Golaha Wakiillada

Kala fadhiyada

Curinta Hindise Xeereedka Biyaha Puntland ( MUUQAAL)

Guddi gaar ah oo loo xilsaaray Curinta Hindise Xeereedka Biyaha Puntland ayaa Golaha usoo gudbiyey warbixin ku saabsan curinta Hindise-Xeereedkan oo muhiim u ah Dawladda Puntland,. Guddoonka Goluhu ayaa ku wareejiyey Guddiga Arrimaha Deegaanka & Kheyraadka Dabiici ah Golaha Wakiillada, kuwaas oo Golaha horkeeni doona Isniinta soo socota Nov 07, 2022. Haddii Alle idmo.

Curinta Hindise Xeereedka Biyaha Puntland ( MUUQAAL) Read More »

Fadhiga 7-aad ee Kalfadhiga 51-aad Ansixinta Xubnaha Maxkamadda Sare ( Muuqaalo)

Garoowe, November 01, 2022: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Cabdirishiid Yuusuf Jibriil oo ay weheliyaan ku-xigeenka 1-aad Mudane Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan & Ku-xigeenka 2-aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta shir guddoomiyey fadhigii 7-aad ee kalfadhiga 51-aad. Ka hor intaan codka kalsoonida loo qaadin ayaa waxaa xubnaha Garsoorka sare lagu hor dhaariyey Mudanayaasha Golaha Wakiillada, iyada oo go’aan gole uu goluhu iskula qaatay maadaama uu dhacay firaaq Dastuuri ahi, sida uu qabo qodobka 132 -aad ee Dastuurka Dawladda Puntland. Fadhiga oo ay soo xaadireen 54 Xildhibaan, ayaa waxay ku Ansixiyeen xubnaha magacaaban ee Garsoorka Maxkamadda sare ee Dawladda Puntland. Waxaa cod gacan-taag ah ugu codeeyay Oggol 53 Xildhibaan, Aamus 1, Cid diiday ma jirin. Waxayna  sidaas ku heleen kalsoonidii & ansixintii Golaha Wakiillada DPL, Waxaana lagu dhaariyey isla fadhigii maanta ee Golaha. Ansixinta Garsoorka Maxkmadda sare ee maanta la ansixiyey oo ka kooban 7-xubnood ayaa kala ah; 1. Xasan Yuusuf Nuur  Guddoomiye2. Axmed Sheekh Cumar Xasan  Ku xigeen3. Saciid Axmed Faarax Garsoore4. Maxamuud Cawad Cumar Garsoore5. Saciid Maxamuud Maxamed  Garsoore6. Maxamed Cabdirisaaq Aw Cilmi Garsoore Kayd ah7. Aadan Axmed Maxamed  Garsoore Kayd ah. Ugu dambeyn Guddi gaar ah oo loo xilsaaray Curinta Hindise Xeereedka Biyaha Puntland ayaa Golaha usoo gudbiyey warbixin ku saabsan curinta Hindise-Xeereedkan oo muhiim u ah Dawladda Puntland,  waxaana Guddoonka Goluhu uu ku wareejiyey Guddiga Arrimaha Deegaanka & Kheyraadka Dabiici ah Golaha Wakiillada, kuwaas oo Golaha horkeeni doona Isniinta soo socota Nov 07, 2022. Haddii Alle idmo.

Fadhiga 7-aad ee Kalfadhiga 51-aad Ansixinta Xubnaha Maxkamadda Sare ( Muuqaalo) Read More »

Fadhiga 5-aad ee Kalfadhiga 51-aad Golaha Wakiillada ( Warbixinta Guddiyadda) ( SAWIRO/MUUQAAL)

Garoowe: 30,October,2022: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL, Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay wehliyaan Ku-xigeenka 1-aad Mudane Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Ku-xigeenka 2-aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta shir Guddoomiyey fadhiga 5-aad, Kalfadhiga 51-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Fadhiga maanta ayaa waxaa warbixino looga dhageystay 4 Guddi oo kala ah. Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha & Xisaabaadka. Warbixin Guddiga Siyaasadda, Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha & Xiriirka Caalamiga Warbixin Guddiga Howlaha guud, Gaadiidka, Ganacsiga & Kaabayaasha Dhaqaalaha. Warbixin Guddiga Xuquuqda Aadanaha, Arrimaha Qoyska & Horumarinta Haweenka. Warbixin Guddiyadda ayaa soo jeediyay warbixin la xiriirta dhammaan Kormeerada ay ku tageen Wasaaradaha, Hay’adaha Dawladda iyo socdaalkii U Kuur-gelida Gobolada dalka. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Fadhiga 5-aad ee Kalfadhiga 51-aad Golaha Wakiillada ( Warbixinta Guddiyadda) ( SAWIRO/MUUQAAL) Read More »

Fadhiga 4-aad ee Kalfadhiga 51-aad Golaha Wakiillada ( Warbixinta Guddiyadda) ( SAWIRO/MUUQAAL)

Garoowe: 29,October,2022: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL, Mudane Cabdirashid Yuusuf Jibriil oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan & Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta shir Guddoomiyey fadhiga 4-aad ee Kalfadhiga 51-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Ajanadaha kulanka oo ahaa dhageysiga warbixinnada Guddiyada, ayaa waxaa warbixinno ka jeediyey Golaha Guddiyada kala ah: 1) Guddiga Arrimaha Golaha & Anshaxa. Warbixin 2) Guddiga Shuruucda, Caddaaladda, Arrimaha Diinta & Dastuurka. Warbixin 3)Guddiga Arrimaha Deegaanka iyo Kheyraadka Dabiiciga ah. Warbixin Warbixinnada ayaa ku saabsanaa kormeerro iyo xog ururin ay Guddiyadu ku soo sameeyeen hay’addaha Dawliga ah ee ay korjoogtada ku leeyihiin. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelintaGolaha Wakiillada Dawladda Puntland

Fadhiga 4-aad ee Kalfadhiga 51-aad Golaha Wakiillada ( Warbixinta Guddiyadda) ( SAWIRO/MUUQAAL) Read More »

Fadhiga 2-aad ee Kalfadhiga 51-aad ee Golaha Wakiillada ( SAWIRO)

Garoowe: 26,October 2022: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane, Cabdirashid Yuusuf Jibriil oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan & Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta shir-Guddoomiyey fadhiga 2-aad ee Kalfadhiga 51-aad ee Golaha Wakiillada DPL. Fadhiga maanta oo ay soo xaadireen 46 Mudane ayaa lagu ansixiyey Ajandaha Rasmiga ah ee Kal-fadhiga 51-aad mudda uu socdo, sida uu qabo Qodobka 42-aad farqadiisa 4-aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada, waxaana kala hormarinta Ajandaha Mudanyaasha u soo Gudbindoona Guddoonka Golaha Wakiillada maalinta berri oo ku beegan 27. 10.2022 haddii Alle Idmo. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelintaGolaha Wakiillada Dawladda Puntland

Fadhiga 2-aad ee Kalfadhiga 51-aad ee Golaha Wakiillada ( SAWIRO) Read More »

Furitaanka Kalfadhiga 51-aad ee Golaha Wakiillada ( SAWIRO)

Garoowe, 25,October, 2022: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa Khudbad ka jeediyay Furitaanka Kalfadhiga 51-aad ee Golaha Wakiillada DPL kaas oo uu si rasmi ah u furay Madaxweynaha DPL Siciid Cabdullahi Denni sida uu qabo qodobka 80-aad farqadiisa 12-aad ee Dastuurka DPL. Furitaanka Kal-fadhiga 51-aad waxaa ka qeyb galay Madaxweyne Ku-xigeenka DPL Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan, Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame, Xildhibaanada Golaha Wakiillada Puntland, Wasiiro, Taliyaha Ciidanka Booliska, Guddomiyaha Gobolka Nugaal, Duqa Garoowe, Guddoomiyaha Difaacaha Xuquuqda Aadanaha, Xubno ka socday Ururada Bulshada, Ururada Siyaasada iyo marti sharaf kale. Guddoomiyaha oo bogaadiyey Dhismaha Dekadda Garacad iyo Wadooyinka isku xira Gobolada ayaa yiri ‘’Horumarka iyo dhaqaaluhu wuxuu ku xiran yahay hirgelinta kaabayaasha dhaqaalaha, waxaan soo dhoweynayaa oo bogaadinayaa waddooyinka cusub ee la dhisay, kuwa dayactirka lagu sameeyey, kuwa socda iyo kuwa inoo qorshaysan. Sidoo kale waxaan u-mahadcelinayaa cid kasta oo ka qayb qaadatay hirgelinta Dekedda Garacad oo 22 Ocobober xadhiga laga jaray, waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa guddigii dhismaha Dekedda Garacad oo lafdhabar u ahaa dhismeheeda iyo cidkasta oo maalgashatay. Dhinaca kalena, Madaxweynaha Dawladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullahi Denni ayaa khudbad Dastuuri ah ka jeediyey Furitaanka Kalfadhiga 51-aad ee Golaha Wakiillada DPL isaga oo ka hadlay guud ahaan xaaladaha dalka ee Amniga, dhaqaalaha iyo arrimo kale. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelintaGolaha Wakiillada Dawladda Puntland

Furitaanka Kalfadhiga 51-aad ee Golaha Wakiillada ( SAWIRO) Read More »

Guddiga Arrimaha Gudaha Golaha Wakiillada ayaa warbixin ka dhageystay Guddiga Doorashooyinka TPEC (SAWIRO)

Garoowe: 22,October, 2022: Guddiga, Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dimuqraadiyadda Golaha Wakiillada DPL ayaa maanta xarunta Golaha Wakiillada DPL ku qaabilay Guddiga KMG ee Doorashada Puntland oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Guddiga iyo ku xigeenkiisa. Guddiga ayaa warbixin ku saabsan waxqabadkoodii muddadii la soo dhaafay, caqabadaha shaqo ee jira iyo Qorshayaasha u degsan ka dhegeystay Guddiga Doorashada. Ugu dambeyntii, Guddiga Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dimuqraadiyadda Golaha Wakiillada ayaa Guddiga KMG ee Doorashada uga mahadceliyey shaqada baaxadda leh ee ay u hayaan shacabka reer Puntland doorashada. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Guddiga Arrimaha Gudaha Golaha Wakiillada ayaa warbixin ka dhageystay Guddiga Doorashooyinka TPEC (SAWIRO) Read More »

Scroll to Top