 54 Qodob, waxayna cod gacan taag ah mid mid ugu ansixiyeen 20 Qodob oo ka mid ah xeerka. Dooda wax-ka-bedelka xeerka Hawlgabka & Liiltirka shaqaalaha rayidka Dawladda Puntland ayaa socon doonta maalmaha soo socda sida uu dhigayo Qodobka 58-aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelintaGolaha Wakiillada Dawladad Puntland

Fadhiga 16-aad ee Kal-fadhiga 51-aad ( Wax-ka-bedelka Xeerka Hawlgabka & Liiltirka shaqaalaha rayidka) Maalintii 2aad Read More »

Fadhiga 15-aad ee Kal-fadhiga 51-aad Golaha Wakiillada ( Wax-ka-bedelka Xeerka Hawlgabka & Liiltirka shaqaalaha rayidka)

Garoowe, December 03, 2022: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo uu wehliyo Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 15-aad ee Kal-fadhiga 51-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Fadhiga maanta ayaa qorshe hawleedku ahaa ka shaqeynta Wax-ka-bedelka Xeerka Hawlgabka & Liiltirka shaqaalaha rayidka Dawladda Puntland. Ugu horeyn Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa hadalka siiyey Guddiga Arrimaha Bulshada, Dhaqanka, Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Golaha Wakiillada kaas oo akhriska 2aad ku sameeyay, kadib la tashiyo uu la yeeshay dhammaan dhinacyada xeerka saameynta ku leeyahay. Akhrinta 3aad ee xeerka kadib waxaa Goluhu uu guda galay qodob-qodob uga doodista & wax-ka-bedelkiisa. Wax-ka-bedelka Xeerka Hawlgabka & Liiltirka shaqaalaha rayidka Dawladda Puntland ayaa si faah-faahsan uga hadlaya nidaaminta xuquuqda hawl-gabka iyo Liiltirka shaqaalaha Dawladda, xaqsiinta shaqaalaha, ilaalinta dakhliga hawlgabyaasha, naafada iyo qoysaskooda. Xeerka ayaa sameyn ku laheyn dhammaan Xubnaha Golaha Wakiillada, xubnaha Golaha Xukumadda, Xubnaha Garsoorka, Ciidamada qalabka sida, Shaqaalaha ka hawlgala shirkadaha ganacsi ee Dawladda, Bangiyadda Dawladda, shaqaalaha aan joogtada ahayn, qandaraasleyaasha Dawladda, kuwaas oo shaqeeya wakhti xadidan oo aan lagu magacaabin sharciga magacaabidda shaqaalaha Dawladda, Shaqaalaha ganacsiyada gaarka loo leeyahay iyo shaqaalaha Dawladaha hoose. Dooda wax-ka-bedelka xeerka Hawlgabka & Liiltirka shaqaalaha rayidka Dawladda Puntland ayaa socon doonta maalmaha soo socda sida uu dhigayo Qodobka 58-aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladad Puntland

Fadhiga 15-aad ee Kal-fadhiga 51-aad Golaha Wakiillada ( Wax-ka-bedelka Xeerka Hawlgabka & Liiltirka shaqaalaha rayidka) Read More »

Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ayaa ka qalin-jabiyey Jaamacadda Nabadda Qaramada Midoobay ( SAWIRO)

Muqdishu, December 02, 2022: Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa magaaladda Muqdishu kaga qeyb-galay Munaasibadda qalin-jabinta dufcadii 2aad ee Jaamacadda Nabadda Qaramada Midoobay. Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Golaha Wakiillada DPL ayaa ka mid ahaa ardaydii maanta ka qalin-jabisay Jaamacadda UOP, waxa uuna ka qaatay Shahaada heerka 2aad M.A. ee Sharciga Caalamiga ah & Xuquuqda Aadanaha (ILHR). DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelintaGolaha Wakiillada Dawladda Puntland

Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ayaa ka qalin-jabiyey Jaamacadda Nabadda Qaramada Midoobay ( SAWIRO) Read More »

Guddiga Arrimaha, Bulshada oo kulan la qaatay Agaasimeyaasha Guud ( MUQAAL/SAWIRO)

Garoowe: November, 27,2022: Guddoomiyaha Guddiga arrimaha, bulshada, dhaqanka warfaafinta & isgaarsiinta Golaha Wakiillada DPL Xild. Cabdicasiis Axmed Dhahar ayaa shir guddoomiyey kulan la tashi ah oo Guddigu maanta Aqalka Wakiillada kula yeesheen Agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha Dawladda Puntland. Guddiga ayaa gacanta ku haya, akhriska 2-aad-na ku samaynaya labo xeer oo kala ah wax-ka-bedelka xeerka howlgabka & liiltirka shaqaalaha rayidka iyo wax-ka-badelka xeerka Shaqaalaha rayidka ah, waxaana agaasimayaasha guud ka dhageysteen aragtidooda ku aadan wax-ka-bedelada xeerarkan. Xeerarkan oo hada horyaala Golaha Wakiillada ayaa muhiim u ah shaqaalaha Dawladda, waxaana ku cad xuquuqaadkooda, waajibaadkooda iyo marka howl-gabaan xuquuqda ay heli doonaan. DHAMMAADXafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelintaGolaha Wakiillada Dawladda Puntland

Guddiga Arrimaha, Bulshada oo kulan la qaatay Agaasimeyaasha Guud ( MUQAAL/SAWIRO) Read More »

Golaha Wakiillada ayaa ansixiyey Miisaaniyadda sannadka 2023 ( MUUQAAL/SAWIRO)

Garoowe, November 26, 2022: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo uu wehliyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 14-aad ee Kal-fadhiga 51-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Fadhiga maanta oo ay soo xaadireen 40 Xildhibaan, ayaa Goluhu warbixin ka dhegeysteen Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha & Xisaabaadka Golaha Wakiillada oo gacanta ku hayey Miisaaniyadda sannadka 2023 oo Guddigu akhrinta 2aad ku sameeyey sida uu qabo Dastuurka Dawladda Puntland, Qodobada 135aad, 136aad iyo xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada Qodobada 58aad Iyo 63aad Intaa kadib, Xildhibaannada ayaa cod gacan-taag ah Oggol ugu codeeyey 37 Xildhibaan, Diidmo 0, Aamus 3, sidaas ayeyna ansax ku noqotay Miisaaniyadda Dawladda sannadka 2023 taasoo dhan $376,699,825, ( Saddex boqol todobaatan lix malyan, lix boqol sagaashan iyo sagaal kun, sideed boqol labaatan iyo shan dollar). Dhakhliga gudaha sannadkaan ayaa noqonayaa $97,212,528 oo bishii ku qoondaysan 8,101,044, dhakhligaan oo ka soo xaroonaya saddex iyo toban madax oo ka kala imanaya dhammaan gobollada Puntland. Miisaaniyadda Dawladda 2023 waxaa ku jira kab miisaaniyadeed oo wadar ahaan dhan $22,275,432 oo bishii ku qoondaysan $1,856,286 oo la la filayo in laga helo beesha caalamka, kabkaas oo loo qorsheeyey in lagu daboolo farqiaga u dhexeeya dhakhliga iyo kharashka gudaha. Wadarta guud ee dhakhliga gudaha iyo kabka dhakhliga ayaa noqonaya dakhli dhan $119,487,960 taas oo bishii ku qoondeysan $9,957,330 Dhinaca kale, ku talo-galka kharashka gudaha ee sannadkaan waxa uu noqonayaa $119,487,960 oo bishii noqonaysa $9,957,330, kharashkaas oo u kala qoondaysan Hay’adaha Dawladda ee kala ah; Hay’adaha Adeegga maamulka, amniga , cadaaladda, dhaqaalaha iyo Hay’adaha adeegga Bulshada. DHAMMAAD  Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta  Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Golaha Wakiillada ayaa ansixiyey Miisaaniyadda sannadka 2023 ( MUUQAAL/SAWIRO) Read More »

Akhriska 2-aad miisaaniyadda Dawladda sannadka 2023 ( SAWIRO)

Garoowe, November 23, 2022: Guddiga maaliyadda, dhaqaalaha & xisaabaadka Golaha Wakiilladda DPL ayaa kulan la qaatay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda. Guddiga oo akhriskii 2-aad ku sameynayey miisaaniyadda 2023 ee Golaha hortaala ayaa su’aalo ka waydiiyey Wasiirka, Xisaabiyaha guud iyo saraakiisha kale ee Wasaaradda si ay u helaan xog-dheeri ah oo la xiriirta miisaaniyadda Dawladda ee 2023. Miisaaniyadda sannadkaan 2023 ayaa dhan $376,699,825, ( Saddex boqol todobaatan lix malyan, lix boqol sagaashan iyo sagaal kun, sideed boqol labaatan iyo shan dollar).  Kororka Miisaaniyadda ayaa ah 6% marka la bar-bar dhigo sannadkii hore, waxayna ka kooban tahay dhakhli lagu maamulayo khasnadda Dawladda iyo dhakhli ka baxsan khasnadda Dawladda. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo mas’uuliyiinta kale ayaa ka jawaabay dhammaan su’aalihii Guddigu waydiiyeen. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelintaGolaha Wakiillada Dawladda Puntland

Akhriska 2-aad miisaaniyadda Dawladda sannadka 2023 ( SAWIRO) Read More »

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa ka qeyb-galay Janaasada maydka Garaad Saleebaan ( SAWIRO/MUUQAAL)

Garoowe: November 21, 2022: Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan, Madaxweyne ku-xigeenka DPL Mudane Axmed Cilmi Cismaan iyo wefti ka yimid Dawlad deegaanka Soomaalida Ethiopia ayaa ka qayb galay Salaada Janaasada maydka Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo saaka Garoowe lagu tukaday. Sidoo kale Salaada waxaa ka qayb galay isimmo kaladuwan oo ka yimid geyiga Soomaalida, kuwaas oo ay kamid yihiin Boqor Burhaan Boqor Muuse, Boqor Cismaan Maxamuud (buur-madow), Islaan Ciise Islaan Maxamed, Garaad Jaamac Garaad Cali, Madaxweynihii hore ee Puntland senatar Faroole, Wasiiro ka tirsan Golaha Xukuummada Puntland, Xildhibaanno ka mid ah Golaha Wakiillada, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Culimaa’udiin iyo marti sharaf kale Gudoomiyaha isimmada iyo madaxda kale ayaa salaatul Jinaasada kadib u duceeyey Marxuum Garaad Saleebaan oo ka mid ahaa hormuudka Golaha  dhaqanka Puntland, kana shaqeyn jiray nabadeynta iyo xallinta khilaafadka bulshooyinka. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelintaGolaha Wakiillada Dawladda Puntland

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa ka qeyb-galay Janaasada maydka Garaad Saleebaan ( SAWIRO/MUUQAAL) Read More »

Soo gudbinta Miisaaniyadda Dawladda Sannadka 2023 ( SAWIRO /MUUQAAL)

Garoowe, November 20, 2022: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Golaha Wakiillada Mudane Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 13-aad ee Kal-fadhiga 51-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Ajandaha fadhigaa ayaa ahaa soo gudbinta Miisaaniyadda Dawladda ee sannadka 2023 taas oo Wasaaradda Maaliyadda Golaha u soo gudbisay. Miisaaniyada Dawladda ee Sannadka 2023 ayaa dhan $376,699,825, ( Saddex boqol todobaatan lix malyan lix boqol sagaashan iyo sagaal kun sideed boqol labaatan iyo shan dollar) kororka Miisaaniyadda ayaa ah 6% marka la bar-bar dhigo sannadkii hore. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa khudbad uu ka jeediyey Aqalka Wakiillada waxa uu ku faah-faahiye Miisaaniyadda Dawladda Sannadka 2023, taas oo bilaabneysa dhaqan-galkeeda January 1, 2023 kuna eg December 31, 2023 si waafaqsan Qodobka 135-aad farqadiisa 4-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland. Wasiirka ayaa ku sheegay ku talo-galka dhakhliga gudaha sannadkaan waxa uu noqonayaa $97,212,528 oo bishii ku qoondaysan 8,101,044, dhakhligaan oo ku xaroonaya saddex iyo toban madax oo ka kala imanaya dhammaan gobollada Puntland. Warbixinta Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad Ansixiyey kororka Miisaaniyadda Mashruuca Biyoole kaas oo dhan $1,922,040. Xildhibaannada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa loo qeybiyey Miisaaniyadda, si ay ugu soo sameeyaan akhriska 2aad, waxaana dib Golaha loogu soo celinayaa maalinta Sabtida, November 26, 2022. Dhinaca kale, Wasiirka Maaliyadda ayaa Golaha ka codsaday in la ansixiyo kororka Miisaaniyadda ee dhaqaalaha laga filayo Mashruuca Biyoole kaas oo dhan $1,922,040 Intaa kadib, Fadhiga oo ay goob-joog ahaayeen 42 Xildhibaan, ayaa cod gacan-taag ah Oggol ugu codeeyey 41 Xildhibaan, Diidmo 1, Aamus ma jirin, sidaas ayeyna ansax ku noqotay codsigii Wasaaradda. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelintaGolaha Wakiillada Dawladda Puntland

Soo gudbinta Miisaaniyadda Dawladda Sannadka 2023 ( SAWIRO /MUUQAAL) Read More »

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa soo gaaray caasimadda Garoowe ( SAWIRO)

Garoowe: November 19, 2022: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil iyo wefti uu hoggaaminayo oo maalmihii lasoo dhaafay safar shaqo ku joogay Muqdisho ayaa maanta dib ugu soo laabtay Garoowe. Weftiga Guddoomiyaha waxaa Garoonka Aadan Cade kasoo sagootiyey Xildhibaanno ka tirsan DFS iyo saraakiil kale, kuwaas oo ay kamid yihiin Xild. Cabdiladiif Muuse (Sanyare) & Xild. Sahra Cabdullaahi Cigaal. Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo Muqdisho kaga qayb galay furitaankii labada aqal ee Baarlamaanka JFS ayaa sidoo kale kulamo la qaatay madaxda sare ee Qaranka sida Madaxweynaha, Ra’iisul wasaaraha, Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo mas’uuliyiin kale. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelintaGolaha Wakiillada Dawladda Puntland

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa soo gaaray caasimadda Garoowe ( SAWIRO) Read More »

Scroll to Top